SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



MUQDISHO SOO DHAWAYNTA WAA KA DAACAD, LAAKIIN MAXAA KU XIGA?


Kumanaan qof ayaa Muqdisho kusoo dhoweeyey waftigii uu hogaaminayey  Shariif Hassan Sheikh Aden
Sawirka: AP

Booqashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa loo soo dhaweeyey silama-filaan ah oo kayaabisay xubnihii ka tirsanaa wafdiga, dadweyne badan ayaa isa soo tubay dariiqyada si'ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlad cusub iyo sida ay u xiiseynayaan in dib loo dhiso qarankii burburkiisa Muqdisho lagu gabagabeyey.

Qaybihii dadweynaha ee soo dhawayntan ka soo qayb-galay waxay qaadayeen hadallo ay kamid ahaayeen ( SOO DHAWAADA WALAALAYAAL) iyo hadallo kale oo ay kal-gacalo kamuuqatay, waxaa geesaha diyaarada la soo taagay gabdho yar-yar oo ubax madaxa u surayey Guddoomiya Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adam. Shacabkii joogay Garoonka Dayniile waxay si'aad ah muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin dowlad Soomaaliyeed oo gaca-dhigata.

Waxaan arkayey haweeney waayeel ah oo ay laba qof xanbaarayaan si loo saaro gaari isjiid ah, iyadoo u timid soo dhawayta wafdigan, dadweynuhu waxay tubnaayeen wadada dheer ee u dhaxaysa Dayniile ilaa Barxaddii Tarabuunka oo iyadana si xad-dhaaf ah loo soo buuxiyey, halkaas oo uu khudbad kooban ka jeediyey Shariif Xasan, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan-yahay tawbad-keen iyo iscafin dhab ah, wuxuu intaa ku daray, waxaan u baahanahay is'aaminid dhab ah haddii aan taas lahelinna waxbadan nooma hagaagi doonaan, wuxuu jeediyey khudbad aad u gaaban oo laba eray ah, waxaana keentay tirabadnidii dadka iyo wakhtigii oo duhur ku soo beegmay.

Shalay soo dhawayntii uu la kulmay wafdigan waxay soo xusuusineynaa sidii loo soo dhaweeyey C/Qaasim Salaad Xasan, walow tii C/Qaasim ay ka tiro badnaayeen dadku, hadana waxaa muuqatay baahida shacabku uu qabo inta ay le'egtahay. Oday kamid ahaa dadweynihii goobta joogay ayaa igu yiri. Haddii Madaxweynuhu uu maanta  iman lahaa Muqdisho soo dhawayn tan ka daran ayaan usamayn lahayn, laakiin waxaa muhim ah in Madaxweynaha lafaham-siiyo hal qodob, kaasoo ah. Xamar waxay hadda diyaar u tahay iney farxad ku qaabisho, hadiise uu meel kale geeyo dowladda wuxuu waayi doonaa taageero badan oo hadda loo hayo.

Muqdisho waa goobta furaha u ah maanta xalka Soomaaliya, hubkii oo ah wax aad u faafsan hadana gacanta ugu jira maleeshiyaad iyo dad siyaalo khaldan u adeegsanaya ayaa ah caqabad weyn oo u baahan xal degdeg ah. Inta dadka xamar ku nool ay haystaan hubka waxaa adag in Madaxweynuhu uu ku dhaqaaqo tijaabo kalya-adag ubaahan. Dhinaca kale inta C/Laahi Yuusuf uu ku dhaggan-yahay codsiga ciidamo shisheeye iyo sahminta caasimad ku-meel-gaar ah, waxaa fog in si sahal ah ay dowladu gacanta ugu dhigto caasimadda Muqdisho.

Maanta  oo uu Gudoomiyhu Barlamaanka uu salaan kaqaadanayey ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya ayaa waxaa goobtii ka hadlay Col kamid ahaa Ciidankii qaranka wuxuuna yiri. Marnaba ma'aqbali doonno in dowladihii aan shalay karbaashka la dhacnay iney noo yimidaan si'ay shacabka Soomaaliyeed hubka uga uruuriyaan, waana arin ceeb ku'ah shacabka Soomaaliyeed, wuxuu intaa ku daray ciidan Soomaaliyeed oo la'abaabulo ayaa ka fiican in dalka hadeer gumaysi cusub lagaliyo.

Dadka Xamar jooga waxay aad isu-weydiiyaan dowladu inta ay wakhtigeedii iyo taladeedii kudhumineyso codsiga ciidamo shisheeye mey siiso wakhti yar sidii is'aamin, kalsooni dadka laga dhex-abuuro, iyo barnaamijkii hubka lagu uruurin lahaa, maxaa yeelay ilaa iyo hadda dowlada masoo bandhigin qorshe cad oo qeexaya sidii dadka hubka looga qaadi-lahaa.

Shaki kuma jiro sida ay daacad uga ahaayeen R/Muqdisho soo dhawayntii dowladda, hooyo Soomaaliyeed ayaa igu tiri, waligay dowlad meel ay joogto ma'aanan iman, maantase waxaan halkan u imid Shariif Xasan Sheekh Adam oo ku abtirsada Suubanihii C.S.W.  waxaan filayaa bey tiri, in Shariifku noqon doono kii ilaahay Soomaaliya ku xalin-lahaa, maxaa-yeelay qoyska Rasuulku waa mid barakeysan.

Su'aasha isweydiinta lihi waxay tahay. Waa run dowladii wa la soo dhaweeyey shalay, waa run dadka xamar jooga dowlad waa rabaan. Laakiin si dowlad loo helo intaas maku filan-tahay? Madaxda dowladda ee haatan Xamar ku sugan iyo waxgaradka Xamar joogaba maxaa talo ah oo ay hayaan, ama ay ku dhaqaaqa-yaan? Wafdigan yimid mahayaa taladii dadka hubka looga dhigi lahaa? Qaybaha kala duwan ee hubka xamar ku haysta diyaar ma'uyihiin iney si gacma-furan ah ku aruuriyaan hubka? Su'aalahaas oo dhan jawaabtooda waxaa looga qanci karaa talaabo ficil ah oo ay dadka xamar jooga ku dhaqaaqan.

In dowladda Soomaaliyeed ee Nairobi lagu soo dhisay ay hirgasho oo ay noqoto mid caga-dhigata. In ciidamo ajnabi ah aysan soo galin gudaha Soomaaliya. In dadku is'aamino oo uu wax wada dhisto. In aan shir danbe Soomaali dibadaha loogu qaban. In, intii hore ay Soomaali ceeb ugu filnaato, waxay ku xiran-tahay waxgaradka xamar jooga iyo Siyaasiyiinta inay curiyaan talo ficil ah oo ay hubka meel kuwada uruurin-karaan, si Soomaaliya inteeda kale ay ugu dayato, caasimadana ay u hirgasho, dacayaadda laga faafiyeyna ay meesha uga baxdo.

Umadda Soomaaliyeed waxay R/Muqdisho uga fadhidaa ka jawaabidda Su'aasha ah, maxaa ku xiga soo dhawaynta dowladda?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Feb 7, 2005

.. XAMAR IYO XALKA SOOMAALIYA.  


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD