![](idris.jpg)
SHUKRAN MALAYSIA – 2 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 21, 2006 |
![](Kuala.jpg)
Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad ka akhri halkan...
Waxaa laygu yiri:
Dawladda Malaysia, magaalada quruxda badan, ee saraha adduunka ugu dhaadheeri ku
yaalaan, ee Kuwala Lumpur la yiraahdo, waa magaala madaxda dalka, wey nacday, oo
wexey tiri, waa saxmad, iyo cariiri. Waxaan u baahanahay, magaala madax, la
socon karta casriga aynu joogno, iyo horumarka Malaysia.
Sidaa darted
waa ineynu magaala madax cusub dhisanaa. Wexey dawladdu marka bilawday, dhawr
sannadood ka hor, magaala cusub oo qorshe casriyaysan leh in la dhiso,
xafiisyada dawlada iyo wasaaradaha, iyo hay'aduhuna meesha u guuraan, Dawladda
iyo baarlamaankun dhex fariistaan.
Halkaas ayaa
waxaa ka bilawday dhismaha magaala madaxda cusub ee PUTRAJAYA.. Jidka weeyn ee
(High wayga) ah, - Afsoomaali ma garanayo wax lagu yiraahdo jidka – High wayga –
waayo waxaan filayaa inusan buugga magacyada weli inoo gelin, saa wadankeenu
intuu jireyba hal high wey weligiis looma samayn. High way, waa jid ballaaran,
dhinac walba saddex ama afar gaari ayaa is dhinac socon karta, waa jid furan oo
aan nalal ku istaajiya lahayn, si dhaqsi badan gawaaridu ugu xawaarayso.
Haddaan
jidkaas, oo aad u qurux badan, nadaafad aan caadi ahaynna u dheertahay, aan wax
yar ka weecannay, roob ayaaba na qariyey, waxaan iri, Ilaahow dalkayagii roob ku
soo daa, abaaraha iyo biya laáanta ka jirta. Wadaadki I dhinac fadhiyey ayaa
yiri: Dalkeeni wuxuu roob u waayey, dulmiga batay, dilka aan xisaabta lahayn,
iyo waxa dhiig xaq dara ah ku daadanaya!!
PUTRAJAYA waa
tan. Caasimadda cusub ee Malaysia rabto. Magaalada waxaad moodaa in loo PLAN
gareeyey si aad u farshaxana. Jidadku waa waasic. Guryuhu, wexey isugu jiraan,
Filooyin gaagaaban, iyo Xeryo gurya ah (compounds) iyo sara dhaadheer oo cirka
ku shareeran oo aqalada yar yare e flaatyada ah (Apartments). Jidka waxaa dhinac
socda, adeegyada daruuriga ah, Biyaha, Korontada, Taleefanada, Internetka,
Satelliteyada iwm.
Jidadka
dhinacyadiisa waxaa ah, laami yar oo dadka iyo baaskiiladu maraan. Geedaha, iyo
cagaarka, iyo Fiyooraha, isku jar jaran ee aadka loo qurxiyey wexey hareeraha ka
socdaan jidka. Xoogaa markii la socdaba, laba jid dhexdooda, ama Guryaha waaweyn
agtooda, ama Xafiisyada dawladda hareerohooda waxaa lagu sameeyey, fadhiyo,
wanaagsan, oo hadh leh, kuraas milicsan, iyo jardiino yar, oo lagu nasto, ama
lagu sheekaysto.
Daaraha
xafiisyada wasaaradaha waa dabaqyo badan oo (architect) farshaxanihi ku fara
yaraystay, oo aanan xitaa yurub iyo mareekan qaarkood aanan ku arag. Wexey
kulansatay, qurux, hannaan, wasac, iyo iskalifid la'aan. Meel xoogaa jirta waxaa
iiga muuqday, Daar aad u qurux badan, oo buur yar oo tag ah dusheeda laga
qotomiyey, hareerahana dhul cagaaran iyo geedo kaga meegaaran yihiin. Daartu
Qubada waaweyn oo sida kuwa masaajidda ayey leedahay, indhahayga ayey soo
jiidatey. Waxaan iri: Daartaasuna mexey ahayd quruxda badani, wuxuu yiri: Waa
xafiiskii dawladda, waa meesha uu raíisul wasaaruhu fariistu!
Gurigaas
wasiirka koowaad iyo dawladdiisa waxaa ku ag yaar Masjid aad u weyn, oo 4
dabaqadood uu kor usii yaraaneysa leh, meesha u saraysana ay kaga fadhido qubad
weynm waxaana ku ag taal Minaarad dheer. Masjidku wuxuu leeyahay, bar xad aad u
weyn, oo dad badan oo dalxiis ah, oo isugu jira dadka wadanka iyo kuwa dibadda,
ay ku raaxaysanayaan, qaar isku sawirayaan, qaar ku qabowsanayaan, jawi aad u
fiican, oo markaas roobku qaaday, qoraxduna daoolantay, ayaa meesha haysta.
Masjidka badhkiis wuxuu ku jiraa biyaha dhexdooda, badhka kalena berriga, waxaa
ka baxa jid buunda ah, oo toosan, oo hareeraha ay ka socdan daara dawladeed oo
aad u qurux badan, qumaatina wuxuu ugu dhacayaa jid kale oo weyn, oo dhex
bartanka uu kaga yaal guri dabaqya ah oo aad loo qurxiyey, oo barlamaanka
fadhiisin u ah.
Magaaladani
wexey bedeleysaa, Kuwala Lumpur oo ay u arkaan iney duqowdey, oo ganacsiga loo
daayo, inkastoo magaalada dhexdeedu aad u qurxan tahay, gurya dhaadheer, suuqyo
caalami ah, iyo nadaafad aan caadi ahaynba leedahay. Haddana waa arrin ay ku
dhaqaaqi karaan ummadaha dalkooda danaynaya, horumar doonaya, ee maaha mid uu
QOF soomaali ah oo intii yaraydee uu haystey burburinayaa uu ku fekeri karo,
Waxa soomaali maamul u hayaa ay maskaxdooduba qaadi karto.. [Qaybtii
1aad ka akhri halkan...]
Ilaahow noo
naxariiso..
AKHRI QAYBTA 3aad.... GUJI >>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 21,
2006
|