SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ISLAM
Dr. Munir El-Kassem oo hadal ka jeediyey Jaamacadda UWO
Tarjumaha qoraalkan: Maxamed Cali
November 24, 1999


Dr Munir El-kassem
Waxaa xalay (November 23, 1999) lagu qabtay jaamacadda University of Western Ontario (UWO) xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen ururka MSA ee ardada muslimiinta jaamacaddaas.

Waxaa halkan idiinku soo gudbineynaa, Insha Allah, qaybo aan kasoo qaadanay erayadii uu Dr Munir El-kassem ka jeediyey goobtaas.

Ugu horrayn haddan wax yar kasheegno meesha ay xafladdu ka dhacday waa jaamacad kutaal magaaladda London, Ontario, canada. London, Ontario waxay qiyaastii 200km koonfur kaxigtaa magaaladda Toronto ee dalka Kanada.

Haddii aan dib ugu soo noqonno xafladii. Ugu horray waxaa xafladdaas kasoo qayb galay ardada Muslimiinta ee dhigta Jaamacadda UWO, jaamacadda McMaster ee Hamilton, iyo Fanshawe College, London.

Waxaa kale oo xafladaas kasoo qayb galay jaaliyadda Islaamka ee ku nool London, Ontario. Waxaana xafladaasu u furayd cidkasta.

Halkanna waxaa idiinku soo gudbineynaa warbixintii tifatiraha somalitalk.com oo xafladdaas goobjoog ka ahaa.

Ugu horrayn waxaa xafladda lagu furay Qur'aanka Kariimka. kaddibna waxaa hadalka lagu wareejiyey Dr Muinir El-Kassem oo kamidda culimada Islaamka ee London, Ontario. isla mar ahaantaana ah codkar aad looga yaqaan North America.

Dr Munir wuxuu hadalkii ku bilaabay. Su'aal uu isweydiiyey oo ahayd, "Maxaan had iyo jeer uga hadalaa dumarka iyo waxa uu Islaamku kaqabo?". Maxaan u maqli weyney "dumarka Kirishtiyaanka ama dumarka Judaismka", ayuu su'aashiisii ku sii daray.

Waxaa looga hadlaa dumarka Islaamku waa muuqdaan, "sabataas ayaa looga hadlaa", ayuu Munir markiiba hadalkii ku xejiyey. Dumarka Islaamku waxay huwanyihiin calaamadii Islaamka.

Cadowga Islaamku si fudud ayey u weerarikaraan. ma aha madaxa daboolan, ee cadowga Islaamka ayaa wax weyn kadhigaya ayuu hadalkiisii ku xoojiyey.

Islaamka labiskiisu aad ayuu muhiim u yahay. Xulashona malihin ee waa in aan raacnaa amarka Ilaah. Wuxuu hadalkiisa asal uga dhigay isagoo dhehaya "Akhri Suuraddaha Acraaf, Baqarah, iyo Al-Nisa".

"Waxay tusaale kuugu soo qaadanayaan in aan dumarku gaariga wadi karin dalka Sucuudiga". Wuxuuna raaciyey "Taasi waa dhaqan gaar ah ee aan kahadallo xaqiiqada Islaamka". wuxuuna hadalkiisa ku adkeeyey in Ilaah abuuray Aadam iyo Xaawo oo ay u siman yihiin Ilaah hortiis.

Dr Munir isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri "Ilaah ayaa abuuray ragga iyo dumarka, mid walbana hab gaara ayuu u sameeyey." kawaran waxa dhacaya marka dumarku ay shaqa aadaan oo markaas carruurtii uga tagaan qofkale. Halkaas waxaa kabaxaaya jacaylkii canugga iyo hooyada. Taas miyaad leedihiin waa horumar? ayuu is weydiiyey.

Waxaa kale oo barbardhig uu u soo qaatay isagoo oranaya: "Judaismka marka dumarka caadada qaba waxay u haystaa waxaan nadiif ahay oo wasakh ah oo xataa aan lataaban karin, taabashada caadiga ah." Wuxuu hadalkiisa kusii daray "Rabai hadii uu taabto xaaskiisa, gabadhiisa ama walaashiis khudbad majeedin karo." Islaamku sidaas ma'aha ayuu hadalkii adkeeyey. Wuxuu islaamku leeyahay xeerar.

"Marabo in aan ku fogaado isbarbardhigga". Laakiin dadku masameeyaan baaris xeeldheer, ayuu yiri. Maalmahan sheydaanka ayaa aad u shaqaynaya, xataa waxaad arkeysaa in Islaamku aysan waqti hayn oo baaris ay sameeyaan hajoogtee aysan tukan (qaybtood),

"Waxaad arkeysaa, ayuu yiri, in xataa Islaamkii hadda ay ku dhacayaan dabinka, oo dib ugu noqonayaan waagii jaahiliyadda ee kahorreyey islaamka." Iyagoo aad ugu farxaaya marka wiil u dhasho, kana naxaya marka gabari u dhalato. islaamku taas waa ka soo horjeeda ayuu hadalkiisii raaciyey.

Dr Munir isagoo hadalkii dhexda kaga jira ayuu hadalkii ku jeediyey Islaamka Kanada, asagoo oranaya "Waxaan ku noolahay Kanada macneheedu ma aha in aan beddello dhaqanka Islaamka ee suuban". Isagoo markaas dulucdii khudbadiisa muujinaaya wuxuu yiri: "Toban sano ka hor aad ayey u adkayd in marka aad tagtid suuqyada waaweyn (Mall) aad ku aragtid qof dumar ah oo xijaaban. Haddase waad arkeysaa tiro badan. Wuxuuna tusaale u soo qaatay, in qiyaastii hal sano ka hor uu soowacay nin madax ka ah Kaniisad, oo uu ku yiri marka uu arko Islaamka xijaaban uu ninkaasi sheegay in uu dareemayo masayr.

Dr Munir isagoo dulucdii hadalkiisa u soo degaya wuxuu yiri, isagoo markaas si toos ah ula hadlaya dumarka, "Waxaa laga yaabaa in qof dumar ah oo xijaaban ay sifudud oo aamusnaan ah u gudbin karto arrin adkaan lahay in lagudbiyo sanado iyo sannado badan". Wuxuuna hadalkaas ku sii xoojiyey isagoo oranaya, "waxaad ogaataan marka aad muuqataan (xijaabantihiin) in aad xambaarsan tihiin mas'uuliyad aad u sarreysa". Waxaana dhaqankiina daawanaya inta idinku xeeran.

Mar uu kahadlay aayadda quraanka ee "Al-Rijaalu qawaamuuna calaa nisaa", wuxuu yiri "Raggu waxay leeyihiin mas'uuliyad, dumarkuna mas'uuliyad, ee u daaya midwalba sidii ilaah u abuuray. Wuxuuna tusaaleeyey qiimaha aqoonta iyo wax barashadu u leedahay ragga iyo dumarkaba.

Hadalkaas isaga oo sii dabajooga, wuxuu yiri "Ma waxaad ileedihiin canugtayda yar ee Siddeed jirka ah waxay xor u tahay in ay doorato "her sexual orientation", ma taas ayaad iisheegeysaan? ma arrintaas ayaa xorriyad ah? ayuu ku celiyey.

Katag canugaaga oo kudhaaf meesha carruunta lagu xanaaneeyo, oo markaas isuqurxi si laguu soo jiito. Isla mar ahaantaana illow ilmahaagii?, mataas ayaa sinnaansho ah? ayuu isweydiiyey. Wuxuu hadalkii kusii daray isagoo oranaya "Bal isweydii oo maxaa iskuulada xannaanana ama fasalada hoose dumarku ugu badan yihiin. Sababtu waa iyada oo dumarku aad u xannaanayn og yihiin carruurta.

Dr Munir wuxuu gabagabadii hadalkiisa yiri, "carruurta kusoo korta goobaha xannaanada (Day Care) oo aan hooyadood hayn, waxay ku barbaaraan iyadoo ay ka maqan tahay kalgacalkii hooyada". Halkaas wuxuu ku tusaalaynayey qiimaha dumarka Islaamku ay leeyihiin iyo dhisnaanta qoyska Islaamka. iyo mas'uuliyadda qofwalba oo qoyska ka tirsan iyo sida ay ugu kala habboon yihiin.

Khudbadaas oo qiyaastii socotey saddex saacadood waxaa dhammaadkeedii laweydiiyey su'aalo. Kuwaas oo badanaa ku saabsanaa xijaabka. kaddib waxaa hadalkii qaatay iimaamka masaajidka Londonmosque, Sheikh Hamid Slimi. Wuxuuna hadalgaaban u jeediyey ardayda Islaamka isagoo ku dhiiri gelinaya tacliinta. Kaddibna duco ayuu ku soo gabagabeeyey.

Halkaas ayaana xafladii lagusoo gaba gabeeyey, iyadoo markaas Kafee iyo macmacaanyar afka lagusii dhiftay, salaadii cishahana latukadey.

Waxaad akhristow ogaataa in marka layku tarjumayo laba luqadood, lagayaabo in macnaha ama nuxrka sheekadu dhumo. Waxaan aad ugu dadaaley in aan sootebiyo khudbadii oo kooban fahamkayga. Waxaana ilaah ka baryaayaa inuu iga cafiyo wixii aan ku gafey.

Tarjumaha qoraalkan: Maxamed Cali

November 24, 1999

_______________________________________
Faafin: Somalitalk.com

Aamina Waduud iyo Aragtida Dunida Muslimka.
Warbixin.... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD