SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Raiisul Wasaare Farmaajo oo looga digey in uu dib u soo nooleeyo Heshiiskii Badda ee Fashilmey

Midowga Yurub oo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya  ku Cadaadinayo in la Ansaxiyo Dawladda Farmaajo

  • SomaliTalk.com | November 25, 2010

Wareegga Labaad ee Difaaca Badda Soomaaliya

Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagu qal qaalinayo in uu dib u soo nooleeyo Heshiiskii Badda ee Kol Hore ay Fashiliyeen Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaana qorshahaan wada qaar ka mid  Dowladihii sida aadka ah u daneynayey dhaqan galka heshiis beenaadkaas oo ay si aad ah uga caroodeen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudaha. Waxaana aqoonyahano Soomaaliyeed ay sheegeen in sababaha Raiisul Wasaare Farmaajo loo magacaabey ay tahay in wax badan oo ku saabsan danaha reer Galbeedka laga fushado dalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan xagga Badda.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa la yaaban in Raiisul Wasaare aan weli la ansixin (xukuumaddiisa) in uu ku deg dego dib u soo nooleynya heshiiskii Fashilmey ee arrimaha Badda iyadoo la ogyahay in xitaa Qaramada Midoobey ay heshiiskaas ku tilmaaney mid aan soconeyn islamarkaan uu yahay mid ay fashiliyeen Golaha Baarlamaan Soomaaliya.

Sida ay wersey Idaacadda Alfurqaan ee ka hadasha magaalada Muqdisho waxaa jira xiriiro hoose oo la doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiskaas fashilmay, xiriirkaas oo u dhexeeya Raiisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid wadamada Yurub iyo Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dowlada Kenya oo qayb ka ahayd Heshiiskaa oo iyadu aad u dooneysey in uu dhaqan galo Heshiiskaas.

Xiriiradaas oo la sheegay in la doonayo in lagu hubiyo Dhulbaddeed ay Kenya sheegtey in uu kaga maqan Badda Soomaaliya.

FarmaajoCabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo u waramayey Idaacada Alfurqaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in uu jiro heshiis hoose oo u dhaxeeya Raiisl Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub kuwaas oo doonaya  in la soo nooleyo Heshiiskii fashilmey ee arrimaha Badda Soomaaliya oo uu sheegey in la doonayo in lagu boobo Dhul Badeed Xiga Dhinaca Badda Kenya oo uu ka buuxo Khayraad Fara badan oo uu ugu horeeyo Shidaal.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegey in Cidda dooneysa in ay boobto Baddaas uu ka buuxo Khayraadka aysan ahayn Dowladda Kenya balse wuxuu sheegey in Magaca Kenya lagu qaraabanayo isagoo sheegey in ay wadaan Qaar ka mid Dowladaha reer Yurub wuxuu sheegy in heshiisyada ku dhisan Khiyaanooyin in inta  badan lala fiirsdo marka ay cusub yihiin Madaxda iyadoo markii la Magacaabey  Raiisul Wasaarhii hore Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaarke heshiiskaas loo soo bandhigey waxana loo xilsaarey Wasiirkii Iskaashiga Caalamiga iyo Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo isagu ku doodey in Heshiisku uu yahay mid is afgarad. 

"Waxaan ku baaraaruni lahaa dadka Soomaaliyeed in barnaamijkaas maanta lagu bixinayo dhulka Soomaaliyeed , oo hadda ka horna dad Soomaaliyeed ayaa waxay joogeen markii dhulka Soomaalida la qaybsaneyey mana aysan dagaalamin, kuwii isticmaarkala dagaalamayeyna kuwo ayaa mija xaabinayey oo la dagaalameyy oo ka soo horjeedey, Seyid Maxamed Cabdulla xasan iyo dadkii kale oo la dagaalamey isticmaarka waxaa lugta jiidayey dadkale oo Soomaaliyeed oo iska dhigayey in ay culimi ama wadaniyiin yihiin, maantana halkii ayey taagan tahay oo taariikhdu dib ayey isusoo celisaa, maantana meeshii ayey taagan tahay, waxaana kula talin lahaa maantana yaan lugta la jiidin," ayuu yiri Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan u waramayey Alfurqaan

Waraysigaas HALKAN KA DHEGEYSO

Raiisul Wasaaraha wuxuu Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah u Magacaabey nin ay ka wada yimaadeen Cariga Mareykanka oo lagu magacaabo Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal Dalka Mareykanka, waana Tuhumada keeney in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda ee Fashilmey kal hore ka dib markii la marsiin waayey Golaha Barlamaanka. Hadaba ma laga yaabaa in mar kale dib loo soo cusbooniisiiyo heshiiskaas iyadoo laga faaiideysanyo ragga Cusub ee ku soo biirey Siyaasada Soomaaliya oo aan wax badan kala socon arrimaha Soomaaliya.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Madax u ah Gole Wasaiiro oo aan weli la ansixin ayaa waxaa ka soo horjeeda xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ah kuwa ay tahay in ay ansixiyaan, waxaana taas ku biiray Aqooyahanada Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda xukuumaddan  maadaama ay jiraan warar isasoo taraya oo tibaaxaya in ay jiraan xiriiro hoose oo u dhaxeeya Raiisul Wasaare Farmaajo iyo qaar ka mid Dowladaha reer Yurub, waxaana arrintani ku soo beegantay Xilli Midowga Yurub ay (November 24, 2010) soo saareen Warsaxaafadeed ku aadan Baaq loo jeedinayo Xildhibaanada baarlamaanka, si loo ansaxiyo Dowlada Raiisul Wasaare Farmaajo waxayna warsaxaafadoodkooda ku sheegeen in ay jiraan Tiro yar oo Xildhibaano oo ka soo horjeeda Raiisul Wasaaraha, warsaxafadeedkaas reer Yurub ka akhri HALKAN.(ama hoos).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

  • FG: Arrinta cusub ee dublomaasiga Soomaaliyeed ka hadlayo, waa qorshe cusub oo dhowaan soo ifbaxay oo la doonayo in lagu maja xaabiyo cabbirka badda Soomaaliyeed lahayd ee ahaa 200 mayl badeed in cabbirkaas lagu soo koobo 12 mayl - qorshahaas faahfaahintiisa kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Fadlan aragtdaada ku qor HALKAN (FG. Fadlan fikradaada ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

***

War-murtiyeed kasoo baxay madaxa ergada Midowga Yurub kuna saabsan xaaladda Siyaasadeed ee Muqdisho (24/11/2010)

Madaxa Ergada Midowga Yurub waxay aad u cambaaraynayaan kulankii baarlamaanka ee aan (loo dhammayn / aan dhamaystirmin) ee lagu qabtay Muqdisho 22kii November iyo dhacdooyinkii iyo hab-dhaqankii khatarta lahaa ee in yar oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka ee ka dhacay munaasabadaas.

Midowga Yurub wuxuu si cad ugu adkaynayaa haya'daha Federaalka kumeel gaarka ah in ay dhammeeyaan muraanka iyo khilaafka siyaasadeed ee hortaagan rajooyinka laga qabo kala guur naajaxa ah.

Madaxa Ergada Midowga Yurub waxay xusuusinayaan hogaanka haya'daha Federaalka kumeel gaarka labadooduba iyo sidoo kale xubnaha baarlamaanka inay ayagu si wadar ah u xambaasan yihiin masuuliyadda kala guurka ayagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed.

Iyadoo in ka yar toban bilood ka harsan tahay waqti kumeel gaarka ayaa hay'adaha Federaalka Kumeel gaarka laga doonayaa sida ugu dhaqsi badan in ay u wajahaan mudnaanta hawlaha horyaala, siiba soo celinta amniga, horumarinta geeddi socodka dib-u-heshiisiinta iyo howlaha ugu muhiimsan kala guurka oo ay ku jirta howlaha dastuurka.

Iyagoo wakiil ka ah qaar kamid ah kuwa ugu waaweyn deeqbixiyaasha Soomaaliya ayey Maxada Ergada Midowga Yurub xasuusinayaan hay'adaha Federaalka kumel gaarka in kaalmada Midowga Yurub ee hay'adaha Federaalka Kumeel gaarka ay si xoog leh ugu xiran tahay horumarka laga sameeyo howlahaas muhimka ah.

______________________
European Union Delegation to the Republic of Kenya
Somalia Operations Unit
P.O. Box 30475 00100 Nairobi
Tel: 254-20-2802104
Fax: 254-20-2710997
E-mail: somalia@ec.europa.eu

***

Faafin: SomaliTalk.com | November 25, 2010


Qoraalladii Wareeggii hore ee Ddifaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: