SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com


DAWO

Hordhac


Inj. Maxamed Cali Cibaar

Maansadan Dawo waa billowgii silsilad-suugaaneedka cusub ee la magac baxday Doodwanaag. Waxaa curiyay maansadan Maxamed Cali Cibaar oo ah arday cilmiga Hindisaha (Architecture) ka barta Jaamacadda Delft University of Technology ee waddanka Nederlaan. Waxay maansadani ka mid aheyd hadiyado uu Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee waddanka Nederlaan guddoonsiiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “ Hadraawi ” markii uu socdaalkiisii Nabadda ku marayay waddankaasi bartamihii bishii Nofeembar sannadkii 2003da.

Ararta maansada kadib, Maxamed wuxuu tilmaamay ujeeddadii ku qasabtay in uu maansadan curiyo, taasoo uu sheegay in ay tahay inu uu wax uun dib uga celiyo abaalkii aan sinaba loo wada gudi karin ee ummadda. wuxuu si gaar ah u xusay canshuurtii laga soo ururin jiray dad aan awoodi karin iyo dadaalkii macallimiintii saboolka ahaa oo xaqoodii uu ku tilmaamay inuu yahay deyn iyo diyo ku maqan.

Intaa kadib waxay maansadani tilmaameysaa, inkastoo uu dhaawac weyni gaaray guud ahaan ummaddii soomaaliyeed, in haddana uusan xaalku quus aheyn oo haddii lala yimaado dadaal iyo is faham ay wali jirto fursad wax badan lagu sixi karo. Waxay kale oo ay maansadu abbaartay kaalinta suugaantu kaga jirtay waayihii ay ummaddu soo martay, iyo waliba sida loogu baahan in ay kaalin hormuudnimo ka qaadato sidii looga bixi lahaa marxaladaha qallafsan ee maanta taagan.

Ugu dambeyntiina Maxamed wuxuu tilmaamay in ay adduunka ku soo biireen musiibooyin lagu diimo oo aan horay loo aqoon, kuwaasoo ay dambiyadeennu keeneen. Wuxuuna kula talinayaa guud ahaan ummadda soomaaliyeed in ay ka waantoobaan dagaallada sokeeye oo aan dan u aheyn aakhiro iyo adduunba, lana yimaadaan dadaal iyo dulqaad badan. Ugu dambeeyntiina wuxu iftiimiyay in xalka kaliya ee mushkiladdeennu uu yahay in loo noqdo Ilaahii ina khalqay, lana raaco wixii uu ina faray iyadoo goows dambeedka lagu qabsanayo kitaabka iyo sunnaha.


DAWO

W.T. Inj. Maxamed Cali Cibaar, Nofeembar 2003

Maansooy dulqaad badan
Diyaaradaha miiggiyo
Danab iyo hillaaceey
Marna Diin gurguurtiyo
Dabran iyo curyaaneey
Malab dililiqleeyiyo
Doolshiyo macaaneey
Marna haro diqoowdiyo
Dacar iyo dhunkaaleey
Heshiis soo dejiya iyo
Wax collaadda demiyaay
Marna isku direysiyo
Digo hoos ka nooleey
Dowdar iyo nin raga iyo
Dammiin iyo mid caalima
Daganiyo kan dabayaba
Dar ka wada dhexeeyoo
Leyska dubuqsanaayoo
Qof walbaa darsanayiyo
Cidna wax uma diidaay
Diimahaagu badanaa ?!

Inkastoon ka durug iyo
Mar is iri ma deysaa
Inaan kuu danaanshoo
Aan kugu dadaaloon
Danwadaagba noqonaan
Dib haddana go'aanshee
Wacad kama dambeysiyo
Bal dardaaran iga gunud.

Duruufaha kuwoow culus
Haddii dilif an leeyahay
Diinnaarki lacagtiyo
Hanti inaanan kugu dalab
Kan iimaanka daranee
Kugu dawarsanaayiyo
Dayac kaaga tagin abid
Waa dammaanaddeydee
Dir-dir iyo qabiil iyo
Deelqaaf xadgudubiyo
Carrab dalab leh iyo been
Dano gaar ku maaree
Waxba lagu Dambaabiyo
Damdam ha ila soo galin.

Duhur iyo habeen dama
Duudsi iyo dhib waxa jira
Meel aan ka daawado
Diiraddana ka buuxsado
Degellada saboolkiyo
Ducufada la liideey
Dadku badi ka faanaan
Dulmaniyo dhibbanihiyo
Daacadduse u badantahay
Bartankooda doortee
Ribo dalamsigeediyo
Digdigta iyo boobkiyo
Xaaraan daldaliddeed
Daaraha ka taagmeey
kuwo darajo moodaan
Damaacigu ha buuxshee
waligaa ha igu deyin.

Afartaa daraasiyo
Dareen feejignaaniyo
Aakhiraa dambeysee
Dab naareed ka biqid iyo
Axdi qalin ku duugiyo
Waa arar daneynteed.

************************

Hooyo muufo dubatoo
Digsi shaaha karisiyo
Oday daash ku tola kabo
Doqoshyada canshuurtii
Daangada ka ururteen
Dallacaaddan haystiyo
Jaamicad ku daakhilay
Abaalkii dorraatiyo
Waxa deymo igu maqan
Danyartii xaqeedii
Diyadii anoo gudi
Dan baan maanta leeyahay
Dood baanan furayaa
Daa’in hayla garab galo.

Buugtiyo duruustii
Qalinkiyo dawaaddii
Macallinka dulqaadkii
Doojin hagar la'aaniyo
Himilada daneyntii
Deeqsiinti waanada
Digiddiyo canaantii
Ducadiyo xaqdhowrkii
Doow san u tilmaankii
Abaalkii dorraatiyo
Waxa deymo igu maqan
Danyartii xaqeedii
Diyadii anoo gudi
Dan baan maanta leeyahay
Dood baanan furayaa
Daa’in hayla garab galo.

Inta ila da'daayee
Hore loogu daalee
Qaran duudka uga jabay
Xilka loo diyaarshiyo
Waajibka dusheenna ah
Dayacaad anoon galin
Duul kalena cambaareyn
Anoo durriyadeydiyo
Dhib la neceb dadkeygoo
Wax berrito u daran iyo
Dhimbil aan u duugeyn
Dan baan maanta leeyahay
Dood baanan furayaa
Daa'in hayla garab galo.

Digrii xagal wareegtiyo
Saableeyda deelka leh
Taxanaha la kala dado
Jibbaarada dulfuuliyo
Doorsoomeyaashii
Mas’alooyin lay diray
Xisaab baan dejiniyaa
Dubbe culus sidiisii
Qalab Atam daqiijiya
Danab Elektarooniyo
Dabarradii lammaanaha
Dirka kiimikaad iyo
Falgallada la diirshiyo
Dareerihiyo uumiga
Sheybaarro deristiyo
Wax Ummadda dabiiboo
Qabyaaladda ka dila iyo
Dawaan qooshayaayoo
Dan baan maanta leeyahay
Dood baanan furayaa
Daa'in hayla garab galo.

********************

Dibir laysla helo iyo
Daqar lala wareeriyo
Dabacsani halkeedee
Inaan wada dammiin iyo
Dullin ina jaqaayiyo
Doqon fooraraa dhalan
Oon daadan dhaxalkii
Na dulleysan karin cadow
Rag u duuban weli jiro
Dibnahana calaashada
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana Saxarla' daabacan.

Duufaanno baas iyo
Inkastooy dabeyluhu
Dariiqii ka leexsheen
Jamallo ku duqeeyeen
Dhinacyada ka diiseen
Shiraacii dillaacsheen
Hoostana daloosheen
Dawakhsheen rakaabkii
Qof waliba daraandaray
Inaan Doontu weli degin
Dakhalkeedu adagyahay
Ducaduna bannaantahay
Uuse ficilku door yahay
Degganaan farsamo tahay
Daruurina hoggaan yahay
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla’ daabacan.

In suugaantu Deeq tahay
Cilmi noo dahsoon tahay
Iftiin daarma leyl tahay
Diiwaanno qoranoon
Duugoobin abid tahay
Darmaan geesi fuuliyo
Gobonnimo u dirir tahay
Ooy gumeysi didis tahay
Damaashaadka calankiyo
Dabbaaldegga hor kaca tahay
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

In Suugaantu diga tahay
Maati doodaheed tahay
Durdurkii harraadiyo
Dawadii bukootiyo
Dabkey dhaxantu qabatuu
Abwaankii ka deyrshiyo
Dibutaati naaxoo
Jeer Daamankeediyo
Dalqo aan la qarin karin
Hantidii dadweynaha
Dukumdaakum uga dhigay
Daldalaaye xusa tahay
Musuqmaasuq dura tahay
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla’ daabacan.

Hubka diririmleeyiyo
Dabbaabaad arlada guba
maafiyada direyska leh
iyo koox daroogo ah
Marka cududi Diin tahay
Wax ma garad durduriyee
Dakanaha la faafiyo
Culumada la dabarjaro
Caddaaladda la duugoo
Cilmigii la deyriyo
In Suugaantu dira tahay
Dawan qeylo dheer tahay
Wax damiirka lula tahay
Digtaatoorro rida tahay
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

Dabadhiliftan badatiyo
Kuwa dafa agoontee
Duqoowdoo la Baartiyo
Shaqo Diirashow tahay
Kana nixin wixii dumma
Kala geeyay dariskii
Dumaashi iyo xididoo
Xigtadiiba kala diray
Xeerkeenni dooriyey
Cadowgana duggaashaday
Dersigoodi inuu haray
Dagaalkuna hor leeyahay
Dadku inuu ogaadeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

Dagaal - Ooge khaa'ina
Duulkuu rigeystee
Dagay oo wareershoo
Dalow dheer ku sii wado
Kuna yiri digtoonoow
Car yaa daya hareeraha
Dijaal soo baxaan ahay
Cuqaashaan deldelayaa
Kaan iga dambeyneeyn
Dalku waa inoo iib
Ubadkana diyaariya
Baadarigi Dirik baa
Daabbulan lahaayoo
Doollar aan ka filayaa
Jaad leeygu doonee!
In la kala dareershoo
Qorshe loo diyaarshooy
Doontaan xalkoodoo
Doortaan Mas’uulloo
Dowlad loo sameeyoo
Hanad daadaheeyoo
Daafaca adkeeyoo
Dugaaggii cunaayiyo
Laga didiyo nacabkeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

Duruus Lenin bixiyiyo
Dirqin Shuuci lagu wado
Dimoqraaddi beenoon
Cidna lagu dabbaqi karin
Mabda' dool ku yimidoon
Dhaqankiiba dooneyn
Inan sida Dameeraha
Layska daba rucleynoo
Diintaa Islaamkeen
Dulduleelba laga helin
Laga dhigo dastuurbeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

Aqal labo daryaale ah
Adigoon dareen qabin
Dab haddii u kugu kaco
Durba waad ka carartaa
Biyo doonataa iyo
Ciid ku daadisaa meel
Saad ku demmin lahayd baad
Degdeg ugu dhaqaaqdaa
Dabadeed wixii hara
Dambas ba'ayna aan noqon
Yaa dib loo habeystaa
Dulsaar lama ahaadee
Annagana dayaankii
Duqeyntii gantaalaha
Iyo ummulo dooxii
Guutooyinkii diday
Daafaha adduunkiyo
U baqoolay dibaddoo
Daltabyadiyo ciilkiyo
Darxumada la liitoo
Dermo meel walba u taal
Baaq in loo diraayoo
Naloo doorin maayee
Dalkeennii la aamino
Duunyo dhaqashadeed iyo
Dalaggana la beerteey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.


Dayaxaa xaggiisiyo
Xididigaha dusheenna ah
Dadaal buu ku gaaraye
Qeyrkeen halkuu dagay
Deris inan la noqonnoon
Naga durug niraahnoo
Degmo laga ag sahansado
Doorbin looga xiro gees
Galoobkana la daawado
Diillimaha dhigihiyo
Dadab loolalka u yaal
Macaadiinta dadan iyo
Shidaalkaa difta aheey
Qaar naga dabooleen
laga feydo daahoon
Cidi noo dardaarwarin
Nalagana dambeeyeey
Tahay dulucda maansadu
Waana saxarla' daabacan.

**********************

Waxan taa ku darayaa
Kala durugsanaantiyo
Kuwan jufo daneyn ee
Barwaaqadan darbeeyniyo
Samo wada deggeennii
Dihanoow dhulkeennii
Qarankii dummee tagay
Dib u soo gocanayee
Dacda aanu jiifniyo
Ka damqanaya ceebtoow
Da' kastoo ad joogtaan
Dumar iyo raggiinuba
Sharaftii an doonnee
Ma daddaaminnaa howl?
Duullaan ma kicinnaa?
Xaqa ma u dagaallaa?
Nafta ma ugu deeqnaa?

Daaf iyo ka daafteed
Dibadda iyo gudahaba
Maansadi dawaaftee
Hadraawi u duceeyee
Uu la sii dardaarmee
Isku - diridda gacalkiyo
Isku - dilid ka dheeroow
Isku - darana noqo yiri
Deelleey dhasheediyo
Doodwanaag ma tirinnaa?
Danyar ma u hibeeynaa?
Dulman ma ugu baaqnaa?
Runta lama daboolee
Diirka mawga qaadnaa?

Deeqdii Ilaah iyo
Ogaadoo daruuraha
Markuu roob ka soo da'o
Dhibco soo disleeyoo
Daciifoo itaal daran
Haddeey daai’maanoo
Aan khadkooda laga duwin
Daqiiqadana lagu xirin
Birta iney dalooshaan
Ka dusaan Dhadhaabaha
Marna intey is doontaan
Daad rogmaday noqdaanoo
Dogobyada culculus iyo
Wax kastaba dildilliyaan
Buuraha dhex dooxaan
Durdurrada xareediyo
Webiyana dillaacshaan
Daba dheer abaaruhu
Dandarrada ay reebaan
Diihaalka gaajada
Diiftii ay meyraan
Duurkoo dhan xaadhaan
Doog iyo baxshaan cows
Xooluhu ku dararaan
Nimco laga darduurtaa.

Waxaan uga danleeyahay
Shacbigaa dayoobee
Dulman ee wareersani
Inkastuu ma-diiriyo
Badi yahay wax-kama-dega
Haddaan daalku nagu badan
Ammaan daacad laga tagin
Kalsoonida la daayicin
Haddaan hadal daldalaniyo
Quusasho la daa’imin
Daxaleeysa laabtoon
Deyraduba wehel noqon
Haddaan dacay-ku-dhiigliyo
Mideey eedi dabataal
Xilal deegta loo surin
Haddaan dabinno-qoolkiyo
Dannigiyo balaayada
Dibindaabyo kii wada
Daallinka la aaminin
Insha- Allaah dareen iyo
Mar un iney wax soo duxi
Lagu diirsan doonaa!.

Waxan uga dan leeyahay
Shacbigaa dayoobee
Dulman ee wareersani
In kastuu ma-diiriyo
Badi yahay wax-kama-dega
Dubku maaha kala midab
Luqaddoodu waa dahab
Duurxul iyo xigmado badan
Deyrtiyo barwaaqada
Marba meeshi doogteey
Dar ka wada cabbaanoo
Daalo iyo ku maalaan
Deeyliyo Lo' gees loo
Dambarkiyo labeentiyo
Doobi ku wadaagaan
Gayaankana ku doonaan
waana ul iyo diirkeed
Dikhil iyo illaa Buur
Aan deyrba kala xirin
Diintaana dhaqan u ah!

Waxan uga dan leeyahay
Shacbigaa dayoobee
Dulman ee wareersani
Inkastuu ma-diiriyo
Badi yahay wax-kama-dega
Waa dun aan la heli karin
Dunideey u mudanyiin
Deeqsi iyo Aftahan iyo
Geesi daafacaayiyo
Caalim laga dabqaatiyo
Garyaqaan ka duda eex
Caaqil kala dabbaaliyo
Door waa ka buuxaa
Dar Alliyo samaan jecel
Dabataase noo timid
Nacab soo dagaagoo
Diiddan wadajirkeennoo
Dambaskii yar qiiqaba
Demmintiisa neceboo
Dogob weyn ku huriyoo
Damaciisu uu yahay
Dabargoo dhammaantood
Ama reebo Daadxoor
Oo Diiqba yuu harin
Dhulka aad dumaashide!

Waxan uga dan leeyahay
Imaamkeenni Diridhabe
Sayidkii Darwiisheed
Bashiirkii la Dilay iyo
Jenaraalki Daa’uud
Iyo kuman dambeeyoo
U galbaday daraaddeen
Digniintoodiyoo qoran
Daaqad inan ka tuurroo
Duulkaa cawaanteen
Dabbareynay shalaytiyo
Hororkaa dalbaha lee
Dacas iyo kab buudiyo
Dabagaab karkaran iyo
Dulufyada ku raran weli
ay sida dayuusiin
Dusha naga raraanoo
Deeqo u adeegtooy
Daaji nagu hor miistaa
Dabcigeenna maahoo
Dangiig talo ma joogtee
Dirir yaan ka baqinoo
U diyaara geerida?!

*******************

Waxan taa ku darayaa
Oon rabay digniin culus
Kula duulayaa badan
Daanaqyo ad moogtahay
Dullaal aan xishoon iyo
Duflaal kaa sir bixiyoo
Marka foodda lays daro
Docda kaa wareemoo
Kugu fura dariishado
Digashana u dheertahay
Iyo dire - diraalaha
Dabinnada maleegoo
Nabadduba u darantahay
Dammanaan fahmeynoo
Ableey daabka haystoo
Sida Eeyga loo diro
Ooy Fitnadu dihatee
Xasillooni diidkiyo
Dadka qaarki naga jira.

Dibbirsane warmoogiyo
Ifka jaahil boow daran
Ay laabtu dedantahay
Damna araggu uu yahay
Dhegtu daarsantahayoon
Daalacasho lagu karin
Dambigiisu badanyahay
Dabci xumo u dheertahay
Murankoon la deyn iyo
Dafiraad u faan tahay
Oo daaca qurunlaa
yaa adiga kuu daran?
Yaadse dano wadaagtaan?
ay ka daahantahayoo
Misna raba danjire iyo
Wasiir uusku diiqmee
Afmiishaar Duffoobiyo
Dadka qaarki naga jira.

Kan hunguri dardarayee
Dukaan kuu u furanyahay
Ama derejo sheegtoo
Maalintaa dabbari kara
Afka dufan u marin kara
Awliyada kor duushoow
Ma dambaabihiiyoow
Jannaad dalaq dhaheysaa
Dulmigaagu waa kheyr
Daliil baan u haynaa
Digri beena u aqriya
Durbaanada ku noolaha
U dukada dhankuu rabo
Dirham caabudaa iyo
Dadka qaarki naga jira.

Diktoorkii ma maqasheen
Damag siin ku taqasusay?
Oo daaqda Nederlaan
Domeenika Talyaaniyo
Dang yoowga Shiinaha
Denaneeda Xabashida
Deekahaa koley tahay
Duul kale afkoodiyo
Deerfoor la weyntahay
Kiisuna la dacar yahay
Oo halkii daryeel iyo
Bukaan uu daweeyiyo
Dowlis iyo wadaan iyo
Digir uu abuuriyo
Dugsi furisti laga rabay
Duudka tii ku qaaddiyo
Kuwa daadsan meeluhu
Duqsi weeye lagu yiri
Dunidii hilmaantaye
Furuq daraf ka mara iyo
Duumiyo jadeeciyo
Daacuun caloolaha
Gaajo hawgu darantee
Dakhligiyo waxa u yaal
Dambiilaha ku soo guro
Dabadeedna baashaal
Meelo lagu dakeeyiyo
Hoteelada Dalxiiskiyo
Diskoteegyo qaaliya
Daasadda Khamriga iyo
Daniyeel ha moogaan
Markuu daad ku qaadoo
Inkaartii ku dabartoo
Daaf indhaha haleeloo
Aad dabeyshaneysana
Dani seeto weeyee
Darbiyada la seexdiyo
Dullinimo waxay tahay
Ducufyahow na weydii!.

Waxa taa ka sii daran
Dirxi qasri sameystoo
Ka soo toosa Dabaqyiyo
Daa’uuski bilicdoon
Dib ruxmaba laheynoon
Foolxumo la dayi karin
Diinasoowris weynoo
Dawacada ka fududoo
Doolligu ka adagyahay
Dibi liqa yaxaaskoo
Dubaaxdiis cuntow jecel
Daanyeer sidiisii
Libaax daaqa beeraha
Duddumooyin qaxayoo
Dacwo ka ah Aboorkii!.

Taana waxa la darajaa
Malaayiin duq haystoo
Maalkiisi dekedaha
Dubay laga raraayoo
Qado loo dawariyiyo
Baryo taajir daa’ imay
Daki iyo wax garad uu
Qabku daab u haystoo
Dabuubtii la baqayoo
Duuduubay taladii
Mid derderanna maamulo
Janan sii dallacayoo
Dable uu amraayoo
Debci iyo horuu soco
Daraandoorri leeyahay
Dadka Shiikh wacdinayoo
Dusha taqi la moodoo
Ilmadiisu daaddoo
Wax is daba marsiiyoo
Dir kaleba qalbigu yahay
Boqor reer u duubtoo
Danta guud maslaxaddii
Diiddanba heshiisoo
Daydayga iyo tuugada
Dibjirada la foofoo
Mooryaanta kala dira.

Deel boqol dhibcood liyo
Amuuro lagu diimaa
Ku soo biiray dunidoo
Yaab baa dig soo yiri
Musiibooyin diranoo
Wali sii darsanayoo
Dunuubteennu keentaye
Waxan dooddi uga baxay
Dib wax jira Allaa oge
Soomalaay is daba qabo
Yuu ku duufsan Sheydaan
Daandaansi gacal iyo
Doobbinta Bilaashka ah
Kibirkaan ku daashaday
Dubashada dhallaankiyo
Toban toban u duuggaan
Daa camal Ibleyskiyo
Dirirtaan sokeeyoo
Ummadyahay is daahiri
Hala daahin toowbada
Xalna waa dadaal iyo
Isku duubnidaadiyo
Samir iyo dulqaad badan
Dariiqii rasuulkiyo (s.c.w.)
Diinta xariggeedoon
Marna goowsku sii deeyn.

DHAMMAAD
M.C.Cibaar
----------------------------------------
Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD