SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IMAGES
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA SHANAAD
[KUXIRIIRINTA SAWIRADA "IMAGES"]


CASHARKA SHANAAD
Casharkan waxaan ku baraneynaa sidii aan sawir u gelin lahayn bog shaashadda internetka kasoo baxa. Xaqiiqadii habkani wuxuu aad kuugu sahlanaanayaa marka aad siwanaagsan u soo fahamtey casharkii hore ee kusaabsanaa halka isku xiriirinta boggaga ama [LINK]. Waxaa qaybtaan kusoo siyaadaya waa (looxa ama TAG) <IMG>, taas oo u taagan "Image".

IMG waxa uu u baahan yahay in loo tilmaamo meesha uu sawirku kagajiro kambuyuutarkaaga ama khaanadda uu kagajiro Internetka. Si taas loo hirgeliyo waxaa loo baahanyahay SRC oo u taagan "Source" ama meesha sawirku ku jirey.

Xeerka la maro oo koobana waakan hoos kuqoran:

Xeerka HTML
Maxsuulka
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif">

SAWIRKA OO U SHAQAYNAYA SIDII XIRIIRIYE [LINK]

Marka larabo in sawirka kugu xiriiriyo bog-kale, waxaa la adeegsadaa xeerkan:

Xeerka HTML
Maxsuulka
<a HREF="http://boggalategayo.com"> <IMG SRC="/khaanad/sawir.gif"> </a>
Sawirkii ayaa horay laga raaciyey [LINK]. Marka aad sawirka korkiisa dhag siisid waxuu kuu gudbinayaa bog kale. Tijaabi.
SAWIRKA OO DHINAC U BADAN

Hadiiaad rabtid in sawirkaagu uu u bato dhinac waxa aad kudareysaa waxa loo yaqaan "ALIGN" taas oo loosiitilmaamayo dhanka uu raacayo oo noqonkara Midig, Bidix ama Dhexda, waanakan xeerkii:

Xeerka HTML
Maxsuulka
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" align="right">
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" align="center">
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" align="left">

QORAALKA OO KUXEERAN SWIRKA

Marka ladoonayo in qoraalku uu kuxeermo sawirka waxa lasamaynaya habka soo socda:

Xeerka HTML
Maxsuulka
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" ALIGN="left">
Qoraalkani waxa uu ku xeermi doonaa sawirka, waxaana arrintaas sababaya waa xeerka ALIGN="left" oo sawirka dhanka bidix raacinaya.
Qoraalkani waxa uu ku xeermi doonaa sawirka, waxaana arrintaas sababaya waa xeerka ALIGN="left" oo sawirka dhanka bidix raacinaya.
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" ALIGN="right">
Sidoo kale qoraalkani waxa uu ku xeermi doonaa sawirka, waxaana arrintaas sababaya waa xeerka "ALIGN="right"" oo sawirka dhanka midig raacinaya.
Qoraalkani waxa uu ku xeermi doonaa sawirka, waxaana arrintaas sababaya waa xeerka ALIGN="right" oo sawirka dhanka midig raacinaya.

DEYR KUWAREEGSAN SAWIRKA -[BORDER]

Marka larabo in sawirka loosameeyo wareeg ama [boder] waxaa la raaciyaa xeerka BORDER="tiro". Halkaas tirada laguqorayaa waxay ahaankartaa "0" ah maleh wareeg [no-border], ama tiro kale si markaas uu u yeesho wareeg.

Xeerka HTML
Maxsuulka
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" BORDER="7" >

 


CABBIRKA SAWIRKA - [WIDTH & HEIGHT]

Waa halka aad kabedelikartid inta uu leekaanayo sawirku, adigoo bedelikara dhereka "HEIGHT" ama ballaca "WIDTH", waanakan xeerkii:

Xeerka HTML
Maxsuulka
<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" WIDTH="60" HEIGHT="30" >

TAB IYO XEELAD - [TIPS 7 TRICKS]
NOOCA IYO MAGACA SAWIRKA [gif & jpg]

Sawirrada aad u adeegsaneysid Internetka waa in ay ahaadaan nooca looyaqaan GIF ama JPEG/JPG. Badanaa ma wanaagsana in sawirkaagu uu noqdo nooca BMP, kaas oo ah mid aad u culus marka uu kusoobaxayo bogga [waqti badan ayuu qaataa], amaba qayb kamida daalacdayaasha [browsers] ma soosaarikaraan, sidaas daraadeed adeegso labada hore.

HADDII SAWIRKAAGU SOO BIXI WAAYO: marka hore hubi in [browserku] uu aqbalayo sawirada, marlabaadkana hubi SRC iyo khaanada uu kujiro sawirku in ay iswaafaqsanyihiin. haddii sawirkaagu uu aad u weynyahayna adeegso habka loo xadido cabbirka ee kor kuxusan [HEIGHT & WIDTH].


QORAAL BEDDEL U AH SAWIRKA [ALT]:

Waxaa dhici karta in sawirku uu soo bixiwaayo sabatoo ah [browser]-ka oo laga xiray inuu aqbalo sawirada, ama siday doontoba dhacdee sawirkii la arkiwaayo, si loogarto waxa sawirku ku saabsanaa waa in lagu daraa xeerka loo yaqaan "ALT" oo u taagan "ALTERNATIVE", iyadoo laraacyo habkan:

<IMG SRC="/khaanad/sawir.gif" ALT="qoraalka u dhigna sawirka" >


SAWIRKA IYO QORAALKA KALDURKINTOODA

Si sahala ayaa sawirka iyo qoraalka lookala durkin karaa iyado la adeegsanay [Vspace] oo kor iyo hoos ah iyo [Hspace] oo dhanka midig iyo bidix ah.

<IMG SRC="sawir.gif" Hspace="20" Vspace="15">

Xusuus: Waxaan ilaa hadda adeegsaneyney waa NOTEPAD oo aan horay u soo baranay...

SUAALO KASOO LAABTAY NOTEPAD
In badan oo kamid akhristayaasha qaybtaan Baro HTML ayaa waxay isoo weydiiyeen su'aalo la xiriira adegsiga NOTEPAD, sidaas daraadeed ayey waxay iigu muuqartay in ay ku wanaagsantahay in aan marlabaad si waadax ah oo caam ah u sharaxno adeesiga NotePad, ee fadlan akhri bogga: [Casharada dambe ayaan ku baran doonaa adeegsiga NOTEPAD]
CASHARKA LIXAAD
Casharka lixaad waxa uu kusaabsan yahay qaabka loo qoro liiska iyada oo la adeegsanayo HTML. Casharka xiag waa qorista liiska...

BOGGA HORE

BOGGA XIGA