YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA
MASAAJIDA?.
- Faalladii SomaliTalk ee
December 2004
Haddii aad ku nooshahay dunidaan
guud keeda waxaad arkaysaa wax badan oo kaa yaabiya ama aad qaadan
waydo marka hore, kadib aadba taas la qabsatide, Soomaalidii hore
ayaa ahayd mid aad u ixtiraamta culimada amaba dadka Diinta u nasab
sheegta iyagoo aad ugu dadaali jiray xaq dhowrkooda ilaa ay u sad-buriyaan
wax walba, Waxaan xasuus taa marti soorkii Soomaalidii hore waxaa
loogu hormarin jiray Culimada, Martida, Odoyaasha markaa ka dib ayaa
reer guri isu hari jiray.
Dhinaca kale waxaa jiray dad loogu
yeeri jiray biri magaydo ama la magan galin jiray sida: Culimada,
Dadka Da’dda ah, Dumarka, Ciyaalka, Martida iyo Xididka, dhanka
Masaajida qofka wax kasta oo ay kala qabeen haduu Masaajidka ka galo
waxay u arka yeen magan Illaahay oo ma taaban jirin.
Waxaan uga goleenahay arar tan yar
in maanta faaladeenu ku saabsantahay “YAA KA DANBEEYA KA UGAARSIGA
MASAAJIDA?.
Hadaba Faalladeena waxaan ku qaadaa
dhigi doonnaa haddii Eebe idmo dhowr qodob;
- Maxaa
kalifay inaan arintaan ka hadalo
- Yaa ka
ugaarta masaajida
- Maxaa kala
gudboon Ummadda Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan
dhacdooyinkaan
- Jawaab Maxay
Diintu ka qabtaa dilka qof Muslim ah siiba Masaajid dhexdiisa.
Maxaa kalifay inaan arintaan ka
hadalo
Sida aad la socotaanba waxaa kusoo
batay meelo ka mida Soomaaliya ugaarsiga dadka Masaajidka u socda,
kujira amaba kasoo baxay, arintaan oo ka fajicisay amaba layaab ku
noqotay dad fara badan oo Muslim iyo gaalaba leh, khaasatan
Soomaalida, maxaa yeelay, haddii dhibaato dhacdo waxaa caadi ahayd
in Masaajidka loo cararo, haddii xaggiisa laga soo cararo soo la
yaab ma’han?.
Arintaan Ugaarsiga Masaajida ayaa
soo bilaabatay xilligii ay ka talinaysay wadanka Dowladii
Soomaaliya ee Askarta ahayd oo
laysay
culimo owdiin diiday in lagu xadgubo diinta Illahay,
xukuumadaasoo masaajidana dadka ka ugaar san jirtay qofkii xaqa
cadeeya oo sheega wax iyaga ka dhana, iyadoo ay dhacday in xataa
mararka qaar kood ay kabaha masaajidka la soo gali jireen iyagoo aan
tukanayn una dan leh inay qof kala baxaan Masaajida, waxaa kaloo
dhacay ku xad gudubyo Masaajid, Markay sii tabar daraysay dowladii
hore ee Soomaaliya, wayna isa soo taraysay Maalinba maalinta ka
danbaysa, waxaan xasuustaa mudo hadda laga joogo dhowr iyo tobon
sano inaan arkay wiil yar oo gariiraya kadib markaan waydiinay maxaa
kugu dhacay ma ‘aadan gaarin xilligii laleemada'e, wuxuu noogu
jawaabay arin nagu riday argagax “waxay ahayd galab casarkii waxaan
soo galay meel magaalo ah dad badan ayaa nooga yaacay masaajid,
waxaan watay mid kamida qoryaha u dhaca daran dooriga waxaan kala is
taagay ilinka kadibna waan ku bilbilay ilaa ortii iyo qayladii isla
baxday dhiigiina qoodeeyey, galab taas ayey igu bilaabatay gariirkan.”
Bal aan aragno Markay dhacday
dowladii, Soomaaliya oo dhana ay ku habsatay Masiibo caam ah, Waxaa
dhacday falal dhan ka ah diinta Islaamka oo lagula kacayey dadka
ahlu Masaajidka ah, iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay kasoo
daraysay ilaa uu noqday Masaajidku goob si sahlan loogu loogo dad
qiima wayn ugu fadhiya Mushtama Soomaaliyeed, waana mida kaliftay
inaan ku soo qaadano faaladeena bishaan, taasoo aan rajaynayno in dad badan ay
baraarujin doonto Illaaay Idimkii.
Inta aynaan qoraalka qaybtiisa
hoose u gudbin aan isha marino dhacdooyinkii dadka masaajidada lagu
wax yeeleeyey. Akhir qormadan dhextaalka ah ee uu isku soo dubaridey Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile):
Dhacdooyin Naxdin leh oo la ururshay:
Dilalka dadka loogu gaysanayo
masaajidda ayaa waxay noqodeen kuwo xadkoodii ka baxay, waxaanan soo
qaadan doonaan deegaanno ka mid ah Soomaaliya, sida
Buurtinle, Kismaayo, Diinsoor,
Jawhar, Muqdisho oo ay ka dhaceen
dhibaatooyin dadka loogu gaystay masaajidda, innagoo raacin doonnna
fikradaha kala duwan ee ay ka qabaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee
nabaddoonka ah. Akhir Qormadii Jantiile... |
Yaa ka Ugaarta Masaajida
Waa Su’aal Muhiima inaan wax ka
ogaano cida caadada ka dhigatay falalkaan foosha xun in la ogaado si
meel aan uga soo wada jeesano. Haddaan usoo dag dagno Jawaabta waxaa
Masaajida ka ugaarta Sadex Qolo oo labo kamida Soomaali yihiin Mida
kalana Laweheliyo, haddaba aan u kala qaadno sidan:
- Aano Qabiil
- Qaadicul Dariiq
- Itoobiya iyo Biidhi qaatayaal
Aano Qabiil
Aan ugu hormarino Aanada, waxay
Caan ku tahay Soomaalidu haba kala bad satee in markii nin dilo nin
kale loogu aar gudo mid kale oo ay hayb
wadaagaan, hala dhasho ama ha ka dheeraado, arintaan oo ah Jaahil
nimo meeshii ugu danbaysay, mudo dheerna soo jirtay oo ah arin guun
ah ayna dhacdo in laba qabiil isugu baa ba’aan mararka qaarkood,
waxay socotaba waxay soo gashay Masaajidii oo ninkii Aana doonka
ahaa uu is yiri nin doorkii waa kaa Ilaahay caabudaya ee haduu dagan
yahay yuusan kaa fakan, taas oo ku tusaysa fulaynimadooda iyo
axmaqnimadooda inay xataa garan waayeen qof kujira Maganta Illhaay
inay nabad galiyaan, mararka qaarkood waxaad is leedahay Malaha
carabtii
Jaahilaga (Islaamka kahor) ayaa naga dhaqan fiicnayd meelaha
Qaarkood, maxaa yeelay waxay lahaayeen wax la yiraahdo magan oo
qofkay magan galiyaan cid ku xadgubi jirtay majirin haday dhacdo,
waxay ka bixin jireen jawaab mahadho ah, hadaba qofkaan iyo kan ugu
kaal meeya waxay mudanayaan waxaan u daynaynaa shiikha nala
wadagaagaya Faaladan.
Dhacado ka dhacday
Boosaaso ayaa ahayd Ruux ku socda Masjidka oo ahaa Sheikh ka
Akhrin jiray Kutub masjidka Raxmo oo kuyaal Boosaaso kaasoo
isagana lagu sheegay markii ay Boliska Degmada Boosaaso ay
baareen Dhacdada in ay ahayd aano qabiil...
Waakan C/fatax Jaamac oo ka
warbixinayey dhacdooyinka kale ee ka dhacay aagga Boosaaso...
Guji... |
Qaadicul Dariiq
Qolada labaad oo iyaguna
caadaysatay waa kuwa aan ugu yeeray Qaadicul dariiq, Waxaa soo if
baxaysa dhibaatooyinka ay leedahay Marka laga tago ku dhaqanka
Diinta Sharafta iyo Saryna leh oo Qaadica ku xukuntay in la daldalo
Tuugana Gacanta laga jaro, iyo haddii lawaayo maamul iyo kala
danbayn kale oo lagu kala baqo, taas oo inagu aan ka goblanay, ayaa
waxaa dhiiraday tuugii oo markuu wax walba soo liqay oo uu xataa
kasoo gudbay Qisada Caanka ah ee aad wada maqasheen ee Kunasiibso
laakiin aan u bixinay Kunaartag oo lasheego in lagu Naartagay dad
Qashin fogaynaya iyo kuwa bakhti tuuraya iwm, ayaa usoo gudbay
dadkii Salaadaha u socday, siiba xiliga subaxii oo wali lagu jiro
habeen oo ishu aysan si fiican wax u arkayn, si ay uga furtaan waxay
wataan sida aad ku aragtaan dhacdooyinka qaybtood.
Waxay aheyd afar iyo
labaatankii bishii November 2004 markii wiil iyo aabihii oo wada
socda kuna sii jeeda masjidul qadiim oo ku yaala
xaafada calanleey ee magaalada kismaayo ay gacanta
ku dhigeen niman dableey ah oo hubaysan isla
markaana ay ula dhaqmeen si bini aadanimada ka
baxsan.. Waakan Faysal xaaji siyaad
muumin oo ka warbixinaya dhacdooyinka kale ee aagga
Kismaayo... Guji... |
Itoobiya iyo Biidhi (Biiri) qaatayaal
Waxaa dhici karta in dad badan is
waydiiyaan maxaa dhacay oo loogu soo darayaa Itoobiyaanka, Soomali
iyadaa is dhibaatay-naysay hor iyo abaatoba, waa dood fiican hadana
waxaan la inkiri Karin marnaba xaqiiqada iyo dhacdooyinka loo hayo
cadaymo.
Sida aan la soco Soomaaliya
burburkeedii waxaa ka faa’daystay wadamo kala duwan kalana ujeedo
duwadan, kalana dano duwan, waxaa kamida wadamadaas Itoobiya oo
iyana burburtay laakiin jabhadihii qabsaday ay ka dooroonayd kuwii
Soomaaliya saday, ayaa markiiba Waxay fara galin dhinac walba ah ku
sameeyeen dalka Soomaaliya, haday noqon lahayd Hubaynta kooxaha iska
soo horjeeda, Qabsashada meelo ka mida Soomaaliya, Dhicida Hantida
dadka Shacabka ah iyo Ugaarsashada dadka Diinta u nasabsheegta oo
qoraalkeenu khuseeyo.
Hadaan usoo daag dagno Cinwaankeena
kusaab san labadan qolo oo is-huwan maadaama uu nahagayo oo aanan
kusii dheeraan Karin, Maxay tahay Cadaymaha loo hayo in Itoobiyaanku
lug ku leeyahay Ka ugaarsashada Masaajida ama laynta Culimada iyagoo
adeeg sanaya Caada qaatayaal Soomaali ah?, waxaan soo qaadanaynaa Tusaalooyin
kooban.
Hargaysa waxaa dhacday in Shiikh
Daahir uu ku xukumay dumarka jirkooda ka ganacsada Rajmin iyadoo
Maamulkii Cigaal ee markaas jiray iyo dadwaynuhuba aad ugu riyaaqeen
soona dhaweeyeen, hadaba aaway Shiikh Daahir, Shiikh Daahir waxaa
laga qabtay Harta Shiikh waxaana qabtay Maamulka Zenaawi ilaa hadana
meel uu jaan iyo cirib dhigay lama oga iyo raq iyo ruux toona,
Hargaysa iyo cigaalna waxba kama oran.
Tusaalaha labaad ee isna ku saab
san isla aagaas waxaa jiray nin la yiraahdo Fu’aad Shiikh oo joogay
Jigjiga ahaana Jaajuus kala reebay dadkii halkaa safarka ku marayey
isagoo ahaa nin loo shaqaalaysiiyey Jaajuusnimo, Muxuu samayn jiray
Fu’aad?, Fu’aad wuxuu soo fuuli jiray Basaska isagoo isha marinaya
dadka oo dhan bal cid leh astaan diimeed ama sune ka muuqdo, kadibna
u farfiiqi jiray ciidamada loogu talagalay, halkaasna Baabuurta
loogala haray dad badan oo masaafur ahaa kadibna lagu dhibaateeyey.
Waxaa kaloo jiray isaguna Shariif
Dheere dadka qaarna u yaqaanaan Shariif Raamaale, kuna noolaa
magaalada Dhagax buur oo isaguna ahaa Jaajuuz kale oo kaba dhib
badnaa Fu’aadka ahaana nin u dhashay magaalada, kalana yaqaan dadka
magaalada dad farabadana ay u naf waayeen sababtiisa.
Hadaan usoo kacno dhinaca Mudug,
waxaa ka dhacday Magaalda Buurtinle in iyadoo lagu jiro Salaada
Cishe lala beeg saday Bombo halkaas oo dad badan ku naf waayeen kuwa
kalana dhaawac halis ah kasoo gaaray arintaana ay ka danbeeyeen
Timawayn, waxaa kaloo dhacday in goor fiidkii ah lagu toogtay Faras
magaalaha Gaalkacayo nin dhalin yaro ahaa oo kasoo baxay Masaajidka
oo aan saas uga dheerayn meesha lagu dilay, sida loo dilayna ahayd,
xabad afgalis ah oo wadnaha lagala beegsaday, walibana la sheegay in
laga riday Bastooladaha nooca aan Qaylin, ayaa waxaa loo aaneeyey
dilkiisa Itoobiya kadib markii ragii wax dilay lagula cararay
Baabuurta dheeraysa mid ka mida si xuduudka loo dhaafiyo,
Baabuurkaas oo uu lahaa nin kamida Ganacsatada Magaalada.
Waxaa xusid mudan in Maamulkii C/laahi
oo markaas halkaas ka talinayey iyo Shacabka Gaalkacayo midna wax
kasoo qaadin arintaan, waxaa kaloo intaa weheliya in aad loogu
sheekaysto in magaalada Gaalkacayo ay joogaan Jaajuuzyo badan oo
Mushaari ah lana yaqaano.
Masjid C/casiis
|
Haddaan usoo talowno Muqdisho,
dhacdooyinka ka dhacay waxaa ka dhacay falal isugu jira dil iyo
qafaalasho lagu eedaynayo dad ay soo dirsatay Itoobiyaanka, sida
Wadaadkii Oromada ahaa ee lagu dilay Muqdisho iyo dad lagu
afduubaybay iyo kuwa kale oo lagu sigayba waxaana dhamaan
loo riixayaa xagaas iyo Itoobiyaanka, dadka ay ku shaqaysanayso
Itoobiya waxaan u daynaynaa xukunkiisa Jawaabta sheekha, Itoobiyana
waxii nagala gudboon waxaan u daynaynaa akhris taha sharafta mudan,
waxaan kaliya oo is xasuusinaynaa inuu maanta Caalamku noqday caalam
wax qorid, mararka qaar koodna aad is leedahay waaba magaalo qura,
taasoo aan ula jeedno in la qorayo cid walba waxay gaysato.
Waa tuma gacanta
dahsoon ee wax ka ugaarsata Masaajiddada Amiin Yuusuf Khasaaro
ayaa wax ka weydiiyay
qaabkee ayaa loo xallin karaa arintaan dilka masaajida, waxa uuna yiri Gen.
Cali Xaashi Baraale: “Nin baa laba fallaar lagu soo riday,
midbaa uga dhacday barida, midna waxay uga dhacday garabka,
markaasaa la yiri war laba fallaarood tee lagaa gooyaa oo
lagaa saaraa, markaasuu yiri war midda barida iiga taal iga
bixiya si aan u fariisto, tan kale ha inoo dambeysee,
haddaba ummaddu waxay u baahan tahay fadhi si loo helo qaran
soomaaliyeed oo ah kan ugu muhiimsan ee ka hortagi kara
kooxaha masaajidda ka ugaarsanaya”. Wuxuuna sheegay in
gooray ahaataba mar uun kooxahaasi lala xisaabtami doono.
Qormadii Amiin Yuusuf oo
dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... |
Maxaa kala gudboon Ummadda
Soomaaliyeed Qaybaheeda kala duwan dhacdooyinkaan?.
Marka ugu horaysa waxaa xusid iyo
mahadinba mudan in ay dadaaleen Qayb ka mid culimda Soomaaliyeed oo
iyagu bixiyey dadaal dheeraad ah, kuwaas oo sameeyey Maxkamado
Islaami ah Meelo ka mida Soomaaliya, oo burcada iyo dadka wax
dilayaba wax ka qabtay, iyagoo wax qabadkooda ugu danbeeyey ahaa soo
qabashadii ninkii dilay Cabaas oo loo qisaasay, hadii ay helaana
taageerada shacabkana wax badan qaban lahaa, walow aysan hagar daamo
la’ayn.
Su’aashan kore jawaab teeda hadaan
soo koobno waxaa nala gud boon ixtiraamka goobaha illaahay khaaska u
sheegtay sida Masaajida, iyo dadka u nasab sheegta haddii kale waxaa
dhacaysa in ilaahay nagu salado dhibaatada hada aan qabno mid ka
badan, aana ku koobnaanayn kii sameeyey oo kaliya.
Ugu danbaytii waxaa inala gudboon
inaan indhaha kala furno aana qiimayno wax yaabaha dhacaya inaysan
ahayn wax loo dul qaadan karo,aana ogaano inaan wada saaranahay hal
doon hadaan ku fiirsano kuwa hoose inay dalooliyaal Doonta, aan
ogaano inaan wada halaag samayno dhamaan teen, sidaas waxaa ahaa
macnihii xadiis laga wariyey Nabiga scw.
Waxaa inala gudboon hadaan nahay
ummadda Soomaaliyeed ee 100% Islaamka ah;
- Inaan hirgalino ku dhaqanka
shareecada Islaamka si aan uga bad baadno khataraha waawayn.
- Inaan joojino islaynta guud
ahaan gaar ahaana Masaajida.
- Inaan joojino u kaalmaynta
kuwa falal kaas gaysta.
- Inaan sheegno ama soo qabano
cid kasta oo ku kacda falalkaas, hadii kalena gacan ku siino
cidii qabanaysa.
- Maxkamadaha iyo culimo
owdiinka waxaan leenahay “Howl kama daali wali waa hogadii”.
- Hogaamada dhaqanka iyo cid
kasta oo loo soo joogsanayo, waxaan leenahay waa banaan tahay
kaalintii difaaca Masaajida Illaahay waana la idin soo
fiirinayaa.
Dadka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa kuwo la socda xaalad walba
oo ka dhacda dalkooda, markii ay maqleen in ay jiraan dad lagu ag
dilay masaajidyada agtooda waxay ku abuurtaa la yaab aan la qiyaasi
karin,waxayna is waydiinayaan waxa ku xigi kara hadii ay dhibaatadan
iska sii socoto oo aan laga hadlin lana qiimayn raadka ay ku reebi
karto mujtamaca soomaaliyeed mustaqabalka dhaw iyo kan fogba.
Akhri qormadii canab Mumtaz...
Guji... |
Maxaa Lagudboon Itoobiya?
- Itoobiya waxaa la gud boon
inay ka waan towda ka faa’idaysiga burburka iyo dowlad la’aanta
haysata Soomaaliya.
- Inay ka waan towdo
ladagaalanka Masaajida iyo Culimada
- Inay garaysato inay horay noo
dhex martay colaad guun ah, aana rumaysanahay inay aano yihiin
falal keedu.
- Inay garay sato inay dad iyo
dalba naga Gumaysato wali utuntooduna nagu taagan tahay.
- Inay ilaaliso xuquuqda daris
nimada ee labada dal, Mustaqbalka fogna u fakerto.
Jawaab Maxay Diintu ka qabtaa
dilka qof Muslim ah siiba Masaajid dhexdiisa.
Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu
waa Jahannamo oos ku waari dhexdeeda, wuuna u Caroon Eebe
wuuna lacnadi wuxuu u darbi cadaab wayn.
Quran: 4:93 [Dhegeyso] |
Ilaahay baa mahad leh waxaa noo
suura gashay inaan helo Shiikh kamida Culimada ugu waa wayn
Soomaaliya
Shiikh
C/qaadir Nuur Faarax oo jooga Garoowe Soomaaliya, kadibna aan
wax ka waydiinay waxay diintu ka qabto ka ugaarashada Masaajida,
jawaabtiina waxay noqotay sidan,
Halkan
ka dhegeyso ama
Halkan
ka Dhagayso... Guji
Faalladii SomaliTalk ee December
Talo tusaalayn qoraalkan waxaa
lagaal soo xiriiri karaa Email: webmaster@somalitalk.com
###
Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004
| Updated
AKHRI:::
Tixraac:::::::::::