Ninkii
malaa'igtu u sujuudey
Xiriri, Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
May 15 2001

Adan Abdulle Osman (Cadde)
Madaxweyne: 1960-66 |

Abdirashid Ali Sharmarke
Madaxweyne: 1966-69 |

Mohamed Siad Barre
Madaxweyne: 1969-91 |

AbdulQasim Salad Hassan
madaxweyne: 2000 - hadda |

Ali Khaliif Galayd
Ra'iisul wasaare: 2000 - Hadda |

Seyid Mohamed Abdulle Hassan |

Dhagax Tuur |
|
|
|
Sadex wiil oo quraysh ah ayaa (luuf) ama dhagaxtuurasho meel ku
ciyaarayey kii ugu horeey oo ahaa ina Abubakar A'Siddiq (RC) ayaa dhagaxii
tuuray oo la helay meeshii loogu talagalay markaasuu yiri isgoo faanaya "wiilkii
labada magaalo ee waa weyn u dhashay i dheh, isagoo u jeedah Makkah iyo
Madina, wiilkii labaad oo ahaa ina Cusmaan Bin Afan (RC) ayaa dhagaxiisii
isna tuuray markasuu la helay oo yiri "Anigana wiikii shahiidka i dheh" wiil
sadexaad oo la ciyaarayey ayaa isna tuuray oo lahelay markaasuu yiri "Anigana
wiilkii ninkii malaa'igtu u sujuudey i dheh" markaasay yiraahdeen oo waa
kuma?.. waa Nebi Aadam (CS)
Hadaba Sheekadani waxay ku tusaysaa wanaaga iyo fadliga uu ilaahay ku
manaystay bani'aadamaka isgoo ilaahay (SW) ku sheegay quraankiisa inuu
karaameeyey bani aadamka oo uu Khaliif ama Madax uga dhigay dunidan aynu ku
noolahay. Si uu hawshaa bani aadamku u guto ilaahay wuxuu bani'aadamka
siiyeye maskax, arag, maqal, urin, dareen iyo xoog, weliba intaa kagama
harine wuxuu ilaahay u soo dhejiyey kitaabo uu ugu soo dhiibey Rasuulo,
iyaga ka tirsan oo mani'aadam ah si ay ugu sharax dadka howlaha la doonayo
inay qabtaan.
Laakiin markii hore hadii bani'aadam la wada ahaa, waa lakala baxay
ilaahayna wuxuu quraankiisa ku yiri isgoo qolo canaanaya "Xoolaha iyagaa ka
liita" mar kalana wuxuu yiri ilaahay (SW) "Dhagaxaa Dhaama saa dhagaxa
qaarbaa ilaahay cabsidiisa darteed la soo daata ama ilo biyo ihiba ay ka
burqadaane".
Sidaa darteed markaynu aragnay sharafta bani'aadamka ilaahii abuuray ku
manaystay, iyo in ay tahay bani'aadamnimadu wax hadii aan lagu shaqayn laga
bixi karo maxaad ka qabtaan hadaan Soomaalida bani'aadamka ka yara saaro, ka
fogayn maayo, waxaan ka dhigayaa kuwo hal derejo oo keliya ka hooseey, "Bani'aadam
xigeen".
Waxaa igu kalifey inaan taa iraahdo markaan maqlay wararkii ku saabsanaa
dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay Xamar todobaadkan, kaasoo ay ku
dhinteen 60 qofood oo rayid u badan, in ka badan boqolaalna ay ku
dhaawacameen, sababta uu u bilowdayna ilaa iyo hadana aan si wanaagsan loo
garanayn laakiin dad badan oo dhex-dhexaad ihi ay ku sheegeen inuu ahaa kala
shaki laba maleyshiyo oo keliya. Hadaba, anigu ma diidani in dagaal sokeeye
uu sifudud oo kedis ah uga qarxi karo meel xamar oo kale ah oo hubku
cidwalba gacanteeda ku jiro, laakiin ta aan la yaabay waxay tahay sida ay
wax caadi ah aduunka ula noqotay in boqolaal soomaali ihi dhimato oo aanay
xataa war xiisa leh u noqonay hadii la sheego, sidaa darteen wakaaladaha
wararku ay ka door-bidaan sheegidiisa, warka gabar yar oo 4 bilood jirta oo
Falastiiniyad ah oo lagu dilay Qaza ama doorashada ka socota talyaanigaba,
waayo horaa loo yiri "If dog bites a man it is not a news but if man bites a
dog that will be news".
Hadaba mar hadii aynaan karaamadeenii bani'aadamnimo aynu u qiimo ridnay
sida shilin soomaaaligeenii uu u qiimo dhacay oo aan aduunkuba sida dhabta
ah bani'aadam inoo aqonsanayn, maxaad ku diideen inaan bani'aadam xigeen
noqono oo daayeerka wax la qabsano, waa haduu isaga qudhiisu inaga ogolaado,
waayo waxaa dhici karta inuu ina diido oo yiraahdo rabsho diyaar uma ihiye
dadkaa yaan la igu so darin!!
Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Posted: April 20, 2001
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan