Waa qaab kuu sahlaya in aad sawirtid dhammaan shaashadda
Kambuyuutar ama bog Internet ah. Waxaan casharkaan ku
barandoonaa qaabka iyo habka lamaro marka shaashada (srceen)
larabo in lasawiro.
Maxaad u baahantahay si aad u samaysid Sawirka
Shashadda (screen capture)?
Ugu horrayn waa in kambuyuutarka uu kujiraa barnaamij
(program) xamilikara ama awood u leh sawirada (images).
Waxaan qiyaasayaa in badanaa kambuyuutarada uu kujiro
barnaamijka lagu magcaabo "PAINT", kaas ayaana
adeegsan doonaa.
Xagee barnaamijkani kagajiraa Kambuyuutarkaaga?
Start
> Progarms > Accessories > |
|
Mar haddii aad ogaatey halka "PAINT" kagajiro
Kambuyuutarkaaga waxaan bilaabeynaa qaabkii samynta "Sawirka
Shaashadda", waana kan hoos kuqoran:
- Waa in aad ogtahay bogga ama shabakada aad rabtid in
aad sawir kasamaysid. Tusaale ahaan waxaan
soodiyaarsaday bogga
Somalitalk.com,
- Shaashada waa in uu kamuuqdaa bogga ama qaybta aad
rabtid in aad sawirtid,
-
Shaashada
oo weli uu kamuuqdo qaybtii aad rabtey in aad sawirtid,
waxaad riixdaa [GUJI] halka ay kuqorantay "PRINT
SCREEN" ee KeyBoard-ka. Eeg halka calaamada Cad
ay kutaal ee KeyBoard-ka kamuuqda sawirka dhanka midig (Xusuusnow
in sawirka KeyBoard-ka uusan ahayn isagoodhammaystiran
ee uuyahay qaybta midig ee Keyboard-ka). Halkaas waa
meesha ay Kambuyuutarada badanaa kagaqorantahay "Print
Screen" waana meesha aad rabtid in aad Gujisid ama
riixdid.
-
Kaddib
waxa aad lasoobaxdaa barnaamijkii "Paint" adiga
oo raacaya xeerka korkusharaxan ee [Start > Progarms
> Accessories > Paint]. Waxaa kuusoobaxaya
barnaamijkii oo aanwaxba kuqorayn sida kamuuqata sawirka
dhanka midig kamuuqda oo ah qaabka uu u egyahay
"Paint Program"
- Waxaa lagayaabaa in aad isweydiisid, maxaa kudhacay
ama maxaa boggii aan rabey in uu sawirmo uu uga
soobixiwaayey "Paint"?. Jawaabtu waxay noqonkartaa, weli
ma aadan samayn ficilkii sababilahaa in arintaasi dhacdo,
ee hadaba akhri qodobka hoos kuqoran. Waxaakale oo
lagayaabaa in aad isweydiisey xagee kuxafidan yahay
sawirkii illeyn waa anigii riixay "Print Screen"?,
Jawaabtu waxay noqonkartaa weli waxa uu kujiraa maskaxda
kambuyuutarkaaga oo hadii aadan kambuyuutarka damin weli
wuukuu xusuusanayaa sawirkaas.
-
Tallaabada
xigta waa in aad raacdid sida kamuuqata sawirka midigta
ah, taas oo ah in aad barnaamijka "paint" halka ay
kuqorantahat EDIT aad riixdid [Guji}, kaddibna
aad riixdid halka ay kuqorantahay PASTE sida
kamuuqata sawirka midigta [Edit > Paste]. Taasi
waa qaabka kuu sahlaya in sawirkii uu kasoobaxo "Paint"
dhexdiisa, waxaadna arkidoontaa sawirkii aad rabtey oo
kadhexmuuqda "Paint". Hadii waxwalba ay udheceen
sidii kuhaboonayd waxaad markaas arkidoontaa arintan oo
xaqiiq ah.
- Marka sawirkii kasoobaxo shaashada "Paint"
waxaad markaas kuxafidikartaa meelkamida
kambuyuutarkaaga adiga oo adeegsanaya "SAVE AS".
[Had iyo jeer xusuusnow halka aad sawirka kuxafideysid
si aad hadhow si sahala ugu heshid]
- Waxaad gaartey guulweyn marka aad sawirkii kuxafiday
meeshii aad rabtey, tallabada kuxigtaa waa in aad
sawirkii ama (image) aad u adeegsatid sidii aan kusoo
aragnay qaybtii sawirada.
- Cillada lagayaabo in aad ku aragtid adeegsiga
"Paint" waa iyada oo sawirkii uu noqonayo nooca
looyaqaan Bitmap taas oo uu raacayo lifaaqa
.bmp , Taas macneheedu waxaaweey haddii aad
adeegsanlahayd tusaale ahaan "Microsoft Image Composer"
waxaad markaas kuusuuta gelilahaa in aad sawirka
kadhigtid noocyada looyaqaan .JPG ama .GIF
oo aad ugasahlan ama ugayar nooca hore. Badanaana
waqtigan Internetka waxaa la adeegsadaa labada dambe ee
.JPG iyo .GIF
- Haddii aad haysatid tusaale ahaan Microsoft
FrontPage waxaa kuusahlanaanaya in sawirkii .bmp
aad u bedeshid .JPG ama .GIF, dabcan
weyjiraan barnaamijyo kale oo sawirada isku bedelikara,
halkanse tusaale ayaan u sooqaatay Microsoft FrontPage.
-
Maxsuulka
ii soo baxay waakan dhanka midig kamuuqda, waxaan
filayaa ama qiyaasayaa in aad adiguna kuguulaysatey
samaynta sawirka shaashadda ama Screen Capture,
kaas oo aan qiyaasayo in adeegsigiisu uu faa'iido
badan kuuyeelan doono, Insha Allah. Sida aad aragtidna
qaabkani waa mid aad u sahlan, marka aad baratidna waa
qaab xusuustiisu ay sahlantahay - Waxaad keliya oo u
baahantaya in aad xusuusnaatid Print Creen, isla
mar ahaantaana Kambuyuutarka ay kujiraan barnaamijyo
sahlaya qabashada sawirka.
- Haddii aad ka faa'iidey qaybtaan, fadlan boggaan aad
hadda akhriyeysid sawirkiisa kudar boggaaga, ama usheeg
asxaabtaada si ay iyaguna uga faa'iidaystaan qaybaha
HTML, waxaan aad u jeclahay in dad badan ka faa'iidaan
qaybtaan Ilaah dartiis ama Ilaah hortiis ee fadlan
gaarsii intii aad awoodid ama siibar asxaabtaada si ay
aqoonta Internetka ee shacabkeenu u siyaado.
Tab iyo Xeelad
Waxaa lagayaabaa in aad isweydiisid su'aasha ah: Sidee u
sawiraa shaashad keliya haddii ay furanyihiin shaashado
badan ee kambuyuutarkayga ah? - Waxaan ugajeedaa sidee u
sawiraa hal "Srceen' haddii dhawr "Sreen" ay
furanyihiin.
Jawaabtu waa: Waxaad marka hore korsoomarisaa (ama ugusoo
saraysiisaa) shaashadda (screen) aad rabtid in aad
sawirtid, kaddibna waxaad halmar isla qabataa ama iskumar
riixdaa ALT iyo PRINT SCREEN.
Ufiirso: Marka aad riixdid "PRINT SCREEN" keliya
waxaa sawirmaya dhammaan waxa kamuuqda shaashada
Kambuyuutarkaaga, hadiise aad iskumar riixdid ALT + PRINT
SCREEN waxaa sawirmaya shaashada furan oo keliya ama tan
ugu saraysa haddii shaashado badani furanyihiin.
Casharka xiga waxaan ku baran doonaa sida loo sameeyo
daaqad soo boodeysa ama Popup... |
|