SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya

Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG

  • SomaliTalk.com London, Unted Kingdom

Maalintii Sabtiga ahayd taariikhduna ku beegnayd 11kii Abrill 2009ka ayaa waxaa kulan ballaaran ka dhacay magaalada London. Kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaa ka soo qayb galay oo marti ku ahaa Wasiirkii koowaad ee hore ee DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ergayga gaarka ah oo xoghayaha Qaramada Midooday u qaabilsan Soomaaliya Axmed Wallad Cabdalla iyo wakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingisiiska.


Axmed Walad Cabdalla

Inta aan makarafoonka shirka lagu soo dhoweyn marti sharafta ayaa waxaa hadlay odayaal iyo waxgarad badan oo Soomaali ah. Waxa ay dhamaantood amaan aan kala reeb lahayn u soo jeedinayeen Ahmed Wallah Cabdalla iyo Nuur Cadde oo ay ku amaanayeen dadaalka ay u galeen dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxayna ku tirtirsiinayeen in ayna ka caajisin oo ay sii wadaan dadaalkooda. Dadka hadlay dhamaantood kuma jirin qof soo hadal qaaday heshiiska (is-afgarad) ee muranka badan dhaliyey oo ku saabdanaa xadka badda Soomaaliya iyo Kenya oo dowladda kumeelgaarka ah ay lagashay dalka Kenya. Daraasad ay samaysay shabakada Somalitalk ayaa waxaa ka muuqday in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay damacdsanyihiin in ay dhul badeedka Soomaaliya qaar sheegtaan, maadaama aanay jirin dowlad sifiican u shaqaynayasa oo difaaci karta badda baaxadda weyn ee Soomaaliya. 

Hadalladdii markii ay cabbaar socdeen ayaa nin oday ah oo ay qiiro ka muuqatay istaagay asaga oo qabanqaabiyayaashii shirka ka codsaday in la siiyo waqti yar oo uu uga hadlo arrin muhiim ah. Ninkii waxaa lagu wareejiyey makarafoonka, waxa uuna sheegay in sababta istaajisay ay tahay in aan illaa hadda qofna ka hadlin badda Soomaaliya oo la dhacayo. Asaga oo markaa si toos ah ula hadlaya Axmed Wallad Cabdalla ayuu weydiiyey waxa uu wax uga qaban waayey arrinkan maadaama uu Qarammada Midoobay wakiil u yahay. Dadkii shirka ka soo qaybgalay qaar badan oo kamid ah ayaa si qiiro leh usoo dhaweeyey hadalka ninkan odayga ah sacab iyo sawaxanna isku daray.

Waxyar ka bacdi ayaa waxaa macrafoonka la siiyey Axmed Walad Cabdalla oo markii uu hadalka waqti dheer waday u jeeday ninkii odayga ahaa oo istaagay oo dhanka musqulaha u dhaqaaqay. Wallad Cabdalla waxa uu sitoos ah ula hadlay ninka odaga ahaa oo ka shanqariyey arinka badda Soomaaliya, waxa uuna ku yiri "ha tagin inta aanan ka jawaabin hadalka aad keentay". Dad badan oo meesha fadhiyey ayaa u qaatay in wakiilka gaarka ah uu macluumaad ka hayo heshiiska. Wallad Cabdalla oo u muuqday nin aan wax badan kala socon arrinka heshiiska ama aan rabin in uu u waramo dadka Soomaaliyeed ayaa u sheegay dadkii meesha joogay in uu heshiiskan maqlay asaga oo Washington jooga. Waxa kale oo uu sheegay in uu Sheikh Shariif yahay nin wanaagsan oo aan dhul iyo bad Soomaaliyeed bixinayn, Kenyana ayna rabin dhul Soomaaliyeed.

Dad badan oo meesha fadhiyey ayaa la yaabay jawaabta wakiilka gaarka ah sababtoo ah fiicnaanta Sh.Shariif ma ahayn su'aashii la waydiiyay ee waxa ay ahayd in laga hadlo heshiis ama is-afgarad guracan oo xubno ka tirsan DFKMG iyagoo magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya huwan la galeen dalka Kenya. Arrinka ah Kenya dhul Soomaaliyeed ma rabto waxaa ka hor imaanaya dhulka badda ay Soomaaliya leedahay oo Kenya maabkeeda ku qoratay oo ay ka dhigtay mid lagu muran sanyahay. Waxa aad mooddaa in wakiilka gaarka ah ee Qarammada Midoobay uuna arinkan la socon ama in uu rabo in uu dadka hoosaasiyo. Dadka Soomaaliyeed ayeyse u taallaa sida ay ka yeelayaan arrinka sababtoo ah waxa uu khuseeyaa baddooda.

Laakiin, hadalka Walad Cabdalla waxaa burinaya warbixintii aan hore u daabacnay oo uu ka mid ahaa hadalkan: Qof war gal ah ayaa Inner City Press waxa uu u sheegay "Axmed Walad Cabdalla ayaa arrinta bilaabay... Qarammada Midoobay waxay Soomaaliya weydiisay in ay waraaqaha keento, islamarkaasna ergeyga gaarka ee UN, Walad, ayaa diyaariyay waraaqaha ay Soomaaliya keeneyso... maxaa waqti loo dhuminayaa, waa in UN-ta iyo Walad Cabdalla ay arrinta oo dhan maareeyaan halkii si khaldan loo adeegsan lahaa caaqiladii waagii gumeysiga sida Dawladda Federaalka Kumeelgaarka."

Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG


Cali Axmed Jaamac Jangali oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda  hadda, (ahaana jirey Wasiirkii Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumaddii hore ee Nuur Cadde) ayaa la sawiran wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula, sida ay daabacday Capital News, laakiin warka meelna kagama xusna sababta sawirkiisa warka loogu daray Akhri CapitalNews

Qoraal ay Arbacadii April 22, 2009 faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya, oo soo xiganayey wasaaraadda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa markale si qayaxan u sheegay arrinta laga dheehanayo waxa ay la damacsan yihiin Soomaaliya.

War ay faafisay CAPITAL NEWS (Nairobi) ayaa sheegay in "Kenya ay sheegtay in beeninayso hadalada siyaasiyiin Soomaaliyeed oo sheegay in Kenya ay doonayso in ay dhul Soomaaliyeed ku qaadato heshiis badeed ay la gashay Soomaaliya."

Laakiin waxaa durbadiiba hadalkaas burinaya, in warku uu sheegay hadal oranaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya qoraal ay soo saartay ay ku sheegtay sidan:

"Heshiiska is-fahamku ma aha mid samaynaya xaduud badeeda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya; waxa keliya oo heshiiskaas is-fgarad uu arrinta xadaynta badda dib ugu dhigayaa mustaqbalka marka ay Soomaaliya la xaajoon karto Kenya."

Warku waxa uu intaas ku daray in Paul Ndungu, oo gacan yare u ah Xoghaynta Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Kenya Thuita Mwangi, oo sharaxaad ka bixinayey heshiiska ayaa yiri is-afgaradkaasi waxa uu labada dal (Kenya/Somalia) u ansixinayaa in aan midba kan kale diidmo ka hor geyn marka ay akhbaarta la xiriirta cabbirka badahooda u gudbisanayaan Qarammada Midoobay: (No-Objection = Diidmo la'aan).

Arrinta siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka hadlayaan waa taas. Maadaama badda Soomaaliyeed muran la geliyey, isla markaasna aan Soomaalidu diidi karin ama ka hor iman karin akhbaarta xadka badda ee Kenya u gudbisay ama u gudbinayso Qarammada  Midoobay. Tabcada Soomaalida lala doonayo ayaa ah in la yiraahdo baddiina muran ayaa ku jira ee aqbala mar dambe in aan ka wada hadallo.

Su'aasha ay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan ayaa ah: maxaa DFKMG ku kallifaya in ay ku adkaysato heshiis is afgarad oo loo jeedo in Soomaaliya baddeeda lagu muran sanyahay.


"There have been concerns about the Kenya-Somalia border with former administrations in Mogadishu demanding chunks of Northern Kenya as part of Greater Somalia."
www.eastandard.net (April 22, 2009)


Wargeyska Standard ee ka soo baxa Nairobi oo Arbacadii ka hadlay Jasiiradda muranka ka dhex dhalisay Kenya iyo Uganda ayaa sidoo kale xusay in "walaac ka jiro Xadka Kenya-Soomaaliya maadaama maamuladdii hore ee Muqdisho ay dalbanayeen qayb ka mid ah Gobolka Waqooyi bari Kenya ay ka tirsan tahay Soomaali wayn", waa sida warku u dhigay'e.

Sidoo kale akhri: "Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"

Isha: Capital News..

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: