SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Dhambaal Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo ku saabsan Difaaca Dhul-badeedka Soomaaliya

"Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan ugu baaqayaa in ay soo saaraan xeer ay ku cadaynayaan in laga soo bilaabo 2009 in badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay 350 mayl-badeed (oo u dhiganta 648 kiilomiter), si sheekada 200 mayl ay usoo af-jaranto. Mana jirto wax arrintaas ka hor taagan baarlamaanka Soomaaliya."

DHAMBAAL.

Waxaan Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG Soomaaliyeed xasusinayaa dhaartii ay u mareen Ummadda Soomaaliyeed oo ay matalaan.

Waxaan kaloo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed xasuusinayaa qeybtii weyneed oo lama illaawaanka ahaayd oo aay ka qaateen heshiiskii Is-fahamka  (MOU) ee badda Soomaaliya oo ay dhinac u tuureen, arrintaas ay is hortaageen oo ay aad ugu farxeen UMMADDA SOOMAALIYEED.

Anigoon ka daaleynin codsiyaddi faraha badnaa  oo aan usoo jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa haddana mar kale waxaan  ka codsanayaa in ay soo saaraan xeer ay ku cadaynayaan in laga soo bilaabo 2009 in badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay 350 mayl-badeed (oo u dhiganta 648 kiilomiter), si sheekada 200 mayl ay usoo af-jaranto. Mana jirto wax arrintaas ka hor taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer oo aan  Xidhibaanada la socodsiinayaa in Qorshahaan loogu magac daray "Roadmap" uu  yahay mid 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  "EEZ" (Exculisive Economic Zone) ama "Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah".

Sidii aan horayba u  sheegay,  waxay rabaan in sharci cusub oo ku aadan EEZ Soomaalida lagu dhawaaqo kaas oo tirtiraayo Law No. 37 (1972).

Wasiirkii Kaluumeysiga ee xukuumaddii Farmaajo ayaa sharciga cusub ee la soo wado ku soo saxiixay London horaantii sanadkaan.

Horay ayaan ku caddeeyay qoraalladeydii hore oo aad hoos ka arki kartaan  in QORSHAHAAN GURRACAN loo raadsanayo madaxda Soomaaliyeed si aay khalkhal u galiyaan cabirka badda Soomaaliya.

Maantay rajada kaliya oo UMMADDA SOOMAALIYEED ay leeyihiin tii RABBI kasokow waa adinka oo ah XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED.

Arrintu maantay ma taagna Madaxweyne la doorto iyo R-Wasaare la ansixiyo oo Baarlamaanku labo dhinac u kala jabo.

Arrinta aad go-aanka ka gaareysaan adinkoo wada mideysan waxaay tahay  Batroolka badda Soomaaliya ku jira oo la rabo in loo gacangaliyo Dowladda Keenya ayadoo la rabo in lagu suuliyo xeerka badda Soomaaliyeed ee loo yaqaan (Law No. 37 oo ku saabsan DHUL-BADEEDKA Soomaaliya - Territorial Sea / Territorial Waters ee soo baxay 10kii September 1972) - oo ah xeer la loodin waayey - in madax Soomaaliyeed oo baa'bisa loo helo mooyee.

Maantay waxaan  wada arkeynaa  in la helay Madaxdaas oo hor-boodaya go'aamada loogu yeeray "Roadmap" oo la doonayo in laga ansixiyo DFKMG.

Go-aamadaas waxaa ka mid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  "EEZ" (Exculisive Economic Zone) ama "Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah", halkii laga soo xoojin lahaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee la sameeyey 1972 oo qeexayey xuduudda dhul-badeedka Soomaaliya oo xilligaas ahaa 200 nautical miles oo ah TERRITORIAL WATERS.

Ugu dambeentii waxaan xildhibaannada Baarlamaanka  ka codsanayaa in aaysan ansixin Qorshahaan Gurracan oo ay la wareegayaan Madaxdaan la adeegsanayo.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Tixraac qoraaladii hore:

Qoraaga Magaciisu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waana diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.

Faafin: SomaliTalk.com | September 11, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: