WARBIXIN: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee
Bustaale
Waxaan idiinsoo gudbineynaa
warbixin aan idiinkaga diyaarinay maraaxiladii dhinaca waxbarashada ee uu soo
marey dugsiga hoose/dhexe iyo sare bustaale oo ka mid ahaa todobadii dugsi ee
madaxa banaanaa oo ay aqoonsatey dowladii milateriga ee uu madaxda ka ahaa
marxuum maxamed siyad barre dugsigu wuxuu ku yaalaa agagaarka isgoyska
kaasabobolaare wadada aada gurigii shaqaalaha ee dergmada hodan waxaana
dugsigaasi oo la furey 1985tii.

Dugisgaan ayey ka baxeen 5
dufcadood oo tira ahaa gaareyso 155 arday waxaana ardadaasi qaarkood ku sugan
yihiin dalka dibadiisa halka kuwo kalane ay jaamacado ka heleen gudaha somaliya
waxaana dugsiga hada wax ku barta 1051 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho
waxeyna tirada macalimiintu gaarayaan 18 macalin oo ah macalimiin jaamiciyiin ah
,dugsigu wuxuu ka kooban yahay 7 fasal oo subaxdii dhigata iyo 7 fasal oo
galabtii dhiugata .
Dugsiga hose waxaa dhigta 321
arday oo lab ah iyo 174 dhedig isugeyn 495 arday
Dhexe waxaa dhigta 177 dhedig
iyo 136 lab ah isu geyn guud waa 313 arday
Sare lab 136 dhedig 107 isu
geyn gud waa 243
Wadarta guud ee lab 634
wadarta guud ee dhedig 397
Wadarta guud ee ardada waa
1051
Manhajka wax barashadu waa
kii dalku lahaan jirey.
Waxaa maamule ka ah
cabdiraxman maxamed sh. Mar aan wax ka weydiinay cida gacan idinka siiso ayuu ku
gaabsaday waalidiinta ardayda taasoo ardaygiiba khidmad ahaan looga qaado $10.


Sh cali xusen maxamed iyo
muxuyadiin sh , xasan macalin oo maadooyinka baay-olojiga iyo fiisigiska ka kala
dhiga dugsigaasi ayaa waxey sheegeen in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay isugu
dubaridan tahay waxbarashada dugsiga bustaale iyaga oo xusey in ay u mahad
celinayaan cabdixaliim maxamed sh, oo ah maamulaha dugsiga waxeyna ku tilmaameen
muwaadin markasta u heelan horumarinta wax barashada iyada oo labada macalin ay
in mudo ah wax ka dhigayeen dugsigaasi ,
Muumulaha dugsiga bustaale
cabdxaliim maxamed sh. Ayaa sheegay in dugsiga uu xiriir wanaagsan la leeyahay
waalidiinta ardayda iyo deegaanka uu ku yaalo isla markaana dugsigu uu ka mid
ahaa dugsiyadii lagu aasaasay delada waxbarashada ee SAFE oo ah deladii ugu
horeysey dhinaca waxbarashada ee laga hirgeliyo gudaha somaliya sanadihii
dagaalada sokeeye.


Muumulaha dugsiga bustaale
cabdixaliim maxamed sh wuxxuu sheegay in dhibaatada ugu badani ay tahay tababar
la,aanta macalimiinta iyo tayada qalabka waxbarashada oo liita.
Afka waxbarashadu waa English
maadooyinkune waa kuwaan dugsiga hoose 1 somali, 2 carabi, 3 diin, 4
english, 5 saynis, 6 xisaab, 7 taariikh, 8 juqrafi ,halka ay tahay dugsiga sare
sidaa 1 Somali 2 carabi 3 diin 4 english 5 chemistry 6 biology 7 physicist 8
xisaab 9 juqrafi 10 taariikh 11 business 12 tarbiyo wadani.
Aradayda dugsiga bustaale
ayaa sheegay mar aan wax ka weydiinay degaanada ay ka kala yimaadaan in
magaalada muqdisho dagmooyinkooda ay ka kala yimaadaan waxaana ardayda
wajiyadooda ka muuqatey farxad ay u qabaan waxbarashada ka socota dugsiga hoose
.dhexe iyo sare bustaale.
Waxaa isku so dubariday
Muuse
Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com |
April 19, 2006
Kawaanka Cusub ee Xoolo
Qalka ee Muqdisho
|