Haddii ay Soomaalidu dhawr iyo toban
sanadood colaado sokeeye, bur-bur iyo barakac aan dhib mooyee wax
dheef ah lagu ogayn dhex jibaaxaysey oo halaagyada is-fashilinta iyo
middi-middi ku taagga laga dhaxlo si siman loo wada dhadhamiyey.
Sidoo kalana halakooyinka iyo hoogga nidaam-darrada iyo khasaaraha
nabad gelyo la’aanta ay dadkeenu si la taaban karo u dareemeen oo ay
magac xumada iyo nolosha liidataa noqdeen wehelka joogtada ah ee
qofka Soomaaliga ah. Soow in wixii dhacay laga waantoobo oo ay
ummaddu dib isugu noqoto looma baahna. Caruurihii iyo ubadkii soo
korayey haddii ay dawlad la’aantu jahli, iyo wax barasho la’aan
badday, oo ay da’yartii soomaliyeed maanta barashada akhlaaqiyaad
aan wanaagsanayn iyo tarbiyad xumo ku bar-baarayaan. Soow in la is-daba
qabto oo haadaanta lagu socdo hoos loo qooraansado ma aha.
Dhibaatada inagu habsatay haddii guud ahaan iyo gaar ahaanba loo
aqoonsaday inay dawlad la’aantu xudun u tahay oo dhibaatada ay
dawlad la’aantu keentay la wada garwaaqsaday. Soow in ay dadweynuhu
dawladda u dhalatay ku mintidaan oo ay garab galaan si ay
deganaansho nololeed u gaadhaan dantoodu kuma jirto. Markii dawlad
dhisan la fashiliyaba haddii la wada ogaadey inay aafo hor lihi
Soomaali u bilanayso oo weliba laga wada dheregsan yahay dadka yar
ee dawlad la’aanta ka faa’iidaystaa inay had iyo goor danta inta
badan cagta marinayaan. Dadweynaha dantooda iyo horumarkooda la bur-burinayaa
soow inay kacaan oo kuwa nabadgelyadooda iyo noloshooda hor taagan
iska qabtaan xaq ku waajibey ma aha?
Bulsho weynta Soomaaliyeed soow inay masiirkooda wax iska
weeydiiyaan oo ay xisaabtamaan, isla markaana si qoto dheer loo
fekero looma baahna. Qofka maanta dawlad dirqi lagu soo dhisay
duminteeda dubaha u sita ee afkaartiisa sirgacan dadka ku
hanuuninayaa in waxa ka maqan la weydiiyo oo ujeedadiisa si sax ah
loo ogaadaa soow arrin meesha ku jira ma aha. Maxaa ku jaban inay
dadweynuhu iska hubsadaan toobiyaha aan dantoodu ku jirin ee uu
danaystuhu ku hayaaminayo. Shaqsiga Soomaaliga ah ee uu weli
qab-qable maskaxdiisa wax ku shubayaa horta ma is weeydiiyey inay
isku dan yihiin iyo in kale. Kuwa ilaa iyo hadda qab-qablaynta iyo
murjinta danta guud hamuunta baas u qaba ee wakhtigan xaadirka ah u
sii hanqal taagaya inay dawlad dhisan oo ay xubno ka yihiin
baabi’iyaan soow inay dadweynuhu ugu yaraan doonistooda gurracan
gartaan oo ku gacan sayraan maaha. Soow in midabada badan ee ay
dagaal oogayaashu 15ka sano dadka u kala bedelanayeen, loo
daliishado oo runta wejiga laga saaro danta dadku kuma jirtio. Maxaa
runta loo shareerayaa miyeeysan iyagoo u falaagoobey ilaalinta
danohooda gaar ahaaneed aysan adeegsanayn tabihii iyo xeeladihii
belo ee ay hore ummadda ugu marin habaabin jireen. Maxaa shacbiga
Soomaliyeed ka hor taagan la xisaabtanka iyo ku baraarugga kuwa beer
laxawsiga aan sii ridnayn iyo is-bihin-bihinta sarbeeban ee
danahooda gaar ahaaneed ku hilan ugu gacan haatinaya.
Soomaaliga dhabta ah ee dhacdooyinka dhulkiisa ka dhacaya iyo
baahida dawlad shaqaysa loo qabo garanayaa, ficilada ay calaamadaha
qaran-diidnimadu ka soo ifayaan waa inuu ka gil-gishaa si uu
dadkiisa iyo dalkiisaba u bad-baadiyo. Haddii aan geedka laanta ugu
saraysa salka la heli waayey xididdaan u siibayaa fili maayo inay
noqon karto figrad maanta Soomaalida u cuntami karta oo ay xitaa
maqli karaan, maxaa yeelay waa humaag aan dani ugu jirin oo ay horey
u eedeen. Ummaddani sida uu nafle oomani biyo ugu baahan yahay ayeey
dawlad dhexe ugu harraaddan yihiin. Sidaa daraadeed u malayn maayo
in maanta la marin habaabin karo oo figrado khaldan oo aysan dani
ugu jirin laga raaridi karo. Waayo wax waliba wakhti bay leeyihiin,
Illahayna Soomaliya weligeed inay dawlad la’aato uma qorin, dadkuna
kuma gawracna inay qab-qable saxariiriya oo talada toosan iyo
tigaadda ka hor taagan weligood ka daba jaameeyaan. Sababtoo ah
haddii caqligu shaqaynayo dhibaato iyo khiyaamo intii hore shacbiga
soomaaliyeed ugu filan. Siyaasadda waa lagu tartamaa, la isku
weeraraa oo siyaasiinta kala aragtida ahi colna ma aha, nabadna ma
aha, waxayse had iyo goor ficiladooda waafajiyaan danta dadkooda oo
ah cidda in loo adeego lagu beretamayo ee sumcadda laga kasbanayo.
Inta badan siyasiyiinta xagga fikirka ku kala taggani waxay mar
kasta ka midaysan yihiin ilaalinta danta dadweynaha oo u baahan
nabad iyo xasilooni joogtaysan.
Inkastoo dhaaxa fulinta awaamiirta qarriban ee qarandiidnimada loo
dhega nuglaa iminka bisaylka dadka Soomaaliyeed waa mid maalinba,
maalinta ka dambaysa isa soo taraya oo horumar xawli dheeraynaya
saaran ku socda. Tusaale ahaan qab-qable dhaqaale waalan fawdada
geyigeena ka taagan ku haystaa haddii uu ogyahay inay dadweynuhu
fikirkiisa qaloocan ku raacayaan, marnaba ma ogolaadeen inuu shir
mashaakilka Soomaalida lagu furdaaminayo muddo laba sano ah ka qayb
qaato. Laakiin cidda inuu joogo ku cadaadinaysey waxay ahaayeen
bulshada oo ay dawlad la’aanta iyo ammaan darradu soo kareen.
Damiirkii guushaas dhaliyey weli ma suulin oo dadweynaha
Soomaaliyeed maanta, maalin ay dawlad uga baahi badan yihiin sooma
marin, haddii ay u dhalatayna ilama aha inay cid dano dadban
ilaashanaysa duminta qaranimadooda garab ku siinayaan. Waxaase loo
baahan yahay inay dadkeenu dar-dar geliyaan dareenka ay dawlad
danohooda guud ilaalisa ku doonayaan. Sidoo kalena ay xoojiyaan
damiirkooda qaranimo-doonimada ku dhisan ilaa ay qaran-diidka ka
ogolaysiinayaan ka-qayb-qaadshada dadaalka nidaam iyo kala dambayn
lagu kalsoonaan karo lagu raadinayo. Taasoo ay fure u tahay inay si
daacad ah ula shaqeeyaan dawladda ay xubnaha waaweyn ka yihiin ee ay
sharcigeeda iyo nidaamkeeda wax ka sameeyeen, isla markaana ay tar-tankeeda
madaxnimo ka soo qayb qaateen.
Sida xaqiiqdu tahay dareenka leexsan ee qaran-diidnimada ku suntani
kuma doodi karo in dadkiisa caddaalad xumo lagu falay uu ka
gil-gilanayo oo dawladda Mbagathi ka dhalatay sida ay Soomaali oo
dhani ogtahay tahay 4.5 ayaa lagu saleeyey. Shakiga uu la jibaysan
yihiin kuma fasiri karaan musuqmaasuq xagga doorashada ah waayo gegi
cad oo aan cidna daah ka saarayn buu barlamaanka Soomaaliyeed
musharaxna ku diidey, midna ku doortay. Wixii doorashadaas ka soo
hadhay ee la isu magacaabayey baa la iga qadiyey murankiisa uma
cuskan karo oo qof kastoo Soomaali ahi waa og yahay inuu midka ugu
yari hadduusan laba xil hayn uu xubin muhiima dawladda ka yahay.
Sidaa daraadeed markii dhufeysyo dhawr ah oo lagu marmarsoon lahaa
awdmeen ayaa duufsiga iyo dareen gelinta dadka farsamooyin kale loo
maray, si dadweynaha iyo dawladda Soomaliyeed dab looga dhex shido.
Caasimaddii Soomaaliya ayaa la bedelayaa iyo ciidamo shisheeye ayaa
la idinku qabsanayaa ayaa dhextaal u ah waxyaabaha dadka
Soomaaliyeed lagu kicinayo. Maxaa ka run ah?.
Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo. Muqdisho inay caasimadda
Soomaliya tahay qof kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay, ummadda ay
magaalo madaxda u tahayna waxay ku qabaan kalsooni ah inay u qalanto
inay xarunta Soomaaliya ku sii boqranaato. Dadkuna si gaar ah
ayeeyba Xamar u jecel yihiin. Haddii bur-bur dhacay oo dhawr iyo
toban sano la kala maqnaa, Mbagthina ay Soomaliyi nidaam ku
samaysatay Muqdisho xurmadii iyo magacii ay dalka ku lahayd in laga
qaado iska daaye xitaa wax dood ah lagama soo celin. Axdiga
qarankana iyadoo aysan cidi su’aal ka keenin ayaa lagu duugey.
Haddaba, Haddii ay jirto cid caasimadnimada Muqdisho duullaan ku ahi
aan is weeydiinee, maxay uga hadli weydey markii Axdiga qaranka la
dejinayey. Kuwa dareenka dadweynaha ee nabadda iyo dawladnimada u
ooman tashuushka ku furayaa ma waxay diiddan yihiin in barnaamij
tifaftiran oo dawladeed ammaanka caasimadda wax lagaga qabto.
Iyaguse nabadgelyada caasimadda wax la taaban karo ma ka qaban
karaan? Waa su’aal rahman. Dhanka kale haddii ay dawlad ina
qabsanaysaa jirto, 15 sano dawlad dhexe oo dalka ilaalisaa aanay
jirin, ma dagaal ooge inay dawladi inoo dhisanto hor taaganaa ayaa
inaan Soomaaliya la qabsan dhufeys ugu jirey. U malayn maayo inay
dadka qaarkii ka waaban lahaayeen ogolaanshaha qabsashada dalka
haddii danohooda gaar ahaaneed wuxuun looga fuliyo. Sababtoo ah qof
inay Soomaaliya dawlad noqoto diiddani, in la qabsadana dan kama
laha. “Ninkii hooyadii ka guurey, aayadii uma negaado”. Waxna ma
qaban karo oo waa la I yaqaan, talada waxtarka lehana ganafkaan ku
dhufanayaa, waa amuuro aan is geyin oo hagar-daamo qaran xambaarsan.
Si kastaba Qaran-doon iyo Qaran-diid ha u doodeene, kooxaha dawlad
la’aanta iyo fawdada danaha shaqsiyadeed ku haysta iyo danta iyo
nolosha dadweynaha oo dawladnimo hir gasha ku xidhan ayaad mooddaa
in la isu marayo oo si aan macquul ahayn la isugu xoqayo. Ciddii
hanaanka siyaasadda dawladda ee u guurista dalka gudihiisa ka biya
diiddani haddii ay hayaan aragti ay ummaddu ku qanaci karto ha u
sheegeen. Haddii kale, ha la ogaado in marka lagu xisaabtamo sida ay
dhibaatada dawlad la’aantu dadka soomaliyeed u soo kartay, iyo waayo
aragnimada iyo aqoonta ay bulshadani xeeladaha maldahan ee
qaran-duminta looga goleeyahay u yaqaaniin, waxaa iska cad inaysan
afkaarta qaran dumisku fursado dambe Soomaalida ka heli doonin. Dad
weynaha Soomaaliyeed ayeeyna u taallaa inay danohooda caamka ah u
hoojiyaan danta danaystayaasha bur-burka iyo dawlad la’aanta ku
mamay iyo inay dan Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay daafacaan si
ay nabad gelyo waarta oo dalkooda ku baahda u xaqiijiyaan.
__ __ __
Akhri: MAXAY QABATA DAWLADDU?
W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi, Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2005