|
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
MASAR: DALKA AAN HAL HABEENNA DOWLAD LA’AAN
SEEXAN.
Masar waxaa loo yaqaanaa Hooyadii Dunida.Waxayna
aabbo u tahay Xadaarado badan oo dunida soo maray. Waxaa lagu xusuustaa
taariikhdii Faraacinada, wali waxaa lahayaa raad-koodii iyo sawirro lagu
tilmaamo iney muujinayaa hab dhaqankii Faraacinada. Taariikhdii Islaamkana raad
weyn ayey ku leedahay Masar. Duulaankii Tataarka iyo kii Salibiyiintaba xuduudo
Masar ayaa laga celiyey. Camr iyo Ibnu-Caas ayuu ahaa Saxaabigii furay Masar
isagoo hoos geeyey maamulkii Islaamiga ahaa.
Ilaa iyo haddeer aqoonta ka jirto dunida inteeda
badan, gaar ahaan dunida sadaxaad, waxaa qayb weyn kaqaatay Culimo u dhashay
dalkan Masar, wadamada qaarkood iyagaaba aqoonta u daah furay, waxaa kamid ah
wadamada khaliijka carbeed oo ay ka taageen Jamacadihii ugu horeeyey, iyagoo
gaarsiiyey heerka isku filnaanshaha aqoonta.
Dhinaca kale suugaanta carbeed, heesaha, gabayada,
filimada, iyo dhamaan qaybaha fanka waxay Masar u tahay hormuud, ugu yaraan
wadamada carabta. Sidaas darteed waxa la dhihi karaa shacabka masar majirto qayb
nolosha bani’aadamka kamid ah oo looga maarmo. Hadaad u fiirsato Butrus Gaali
wuxuu noqday Xoghayaha guud ee Hay’adda umadaha midoobay, kadibna wuxuu noqday
xoghaya ururka wadamada ku hadla afka faransiiska. Camr Muuse waa xoghayaga guud
ee Jaamacadda Carabta. Maxamed Al-Baraadici waa madaxa Hay’adda awoodda
Nukleyrka. Usaama Al-Baaz oo isna madax ka’ah Qamar Sanaaciga Maraykanka. Iyo
hay’ado kale oo Caalami ah ayey Aqoon-yahanno Masaari ahi madax kayihiin, taasi
waxay marag u tahay farabadnida kawaadirta wax ka qaban karta nolasha qaybaheeda
oo dhan.
Maalmahan waxaan booqasho ku joogaa Qaahira, oo
aan imid hawlo la xiriira Saxaafadda. Casharo farabadan ayaan ka qaatay intii
aan ku dhex jiray wadankan. Waxaa ugu muhimsanaa, taariikhda dalkan markaad
akhriso, qodobada aad ogaaneyso waxaa kamid ah in Masar ay tahay wadan aan
waligiis hal habeenna dowlad la’aan seexanin tan iyo markii dhulkan la soo
dagay. Mar walba waxaa u talinayey hadba maamul gacanta ku wada dhigayey dalka
oo dhan.
Waxaan booqday goobo badan oo taariikhi ah, oo
lagu soo xusuusto sooyaalka Masar, Qabrigii Maxamed Cali Baashaa ayaan dul
istaagay, war bixin kooban oo nalaga siiyey shakhsiyadiisii ayaa nalooku sheegay
inuu dhalasho ahaan uusan u dhalan Masar ee uu ahaa Albeeni, sidoo kale,
ma’uusan aqoonin afka carabiga, shacabka uu xukumo iyo isaga turjumaan ayaa u
dhaxeeyey, sidaasoy tahay waa ninkii dhisay waxa loo bixiyey masarta cusub, oo
laga wado xiligii ay horumarka bilowday, ninkaas faraciisii waxay talada dalka
hayeen ilaa bartamihii qarnigii tagay.
Waxaan isweydiiyey heerka uu gaarsiisan-yahay
bisaylka umadan, wali waxay hayaan taariikhdii soo martay oo dhan, noloshooda
waxaa ku soo maray inuu u taliyo nin aan iyaga ka dhalan, hadana aanan afkooda
aqoon, waa darsi u baahan in loo dhigo umado badan oo ay Soomaalidu ku jirto.
Waxaan anagu haddeer taagan-nahay reer hebel nooma talin karaan, qoladaanna
waxay soo mareen sidaas aad kor ku soo aragtay. Talow imisa qarni oo horumar ah
ayaa noo dhaxeeya.
Soomaalida dalkan waa laga xurmeeyaa, waxaana lagu
qadariyaa iney xubin kayihiin Jaamacadda Carabta, mana ay dareemaan iney joogaan
meel lagu cadaadiyo. Waliba waxay dad xog-ogaal ahi ii sheegeen in Soomaalidu ay
kamid tahay 8.da dal ee ay dadka ugu tirada badan joogaan, misana waa dadka ugu
danbiga yar, oo laguma qabto wax danbi ah oo dalkan mamnuuc ka’ah, kaliya waxaa
mar mar lagu helaa hal danbi oo ah khaladaad kajira xagga sharciga ay ku joogaan
dalkan.
Waxaa dalkan jooga arday aad u tiro badan oo
Soomaali ah, waxna ka barta dhamaan qaybaha cilmi ee ka jira dalkan, waxayna u
kala qaybsan yihiin jaamacado kala duwan oo dalkan ka furan, wali iima suuraglin
inaan ardaydaas la kulmo, waxaase suurowda in maalmaha soo socdo aan xog badan
ka helo nolosha wax barasho ee ardadya wax ku barata dalkan.
Goobo badan oo muhim ah ayaan booqday, meelo
taariikhi ah ayaan soo eegay, dhaman waxyaabahaas iyagoo faah-faahsan ayaan dib
idinka soo qori doonaa ilaahay idankiis.
|