CASHARKA TODDOBAAD
[SIDA XOGTA LOOGU XAWILO SERVERKA "FTP"]
Marka aad HTML qortid, sidee qoraalkii ugu diri kartaa Internetka si
loo akhristo.
Waxaa jira siyaabo dhawr ah oo qoraalkii ama boggii loogu
dirikaro ama loogu daabici karo Internetka si fikradaadii ama
macluumaadkaagii aad ugu gudbisid adduunka. Waxaana halkaan ku
barandoona hab kamida habaka loo daabaco bog Internet ah, habkaan oo
qiyaastayda ah kan ugu wanaagsan oo waqtigan la adeegsado, waana
barnaamijka loo yaqaan FTP.
FTP waxay u taagantahay "File Transfer Protocol" [ oo ah
habka File loogu xawilo internetka] waana barnaamij aad u sahlan oo
File-ka lagu geynkaro Internetka ama Server-ka.
Dhex-taal:::
FileZilla
F.G: Casharadan HTML xilligii aan
qoray (1999), barnaamijka WS_FTP waxa uu lahaa qayb lacag
la'aan ah (bilaash), sida aan qiyaasayo hadda waa in aad
lacag bixisid si aad barnaamijka WS_FTP u adeegsatid.
Waxaase jira barnaamij kale oo hawsha FTP-ga kuu qabanaya oo
lacag la'aan ah, kaas oo lagu magcaabo
Filezilla. Sabataas ayaan qaybtan dhex-taalka ah u qoray
2005.
Sidee Loo soo Rogan karaa FileZilla:
1. Booqo shabakada:
http://sourceforge.net/projects/filezilla
2. Eeg bartamaha websiteka kuu soo baxa
qaybta cinwaan keedu yahay "Latest File Releases",
qaybtaas ka eeg meesha ay ku qoran tahay "Filezilla",
markaas guji bartaas horteeda meesha ay kaga qoran thay "Download"
(Eeg sawirka hoose).

3. Guji faylka nooca .exe oo ka
muuqda bartamaha shaashada soo baxday (eeg sawirka hoose).

4. Markaas ayaa waxaa kuu soo bixi doona
websiteyada laga soo rogan karo FileZilla iyo wadamadooda.
Mid kamid ah websiyadaas ka dooro si aad u soo rogatid
FileZilla. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa liiska websiteyaas
qaar kamid ah...

5. Marka aad soo rogatid, muuqaalka guud
ee FileZilla wuxuu u muuqanaya sida sawirka hoose.

F.G: Akhri qaybta "Help" ee barnaamijkaas si aad u baratid
qaabka loo isticmaalo.
|
WS_FTP:::
Ugu horrayn waa in barnaamijkaas uu kujiraa Computer-kaaga,
haddii uusan hadda kujirin waxaad kasoo rogankartaa Internetka,
meelaha laga helikaro waxaa kamida;
www.ipswitch.com [lacag].
Waxaadse mid bilaash ah kasoo rogankartaa marka aad tagtid
Downloads.com [Xusuusnow WS_FTP iyo FTP badanaa waa iskumid],
waxaa kale oo tijaabinkartaa
ftp.
Waxaa aad u habboon in aad ogaatid khatarta file
marka lagasoo roganayo (download) internetka in uu lasoconkaro waxa
looguyeero 'VIRUS' kaas oo khatar ah in uu burburiyo Computerada. Si
taas looga hortago waxaa haboon in layaqaan meesha fileka
lagakeenayo iyo in Computerka uu ku jiro waxa looguyeero 'ANTIVIRUS'
ama kahortag. fadlan akhri
Somalitalk Privacy.
Tixraac: McAfee.com |
AntiVirus
Center
Haddii file-ka aad soo roganeysid (download) uu yahay mid nooca
looyaqaan 'ZIP' markaas waxaad u baahandoontaa in filekaas furtid
"UNZIP", hadaba haddii Computerkaaga uusan kujirin "UNZIP" waxaad
kasoo rogankartaa www.winzip.com.
Kaddib marka aad barnaamijkaas soo gelisi Computerkaaga oo aad
furtid ftp, waxaa kuu soo baxaaya sida hoos kamuuqata oo kale.
- Profile Name: Kuqor magaca boggaaga [domainName]
- Host Name/Addresss: Kuqor magaca boggaaga ama [cinwaanka
IP - IP Address]
- Host Type: waa in ay kamuuqataa Automatic detect
- User ID: Kuqor magaca aad kugashid boggaaga
"Username" ama login Name"
- Password: Furaha [waa in aad halksaa aad u hubisaa
unaqortaa si saxa]
- Guji [Click] "OK"
Markaas waxaad tegidoontaa khaanada Internetka.
Marka aad "OK" tiraadid waxaa kuu soo baxaaya sida hoos kamuuqata
oo kale.
- Khaanada bidix ee ay kuqorantahay "Local System" waa
Computer-kaaga saxankiisa [hard-drive]
- Khaanada midig ee ay kuqorantahay "Remote System" waa
Internetka ama "server-ka"
- File-kii aad rabtey in aad udirtid Internetka karaadi dhanka
bidix [Copmuterkaaga ama disk]
- Taabo file-kii adigoo adeegsanaya "mouse-ka" ama "Calaamadi
file-kii adigoo tartiib u gujinaya".
- html waa in aad kudirtaa ASCII, Sawiradana (images) kudir
Binary. [kahor inta aadan file HTML udirin internetka, guji
khanka yar ee kahorreeya ASCII. Sawir marka ladirayo
kahorna guji khanka yar ee ka horreeya halka ay kuqorantahay
Binary.
- Kaddib Guji fallaarta midigta u jeeda ee kudhextaal labada
khaanadood ee Computerkaaga "Local System" iyo Internetka
"Remote System" markaas ayaa "file-kii" wuxuu ku
xawilmayaa ama u gudbayaa dhankii internetka.
- Halkaas wixii loogaaro boggaagii Internetka ayuu kujiraa,
marka aad cinwaankii qortidna waa in aad arki kartaa.
- Tusaale ahaan haddii File-kaagu uu ahaa index.html,
boggaga magiciisuna yahay quwaax.somalitalk.com, marka aad
cinwaanka quwaax.somalitalk.com kuqortid daalacdahaaga [browser]
waa in aad arkikartaa qoraalkii ku qorraa file-ka oo kujira
Internetka.
Tixraac:
Icom FTP |
Tripos Guide
to FTP|
Introduction to HTML
TALO: Waxaa iga talo ah inaad siweyn uga taxadartid
qoraalka aad u tebineysid Internetka, waayo maxakuntid marka aad
udirtid dhanka midid ee khaanadaas kore, farahaagana waa kabaxayaa
qoraalkii oo wuxuu noqonayaa dad u dhexeeye oo aan uga jeedo
qofkasta oo cinwaankaaga yaqaan waa akhriyi karaa qoraalkii. Sidaas
daraaded waxaa haboon in qoraalka aad udireysid meel dadka oo dhan
kadhexaysa aad u qiimaysid sidii adigoo u sheegaya dadkii oo ku hor
taagan.
Tixraac:
netiquette
corerules
[Advanced] CGI-chmod: Haddii aad u baahatid qaabka samaynta
chmod- CGI , waxaad soo booqan kartaa
discusware.com.
NB: Macintosh FTP
Haddii Computerkaagu uu yahay Macintosh soo booqo
dartmouth.edu oo aad kahelidoontid meesha aad kasoo rogankarid
"ftp - Macintosh"
|
ADEEGSIGA KALE EE FTP |
Siyaabaha kale ee
loo adeegsankaro FTP waxaa kamid:
ChgDir
ChgDir oo u dhiganta Change Directory, Marka aad gujisid
(click) ChgDir waxaa kuu soo baxaaya khaanad u eg tan sawirka
bidixda ah kamuuqata.
Kasoo qaad in aad joogtid [drive A] oo aad rabtid in aad file
karabtid [Drive C] markaas ayaa waxaa la'adeegsankaraa ChgDir si la
isugu bedelo labadaas saxan. Si aad taas u hirgelisidna waxaad
meeshabannaan kuqoreysaa C:\ kaddibna guji "OK".
MkDir
MkDir oo u dhiganta Make Directory. kasoo qaad in aad rabtid
in boggaagu uu yeesho qayb wararka ah oo aad u bixisid news, oo
cinwaankeedu noqondoono bog.com/news, markaas ookale ayaad u
baahantahay in aad adeegsatid MkDir, marka aad riixdid MkDir waxaa
kuusoobaxaya khaanadda yar ee sawirka dhanka bidix kamuuqata,
markaas magacii aad rabtey kuqor halka bannaan oo markaas guji "OK".
Xusuusnow in dhanka Internetka aad kasmaysid arrintaan, kaadib
haddii aad rabtid in aad warkii kushubtid khaanadii wararka ee aan u
bixinay news waxaa marka hore khasab ah in lafuro isla
khaanaddaas adiga oo labajeed sidegdega u gujinaya (double click)
magicii aan rabney in aan furno (news), marka uu furmo ayaad markaas
sidii habkii hore aan kor kusharaxnay adiga oo raacaya ayaad file-kii
uu warku kujirey kusoo xawileysaa khankaas cusub.
Waxaan qiyaasayaa in dhammaan inta kale ee kamuuqda FTP ay waxa
ay qabtaan ama adeegsigoodu cadyihiin sida "Rename, delete, iwm"
Ugu dambayn waxa aad xusuusnaataa haddii File aad internetka u
dirtay aad rabtid in aad waxkabedeshid, waxaa kulagudboon in aad
marka hore qoraalka cusub ama bedel aad kusamaysi file-ka kujira
computerkaaga ama saxan [disk], markaas kadib aad martid habkii hore
oo kale, marka file-kii cusbaa aad u dirtid Internekii wuxuu
bedelayaa kii hore [shardi waa in ay isku magac yihiin].
SIDEE LOO SAMEEYAA KHAANAD
Sida qaalibka ah marka lasamaynayo bog internet ah
waxaa inta badan loo baahdaa in qoraalka loo kala
sameeyo khaanado kala duwan.
Tusaale ahaan haddii bogga aad samaysan uu
kakoobanyahay warar, waxbarasho, iwm. Waxaad markaas
u baahantaahy in aad samaysid khaanado wata
magacyadaas. Waxaa weliba dhici karta in khaanad
walba aad kasii dhex samaysid khaanado kale, tusaale
ahaan khaanada wararka waxaad kasii dhex samayn
kartaa waraka Afrika, iwm. Taas oo weliba halkaas (Afrika)
aad kasii dhexsamayn kartid AfrikadaBari,
ArikadaGalbeed, iwm.
Hadaba qaabka ugu sahlan ee lagu samayn karo
khaanada (directory) waa in la adeegsado FTP kaas oo
kamida barnaamijyada aan horay u soo aragnay.
Tusaale ahaan waxaa samayneynaa khaanad aan u
bixinay webdesign, kaddib waxaan khaanadaas
kasii dhexsamayneynaa khaanad kale oo aan u bixinay
directory, si aan arintaas u samayno waxaan
raaceynaa xeerarka hoos ku qoran.
Ugu horrayn waa in aad soo diyaarsataa
barnaamijka FTP, isla mar ahaantaanaa waa in aad ku
baraarugsanaataa meesha aad kasamayn doontid
khaanada, tusaalahaan waxaan khaanada ugu horreysa
ka samayn doonaa bilowga khaanadaha ee bogga html
(root directory).
Marka aad soo diyaartastid FTP, waxaad eegtaa dhanka
midig ee FTP oo ah qaybta "serverka", guji halka ay
ku qorantah MkDir (oo u taagan Make
Directory.
Waxaa soo baxaya shaashadan yare ee dhanka bidixda
kamuuqata, isla shaashadaas meesha bannaan kuqor
magicii aad rabtey in aad u bixisid khaanada,
tusaale halkaan waxaa kuqoran webdesign oo ah
khaanadii aan samayneyney. Kaddibna guji halka ay
kuqorantahay OK waxaa markaas samaysi doona
khaanadii ama Directory aad siisay magici aad
rabtey.
Khaanada aad hadda samaysay ayaad ku xafidi
kartaa akhbaartii aad doontid, adiga oo isla mar
ahaantaa kasii dhex samayn kara khaanado kale.
Si aad khaanad uga saii dhex samaysid khaanad kale
waxaad gujisaa ama riixdaa khaanadii aad rabtey in
aad midkale kasii dhex samaysid. Eeg tusaale ahaan
sawirka dhanka bidix kamuuqda, waa khaanadii aan
samaynay oo aan rabno in aan kasii dhex samayno
khaanad kale, taas oo raaceysa isla xeerka kor
kusharaxan.
Ufiisro meel kasta oo aad kasamaynesid khaanado,
waxay raacayaan xeer isku mid ah.
Haddii aad rabtid in aad tagtid khaanad kale, waxaad
waxaad gujisaa ChgDir. Macneheeduna waa
Change Directory waxaana kuu soo baxaya shaashad
yar oo lamid ah tii kuu soo baxday markii aad
adeegsaneysey xeerka MkDir, taas oo markaas
aad ku qori doontid khaanada aad rabtid in aad
tagtid. Tani waxay kuu sahleysaa in aad tegi kartid
khaanadii aad rabtid.
|
|
|
TAB
IYO XEELAD - TIPS |
ISKU XIRIIRINTA
BOGAGGA
Kasoo qaad in aad samaysay bog ay kuqorantahay sheeko dheer oo
aad rabtid in aad ku xiriirisid bog kale, hadaba si arrintaas ay u
hirgasho waxaa laraaci karaa xeerkan hoose:
- Magac u bixi file-kii dheeraa, tusaale ahaan
ftpsomalitalk.html
- Meel aad ogtahay oo serverka Internetka ah kuxawil qoraalkii
dheeraa, tusaale ahaan khaanada /webdesign/ftp/ [Waa meesha aan
kuxawilay filka ftpsomalitalk.html]
- Boggii kale oo aad kuxiriirin lahayd ama LINK kasmaynahayd
kuqor sida hoos kuqoran:
<a href="/webdesign/ftp/ftpsomalitalk.html">Soo
booqo ftp Somalitalk</a>
Marka dhag lagasiiyo cinwaanka kore waxaa lategi doonaa boggii
qoraalka dheer uu ku qoraa ee laxiriirey cinwaankaas. sidaas ayaana
la isug xiriirin karaa intii ladoono oo bogag ah.
CODKA
Hadii aad u baahatid in cod aad kuduubtid internetka, waxaad u
baahandoontaa
RealProducer, kaas oo mid bilaash ah aad kasoo rogankartid
www.realnetworks.com [RealProducer Basic - Free].
Waxaan qiyaasayaa in aad markaan aad siwacan u garaneysid habka
samaynta "link" ama xiriirinta bog, hadaba marka aad codkii duubtid
oo isla "RealProducer" internetka ku geysid (publish), waxaad u
baahan doontaa in aad samaysid "link" marka dhag-lasiiyo uu codkii
soo baxayo. qaabka codka "link' loogu sameeyaana waa:
<a href="http://bog.com/hadal.ram">Dhegeyso</a>
Si loo dhegeysto codka waxaa loo bahanyahay
"RealPlayer", oo isgana aad mid
bilaash ah kasoo rogankartid
www.real.com.
Casharka xiga waxaan ku baran doonaa shaxanka
TABLE |
|