HORDHACA QORMADA
Sida aan wada ogsoon nahay bogga Internet-ka waxaa lagu
dhisaa ama lagu naqshadeeyaa xeerar u gaar ah, kuwaas oo la'aantood
uusan soobaxayn ama la arki karayn wixii kuqorraa boggaas.
Xeerarkaas iyo habka laraaco marka ladhisayo bog-internet ah
waxaan u baran doonaa sida ay asal ahaan u qormaan, waxaana ku
tarjumi doonaa Afka Soomaaliga. Waxaana kudadaali doonaa in xeerarka
asalka ah ee naqshadaynta bogga-shabakadda internetka aan kusoo qoro
Afka Ingiriiska, taas oo markaas akhristaha u sahleysa in uu fahmi
karo marka uu tixraacayo qaybo kale oo HTML ah kuna qoran luqad aan
ahayn Af-soomaali.
Maadaama luqadda ay xeerarka naqshadaynta shabakadda Internetku
ay yihiin kuwo kuqoran luqadda Ingiriiska, waxaa dhici karta in
tarjumidda qaybo kamid ah ay adkaato in loo helo kelmeddo u dhigma
Afkeena Soomaaliga. Waxaana akhristayaasha ka codsanayaa in wixii
talo iyo tusaale ah ee laxiriira eray-bixinta HTML ay si toos ah ugu
soo daabacaan qaybta
Eray-Bixinta ee SomaliTalk.com, halkaas oo aan tixraaci doono,
insha Allah. |
Waa
Maxay HTML? |
HTML waa xarfo lasoo gaabiyey, waxayna u taagan yihiin: [Hyper
Text Markup Language]. Waana habka suurtagalka
kadhigaya in qoraalada laga arki karo shabakadda internet-ka. Waana
habka rasmiga ah ee lagudhiso ama lagu naqshadeeyo bog Internet-ka
si uu ugu soo saaro Shaashadda Shabakadda Iskuxiran [WWW] oo la
macne ah [World Wide Web].
Marka aad siwacan u taqaanid HTML waxaad dhisi kartaa bog
shabakadeed cawaandi ah oo weliba si heer sare ah u naqshadaysan ee
haka caajisin barashada casharradan. |
Adeegsiga "NOTEPAD" |
Inata aynaan bilaabin casharka koowaad waxaa haboon in marka hore
aan isla garano barnaamijka aan adeegsaneyno in uu noqondoono
'NOTEPAD', Kaas oo lagaheli karo Kambiyuutarkasta.
NOTEPAD waa barnaamij adeegsigiisu aad u sahlan yahay, waxaadna
ka heli kartaa:
Start > Programs > Accessories > Notepad
Marka aan samayno bog ama [file], waxaan ku xafidi doonaa NOTEPAD,
inaga oo raaci doonna habkan:
File > Save As > Save in [halkaas karaadi khaanadda aad
rabtid in aad ku xafidid] > File Name [halkaan kuqor magaca bogga
adiga oo ku lingaxaya .html] > Save. Meesha aad ku
xafideysaana waa Digsiga [Disk] ama Saxanka-Adag [Hard-Drive] hadba
kii kuu sahlan.
* Lingax waxaan uga jeedaa marka aad magaca u bixineysid
bogga waxaad raacineynaa .html. Tusaale ahaan waxaad bogga u bixisay
"koowaad", waxaad markaas lagaaga baahan yahay in aad qortid
koowaad.html |
Daalacashada Bog HTML Kuqoran |
Marka aad HTML ku qortid NOTEPAD, isla mar ahaantaasna aad xafidid
[save], waxaa u baahan tahay in aad aragtid qoraalkii, waxaana lagu
arkikaraa daalacdaha ama [browser], kuwaas oo ah Internet
Explorer iyo Netscape (inkasta oo ay jiraan kuwo kale,
waxaase badanaa kambiyuutaradda kujira labadaas daalacde).
Si aad u furtid boggii oo markaas aad u daalacatid waxaad
mareysay habkan:
Haddii aad adeegsaneysid Internet Explorer:
File > Open > Browse > Look In [Halkaan kabaar khaanaddii aad
ku xafidday boggii ama File-kii hore] [Kaddibna Guji file-ka si
magicii uu uga muuqdo halka ay ku qorantahay File Name] >
Open
Haddii aad adeegsanesid Netscape:
File > Open Page > Choose File > Look In [Halkaan kabaar
khaanaddii aad ku xafidday boggii ama File-kii hore] [Kaddibna Guji
file-ka si magicii uu uga muuqdo halka ay ku qorantahay File Name]
> Open
FIIRO GAARA: Waxaa lagayaabaa noocayada
[Browser-radu] ay kala duwan yihiin, balse fikrad ahaan aad ayey
isugu dhow yihiin habka loo daalacanayo bog kuqoran HTML. Xusuusnow
in DAALACDAYAASHANI ay yihiin kuwa aad had iyo jeer adeegsatid marka
aad Shabakadda Internetka dhex mushaaxeysid. Balse khasab ma aha in
aad Internet-ka ku jirtid marka aad daalacaneysid boggii [file-kii]
aad ku xafiday Digsiga ama Saxanka-Adag. |
Waqtiga Barashada HTML |
Waxaan isla garanay asaaska iyo barnaamijyada aan u baahanahay si
aan u amba qaadno casharradii HTML.
Laakiin waxaa taas ka horreysa in aan waqti u samayno barashada
casharradan si markaas qorsheheenu u noqdo mid miradhala ama maxsuul
wanaagsani kasoo baxo. Waxaa markaas wanaagsan in toddobaadkii
waqtiyar oo kamid ah aad u qoondaysid barashada HTML. Waxaana
lagayaabaa [Insha Allah] in cilmiga aad ka faa'iidid casharradan
HTML aad usii faa'dayndoontid dadbadan, taas oo keeni karta in
mujtameceennu noqodo mid higsanaya heerka aqooneed ee casriga
Internetka.
Dhankayga waxaan iskudeyayaa sida ugu wanaagsan oo binni-Aadamku
awoodo in aan cashar cusub soo daabaco Isniin kasta [Insha Allah].
Qoraalka xiga waxaan ku baran doonaa adeegsadiga
NOTEPAD.... |
|