SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



MASAR:  DALKA AAN HAL HABEENNA DOWLAD LA’AAN  SEEXAN. 

Masar waxaa loo yaqaanaa Hooyadii Dunida.Waxayna aabbo u tahay Xadaarado badan oo dunida soo maray. Waxaa lagu xusuustaa taariikhdii Faraacinada, wali waxaa lahayaa raad-koodii iyo sawirro lagu tilmaamo iney muujinayaa hab dhaqankii Faraacinada. Taariikhdii Islaamkana raad weyn ayey ku leedahay Masar. Duulaankii Tataarka iyo kii Salibiyiintaba xuduudo Masar ayaa laga celiyey. Camr iyo Ibnu-Caas ayuu ahaa Saxaabigii furay Masar isagoo hoos geeyey maamulkii Islaamiga ahaa.

Ilaa iyo haddeer aqoonta ka jirto dunida inteeda badan, gaar ahaan dunida sadaxaad, waxaa qayb weyn kaqaatay Culimo u dhashay dalkan Masar, wadamada qaarkood iyagaaba aqoonta u daah furay, waxaa kamid ah wadamada khaliijka carbeed oo ay ka taageen Jamacadihii ugu horeeyey, iyagoo gaarsiiyey heerka isku filnaanshaha aqoonta.

Dhinaca kale suugaanta carbeed, heesaha, gabayada, filimada, iyo dhamaan qaybaha fanka waxay Masar u tahay hormuud, ugu yaraan wadamada carabta. Sidaas darteed waxa la dhihi karaa shacabka masar majirto qayb nolosha bani’aadamka kamid ah oo looga maarmo. Hadaad u fiirsato Butrus Gaali wuxuu noqday Xoghayaha guud ee Hay’adda umadaha midoobay, kadibna wuxuu noqday xoghaya ururka wadamada ku hadla afka faransiiska. Camr Muuse waa xoghayaga guud ee Jaamacadda Carabta. Maxamed Al-Baraadici waa madaxa Hay’adda awoodda Nukleyrka. Usaama Al-Baaz oo isna madax ka’ah Qamar Sanaaciga Maraykanka. Iyo hay’ado kale oo Caalami ah ayey Aqoon-yahanno Masaari ahi madax kayihiin, taasi waxay marag u tahay farabadnida kawaadirta wax ka qaban karta nolasha qaybaheeda oo dhan.

Maalmahan waxaan booqasho ku joogaa Qaahira, oo aan imid hawlo la xiriira Saxaafadda. Casharo farabadan ayaan ka qaatay intii aan ku dhex jiray wadankan. Waxaa ugu muhimsanaa, taariikhda dalkan markaad akhriso, qodobada aad ogaaneyso waxaa kamid ah in Masar ay tahay wadan aan waligiis hal habeenna dowlad la’aan seexanin tan iyo markii dhulkan la soo dagay. Mar walba waxaa u talinayey hadba maamul gacanta ku wada dhigayey dalka oo dhan.

Waxaan booqday goobo badan oo taariikhi ah, oo lagu soo xusuusto sooyaalka Masar, Qabrigii Maxamed Cali Baashaa ayaan dul istaagay, war bixin kooban oo nalaga siiyey shakhsiyadiisii ayaa nalooku sheegay inuu dhalasho ahaan uusan u dhalan Masar ee uu ahaa Albeeni, sidoo kale, ma’uusan aqoonin afka carabiga, shacabka uu xukumo iyo isaga turjumaan ayaa u dhaxeeyey, sidaasoy tahay waa ninkii dhisay waxa loo bixiyey masarta cusub, oo laga wado xiligii ay horumarka bilowday, ninkaas faraciisii waxay talada dalka hayeen ilaa bartamihii qarnigii tagay.

Waxaan isweydiiyey heerka uu gaarsiisan-yahay bisaylka umadan, wali waxay hayaan taariikhdii soo martay oo dhan, noloshooda waxaa ku soo maray inuu u taliyo nin aan iyaga ka dhalan, hadana aanan afkooda aqoon, waa darsi u baahan in loo dhigo umado badan oo ay Soomaalidu ku jirto. Waxaan anagu haddeer taagan-nahay reer hebel nooma talin karaan, qoladaanna waxay soo mareen sidaas aad kor ku soo aragtay. Talow imisa qarni oo horumar ah ayaa noo dhaxeeya.

Soomaalida dalkan waa laga xurmeeyaa, waxaana lagu qadariyaa iney xubin kayihiin Jaamacadda Carabta, mana ay dareemaan iney joogaan meel lagu cadaadiyo. Waliba waxay dad xog-ogaal ahi ii sheegeen in Soomaalidu ay kamid tahay 8.da dal ee ay dadka ugu tirada badan joogaan, misana waa dadka ugu danbiga yar, oo laguma qabto wax danbi ah oo dalkan mamnuuc ka’ah, kaliya waxaa mar mar lagu helaa hal danbi oo ah khaladaad kajira xagga sharciga ay ku joogaan dalkan.

Waxaa dalkan jooga arday aad u tiro badan oo Soomaali ah, waxna ka barta dhamaan qaybaha cilmi ee ka jira dalkan, waxayna u kala qaybsan yihiin jaamacado kala duwan oo dalkan ka furan, wali iima suuraglin inaan ardaydaas la kulmo, waxaase suurowda in maalmaha soo socdo aan xog badan ka helo nolosha wax barasho ee ardadya wax ku barata dalkan.

Goobo badan oo muhim ah ayaan booqday, meelo taariikhi ah ayaan soo eegay, dhaman waxyaabahaas iyagoo faah-faahsan ayaan dib idinka soo qori doonaa ilaahay idankiis.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | May 23, 2005


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD