Riyood
S:kalmada IXTILAAB waxaa layidhaah daa wet-dreams ama jabeekii mar
kaaa d see xato ayaa riyoom ood isu arki shaa wad,taydu waa todobaad ka in
tiisa badan mana arko riyo marmar moo yee ??
J:dadka badankiis ma xasuustaan waxa ay ku riyoodaan. waxay u badan tahay
in aad riyooto oodan xasuusan. Arrintaan wax dhibaato ah oo ay caafimaad
ahaan leedahay ma maqal. una maleen maayo in ay jirto wax kaa jooginayo
riyada. mahadsanid.
Stroke
S: DHIIG KAR: Hooyaday oo waxaa jirta Dhiig kar qabta, laakiin
markay daawaduu Doctor ku usoo qoray qaadatay waxaa soo laabmay luguhii,
carabkiina wuu culusaaday oo hadalkii ayaa ku adkaaday (could it be a
stroke). Marka uu qofku noocaas noqdo maxaa laga qaban karaa? cunto gaar
ahse miyuu u baahan yahay? Mahadsanid Dr. Ibrahim:)
J: sida aad u sharaxday, waxay u egtahay Stroke. Laagiin inta badan
daawooyinka loo qaato hypertensionka ma keenaan Stroke. Sida aad la socoto
sababta aan u daaweeno hypertensionka waa in la celiyaa Stroke. marka waxaa
dhici karta in stroke ka yimid dhiij karka (hypertension) oo uusan la socon
daawada. Sida badan wax aan aheen physical therapy loogu tala kalay stroke
ma ahane wax kale lagama qaban karo. Hase ahaatee waa in la hubsadaa waxii
keenay si dib dembe mid labaad loo ciliyo. Daweeen arrintaa wax ka qabta waa
jiaan. Cuanada caadiaga ah oo caafimaadka leh ayaa haboon. Cunada wanaagsan
waxay ku xiran tahay qofka caafimaadkiisa iyo cudurada uu qabo. Waxaa haboon
haddii ay kuu suuroobayso in aad la tashatid dadka ku taqasusay cunada
(nutritionist). Mahadsanid.
cabsi AIDS afar sano ka bacdi
S: Dr. waan kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa
sida aad uga soo jawaabto su,aalaha.
su,aal?
Mudo haatan laga joogo afar sano ayaan u galmooday haweenay jirkeeda ka
ganacsata anigoon isticmaalin protection ama condom,ka bacdi aad ayaan uga
werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed ayuu qofku
isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.
ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo danbe oo
xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan.
aad baan u mahadsantahay
J: Cudurka AIDSka calaamado u gaar ah ma laha. Waxa aad isku
argayso waxay ku xirantahay sida uu dhibaato u garsiiyey difaaca jirkaaga.
dad waxaa jira positive noqday mudo hadda laga joogo 15 sano iyo wax ka
badan oo ilaa iyo hadda aan yeelan cudurka AIDSka. Waa jirtaa in markii uu
cudurkaani rasmi jirka wax u yeelo in ay kugu dhici karaan cuduro kale oo
inta badan la xiraara AIDSka.
Waayihii hore inta aanan daawooyin fiican loo heen cudurka AIDSKa waa
jirtaa dadku qaarkiis in ay sugi jiraan inta ay isku arkayaan calaamado
sheegaya in cudurkaani jiro. Laakiin hadda taasi talo fiican ma aha, sababta
oo ah qofku waa in uusan sugin inta dhibaato soo baxayso. Waxaan dadka
iskaga baqaya cudurkaan sidaada oo kale inta badan kula talinaa in la baaro.
sababta oo ah haddii la arko in aad qaadatay cudurkaan, waxaa hadda la
haayaan daawooyin fara badan oo si fiican dib ugu dhigi kara in uu cudurku
AIDS u gudbo.
Taa waxaan ola jeedaa in qofkasta oo baaristu sheegtay in uu qabo viruska
loo yaqaan HIV in uusan wali qabin AIDS. AIDS macnaheedu waxaa weeye
cudurkii ayaa dhibaato gaarsiiyey difaaca jirka oo keenay in ay dhalato
arrimo kale oo uusan jirka iska difaaci karin. hadaba waxaan ku talin lahaa
haddii aad iskaga baqeyso cudurkaan oo aadan wali is baarin, is baar. Haddii
aad noqoto negative oo aadan la kulmin qof aad ka baqayso in ay cudurkaan
qabto ilaa iyo afar sano, waxay u badan tahay in aadan cudurkaan qabin oo
aad ka wal washo oo kali ah sidii aadan mar horleh jirgaaka halis u galin
laheen. mahadsanid.
Lawga
Xanuun
S: dear Dr ibraahiim waxaan dareemaa marka aan u fariisto lugo is
gashiga oo ah labada lugood is dhaafsado oo lug kasta mida kale hoos galiyo
(oo la yiraahdo fadhiga murabbac afka carabiga )xanuun kaasoo oo ay i
xanuunayso lowga ama jilbaha marka maxaan sameeyaa ma lawgaa biyuhu ku
yaryihiin mise waa wax kale mase jiraan daawooyin
thanks
J: Lawga biyo kuma yaraadeen waligood. Waa jirtaa dadku markii ay
dhuqoobaan in ay gasho wax la yiraahdo Arthritis (ama rumatismo- somalida
dhihi jirtay). laakiin wax biyo ama arthritis ah oo inta badan lagu sheego
dadka 20 sano jira ma jirto. Waxay u badan tahay in aad u baahan tahay
exercise. mahadsanid.
Hawo
S: asalaamu alaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu Walaal waxaan
jeclaan lahaa waxa soboba Qalaylka jirka iyo waxaa u dawo ah? What cause Dry
skin and what is its Cure?
Jazaakalaahu khayran
J: inta badan waxay ku xiran tahay hawada. Haddii aad ku nooshahay
wadama qaboob, xilika Winter waxaa inta badan dhacda in humiditika ay soo u
dhacdo. Taa ayaa keenaysa in maqaarku lumiyo qoyaan badan. Laakiin waxay ku
xiran tahay oo kale qofka. Inta badan dadka qaba cudurada caadiga ah ee
maqaarka ku dhaca, markii uu maqaarka qalalo ayay cuduradu ad u dhibaan.
Inta badan dadka ku nool wadamada qaaboob way barteen oo waxay si joogta ah
u isticmaalaan lotion. Laakiin dadkeena ka yimid wadama tropics ah oo
humiditika had iyo jeer aad u badan tahay, ma naqaan in aan si joogta ah u
isticmaalno lotion. Inta badan waxaat arki qof markii uu qubaysto oo kali ah
isticmalaya oo aanan qubaysan mar ama labo ka badan asbuucii. Taas waxay
keenaysaa dry skin fara badan. mahadsanid.
dry skin
S: Illaahey hakaa ajarsiiyo dhamaan howsha aad dadkaaga u qabato.
Kadib markaan akhriyay su'aalaha ey dadku ku soo weydiiyeen ayaan waxaan
rabay inaan wax ka ogaado su'aal horay laguu weydiiyay oo ku saabsaneyd
AARYO ka imaneysa xubinta taranka ee dumarka. Xaaskeygu wey qabtay arintaa
oo kale laakiin hada wey ka joogsadeen. Waxaan rabaa inaan ogaado in sababtu
ey tahay sidaan inagu moodnay iyo inkale.
Waxaan ku nool nahay guri dad kale nala dagan yihiin. Xaaskeygu markaa
inta badan dhuusada wey isku celisaa xataa hadii aan nahay labadeena oo
kaliya. Maalintii dambe ayaan waxaan kula taliyay iney farsamo kale sameyso
oo aaney dhuusada isku celin. Wixii intaa ka dambeeyay wey joogsatay
aaryadii. Hadaba ma sidaan arinka u fahanay baa mise waxyaabo kale ayaa jira.
Mahadsanid
J: haddii waxba jirin hadda , waxay u badan tahay in aanan dhibaato
meesha oolin. haddii sida aad wax iigu sheegtay wax u jiraan, wax aad ka
walwasho meesha ma yaaliin.
mahadsanid.
kaadimacaan
S: salaanta muslimka kabacdi, hadii aad qabtid cudurka
kaadimacaanka, oo aad ku nooshahay wadamada yurub, oo aad tahay nooca 2aad,
ee kaniiniga, ma u fiicantahay qofka in uu sii deganaado wadamada yurub,
mise afrika ayaa u fiican? mahadsanid.
J: Kuma xirna meesha aad ku nooshahay sida cudurkaan noqonayo. Waxay ku
xiran tahay sida aad u contorooshid sokorta. Taas oo ah adiga oo daawada
qaata; adiga oo iska ilaaya cunada sokorta badan; iyo adiga oo si joogta ah
u arka dhakhaatiirtaada. Haddii arrinmahaan aad sameysid, meesha aad ku
nooshahay dhibaato ma kenayso. mahadsanid.
garbaha iyo naasaha
S: salaan dr aniga oo ah gabar 26 jir ah oo aan guri la hayan ama
aan la qabin ayaa waxa i xanuuna naasaha iyo garbaha dhakhtarada yurubna waa
ay i garan waa yeen cudurkaasi ye ma i caawin kartaa adida ayaa dhakhtar
soomaliyeedee sidaas iyo jawaab
J: Inta badan xanuun ku saabsan naasaha haddii ay la socdaan xanuun ku
saabsan garbaha, waxay u badan tahay in dhibaadada ay la xiriirto miisaanka
naasaha iyo awooda garbaha. Maadaama aadan ii sheegin in dhibaato jirto,
sida dheecaan ka imaanaya naasaha; nabar ku yaal naasaha; wax tala ah oo ka
duwan tan aad ka heshay dhakhaatiirta ku aragtay kuma siin karo. mahadsanid.
madax xanuun
S: Marka hore waad salaamantahah. Salaan kadibna, waxaa jirta in
isku argkay madax xanuun, gaar ahaan marka aan saacado badan seexdo, sida
maalinta Jimcada ah oo aan nasasho leeyahay. Maxaa arrintani u sabab ah? J:
dadka badan kood nashada waxba uma dhibto. madax xanuuna ma keento. Haddii
aad tahay qof quuriya oo misana aad u culus (miisaan ahaan) , waa dhici
kartaa in aad qabto wax la yiraahdo Sleep Apnea. Oo ah in neeftaada ay
joogsato markii aad seexato. Taasoo ku yareenaysa oxygenka maskaxda. Waa
suuro gal in markaad mudo badan hurudo in ay maskaxdu oxygen weynayso oo
madax xanuunku hal kaa yimaad. Laakiin waxaa kale oo jira wax yaabo fara
badan oo keeni kara madax xanuun. Waxaa haboon in aad aragto dhakhtarka si
loo baaro waxyaabahaa oo dhan iyo sleep-related problems. Mahadsanid.
Af ur
S: DR IBRAHIM. i live in USA i have bad breath for longtime.
icontact dentisty i clean my mouth ,floss everyday i also saw my DR checked
my sugar it is ok but i had surgery on nose(sunes) and it did not help.DR
QUMANKA MAKEENAN BAD BREATH ?MARARKA QARKOOD WAX URAYO AYAANKA SOO SARA
QUMANKA HOOSTOODA. CALOOSHANA KAWARAN?WAXAAN DAREMA TIGHT UNDER MY LIFT
BREAST OCALOSHA AH
DR IAM THANKING YOU FOR YOUR TIME, KNOWLEGE AND WISDOM
J: dhakhaatiiru si fiican uma fahamsano wax yaabaha keena afka in uu uro.
Inta badan waxaa loo maleeyo waa kuwa aad xustay. Waa suuro gal in ur uu ka
yimaado dhinaca caloosha, laakiin urkaasi waa nooc ka kadisan kan dadka
caadiga inta badan ka cawdaan. Qumanka inta badan ma keenaan ur. Laakiin
haddii oo jiri infection qeer caadi ah waa suuro gal. mahadsanid.
Dheecaan
S:su aashaydu waxey tahay waxaa marmarka qaarkood iga yimaada
dheecaan kaasoon aheyn shahwo ama kaadi inta badana waxaan isku arkaa marka
uu dareeenkeygu kaco , sideen uga hortagi karaa sababtoo ah waxuu igu hayaa
dhibato badan oo ah in aan had iyo jeer aan daahiriyo dharka uu iga gaarey.
J: mid laka hortagi karo ma aha. Dheecaankaas waxuu ka mid la yahay sida
ay waxkasta u shaqeeyaan. Waa wax jirku ugu tala kalay in ay ka hormaraan
shahwada. Dhibaato caafimaad ma laha. mahadsanid.
Dheecaan
S:su aashaydu waxey tahay waxaa marmarka qaarkood iga yimaada
dheecaan kaasoon aheyn shahwo ama kaadi inta badana waxaan isku arkaa marka
uu dareeenkeygu kaco , sideen uga hortagi karaa sababtoo ah waxuu igu hayaa
dhibato badan oo ah in aan had iyo jeer aan daahiriyo dharka uu iga gaarey.
J: mid laka hortagi karo ma aha. Dheecaankaas waxuu ka mid la yahay sida
ay waxkasta u shaqeeyaan. Waa wax jirku ugu tala kalay in ay ka hormaraan
shahwada. Dhibaato caafimaad ma laha. mahadsanid.
caadada iyo dhiiga khaldama
S: DR marka hore salaamu calaykum marka hore hada ka hor waxaan ku
waydiiyey suaal ku saabsan cadad ama dhiiga qaldama marka waan helay jawaab
taadii waan fahamay markawaxaan kale oo rabaa in aan ku waydiiyo kaniiniga
dhalmada looga hortago waan ku xanuusaday markii aan cunay shan xabo waan
iska joojiyey marka ma ee sheegi kartaa daawo kale oo aan qadan karo teeda
kale hadii aan qaato kaniiniga hormoona ka badiya ma ii sixi karaa bal inta
aan dhaqtarka waydiin bal i soo sheega waxay ku la tahay koolay anigu cilmi
uma lahi waan iska qiyaasay aad baad u mahadsan tahay nabadey
J: Waxaan kuula talin lahaa in aad dib ugu noqoto dhakhtarkaagii oo aad u
sheegto sida aad wax iigu sheegtay. mahadsanid.
kaadi xanuun
S: Asalamu caleykum? Dear Dr. Ibrahim Salan kadib waxaa igu dhacay
cudur layirahdo kaadi xanuun waxaan ola jedaa markay kaadida iqabato ma isku
celinkaro waa inaan isla markaa ku ordaa musqusha mararka qaarkood waxaan ku
sigtaa iney iga baxsato.
wabilahi tofiq.
J: ma aqaan cudur la yiraahdo kaadi xanuun. Waa jirtaa in dadka qaarkii
markii uu ku dhaco infection dhinaca kaadi keenta ay kaadida xanuunto
maalintiina ay aadaan 10-15 jeer musqusha. Laakiin cudurkaa wuu ku yar yahay
dhalinyarada raga ah. Mida kale dadka waaween ee raga ah waxa ay mar mar
qabaan kaadi deg deg (urgency) oo ay keento waxa la xiriira prostateka (oo
ah qanjir ku yaal kusga hoostiisa oo weynaada dadka duqoobay). Taa u
maleenmaayo in aad qabto adiga oo jira 23 sano. haddii aad mar mar badan (10
ilaa 15 jeer) musqusha aadayso oo kaadida ku xanuujinayso, waxaad u baahan
tahay in kaaditaada la baaro. haddii aad ka wado in markii kaadi ku qabato
wa in aad mushqusha aadaa, taas kuligeen waan kula qabnaa dhibaatana ma aha.
mahadsanid