SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com


DADAAL

W.T. Inj. Maxamed Cali Cibaar


Inj. Maxamed Cali Cibaar

Maansadan la magacbaxday Dadaal waa maansadii afraad ee silsillad-suugaaneedka Doodwanaag. Waxaa tiriyay inj. Maxamed Cali Cibaar oo deggan magaalda Delft, ee waddanka Nederlaan.

Ararta oo ku saabsan guudmar tixihii dhaxal galka ahaa ee ay abwaannada soomaaliyeed kula hadleen uguna digeen ummadda kadib, waxay maansadu soo koobtay daraasaad dheer oo uu curiyuhu ku sameeyay su’ aalaha ah: Maxaa keenay in ay maanta Soomaali hoggaamiyaan dad aan haba yaraatee wax dan ah ka lahayn musiibada ku habsatay ummadda?. Maxaase diiday in ay ummaddu doonato oo doorato dad lagu aamini karo xil ummadeed oo arinkaa ehel u ah, lehna karti, aqoon, iyo daacadnimo ay ku fuliyaan waajibka ka saaran ammaanada ay hayaan?.

Waxa kale oo ay maansadu aad u lafo-gurtay dhaliilaha bulsho ee jira iyo kuwa shaqsiyeedba, waxana arrinkan aad looga dhuuxi karaa doodda ubuc dhexaadka u ah maansadan.

Gabgababadii maansadu waxay soo bandhigtay jawaabihii su’ aalaha kor ku xusan sidii ay ula muuqdeen curiyaha iyo sida uu xalka u arko. Wuxuna kula talinayaa guud ahaan Ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan inta maanta u duuban badbaadadeeda, in ay dadaalkooda sii kordhiyaan, Allana ka rajeeyaan liibaan Adduun iyo mid Aakhiro.

Mahad Daa’in beyska leh
Isagaa na dilayoon
Ifkan uga dambeeynaa
Daaquud shartiisiyo
Wixii lagu dulloobiyo
Inta daran ka hoos gali
Dambaaburada jahannama
Dariiq naarta lagu tago
Inuu naga duwaayoon
Duni khayr ku joognuu
Dib dambana Firdowsiyo
Nimco nagu dabaalshaan
Duco uga baryeeynaa.

Dallacaad adduunyiyo
I dayaay i daya iyo
Iska dabawareeggeed
Ninkii dufan macaansada
Daadxoor sideeduu
Hadba dhinac u daadaa
Dalowyana ka dhacayaa
Annagase dareenkiyo
Damaceennu wuxu yahay
Wixii daaqadeenna ah
Daah inaan la gelinnoo
Illaa waa danteennee
Aan Alle daraaddii
Daacadnimo u qabannoo
Uga doonannaa ajar.

Taasi dulucda maansada
Arar daajinteediyo
Waa dowgan jecellee
Daah kale haddaan furo
Khasnadaha difta ah iyo
Kaydkeenna dahabka ah
Tixihii inoo digay
Bal aan yara dawaafoon
Taariikhda dabagalo.

Dabin buu idiin dhigi
Oo weydin dagayaa
Dirham buu idiin qubi
Dib aad uga shalleysaan
Dabka dhiga ayaa xigi
Aan raro dushiinnee
waa hadal da’ weynoo
Diiiwaan ku qoranoon
Duugoobin abidoo
Rabbi darajo siigii
Darwiishkii u daabacay.

Dilka iyo xummaantiyo
Inta meydku dibad yaal
Ubadkiinna dubataan
Dubaaxdiisa boobtaan
Isna dabar-jareysaan
Ooy dumar gablamayaan
Waayay danabbadoodii
Wallee doogsan meysaan
Intaad dunida joogtaan
Daacaddii Ilaahey
Dibaddaan ka joognaa
Soomalaay dix - dhagaxeed
Dhego uma daloolaay
Dugsi ma leh qabyaaladi
Waxay dumiso mooyee
Waa hadal da’ weynoo
Diiwaan ku qoranoon
Duugoobin abidoo
Ha durduurto jannadee
Timacadde u daabacay.

Soomaali waa duud
Deris iyo tol wada yaal
Nin dan laana kala gura
Isku duubnideediyo
Iyadiyo dadaalkeed
Dowgeedu waa kaa
Dhan haddeey ka dabacdana
Gabbalkeed dam weeyaan
Waa casharki deelleey
Dooddii abwaanada
Dareen laga mideysnaa.

Intaa waa dulmarid guud
Rag dardaarankiisii
Wax la duubay oo qoran
oon doorsomeynoo
Qarniyaal la daalacan
Durdur laga waraabiyo
Cilmi doqoni moogtahay
Doorkeedi maantana
Sii dararid mooyee
Ma daciifin suugaan
Iftiinkeedi lama damin
Wali wey digeeysaa
Wey dagaalameeysaa
Ruuxii daneeyaa
Wuu hayaa daliilkii
kii duranse yeelkii.

Daa’irada waqtiga iyo
Duruufahan ku sugannahay
Wixi dummay wixii diday
Waxey daqarro gaareen
Nabaddoon daraasaad
Ku iftiimi daaqado
Badda doontii socoteey
Qaar hoos daloosheen
Qaarna daawanaayeen
Illaa idil la wada degay
Dammanidi ka sheekee
Maxamuud ku soo durug
Doodwanaag gunteediyo
Dulucdiyo ujeeddadi
Dockastaba ka faallee
Digiddiyo canaantiyo
Ducadiyo tusaalaha
Hadba diilintow rogay
Halka loo dig leeyahay
Diiradduna ku xirantahay
Daki kii ahaa garay
Danqayoo nin raga toos
Heeryadii la wada diid
Soo duubay gacalkii
Halgan loo diyaar noqoy
Anigana darbanidii
Dabcid lagama filayee
Meelaha daloolee
Daadku nooga soo galo
Aan daarsho halistee
maan dabreynta ka hortago
Farskayga dananiyo
Dildilloon ku galo aag
Isku dhigo dabbaabbaad
Diintaan rumeeyiyo
Maan cisiga daafaco
Sharafta u danaaniyo
Innagaba daraaddeen
Dugaag u cun halyeeyee
Anoon geeri diideyn
Guusha durriyaddeenniyo
Dhaxal maan diyaariyo
Berri loo dabbaaldego.

Dabbaankiyo fardaamaha
Wadiiqooyin dadabiyo
Meelaha daleeshee
Dusaal ay ka fududahay
Dululaati koley tahay
Kuwa dulundulceeyee
Ku siqaaya duudkiyo
Madfac kuwa dayaanshee
Doonyaha ku quusiyo
Qaar dayaxgacmeedyada
Daruuraha ku sare mara
Degellada an leenahay
Dalaq inaaney soo dhihin
Oo Raadar digayiyo
Doorbinno illaaliya
Iyo qalab duqeeye ah
Loogu xiro duleedyada
Midkii soo dagaaguu
Soo waalo damacuna
Sidii doorarkii hore
Dersi culus la siiyaa
Dawadeed anoo wada
Naqshaddina dejinayaa
Markii aan dawaaddii
Daray qalinka weelkii
Dunjigaanu wada nahay
Su’aal noo darreydoo
Shacabkii dayeeysoo
Danni badan abuurtuu
Soo daayay maankii.

Dulli iyo Afmiinshaar
Dibjir iyo midaan nixin
Dulinnada na jaqayee
Naxariisti deyrshee
Ku dangiiga meydkiyo
Dabadhilifyadaan xulan
Sidan nahay dameeriyo
Daabbadda wax lagu raro
Yaa dusheen ku tolayoo
Door nooga dhigayoo
Ka taliyay ineey degin?!.

Inaan kuwa damqanayoo
Noo diirnaxaayoo
Ka fekera danteennoo
Maatida daryeeloo
Cadow naga difaaciyo
Dooranno wax noo roon
Yaa diiday oo yiri
Abidkiin darxumadiyo
Diiftiyo rafaadkiyo
Qolo qolo ku duushiyo
Jidka dabargo’ iinniyo
Diihaal ku waaroo
Derdernaada weligiin?!.

Doonistii jawaabaha
Anigoo dersaayoo
Daydayayaa weli buu
Mid fudeyd la dilisliyo
Qalbi-dile daf soo yiri
Hebel baa la dilay iyo
Heblaayaa la daayiyo
Tuug baa la doortiyo
Naloo diid wasiirrroo
Shirkii laga dareer iyo
Deeq baa la keenoo
Misna layska daadshiyo
Wuxu galay darooriyid
Anna dhinaci maba dayin
Kuma lumin daqiiqado
Kaligii daldalankii
Darbiyadi ku naafee
Goortuu yar daaloo
Arkay inaan daneyneyn
Kuye hadal dinnaaga ah
Markaan doodo kuu furo
Maxaad iigu diintaa?
Dibnahana u xirataa?
Horto doqon miyaan ahay?!.

Hadal lagu dikhoobiyo
Been aan la dedin iyo
Duumo faafinteediyo
Sheekada dacdaa iyo
Daanaqyada warkoodiyo
Dam - dam kama helaan iri.

Doxor ruux hadduu yahay
Garashadu ma dabartee
Asoo doobbinaayoo
Dibbiroo xanaaquu
Warqaddaan diraayaba
Darafta uga soo dhegay
Dabadeed aqris u galay
Durba sadarki koowaad
Ku dhibtooyay deelkii
Daaddaa dakaakaa
Doc u dhaafi kari waa
Dirqiskii markuu gabay
Duulan jirin u hees iyo
Rajo leyska dabagalo
Waa diimahaagee
Igu yiri maxaa daran?
Anoon muran daneyneyn
U dulmaray wixii jiray
Iyo danahan leenahay!.

Wuxu yiri dubkeenneey
Dowladaha waaweyn
Dadkood nagu karhaanoo
Dibi baanu wada nahay
Daaqaaya buunshoo
Durbaan inaan garaacnoon
Muusik diririm siinnoon
Ciyaaraha daleynoon
Duuli orodka mooyee
Gaari mayno darajee
Duunkiyeel ha noqonine
Digdigtaan yareeyoo
Danahaaga raacoo
Ha ku daalin sheekadan.

Ducufyohow waxaan iri
Dorraatiyo wixii dhacay
Kuwa laga daboolee
Deliyada ka dhacayee
Dafadaflaha caddaanka ah
Darbijiif hadduu yahay
Moodaya Diktoorkiyo
Dockayeer sidaadaa
Caku ruuxa diimoon!.

Ducufyahow waxaan iri
Xadaaradaha duuggiyo
Ahraamtaan duqoobeyn
Degga webiga Niil iyo
Ma duleedka Qaahira
Afrikaan degeen baa?!
Mise Deleftan joogiyo
Yurub daafaheediyo
Delhidii Hindiya iyo
Dallas bey ku yaallaan?!.

Ducufyahow waxaan iri
Markii aan dabiibbiyo
Diblomaansiyiin iyo
Duubeeynay boqorreen
Dhoofinaynay Diibkiyo
Badeecadaha kala duwan
Oon Dastuur shaqeeyiyo
Sharci lagu dawooboo
Lahayn kala dabbaale ah
In qaarkood daleeshiyo
Ku noolaaye duurkooy
Dabanaaye ma ogtahay?!.

Diintaa wuxuu yiri
Taa nooga sii daran
Inta dumarku dadanyahay
Xijaabbadana deystaan
Da’aad toban an gaareyn
Inteey dabbaqi Sunnihii
Xadiisyada dareershaan
Quraankana duddubiyaan
Sheekh laga dabqaatiyo
Daaci intey wax sheegaan
Oo dejinta xeerkii
Kitaab laga dayaayaba
Inteey doonis gacaliyo iyo
Dadabgeliddu badantahay
Gayaankii is doortaa
Inteey guurka doorbidi
Sinaduna dulliba tahay
Ilbaxnimada laga dido
Qoom dabaadiyaan nahay
Dimuqraaddi nama rabo
Deyraan ka mudannoo
Quudkii daruuriga
Daqiiqdii galbeedkiyo
Heli mayno Daangoo
Dukumdaakum baan noqon
Darayiyo dubbeyn iyo
Darbad waliba noo dheer!.

Ducufyohow waxaan iri
Dafiraad anoon wadin
Inkastoo ay dayaxiyo
Dirirradiba gaareen
Dhismo lagu daraandaro
Maamulidda dantoodiyo
Farsamada ku daranyiin
In damiirki lumayoo
Akhlaaqdii la duuboo
Dullinnimo xad-dhaaftoo
Xishoodkii la dummiyoo
Qoyskii la kala diray
Jinsigii is dabamaray
Dhaqamada dellegen iyo
Waxa ceebo dibad yaal
Dacdarrada ma moogtahay?.

Ducufyohow waxaan iri
Inuu dulmiga reeboo
Weynaheennu noo digay
Dadku wada arradanyahay
Baahidiisu darantahay
Ooy wada dambaabaan
Helitaanka deeqdiyo
Dunuub laysku dhaafana
Daacad lala yimaadiyo
Durraamasho ku xirantahay
Oon shardi daneystiyo
Dulsaar badanayaa jirin
Rabbigeen darkiisuna
Khalqigiisa deeqoo
Dalabkooda oo idil
Hadduu deegta ugu raro
Qaar kalena ugu daro
Disi naaquseynuu
Dihanyahay ma moogtahay?!.

Duulkaan wuxuu yiri
Dakhalkii ka jabayoo
Daxal qarisay laabaha
Dawo looma helayee
Ninba daash ha waabtoo
Ha ku faano doqoshyoo
Qoysba meel ha deyrtoo
Mujrim eedi daba taal
Iyo dacay ku dhiigluhu
Dadka how mudnaadoo
Dalka inta la iibiyo
Doolarka hormariskaa
Ha ku dirirto saamiga
Ama haysku duushoo
Digdam aan dhammaan iyo
Dagaal hays xasuuqdoo
Dambas haysku noqotee
Duunkiyeel ha noqonine
Digdigtaan yareeyoo
Danahaada raacoo
Ha ku daalin sheekadan.

Duulkaan wuxuu yiri
Dable kuwo ka saaqiday
Haammaanno diran iyo
Digsileefyo dhuuniya
Daciif wixii arlada jiray
Iney dabarucleeyaan
Dacaygooda jeceloo
Digrii kii lahaa iyo
Indheergaradki diiriyo
Culimadi digriga iyo
Cuqaashii deldelayoon
U tureyn duqoowshoo
Digigixashadii gabay
Dowladnimana aan rabin
Ha wadaan dufoowgee
Duunkiyeel ha noqonine
Digdigtaan yareeyoo
Danahaaga raacoo
Ha ku daalin sheekadan.

Duunyadu wuxuu yiri
Dul ahaanta waa magac
Dheef iyo dux laga helo
Marba daaqsinkeediyo
Dowga lagu aroorshiyo
Sida loo daryeeliyo
Degaankeey ku xirantahay
Ninbaa Damal hashiisii
Dambarkeed ka soo haray
Ninna Dabakaruubkiyo
Lo'u cudur diloodiyo
Ido Darato haysoo
Guray deyrti hore buu
Gujo wax uga deyayaa
Dadku kala ayaan badan!.

Dabuubteydan wuxu yiri
Dabcan waxan u jeedaa
Haddaan deyrka keenna ah
Waxa noo dareeraba
Neef diif la liitoo
Dandarreysan mooyee
Waxba damac leh lagu arag
Maxaan dago ku bixinnaa
Mise qola kalaan deyn
Saaxiib nooga doonaa?
Haddii uu dadkeennii
Dullaal iyo mallaal iyo
Dogob aan dhaqaaqeyn
Mid dawaro ku nooliyo
Dugaag uu u kala baxay
Ha ku xiiqin duurkoo
Duunkiyeel ha noqonine
Digdigtaan yareeyoo
Danahaaga raacoo
Ha ku daalin sheekadan.

Waxan iri dagaal hore
Duullaan colaa beri
Ciidan laysku soo dumay
Kii duulinaayee
Dooyada hagaayee
Dalbanaayay baa yiri
Digtoonaada waa amar
Kuwa aan dul joognaa
Diirka waa inala midab
Si aan uga duwnaana
Yeeynaan is dooxine
Maro soo dillaacshoo
Wada duubta madaxyada!.

Midey dacaydu lulatoo
Daaxuur la dhaqanoo
Dibmaryada badsada oo
Dibindaabyo socotoo
Dano gaara laa yiri
Alle doori baad tahay
Daan iyo ka daan eeg
Dooxa iyo buuraha
Inta wiil is dabatuban
Direys guuto loo xiro
Iska daa daqiiqade
Deyrtan lama dhameyn karo
Hadalkaa dib uga noqo.

Wax la yiri dabbaalyahow
Daldaloolo eeggiyo
Isku - diridda hoosiyo
Damdamtiyo xawaaraha
Hadal aanad u meel - dayin
Waa dabeecaddeedee
Dibugurashadaan iyo
Dooddiga yareeyoo
Fulayahow warkaa daa
Cidna hoow dardaar-warin
Cidna duubab how xirin
Taadaa dayacantaa
Soo dabaali keligeed
Dib u jeeso oo soco.

Wuxu yiri da’ daan ahay
Waqeey layma duurxulin
Hayeeshee Dayuuskaas
Jab la raba dadkiisii
Isku derejo maahine
maxaad uga danleedahay?!.

Ima - dagoow waxaan iri
Midkuu dhididku da’ayee
Dacaskii dhammaadee
Daalka badan ka muuqdee
Baadida daydayayeen
Dooneyn inuu helo
Dirkiisii ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Midka digada huriyee
Qarankeenni dummiyee
Qabyaaladda u diriroo
Dalqadoo bannaan taal
Dirac ma leh tolkeey iyo
Dinnaahyeeyn ku caanee
Daydaygiyo balaayada
Mooryaanta dirayiyo
Dab - afuuf ammaad tahay?

Ima - dagoow waxaan iri
Markeey umulo - dooxyadu
Maxas soo dafaanooy
Deeqo naga xumeeyaan
Derisyadana baartaan
Ama ehel dam siiyaan
Midka duubka qaatee
Daafaca falkoodee
Duudsiiya maatee
Garta dalab u yeeliyo
Dulmiloow ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Dagaal oogeyaashiyo
Dadqallada na qeybsaday
Danjirkooda guud iyo
Dowdar aad u jeceloon
Daacoqurun ka bixinoo
Waxmagaradka duufshoo
Danbiilaha walfinayoo
Diinnaarka ururshoo
Dammag qori na siiyiyo
Suuyada dalbaayoo
Hubka daabulaayiyo
Dembiileba ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Hantidii dadweynaha
Juhaladii daldalatee
Dabaqyada qasriyadaa
Daaraha ka jeexdiyo
Kuwa ribada dirayee
Xalaashiiba durayoo
Khiyaanada ku diilmoo
Iimaan dabeyshaday
Dalamsade ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Dumnadda iyo turubkiyo
Doo iyo lix Laadhuu
Delebyada la kala rogo
Jarta laga dulboodiyo
Degitaan Shax mooyee
Xoolo daajintoodiyo
Digir iyo galleey iyo
Dalagyada la beertiyo
Dabashada Kalluunkii
Ammaad howlba deysoo
Aad mehered diiddood
Baasaay derderanoo
Iska daadufaayoo
Dawarsiga ku nooliyo
Danlaaweba ammaad tahay?

Ima - dagoow waxaan iri
Mid marduufu duubtiyo
Khamri daasaddiisiyo
U dusdusa khamaarkoo
Balwaddii dilootoo
Dayac reerki yahayoon
U war haynin Dahaboo
Caruurtuna Diskoo iyo
Ku mammeen daroogoo
Gabay dowrki aabboo
Dhaxantiyo dabeylaha
Dariiqyada ku dhaxayoo
Dermadiisi seegiyo
Dibbadaa ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Wabi dalag waraabshoo
Doojiya arlada iyo
Waa durdur aqoontuye
Goobaha duruustiyo
Dugsiyada la aadiyo
Meelu dawan ka yeeriyo
mid ka duda ardada oo
Dooqiisu necebyahay
Oon daa’ in abidkiis
Dusha sare galkiisiyo
Daas iibin mooyee
Daakhilkaba ka arag buug
Dabraneba ammaad tahay?.

Ima - dagoow waxaan iri
Hooyadii ku dihatiyo
Aabahaa ma - daaleba
Goorteey duqoobeen
Dacgabeen itaalkii
Dalambaabi luudeen
Daryeel waa halkiisee
Dan ammaanad uba gelin?
Daadisay xaqoodii ?
Ood salaanta kuba dayin?
Dakhligii ku soo gala
Ammaad daanshodaanshood
Tamashliyo dalxiis iyo
Keli neef laguu dubo
Noocyada digaaggiyo
Dhaylo ku daliiqdaa?
Dabinkii habaarkuna
Duuganyahay hortaaduu
Ku hayaa dalaafkii?!.

Ima - dagoow waxaan iri
Ashahaadda dabadeed
Dukashada Salaaddiyo
Danyar Sako la siiyiyo
Xajkoo lagu dawaafiyo
Soonkoo la daa’imo
Waa waajib diinee
Ammaad dafirtay qaarkood?
Faralkii ka daahdaa?
Adigoo dukaamo leh
Ammaan Dirhamna kaa bixin ?
Ramadaanka duhurkii
Daanka ammaad wax gelisaa?
Diyaaraddii adoo heli
Dariiqana lagaa xirin
Ammaad xaramki dooneyn?.

Ima - dagoow waxaan iri
Intad dalandaleyseed
Daadahdiiba weli baran
Is dabbarid ha joogtee
Dowlado ha kala celin
Ha dacaayadeyn Carab
Afrikaan waxba ha durin
Annagana ha nagu digan
Diktatoorka Buush iyo
Dowdarka Baleeyer ah
Dekedaha Jabbaan iyo
Ruush dibudhiciisiyo
Doorashada Baraasiil
Waa lagaaga daranyee
Marka hore dantaa garo!.

Isagoo degdegayoo
Malaha daahsanaayoo
Damdamuuqsanaayoo
La dhacdhici dammaadoo
Dawakh badan ka muuqdoo
Sii dunuunucaayuu
Dabadeedna iga tagay.

Dooddaasi waa dood
Daraasaad la koobiyo
Dulman baaq ku jeediyo
Waa dersi u jeeddo leh
Nin walboow dareenkaa
Midna waan ku darayaa.

Diinleey mas’ aladii
Deddejinta xalkeediyo
Qaacido dabeeboo
U diraal ah diracyiyo
Run haddaan u daadego
Daa’ in baan ku dhaartaye
Ma dulmiyo ilaah ruux
Dabadheer abaar iyo
Daacuun halaagiyo
Duufaanno rogayiyo
Colaadaan dameyn iyo
Qoom ciqaabo kuma diro
Qaarna degel barwaaqiyo
Nabad lagu dakeeyiyo
Nimco kuma dabaaliyo
Waase doonisteediyo
Ummad iyo dadaalkeed
Cibaadiyo daneynteed
Duul waliba suu falo.

Waxan ula danleeyahay
Dabagaalle korayoo
Aar dilaya lama arag
Dafo hilibka cayriin
Kuma noqoto Daa’ uus
Diin koore lagu raro
Darmaan ugu ekaan waa
Dacar ruux abuurtana
Wallee malab ma duudsado
Nin muraayad daawaday
Waxan doorsameyn iyo
Muuqii un buu dayi
Bulsho darawalkeeduna
Hummaaggii damiirkiyo
Dabcigeeda weeyaan!.

Dooddaana waa dood
Daraasaad la koobiyo
Dulman baaq ku jeediyo
Waa dersi u jeeddo leh
Nin walboow dareenkaa
Midna waan ka digayaa
mid dardardaaran weeyaan
midna dooddi uga baxay

Si kastoonu deelqaaf
Dabuubta uga dhowroo
Aan uga digtoonnahay
Dammiin fahamku liitaa
Doorin kara ujeeddada
Docda bari wax jira beey
Galbeed qaar u duwayaan
Ibleys miduu dirsanayuu
Xaasidnimo ku daabiyo
Dhaandhaan dalqamayaa
Noqon kara daddaabiyo
Daamur nagu dhegaayoo
Dacwad nagu harqinayee
Docwareen kan wada iyo
Daranaha inaga jira.

Waxaa iga dardaarana
Deyn baan qabnaayoo
Diyaa nalaga sugayaa
Doorkeenna weeyee
Duul kale ha eegina
Duddumada Aboorkuba
Diinesoowris xoogliyo
Arbe uma dansheegtoo
Dadaalkiisa yaabka leh
Daldalaaddii ciiddiyo
Candhuuf uu ku daray buu
Duggaalkaa ku taagee
Dardargeliya khayrkoo
Quusashada naga dira
Qorshe noo diyaariya
Howshana daddaamiya
Nin walboow ka qabo daraf
Darajeeyn walaal iyo
Kalsoonidana daa’ ima.

Waxan dooddi uga baxay
Innagiyo dulmiga koray
Waxan nahay dab iyo dhagax
Nama deeqdo dunidani
Waana inu midkeen dumo
Dagaal waa hor leeyahay
Dadaal waa haddiyo koow
Haddaan wada diyaarnoon
Kaashanno dulqaadkoon
Danta guud ka simmanoon
Nahay duul walaalo ah
Sida ul iyo diirkeed
Rabbi doonistiisii
Libin way dambeysaa
Damaashaadna wuu iman.

DHAMMAAD

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands

Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD