Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
BEENTU TABAR DARANAA QOFKEEDUNA TAYO XUMAA.
Beentu waa aafo dunida oo dhan lumisay. Sidoo
kale meel cidla ah ayey dhigtay isku kalsoonidii ka dhaxaysay dadka dunida ku
wada nool. Majirto cid u qiildayda been sheegista.
Been: waxaa lagu macneeyey hadalka oo khilaafa
waxa jira. Quraanka Aayado badan ayaa lagu sheegay ceebta ay beenta leedahay,
iyo danbiga uu kasbanayo qofka beenta sheegaya, ilaa la gaarsiiyey in uu
naxariisa Ilaahay ka fogaanayo.
Cali Binu Xasan Binu Cali Abii-Daalib ayaa
Wiilkiisa ku yiri: Yaraanta been haku sheegin waayo weynaanta ayaad ku sheegi
doontaa intaad ku tagto. Waana tii uu Nabigu Calayhi Salaam yiri: Adoonku kama
joogo inuu been sheg-yahay ilaa Eebbe agtiisa looga qoro been sheege.
Xumaanta been shegaha.
Diinta kolkii ay beenta xaaraamaysay waxay
sidaas u yeeshay iyadoo la’eegay dhibaa-tooyinka xun xun ee uu xanbaar-sanyahay,
iyo sida uu u fasahaadiyo bulshada. Waxaana kamid ah kuwaas.
1. Wuxuu dilaa sumcada, isagoo noqonaya qof
aan karaamo ku dhex lahayn bulshada.
2. Wuxuu waayaa kalsonida, taasoo ku khasabta
inuu si joogto ah been usheego.
3. Warkiisa oo dhan baa been u wada ekaado,
markaasuu isaga laftiisa kala garan waayaa inuu run sheegayo iyo inkale.
4. Marqaatigiisa oon lagu kalsoonaan, illeen
waxa laga rabo mayaqaanee, oo wuxuu doono ayuu isaga hadli.
5. Balamihiisa oo aanan lagu tala galin.
Waxaa la dhahaa koley waa isla adigiiyee bal aan aragno inaad run sheegeyso.
Waxaa jira caalamado lagu garto beensheegaha.
Waxaa kamid ah
1. Wuxuu ilaawaa Beentii uu horay u shegay,
markaasuu laba beenood oo iska hor imaaneysa kuu kala sheegayaa.
2. Wuxuu isku dayaa inuu halmar intaasoo
beenood kuu wada sheego, si uu kuugu qanciyo hal been ah oo uu rabo inaad ka
ogolaato.
3. Sheekadiisa oo cantarabaqash u badan, wax
badan oo uu caqliga diidana jecel inuu ka sheekeeyo, isagoo ku gaarsiinaya
inaadba warkiisa nacdo.
4. Wuxuu dhumiyaa wakhti badan, isagoo
noloshiisa oo dhan ay wareer iyo hadal tiro u badanahay.
Sababo badan ayey sheegeen Culimadu inay sabab
u tahay in qofku beenlow noqdo. Waxaana kamid ah.
1. Caado iney u noqoto. Sida inuu ku
barbaaray beensheegista kadibna ay ku xidideysato dabcigiisa, kana mid noqoto
dhaqankiisa joogtada ah.
2. Damac joogto ah. Waxaana keenaya hankiisa
oo badan, taasoo sabab u noqoneysa inuu beenta badsado si uu u gaaro damaca weyn
ee haya, si’ay naftiisa u qanacdo.
3. Cadaawad. Hadii uu qofku cid kale cadaawad
u hayo waxaa sahlan inuu been ka sheego cidda markaa cadowga u ah.
4. Xaasidnimo. Qayb weyn ayey ka qaadataa
xasadka in ruuxu uu noqdo bensheege, waliba wuxuu iska dhigaa daacad marka uu
beenta abuurayo.
Qaybaha beenta waa farabadan tahay, waxayna u
kala shida-badan-yihiin hadba sida ay wax u kala saameeyaan, ama cidda ay la
xiririto beentu. Waxaana kamid ah qaybahaas.
1. Dhaar beenaale. Waa nooca ugu xun beenta.
Waxay la xiriirtaa Ilaahay oo magacii Eebe weyne ayuu been ku sheegayaa. Waana
tan ugu danbiga badan. Waa geesi-nimo layaab leh in ruuxu si cad been usheego
isagoo magaca ilaahay ku maraya.
2. Marqaati beenle. Waa nooca labaad ee ugu
xun beenaha, oo tan hore ayey ku xigtaa xagga dhibaatada iyo xagga ilaah ka
fogaanshahaba. Waana midda fududaysa luminta anshaxa bulshada iyo hantida guud.
3. Balan kabax. Waxay kamid tahay Astaamaha
been sheegaha. Wuxuusan garaneyn qiimaha uu leeyahay qawlka uu ku hadlayo.
Dawo maleedahay beentu? Hadday dhib weyn kugu
hayso beenta siyaalo badan ayaa loo daaweeyaa, waxaana kamid ah.
1. Akhriso oo marwalba is xusuusi qiimaha ay
leedahay in runta la sheego. Maanka ku dhagso iney fiicantahay in laguugu
tilmaamo nin dabeecad xun intii laguugu tilmaami lahaa been sheege.
2. Mar walba xusuusnow ceebta ay leedahay
beensheegista. Qiima dhaca ay bulshada dhexdeeda ku leedahay, iyadoo rabi
fogaanshana kuu dheertay.
3. Inaad iska badasho saaxiibada kugu jecel
sheekada beenta ah, adigoo isku dayaya inaad barato dad akhyaar. Sidoo kale
waxaad ku dhiirataa inaad qof qaraabadaada kamid ah ama ehelkaada ah inuu si
joogta ah kuugu imtixaamo waxa aad sheegto, xageed ka keentay iyo wixii lamid ah
inuu ku dhaho goorkasta.
|