SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Yuusuf Aw-Xirsi Xuseen
Zendaam, Holland
Hersi64@hotmail.com


Dayn - qaran

Maansadaan Dayn-qaran waxaa curiyey Yusuf Aw-Xirsi Xuseen,oo ku noo magaalada Zaandam, ee dalka  Holland.  Maansadaan oo ah tii 16aad ee Doodwanaag, waxay ku soo biirtay taxanaha maansooyinka Doodwanaag 14kii Ogoosto 2004tii 

Dayn-qaran, waxay ka hadleysaa, sida ay muhiimka u tahay in qof walbaaba haddii uu wanaag doonayo uu naftiisa ka billaabo, oo isi saxo, kadibna uu ka qayb qaato wax qabadka guud ee wanaag doonka ah. 

Sida magaca maansadaba ka muuqata, Dayn-qaran waxay dadka ku baraarujineeysaa in dalka iyo ummaddu ay ku leeyihiin abaal wayn, loona baahanyahay in dib loo xisaabtamo oo dayntii la isku lahaa dib loo celiyo.  

Ragga dooddan furay iyo
Inta daadahaysiyo
Kan diiwaanka geliyiyo
Inta daawanaysiyo
Akhristaha daneeyaba
Salaan baan u dirayaa. 

Dadaalkaan la wado iyo
Dooddaan naloo furay
Dar Allee armay tahay!
Dawadii barkeedoo
Dusha soo mareysoo
Soo daadageysoo
Daa'im soo hawadiyoo
Duca qabe la kiciyoo
Soo daa la yiriyoo
Rabbi maanta soo diray. 

Ummaddaan nin door iyo
Deeqsi loo irkada iyo
Ganacsade danaystiyo
Xirfadaale dooriyo
Sheekh diinta mariyiyo
Geesi laga dabqaatiyo
Kaligiisu duuliyo
Abwaan hadal ku deeqshiyo
Doorrane ma waayine

Meeshay ka dagantahay
Dayacaaddu uga taal
dabayluhu kasoo gelin
Waa danaha guud iyo
isku soo duwgii iyo
Dubarididda taladee
Marhadii dadaalkaan
Doodwanaag inoo taal
Soo inaan dudubinnoo
Daafaha ka qabannoo
La isla daadaheeyo
Danta la isla jeexoo
Doodaha la badiyoo
Hadba shey la doortoo
La isaga danbeeyoo
Dariiqdheer la mariyoo
Laga dhowro dalabtoo
Danbi laga ilaashaa
Dawgeenna may aha? 

Danta aan karaacee
Anigoo an doodaha
Hoos ugugu daadagin
su'aalaha la soo diray
jawaabtooda daydayin
Qodob aan ku daaloo
Muddo doora siiyoo
Doodii Cibaar furay
Dulucdeeda kala baxay
Aan soo daliilsado 

"Xaajadu danweeyaan
Dayntii qaranka weeyaan" 

Waxaan dood la meeroon
Hadba dibin qaniinoon
Ceebaha dillaacshoon
Sar baa waa la dumiyiyo
Ceel baa la duugiyo
Hebel waa dilaa iyo

Darxumooyin fiirshaba
Mar uun baan dagaandegey
Dib nafteyda u la faqay
Waxaan taa ku daa iri
dulucdii abwaanada:

"Tagto waa ku daysaye
Timaadada bal daba qabo"!  

Waxaa iigu daran oon
Dawadeeda weli helin
Dad ay hooyo dihatoo
Soo daadahaysoo
Mudo doora korisoo
Dugsiyada ay geysoo
Markii xoog ku soo duxay
Nafta uu dadnimo biday
Duruufaha ku nacayoo
Duni kale u dhoofoo
Ka yaxyaxa dusheedoo
Darxumooyinkoo idil
Ka daboosha dhagahoo
Haddii uu dadaalana
war duqdii sidee tahay
Doodiisu tahayoo
Marna daqaqamaynoo
Dusha hawl u ridanayn
Waa dood cajaa'ib ah!

Markii la ii daweeyee
Deris uu u baxo ee
Oday kale dumaalee
Dusha cadar u mariyaan
Anigoo da'daa jira
Dib aan caano uga deyin
Weeye shaygan iga degin. 

Dulucdaydu waxay tahay
Adigoon walaal dayin
Reer hebel dusha u ridan
Duul kale canbaarayn
Bal naftaada daymood
Dib xusuusta ugu noqo
Diiwaanno weyn furo
Xisaabaadka dalandali
Kala qaybi dacalada
Wixii aad dadaal iyo
Waqti doora gelisoo
Dalka aad ku tacabtoo
Dayn kaaga maqan qoro.

Dayacaadda timid iyo
Waajibaadka duugmiyo
Xooggaad la dooshee
Duni kale u gaysiyo
Intii aadan dood baran
Wixii aad la dagatee
Dalku uu ku siiyeed
Iska dalamsanaysiyo
Qor wixii dushaada ah.

Adigoon dulsaariyo
Dallacaad labaad iyo
Dabagale xaqqiis iyo
Dibudhaca magteediyo
Isku daalin shay kale
Duuduub u kala jabi
Dabadeedto kala goo
Daalaco adoon didin
Dib u fiiri xaajada
Degdeg yuuna kula tegin.

Haddii daalac kugu haray
Dayn lagugu leeyahay
War hooy dooda kale dhaaf
Ha ku daalin sheekada
Ha ka daahin Xaajada
Waqti kale ha daayicin
Ka biloow halkii daran
Meshaan dan dhaafayn
Durbadiiba kala tuur
Intaan moowdku kula dumin
Aakharo laguu dirin
Waa inaad dareentaa
Inaan Dayni kugu harin
Dabadeed ka talisaa
Inaad duug wax dhigataa
Darajooyin dalabtaa
Dallacaad u gudubtaa
Dibna aad u aydaa
Intaad dunidan joogtana
Sharaf aad dulsocotaa
Dadku aanu kaa nixin
Duul halaagmay kuu arag
Kaa ducaysan aadmigu. 

Ducadiina waatane
Aamiin kusoo dara

Ilaahoow Dadkaygana
Duuflaha libaaxoo
Mici diiranaysiyo
Qanjir daaman wayn loo
Waxba daynin aan noqon
Dadka kale agtiisana
Jiir xunoo daciifoo
Haraggii ka duuloo
Duudkiisu hoolmoo
Dani hayso aan noqon!.

Ilaahoow dadkaygana
Arxan goys dijaaloo
Naxariis ka duushoo
Xukun doona aan noqon
Dadka kale agtiisana
Addoon lagu dulguuroo
Lugu gaaro danahoo
Dabadhilifa aan noqon!.

Ilaahoow dadkaygana
Abris duuli kara oo
Mici fiiqan dira oo
Cadhuufada ku dara oo
Dadka laaya aan noqon
Dadka kale agtiisana
Xaaxeey dayacanoo
Qoloftii ka duushoo
Shinbiruhu dafaanoo
Daleel taalla aan noqon!.

Ilaahoow dadkaygana
Abees miciyo daranloo
Ruuxii duljoogsada
Isku duuba aan noqon
Dadka kale agtiisana
Daanyeer wareegoo
Hadba laan ku duuloo
An dagaynin aan noqon!.

Ilaahoow dadkaygana
Dibqalooc la taabtoo
Isku duuba ruuxoo
Sun ku daadsha aan noqon
Dadka kale agtiisana
Doorshaan qurmuunoo
Qurun dilindileeyoo
Ku dulmeera aan noqon!.

Ilaahoow dadkaygana
Fiin dibadda meertoo
ka didaysa ruuxoo
Iska duusha aan noqon
Dadka kale agtiisana
Injir diiranaysoo
Ku dul nool dhexdoodoo
Lagu daalo aan noqon!.
 
Waxaan deellay uga baxay
Dayn-qaran ku soo xiray
Ilaahbaa na dilayoo
Nagu daalacanayoo
Danbigeenna qorayee
Dadow,dadow,dadoow
Dadoow Toobadda u noqo. 

Yuusuf Aw-Xirsi Xuseen
Zendaam, Holland
Hersi64@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG



HTML CD