<form> waa habka suurta galka kadhiga in si fudud loo diro
akhbaar iyada oo la adeegsanayo qaabka "FORM" kaas oo
xambaaraya ama qaadaya macluumadkii laguqoray. Waxaana
badanaa "Form"-ku adeegsadaa waxa loo yaqaan "CGI" ama JAVA.
Laakiin hadda waxaan halkaan ku eegeynaa oo qura sidii aan u
samayn lahayn "Form" kaas oo adeegsanaya habka CGI.
Xusuusnow si form-kani u shaqeeyo waxaad u baahantahay in "Server"ka
aad adeegsataa uu aqbalayo "CGI".
<FORM>
Formku waxa uu ku bilaabmaa xeerka <form>.
Waxaana lagu xejiyaa method="post"
ama method="post/get". Waxaa badanaa la
adeegsadaa "post" oo sheegeysa in aad macluumaad daabacaysid.
Kaddib waxaa lagu xejiyaa action="url"
taas oo sheegeysa URL aad daabaceysid.
UFIIRSO: faraqa u dhexeeya Radio iyo Ckeckbox. Waxaad
arkidoontaa in Checkbox aad doonakartid intii aad doontid,
halka Radio ladoorankaro halmid oo kamida liiska.
SELECT
Waxay sahal kadhigtaa in liis aad u sheer lagadoorankaro
hal mid, sida kucad tusaalaha hoose;
<select name="looxa_select">
<option>Somalia
<option>Badda Cas
<option>Badweynta Hindiyo
<option>Xeebta Soomaaliya
</select>
TEXTAREA
Qaybtaan waa khaanada loogu talagalay badanaa in qoraalka
lagu daabaco qoraalka, sida kamuuqata khaanadda hoos
kuqoran. Waxaadna xusuusnaataa in loo bahaanayahay in
lacaddeeyo cols="30" rows="3" kuwaas oo muujinaaya
ballaca iyo dhererka ay khaanadaasi yeelandoonto.