SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Wasiirka Jaaliyadaha ee DFKMG  oo la yaab ku tilmaamay Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya, sheegayna in uu aad uga xunyahay, kana soo horjeedo...

C/laahi Axmed Cabdulle (Azhar) "...ninkastaaba in.... heshiiskuu doono galo oo meeshuu doono la aado ma aha.."

"...Golaha wasiiradu xataa haddii ay ansixiyaan, waxaa dhiman golayaashii kale oo ah golahii Baarlamaanka iyo saxiixii madaxweynaha..."

"Sideedaba annagu kumeelgaar baan nahay. Kumeelgaar heshiisyada qaarkood maba geli kadhaba..."


SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | April 19, 2009

  • Waraysiga Qaybta ku saabsan Heshiiska Dhagayso ama Soo rogo ama hoos ka akhri:

Su'aal: Mudane wasiir heshiiska badda ee Kenya lala galay sidee markii ugu horaysay u maqashay?

Jawaab: Wallaahi wax la yaab leh weeye, waan maqlayaa sida dadwaynaha dibadda ama gudaha ku nool u maqleen ayaan u maqlay, waxaan isku dayay inaan xiriir la yeesho dawladdii iyo ra'iisul wasaarahii iyo wasiiradii, golahii wasiirada, weli wax dheeraad ah oo aan halkaan ka sheego ma hayo. Sida loo maqlaayo ayaan u maqlaayaa, waana wax laha xumaado, waana arkay shucuurta dadka in ay ka xun yihiin, aana la qaadan karin, aysana suurtagal ahayan, qof Soomaali ahna aysan ka suurtoobi karin, sidaas si la mid ah ayaan anna uga xumahay dadkana la qaybsanayaa Dhibic ka mid ah badeena iyo dalkeena oo ay la wareegaan dad kale iyo quruumo kale.

Su'aal: Mudane wasiir xuduudda badda Somaliya iyo Kenya mala qabtaa inaysan kala calaamadsanayn Wasiir C/shakuur siduu sheegay?


Wasiir C/laahi Axmed Cabdulle iyo Dalboon. Minneapolis, Apr 18, 2009

Jawaab: Horta sideedaba waxaa jira Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya wax badan baa u dhaxeeya, waxaa u dhexeeyey wixii sharci ahaa oo u qornaa baan ka qabaa. Wax hadda meeshaan lagu soo koobi karo ama bad ha ahaadeen ama berri ha ahaadeen, wax weyn baa u dhexeeya oo waqtiyadan xaadirka ah aan laga hadli karin. Sideedaba annagu kumeelgaar baan nahay. Kumeelgaar heshiisyada qaarkood maba geli kadhaba, waxaaweeye waxaan diyaarinaynaa dawladdii Soomaaliyeed ee runta ahayd, ee shuruucdii diyaarin lahayd,... shuruucdii hirgalin lahayd, heshiisyadii geli lahayd. Dastuurkii ayaan diyaarinaynaa, maamulkii baan diyaarinaynaa, xisbiyadii baan diyaarinaynaa, waxaas ayaan diyaarinaynaa ee annagu ma aha in aanu hawshaan oo kale in aan waqtigaan geli karno, mandate umaba haysano (mandate = awoodda iyo waajibaadka dawladda ka saaran dadkii doortay fulinta waajibaadkooda).

Su'aal: mudane sharciga Qarammada midoobay ee dhigaya in qalfoofka (qaaradda) badda (cabirkooda) la kordhiyo ama Qarammada Midoobay ay doonayso in loo gudbiyo, marka Dawladda Federaalka waxay sheegtay xogta in aan la aqbalayn hadii aan heshiis lala galin dowlada dariska la ah, sida Kenya, arrintaasi ma saxbaa?

Jawaab: Sideedaba annagu siyaasadda waa in aan jeexnaa, wixii teknika (farsasmo) ahna waa in expert (khubaro) loo saaraa.Waxaa weeye waxyaalahaas annagu ma geli karno wax heshiis ah oo waxaan daruuri ahayn oo laga maarmin markaas ee hadda ha-la-i taabsiiyo ah. Annagu kumeel gaar ayaan nahay waa in aan ku ekaanaa, haddii ay dantu kabadin weydona waa in aan si sharci ah oo waafaqsan shuruucda adduunka qaabilsan waa in aan u wajahnaa, ee ninkastaaba in wuxuu doono ku hadlo oo wuxuu doono sheego oo heshiiskuu doono galo oo meeshuu doono la aado ma aha. Xataa haddii wax (heshiis) la gelaayo waxaa weeye in golayaashaa la mariyaa, golayaashu waa in ay saxiixaan, oo ay ka wada hadlaan, oo ay pass-gareeyaan (ansixiyaan), madaxweynuhuna saxiixaa.

Su'aal: Mudane sida adiguba carrabka aad ku dhuftay, sharci yaqaano badan oo Soomaaliyeed waxay tilmaamayaan in aad muran galiseen badda Soomaaliya arintaas sidee uga jawaabaysaa, maxaad ku qancinaysaa qurba joogta maadaama adiga aad tahay wasiirka qaabilsan Soomaalida qurbaha ku nool oo aad u xanaaqsan , maxaad jeceshahay adigoo fursadan ka faa'iidaysanaya in aad ku qancisid?

Jawaab: Sideedaba sidaan hore kuugu sheegay hawshaan "in details" (si faahfaahsan) si fiican ugama war hayo, dibadda ayaan ku maqnaa, aad ulama socdo waana isku dayay inaan helo jawaabta rasmiga ah, MANA HELIN ilaa marakan, waana ka soo horjeedaa Totally (gebi ahaan), wax la soo qaadi karona ma aha, wax aanu anagu mandate u haysano oo Dawladda Kumeelgaarka ah samayn kartona ma aha, wax nin keliya iyo shakhsi keliya iyo koox ay ku dhawaaqi karaan ma aha. Golaha wasiiradu xataa haddii ay pass-gareeyaan (ansixiyaan) waxaa dhiman golayaashii kale oo ah golahii Baarlamaanka iyo saxiixii madaxweynaha, iyo wax la mid ah, umana haysano mandate waqtigan xaadirka ah, waxaa weeye waa wax dambe oo Soomaali u yaalla.

Waraysigaas waxaa qaaday : Ustaad Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com, Minneapolis, Minnesota

Mudaharaad Looga soo Horjeedo Heshiiska Kenya lagu qabtay London...

Qaar kamid jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada London, UK ayaa Sabtidii mudaharaad ku dhigay magaalada London ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan heshiiska (is-afgarad) ee Kenya iyo Soomaaliya ee muranka la gelanyo badda Soomaaliya.

Waxay dadkii mudaharaadka dhigay sidteen tabeelayaal ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin: Kenya Jooji xadgudubka aad ku haysid xeebtayada iyo baddayada, Kenya faraha kala bax badahayaga, Kenya waa in ay xushmaysaa dhul-badeedka Soomaaliya, Diidnaye ogow dalkayaga ninkii doonaayayow.


Sawirada mudaharaadka waxaa soo tabiyay
Abdullahi Ali Hiirad
Hogaanka Siyaasada iyo Xiriirka Dadweynaha
www.somaliyouth.net
info@somaliyouth.net

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

jasiiradKenya iyo Uganda oo ku Muransan Jasiirad Ka Tirsan Harada Victoria
Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay muran galisay dhul-badeedkeedii Akhri

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: