SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

DFKMG oo Shirka Istanbul ka sheegtay in Badda Soomaaliya aysan hore u cabbirnayn

  • SomaliTalk.com | May 22, 2010

Arrintaasi waxay meel ka dhac ku tahay Xeerkii u deganaa Soomaaliya XEER # 37 (1972): oo ah Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya…

Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa shirka Istanbul ku soo bandhigay qoraal ay ku jiraan erayadan:

“Somalıa has the longest coastlıne ın continental Afrıca (3333) km and therefore a very important Economic Exclusive Zone (EEZ) that has not been formally declared ın accordance with the Law of Sea Convention.

Waxaa muhiim ah in Shacabka Soomaaliyeed ay hadalkaas u fiirsadaan: Wasiirku wuxuu yiri: “Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3333) km, sidaas daraadeed waxay leedahay aag ganacsi oo aad muhiim ugu ah” laakiin aan cabirnayn (Waa Aagga Ganacsiga badaha ee loo yaqaan Exclusive Zone (EEZ)) – Wasiirku waxa uu hadalka ku xoojiyey “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.”

Wasiirku marka uu hadalkaas dhehayey kama uusan hadlayn arrinta in dhaweyd qaraamadda Midoobaay ka socotey ee ahayd kordhinta aagga EEZ ee dalalka xeebaha leh, balse waxa uu yiri “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka”. Hadalkaas qoraalka ah ee wasiirku waxa uu si toos ah uga hor imanayaa XEER # 37 (1972): oo ah Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya ee lambarkiisu yahay 37 ee ka soo baxay Mogadishu, September 10, 1972: Eeg Halkan: http://www.un.org/Depts/los/.


Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

Qoraalka Wasiirku markii uu arrintaas ka hadlayey waxa uu xusay kalluumaysiga oo uu xusay in Soomaaliya aysan lahayn xeer Kalluumaysi. Laakiin waxa uu wasiirku iloysan yahay XEERKA # 23: oo ah  xeerka Kalluumaysiga Soomaaliya Law N° 23 ee 30 November 1985: Eeg: http://somalitalk.com/2009/may/13/law23.html

Xukuumadda Federaalka iyo maamulada kale ee Soomaaliya ee jooga shirka istanbul waxaa la gudboon inta aysan shirka ka tebin in ay caalamka u caddeeeyo in Soomaaliya leedahay xeer u deggan ee xagga AAGGA GANACSIGA BADDA (EEZ) oo hore noogu calaamadsanaa 200 mayl badeed, haddana ay Soomaaliya xaq u leedahay in ay kordhisato oo ka dhigato ilaa 350 nmi (648 km) adduunkuna uu sidaas aqbalo, lana xaq dhawro xornimada dhulka iyo dhul-badeedka Soomaaliyeed.

DFKMG ayaa hore isugu dayday in ay muran geliso badda Soomaaliya, arrintaas oo si wadajir ah ay uga hor yimaadeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya ilaa markii dambe ay qaramada midoobay aqbaleen xeerkii baarlamaanku ku diidey heshiis loogu magac daray Is-Afgarad oo Soomaalidu ku waayi lahayd 116,000 km2 oo dhul badeed ah. Arrintaas ayey u muuqataa xukuumadda Federaalka ee Sheikh Shariif  in aysan ka samrin oo ay doonayso in si xeeladaysan ay dhul badeedka Soomaaliyeed u geliso muran, markale, mar haddii ay shir caalami ah hadda ku soo bandhigeen in  ”Aagga Ganacsiga ee Badda Soomaaliya ( EEZ) aan loo cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.” (Nin dalkii uu masuulka ka ahaa baylah gelinaya yaa ka ilaalinaya).

Baarlamaanka Soomaaliyeed oo hore uga hor tegey isku daygii in la cabirto qaar kamid ah badda Soomaaliya, waxaa hadda la gudboon in ay arrinta ka dhacday Istanbul ay ka hor tagaan, kulana xisaabtamaan………

Arrintan in shirka Istanbul la doonayo in si cilmiyaysan taariikhda loo geliyo in badda Soomaaliya aysan wax cabir ah hore u lahayn, ka akhri Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Dhul-Badeedka Soomaaliya uusan lahayn xad cabiran – Arrintaas oo la mid ah tii ay shacabku ka dhiidhiyeen.

Qoraalka Wasiirka ee lagu soo bandhigay Shirka: Ka daalaco halkan: http://somalitalkradio.com/2010/may/fishery.pdf


Qarammada Midoobay oo ka jawaabi la' go'aankii Walada Cabdalla ku taageeray Xil ka qaadistii Cumar C/rashiid: Daawo Video


May 18, 2010: Mr. Lee (midig) oo ka socda Inner City Press oo su'aalo weydiiyey Martin Nesirky (bidix) oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, su'aalahaas oo ku saabsan Walad Cabdalla oo Sheikh Shariif ku taageeray casilaadii Cumar C/rashiid, taan oo UN ay ka jawaabi la'adahay, iyo 300 xildhibaan oo dalbaday in Walad Cabdalla la casilo oo UN aysan dheg u jalaq siin: Daawo Video

Sidoo kale Akhri: On Somalia, UN Ban's Ould Abdallah "Takes All the Money," Bumbles in Politics

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: