SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay)

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Faysal Cali Waraabe
Inj. Faysal waxa uu arinta Samsam ka yiri: Looma baahna "in arrintan Maxamed Xaashi laga dhigo tii Samsam oo kale oo aan lagu mashquulin" waxana uu intaas ku daray "in wakhtigii lagu lumiyay waxaan sakaaro ka biirsan, laga soo bilaabo doodii Caqli Keen la baxday, Shirkii burco ee dhakhaatiirta ee Burco, Samsam iyo arrintan Ina Xaashi ee imika..." [waxa uu Hadalkaas ka yiri shir lagu qabtay Bristol, UK, Dec 19, 2004]

Fahad Yaasiin waxa uu yiri: "Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas haysta." Faaladii Dec 27, 2004

Abshir Nuur Faarax Waa abwaan Soomaaliyeed oo laga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa mar walbana gabay ku cabira xaaladda markaas taagan, wuxuuna gabaygaan ku cabbirayaa ama ku dhaliilay hadalladii ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ku aaddan gabadhii Zam-Zam Axmed Ducaale oo ah gabar aan hubeysnayn isla markaana gashay guri nin madax ah, dambina looga dhigay gelidda gurigaasi, wuxuuna aad uga xumaaday markii gabadhaasi gurigiisa laga jiitay uuna awoodi kari waayay inuu yiraahdo gabadha hala sii daayo.  taasoo keentay in gabadhaasi la xiro isla markaana Maxkamad la soo taago Wuxuu sheegay Abshir Bacadle  sababta loo xirey gabadhaas ay tahay in Reer Waqooyigu ay doonayaan inay sameeyaan wax fool xumo ah oo ay ku nacaan reer koofureedka.

Abshir Nuur Faarax waxa kale oo  arrinta gabadha ku baraarujiyay Weriye Fahad Yaasiin oo todobaad ka hor qoray maqaal uu hal-ku-dhig uga dhigay (Gabyaagii Wahaabiyada maxaa hadal looga waayay).

Abshir Nuur Faarax (Bacadle) wuxuu ku dhashay Degmada Mustaxiil ee Zone-ka shanaad ee Soomaalidu dagto ee Itoobiya sannadkii 1946-kii, wuxuuna weligiis ku dhex jiray ganacsiga, wuxuuna gabayga uu ka tiriyay Zam-Zam ku billaabay sedan: 

  • Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray

  • Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday

  • Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday

  • Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay
     

  • Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne

  • Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin

  • Gu’gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada

  • Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline

  • Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
     

  • Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda

  • Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin

  • Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay

  • Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye
     

  • Guddiga habar-magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin

  • Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya

  • Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye

  • Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay
     

  • Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye

  • Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna

  • Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede

  • Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa

  • Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay

  • Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye

  • Go’aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin
     

  • Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye

  • Zam-Zamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye

  • Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine
     

  • Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

  • Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay

  • Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin

  • Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede
     

  • Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna

  • Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay

  • Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda
     

  • Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa shuuci gaamuraye

  • God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene

  • Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye
     

  • Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye

  • Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin

  • Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene

  • Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene

  • Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye

  • Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday

  • Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay

  • Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
     

  • Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay

  • Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay

  • Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye

  • Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine

  • Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay

  • Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane

  • Inaad naga go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’

  • Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin

  • Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye

  • Go’aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige

  • Gidaar adag ragbaa u dhigay si aan la iiga kaa goyne

  • Intey caradu gaagixi un baad gooni joog tahaye

  • Inaan gacan labaad kuu fasaxo iima soo geline

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xusuus: Abwaanka waxaa laga rajaynayaa gabaygan oo cod ah...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2005 | Updated: Jan 16, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD