SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Shir aad u balaaran oo ay yeesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta DGPL iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland Qaarkood.

Waxaa (18-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida.

Shirkaa waxaa kaloo ka soo qayb galay qaar kamida Hogaamiye Dhaqameedyaa DGPL iyo Ganacsatada.


Culimadii oo shirkii fadhida

Gudigii loo xulay Gudiga Farsamada oo ku jira Shikoodii ugu Horeeyay

Hogaamiye Dhaqameedyada iyo Culimada Qaar kamida oo shirka Fadhiya
Shirkaa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta DGPL, waxaana looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa Dhaqan xumida, Daraagiska iyo intii xun ee ay diinta Islaamaka Xaraantinimaysay maadama ay Dadku yihiin Dad Islaama 100%.

Waxaa ugu horeentii uu ka Aqriyay Agaasimaha waaxda la dagaalanka Dhaqan xumada ee Wasaarada Diinta iyo Aqqaafta DGPL, Xusseen Jifo Jabsade, waraaq ay ku qoranyihiin sida ay u fidayso Xumaanta iyo Wasaarada sida ay ka rabto in ay Culimo Awdiinka, Hogaamiyo Dhaqameedka, Ganacsatada iyo Shacabka ay si wadajira uga shaqeeyaan.


Agaasimaha Waaxda Ladagaalanka Dhaqan xumada ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta

Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta DGPL Mudane Gamuute

Dr. Axmed oo ku hadlaaya Magaca Jaamacada

Gen. Cali Ismaaciil oo ku hadlaayay Magaca Aqoonyahanada DGPL

Kaddib waxaa madasha ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Mudane Gamuute oo sheegay hadafka Wasaarada. Waxaa isagana ka hadlay Dr. Axmed oo ku hadlaayay magaca Jaamacada oo timaamay in ay guul wayn tahay hadii lagala dagaalamaayo ummada inta Xun, ladagaalankaas oo loo baahan yahay ayna waajib nasaaran tahay.

Sheekh Cabdirisaaq oo ku hadlaaya Magaca Culimada Diinta DGPL

Sheekh Daahir oo ku hadlaaya Magaca Culimada DGPL

Suldaan Cabdisalaan oo ku hadlaaya Magaca Isimada DGPL

Waxaa iyagana ka hadlay Sheeq Daahir iyo Sheekh Cabdirisaaq oo ku hadlaayay Magaca Culomo Awdiinka oo ku tilmamay in ay Diiniyan tahay mid la isfaray hadii Dowladiina ay diyaar u tahay ay haboontahay in lala shaqeeyo laguna taageero Dhaqaale iyo Aqoon.

Waxaa iyagana ka hadlay Ganacsatada (oo uu magacooda ku hadlay Ciise), Hogaamiye Dhaqameedyada/Isimada (oo magacooda uu ku hadlay Suldaan Cabdisalaan.) iyo Aqoon yahanada (oo magacooda uu ku hadlay Gen. Cali Ismaaciil). Waxayna tilmaameen in loo baahan yahay in la helo Dad loo tababaro oo aan iyaga ka shaqeyn ama Isticmaalin inta la doonayo in la tirtiro ee Xun kuwaa oo ka shaqeeya sidii loola Dagaalami lahaa (dhaqan xumida).

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad Cali saalax

Ciise oo ku hadlaaya Magaca Ganacsatada

Ugaas Bashiir oo ka Ducaynaya Gabagabadii Shirka

Ugu dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta DGPL Barqad Cali Saalax oo ka hadlay muhiimada ay leedahay wadashaqeeynta Culimada iyo Wasaarada, markaana la heli karo Ummad ama Jiilal Dambe oo hagaaga.

Waxaa ugu dambeyntii la soo xulay Gudi ka kooban 8 Xubnood oo ah Gudi farsamo Gudigaa ayaa Shirkoodii ugu horeeye islamarkiiba ku yeeshay Hoolka Jaamacada.

Gabagabadiina waxaa duceeyey Ugaas Bashiir.

###


Safar aan hore loo sheegin oo Madaxweynah Dowlad Goboleedka Puntland uu ugu amba baxay Dalka Dibadiisa (April 18, 2005)
Boosaaso (18-04-2005): Waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso ka duulay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland DGPL Gen: Maxamed Muuse Xirsi (Cade). Safarkaan oo ah kii ugu horeeyey ee Madaxweynuhu ku tago Dalka dibadiisa intii la Doortay.Guji...

Waxaa isku soo dubaridey
C/fataax Jaamac | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

Maalinta Dhirta Adduunka oo laga Xusay Gobolada Puntland
Xaflado lagu qabtay Boosaaso iyo Galkacyo.. Guji Apr 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD