SAMSAM
MAXAA LOO SILCIYAY !?
I.
Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
SomaliTalk.com | Oct 22,
2004
Ilaalinta cadaaladda iyo dhawrista sharafta iyo xuquuqda
bai’aadanimo ee qofku waa aasaaska nolosha mujtmacyada,
waxaanay ka mid yihiin xilalka ugu waaweyn ee dawladi
dhabarka u ridato.
Hadaba
waxaa ayaan darro ah in dad magac dawladeed ku socdaa ay ku
kacaan tacadiyo dhan ka ah xuquuqda iyo sharafta qof aan
waxba galabsan..
Waxaan
shaki lahayn in qof kasta oo maqla sheekada iyo waxyaabaha
naxdinta leh ee lagula kacay gabadha 17 jir ah ee Samsam
Axmed Ducaale uu aad uga xumaanayo haddii ay in uun ku
dambayso damiir iyo garasho dadnimo.
Maxay
galabsatay ee cunugtan mustaqbalkeedii, gabadhnimadeedii iyo
sharafteedii loo baabiiyay? Maxaa waalidkeedii iyo
ehelkeedii walwalka,dhibka iyo walaaca intaa leeg loogu
beeray?Maxaa wayaabaha uu Eebbe xarimay loogula kacay
gabadhan yar ee muslimadda ah?Samsam maxaa loo silciyay?
Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waa wax yaabaha horyaala
ee la rabo inay jawaab waafi ah ka bixiyaan maamulka Riyaale
oo uu kow ka yahay madax weyne ku xigeenka oo isagu ah ninka
masuulka ka ah dhibaatada iyo xadgudubyada loo geystay
gabadhan.
Ma’ ahan
wax Soomaalida ku cusub in qof loo ciqaabo oo dambi looga
dhigo qabiilkiisa ama meesha uu ka yimid, waana halka
hallaagu inooga yimid ee dawladnimadeenii ku burburtay.
Waxaan
shaki lahayn in dambiga keliya ee gabadhani gashay uu yahay
iyadoo ka timid deegaanada Puntland inay ku khaldantay oo is
hortaagtay iridka guriga madax weyne ku xigeenka Somaliland
iyadoo rabtay guriga abtigeed oo xukuumadda Somaliland ka
tirsan, waxaana hubanti ah in haddii ay gabadhani meel kale
ka soo jeedi lahayd ayna arintu sidan u dhacdeen.
Hadaba
xadhiga gabadhan oodhacay bishii august ee aynu soo dhaafnay
ayaa hadda saxaafadda Soomaalidu siiba bogagga internetka
si aada u hadal hayaan sida foosha xun ee laga yaqyaqsoodo
ee ay ciidamada Booliska iyo kuwa dambi baadhista ee
maamulka Hargeysa ula dhaqmeen gabadhaas.
Arinta
gabadhan ayaa dadka badankiisu ku soo baraarugay ka dib
markii rag ka tirsan ururada xuquuqda bai’aadamka u dooda oo
gabadhaas arinteeda darteed loo xidhxidhay warkooda laga sii
daayay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Xidhitaanka dadkan ayaa ahayd arin uu maamulka Riyaale ku
cabudhinayay sheekada gabadhan taasoo si fiican inoo
xusuusinaysa hab dhaqankii taliskii digtaatooriga ahaa ee
Maxamed Siyaad oo xukuumadda Riyaale si aada uga shidaal
qaadato.
Hadaba
gabadhan oo sida la sheegayo ay falal jidh dil iyo kufsi
isugu jira u geysteen ciidamada Booliska ayaa arinteedu ay
soo jiidatay indhaha dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee ku
sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo dadaal weyn ugu jira
sidii gabadhaas yar arinteeda wax uga qaban lahaayeen.
Gabadhan
oo lagu soo eedeeyey inay maleegayasay shirqool lagu dilayo
Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa dadka xogogaalka u ahi
ku tilmaameen eeddaas wax lagu qoslo oo aan sal iyo raad
toona lahayn.
Haweenay
ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ku
sugan magaalada Hargeysa oo aan la xidhiidhay ayaa ii
xaqiijisay in dad badan oo ay ka xustay Raaqiya Oomaar ay
dadaal ugu jiraan sidii ay ariantan wax uga qaban lahaayeen.
Waxay haweenaydaasi intaa ku datay in haddii waxa ay
gabadhani sheeganayso ay dhab noqdaan oo la xaqiijiyo in
haweenka reer Hargeysa oo dhammi ay dibadda u soo bixi
doonaan kana mudaharaadi doonaan oo aanay dhayalsanayn.
Booliska
Somaliland ayaa ah kuwo loo adeegsado cabudhinta shacbiga,
iyadoo had iyo jeerna lagu eedeeyaan inuu leeyahay hab
dhaqan aan waxba ka duwanayn midka mooryaanta oo sharci
xidha iyo wax xakmeeya aanu midna jirin, taasi oo ay ka
markhaati tahay xad gudubyadii ay kula kaceen muwaaadiniin
Somaliland iyo Soomaalida kaleba ka tirsan sanadihii ugu
dambeeyay
Waxay u
egtahay in askartani ay kalsooni buuxda ka haystaan
madaxdooda maxaa yeelay haddii kale sidan umaanay dhaqmeen,
sidaas darted dhaqan xumidani waa mid xidhiidhsan min hoos
ilaa kor, taasi ayaana u sabab ah in dadkii loo xidhxidhay
arinta Samsam qaarkood codsadaan is casilaada taliyaha
Booliska Somaliland.
Waxaa
iyana wax lala yaabo ah sida ay arintan uga gaabsatay oo
indhaha uga qarsadeen saxaafadda xorta ah ee Somaliland iyo
idaacadda BBC-du oo dad badani wariyaha Hargeysa uga soo
warama ku eedeeyeen inuu isagu arintan cabudhiy.
Waxaan
shaki ku jirin in haddii aanu maamulka Somaliland arintan
si dhakhso ah wax uga qaban ay u soo jiidi doonto sumcad
xumo iyo dhaleecayn uga timaadda inta u heelan daryeelka iyo
ilaalinta xuquuqda bani’aadamka.
Ugu
dambaystii waxaa hambalyo, bogaadin iyo taageero mudan dadka
ku hawlan iskana xilqaamay wax ka qabashada arinta Samsam oo
ay ugu horeeyaan ururada xuquuqda bani’aadamka u dooda ee
Somaliland.
I.
Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com