SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Fadeexadda water-gate oo haysata Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland vs "Samsam Ducaale 16 jir reer Bosaso ah"
 
Xagee ayey ku Danbeysay Samsam.. warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa:

Somalitalk Hargeysa:- Bishii hore badhtamaheedii ayey indhaha wanaagga jecel iyo naxariistu ay u saamixi waayeen in ay ka aamusan tacaddi lagula kacay Gabar yar oo Reer Boosaaso ah oo u socotay abtigeed oo wasiir ka ah Somaliland. Gabar-taasi yari oo gaadhi kaga dagtay suuqa dhexe ee Hargeysa waxa ay soo kiraystay nin taxi-la ah  , gabar-ta yari may kala garanayn magaaladda, laakiin waxa ay tilmaan u haysatay in guriga abtigeed uu ku yaalo xaafadda Shacab-ka Ee hargeysa.
 
Nasiib darro, Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan oo ah booliska ilaaliya isaga.  Gabar-ta yari waxa ay sidatay Jilbaab ..waxa ay gashay daarta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Lama hubsan ee boolis-kii inta ay garaaceen iyaddii iyo ninkii darawal-ka ahaaba ayey ku xidheen saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.
 
Intii aanay soo shaac bixin arrinta Gabarta yari waxa  Madaxweyne ku xigeenka lagula taliyay in uu cafiyo Gabrata Yar maadama aanay jirin shaki sidaasi ah oo loogu maleegayo, laakiin markiiba waxa uu ugu yeedhay shirqool isaga lagu dilayey, Odayaal badan oo wanaaga u olaleeya Hargeysa ayuu ku gacma saydhay, sida ay Somalitalk u sheegen dad war-galeen ah oo Hargeysa jooga.
 

Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa
Dadka qaar ayaa Sheegaya in Gabarta ay fara xumeeyeen Ilaaladda Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taas oo  kaga cadhaysiisay dad badan oo Hargeysa deggan.
 
Wararka qaar ayaa iyana leh Booliska saldhiga Dhexe ayaa fara xumaynta geystay. Si kastaba ha ahaatee arrintani waxa ay tumaati ku noqotay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo lagu tilmaamo nin aad ugu socodda (ama kutunta) Diinta Islaam-ka.
 
Wargeys-ka Jamhuuriya ayaa markii u horeysay Boggiisa Hore ku soo qaatay warbixin ka hadlaysa arrinta Samsam Yar oo lagula kacay kufsi.
 
Wargayska oo soo xiganaya hay'adaha xuquuq-da Aadamaha u dooda oo Maxakamadda Horteedda tubnaa waxa ay ku eedaynayeen hogaanka Somaliland in gabarta yar xoriyadeeda (ka qaadeen) oo ay tahay in xorriyada loo soo celiyo, maxakamadna la soo taago dadkii ka danbeeyay tacdiga lagula kacay Gabarta yar.
 
Garyaqaanadda u doodayey Samsam yar ayaa Maxakamadda Horteedda ka cadeeyay in Samsam Yar ay tahay danbi laawe loo gaystay xaq darro, oo xaq u leedahay in lana sii daayo.
 
Si kastaba ha ahaatee waxa maalintii labaad ee maxkamadda loo balan sanaa in la keeno Samsam Yar, si badheedh ah tacaddi loogu galay madaxda hay'addaha xuquuqdda Aadamaha oo  budh, feedh iyo jilib lala dhacay. Lana xidhay iyagoo lagu eedeyay in ay garab siinayaan wax loogu yeedhay "cadow-ga Somaliland".

Samsam Yar Xaggee ayey ku Danbeysay???

 
Shabakadda Somalitalk waxa ay ogaatay in Samsam Ducaale ilaa hadda aan la soo taagin maxakamad, taas oo xubno Hargeysa jooga noo sheegen in markii ay dawladdu ku fashilantay arrinta Gabarta yar ..La isku qanciyay in la dado arrinteeda, arrintan oo haddii shaaca laga qaado xilalka ka xayuubin lahayd taliyaha Booliska Somalilad Mr. Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
 
Warar rasmiya oo aanu helnay ayaa sheegaya in wasiir-ka warfaafinta Somaliland Cabdillahi Maxamed Ducaale uu uga digay saxaafadda Somaliland in aanay ka hadlin arrinta Samsam Yar oo cadaadis weyni ka haysto xukumadda Madaxweyne Reyaale.
 
Aarrinta Samsam yar waxa sii shiiqiyay dagaal-ka ka aloosmay gobolka Sool ee dhex maray ciidamadda Puntland iyo kuwa Somaliland. Samsam Ducaale waxa ay wali ku jirtaa Jeel-ka Hargeysa, waana loo diiday in ay arkaan hay'adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda iyo saxaafadda madax banaan iyo in la siiyo dhaqaale lacageed oo caafimaad-keeda ku saabsan.

Arrintani waxa ay ceeb u tahay dadweynaha Hargeysa, gaar ahaan dadka jecel wanaag, naxariista diinta Islaam-ka iyo gabi ahaan nabad ku wada noolanshaha dad-ka xigaal-ka ah iyo bini-aadamka.
 
Waxa la gudboon in dadkaasi ay ku baaqan in la sii daayo gabartaasi yar oo wax danbiya lahayn ilaa haddana ku silicsan xabsiga Dhex ee Hargeysa. 
Samsam Abtigeed oo Juuq Laga Waayey
Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...

Dad badan oo shacab ah ayaa la yaabay oo ay fajaciso ku noqotay sababta uu gabadha abtigeed uga hadli waayey arinta. Mid ka mid ah akhristayaasha oo qoraal kooban soo gaarsiiyay Somalitalk ayaa yiri "Gabaryar oo u socotay Abtigeed oo wasiir ah ayaa lakufsadey, waa laxirey... abtigeed waa wasiir katirsan Somaliland mana hadlin ilaa iyo iminka... hooyadeed ayaa laxirey (oo hadana la sii daayay)". Qoraagaasu aad ayay dhakafaar ugu noqotay sabata aamusisay gabadha abtigeed.

Qof kale oo jooga Afrika ayaa yiri "waxaa gabadha abtigeed u sharaf badnaan lahayd in uu hadlo, xataa haddii uu  hadalkiisa ku gelaayo xabsi, intii uu lahaystanimo uga aamusnaan lahaa ayadoo gabadhii uu abtiga u ahaa ay faraxumeeyeen maleesiyada maamulka uu madaxdiisa ka tirsan yahay.."

Gabadha abitigeed waxaa la sheegay in uu yahay wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga [ama cayaaraha], magaciisuna waa Maxamud Saciid Maxamed. Ilaa hadana lagama hayo qoraal ama hadal uu arinta kaga hadlayo.

 
Warar ay Somalitalk soo ururisay.

www.somalitalk.com/feedback/

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


 



HTML CD