SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHOOYE
DGPL Ma C/laahi baa  Magacaabay mise Cade?.
Ilaahay baa Mahad dhamaanteed leh, Nabigiisana Nabad galyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaato.

Waxaa ka dhaca Aduunka hadii Xisbi ama Madaxwayne xunkun la wareego, si kastaba ha kuyimaadee waxaa dhacda ama laga fishaa inuu waji cusub oo isbadal maamul iyo madaxba layimaado, iyagoo aasaas uga dhigaya hadba xisbigaas ama madaxwaynahaas hadafka uu leeyahay/leeyihiin oo hiigsanayo/higsanayaan, waxaana markiiba soo ifbaxda ku dhaqaaqid waxay ku taamayeen oo umada u sheegi jireen,hadaba waxaan qormadeenaan gaaban ku faalayn doonaa, dowlada laga dhisay PL ma Col. C/laahi Yuusuf baa dhisay Mise Gen. Cade Muse?.


....hadii Gen. Cade badalay kursigii Madaxwaynihii hore ee Maxamed Cabdi Xaashi intii kalena sidoodii yihiin soo jugjug meeshaadii joog mahan?....


Su'aashaan waxaa is waydiinaya dad farabadan oo reer PL ah iyo kuwa aan ahaynba, waxaan kusoo qaadanay qormadeenii hore "Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade?." waxayna jawaabtii noqotay aan sugno waqtiga inagu soo aadan, hadaba waxaa lasoo gaaray in Gen. Cade inooga jawaabay su'aasheenii hore, su'aal kalena ka dhalatay jawaabtiisii.

Waxaa laga filayey Madaxwayne Cade ama habooneed inuu siduu noo sheegay wax kabadali doono PL oo dhan siiba dhinaca Maamulka oo dad uqalma keeni doono wax kasta ha ku qaadatee, wuxuuna aad u cambaareeyey Maamulkii hore sheegayna inuu jiro Musuq maasuq gaamuray, hadaba akhristow hadii Gen. Cade badalay kursigii Madaxwaynihii hore ee Maxamed Cabdi Xaashi intii kalena sidoodii yihiin soo jugjug meeshaadii joog mahan?,arintuse soo rati ku kacsi ma'ahan Khudbadii Madaxwaynaha?.

   Waxaa dhulka ku dhacay oo u burburay sidii qarihii hankii iyo rajadii ay ka qabeen Shacabka reer PL in Gen. Cade wax soo kor dhin doono, kadib markay arkeen wajiyo ay ka daaleen xiisana aysan uqabin Shacabka reer PL kana hor muuqday mudadii dheerayd ee 7 sanadood ahayd.


Madaxweyne Cadde

M/weynihii  hore Xaashi
abdullahi yusuf ahmed
Maxadweyne C/Lahi

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa sadex u kala qaaday Magacaabida Dowladan.

  • In Gen. Cade markii horeba uu naftiisa wax u raadinayey,iyo inuu maalin uun uu ka dhex muuqdo PL ee aysan wax fikira ku kala duwayn maamulkii hore, tiina markuu gaaray uu maqsuuday.
     
  • Inuu Qabiil ahaan wax u mucaaradayey iyo in reerkiisa maalin uun PL Madaxwayne ka noqdaan iyadiina uu gaaray, hadafkiisuna intaa ahaa.
     
  • Arinta sadexaad ayaa waxay leeyihiin Gen. Cade waa loo yeeriyey ee dowlada waxaa dhisay Col. C/laahi, kadib markay arkeen sida wax u dhaceen dabcana yaqaana labada odayba. 

Isku soo xooriyoo waxay u muuqataa in PL sadex sano oo mugdi hor ay siyaadsatay, wax isbadalayna aysan jirin marka laga reebo Maxamed Cabdi Xaashi, in kastoo rag Gen. Cade u cudur daarayaan oo leeyihiin hada guntigaa u qabsami waayey ee dibir buu lamaaganaa ragii hore, dhawaana dibuu wax u dhisi doonaa,hadalkaas wuxuu umuuqdaa qof inta indhaha qabsaday socday, masoo marin fursad uga qaalisanayd hada inuu dhiso maamul wanaagsan, dadkana horkeeno Madax qancisa,markaasaaba la is oran lahaa aan siino waqti waa maamul cusub, hada yaa waqti la siiyaa waa intaan horay usoo baranay " Nin seexday oo soo toosay waa kiisii".


..Waxaa laga rajaynayaa Gen. Cade:
1)NABADGALYADA 2)IN AY DIYAARIYAAN IN SHACABKU DOORTO CIDII UU DOONO....


Waxaa laga rajaynayaa Gen. Cade  iyo Maamulkii horeba inay laba arimood kaliya wax ka qabtaan, 1)NABADGALYADA 2)IN AY DIYAARIYAAN IN SHACABKU DOORTO CIDII UU DOONO, iyadoo ay ahayd inay doortaan cidii ay ku qancaan afar sano kahor laakiinse aysan dhicin maamulkii halkaas ka jiray aawadiis, hadii ay labadaas ku guulaystaan siiba nabadgalyada oo lama huraan ah waxaan oran karaa waa dadaaleen, haday ka siyaadiyaana waa arageeda, haday labadaasna gabaan dibaan ka oran doonaa wixii nala gudboon. 

Xasan Dhooye (Abuu Xafso)
dhooye@hotmail.com

» Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii M/wayne Cade | Dhooye

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2005

HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD