SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Shirkii Muqdisho ujeedadiisu waxay ahayd in Badda Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Jaamac Cali Jaamac..


Siyaasiga Jaamac Cali Jaamac oo Kashifey Sir ku Hoos Duugan Shirkii Xerada Xalane ..

Dhawaan waxaa Xeradii hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shir Socdey Muddo Saddex Maalmood ah kaas ay Qaramada Midoobey ugu Magacdartey Shirka wada Tashiga Soomaaliyeed waxaana ka soo baxay Go’aamo ku aadan Dowlad Wanaaga, Amaanka, Dib u heshisiinta iyo Dastuurka kuwaas oo lagu tilmaamey mid aan waqtigaan loo joogin.

Shirkaas ayaa waxaa la dhihi karaa inta badan dadka Somaaliyeed waa ka soo horjeesteen iyagoo sheegey in Soomali aysan u dhameyn islamarkaana shirkaas dadka Soomaaliyeed uma Madaxbanaaneyn hase yeshee Siyaasiga lagu magacaabo Jaamac Cali Jaamac ayaa ka dhawaajiyey oo daboolka ka qaadey mar uu u waramayey Idaacadda Al-Furqaan Sir ku hoos Duugan Shirkii Wadatshiga Soomaaliyeed , isagoo sheegey in Sirtaas ay tahay mid wax u dhimeysa Madaxbanaadida Ummada Soomaaliyeed.

Jaamac Cali Jamac oo Mar Madax ka soo noqdey Maamulka Puntland ayaa sheegey in Dowlado uusan Carabaabin ay shirkaas Gadaalka ka riixayaan si ay u fushadaan danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya , isagoo sheegey in 12 Toban Bilood kadib la doonayo in Soomaaliya laga dhiso Dowlada aan ku meel gaar ahayn si loo amaba qaado ama lagu xalaaleysto Xuduudaha Soomaaliya sida Badda iyo dhulka maadaama hore loogu qabsadey Dowlada hadda jirta in Heshiisyadii hore ay yihiin kuwo aan sharciyeysneyn maadaama Dowlada Somaaliya ay tahay Dowlad Ku meel gaar ah.

Halkan kadhegeyso Codkii Jaamac Cali Jaamac (Idaacada Al-Furqaan)

“Waxaa la doonayaa in la soo nooleeyo Heshiis Beeneedyadii ay Dowladda ku meel gaarka ay la gashey qaar ka mid a Dowladaha Shisheeye marka ay ka baxdo ku meel gaar waxana heshiiskaas ka mid ah kii Dowladda hadda Jirta ee ku meel gaarka ah Kenya ku siisey qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed sidoo kale waxaa la doonayaa in Dowladaha Kenya iyo Itoobiya loo Xalaaaleyo Dhulka Soomaaliyeed waxaana heshiiskaan aan ku tilmaami karaa mid khatar ku ah Jiritaanka Ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri Jaamaca Cali Jaamac intii uu ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland u Deegaankaas Dagaal kula galey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf.oo isna Xiligaas uu ahaa Madaxweynaha Puntland

Jaamac Cali Jaamac
Jaamac Cali Jaamac oo shirkii Muqdisho ku tilmaamay mid lagu doonayey in badda Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya

“Shirka Maqaamkiisa oo uu Sharaf ku lahaa in Xarunta Shacabka lagu qabto maadama ay tahay Xarun ay leeyhiim Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa shirlkaas loola Cararey meel aysan Soomaali haysan taas baa ku Xaqiijineysa in shirka dano gaar ah laga lahaa kuwii ka qaybgaleyna waa kuwihi hore u bxiyey Badda Soomaaliyeed iyagooo ku meel gaar ah marka maxaa ka fileysaa haddi ay ku meelgaar ka baxaan waxa ay la imaan doonaan”ayuu yi Jaamca Cali Jaamac

Jaamac Cali Jaamac wuxuu sheegey in Afar iyo Toban maalmood wajiga labaad lagu qaba doono Magaalada Garoowe wuxuuna ugu baaqey Shacabka Puntland in ay ka digtoonaadaan Shirqoolada lala Maagan yahay Ummadda Soomaaliyeed haddii kale waxaa idiin raaci doona Taariikh Xumo oo ay Ummada Soomaaliyeed Mahadho ku noqota maadaama Ummada Soomaaliyeed inteeda badan ay ka soo horjeesteen Shirkii lagu qabtay Xeradda Xalane.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2011

Cawed Axmed Cashara : Nimankii Saxiixay Heshiiskii Badda Somalia Waxay Taariikhda Ka Geli Doonaan Baal Madow

Waraysi Bashiir Sheikh: Baarlamaanka Soomaaliya waa in uu soo saaro xeer ay ku cadaynayaan in badda Soomaaliya cabirkeedu yahay 350 mayl-badeed

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: