SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SILSILADII DOODWANAAG

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com


Da’yartiyo Abwaanda

Maansadan waxaa curiyay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa’uud [Stanza] waxey qeyb ka tahay silsiladda maansooyinka Doodwanaag ee lagu wacyi galinayo ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu Abwaanku jiiftadan soo saaray 19/3/2004, kaddib markii ay soo gaareen qaar ka mid ah maansooyinkii ay Suugaanyahamiinta Soomaaliyeed hal'abuureen.

Isagoo dareenkiisa muujinaya isla markaana kaalintiisa Hal-abuurnimo ka qaadanaya silsiladdaa taabaqaaday ayuu idiin soo gudbinayaa Maansadan qaaliga ah oo ah maansadii Lixaad ee Doodwanaag.

  • Marka hore dalkeennii
  • Diinteenna sharaftiyo
  • Danta-guudee qarrannimo
  • Waa in laga dadaalaa
  • Marka xiga dadkeennani
  • Dulmanee dalleensamay
  • Doomuhu la dagayaan
  • Waa inaan daryeelnaa
  • Marka kale dabkaa huri
  • Qabiilkaa na daashaday
  • Waa inaan dalaaqnoo
  • Nabad loo durbaantumo
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Dalka-hooyo waa dahab
  • Qurba laguma doorsadoo
  • Hibo kugu daharan iyo
  • Billad deegta kuu suran
  • Wabiyada dubaaxshee
  • Durdurkiyo dhaxtaasha'
  • Indhahaa ku diirsadoo
  • Dubmaansheeye weeyaan
  • Aqal labadaryaaliyo
  • Waa diirad dhaayaha
  • Nuurka ugu deeqdoo
  • Qalbigana ku daabacan
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Ducfigiyo dhibaatada
  • Shacabkeenna daashaday
  • Markaan dib u xasuustaba
  • Wadnahaa I dillaacaa
  • waan diidayaayoo
  • Dibnaheygaan ruugaa
  • Ilmaa iga da'daayoo
  • Naftey dakharro gaaraan
  • Mid dandaan ohoo baas
  • Doorsoon inaan ahay
  • Oon daroogo cunaybey
  • Dadku ii maleeyaan
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Daraasiyo tacliin iyo
  • Warku igama daadagoo
  • Dab baa iga dhaxhurayaa
  • Nin dayoobay baan ahay
  • Haddii aan dambaabeyn
  • Waan isdili lahaayoo
  • Dunidaan ka tagi lahaa
  • Si aan doogta uga boxo
  • Dalku wuxuu na leeyahay
  • Ha-i-dilin dadkeygoow
  • Ha iga dooran ciid kale
  • Oon darajo iga sidan
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Waan duurgalooboo
  • Dugaagga iyo halaqiyo
  • Bahallada dilaagaan
  • Daris iyo la jaar ahay
  • Dirirkoo da'aayoo
  • Dabeyl culus dhaceysaan
  • Darbigiyo gidaarada
  • Aaway dawlad leeyahay
  • Doowdar iyo dammiin iyo
  • Doqon kuma daneeyoo
  • Nacas kuma daryeelee
  • Dalkeygoow nasiib-kaa
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Dalku wuxuu duljoogaa
  • Dambaaburiyo maadhiin
  • Waagii dillaacaba
  • Waa lagu dagaalaa
  • Dadku waa daneystiyo
  • Dillaal iyo mallaal weyn
  • Dantii dagalka hooyana
  • Indhahey ka duubteen
  • Darwiishoow dalkeennii
  • Deeqaa lagu kufsanayaa
  • Deyrtii ma di'inoo
  • Dalaggii ma soo gu'in
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?
  •  
  • Nimmanyahoow daruufaha
  • Dalka uu ku sugan-yahay
  • Wax la daaha ma ahee
  • Daliilyooda oo kaca
  • Dibadda ha u yaacinee
  • Dubaakh-ficil-dhaqaaqoo
  • Ha-is-dabawareeginee
  • U gurmada dugsiyo calan
  • Dummarkiyo ciyaalkiyo
  • Dulmanaha gargaaroo
  • Nindoorkiyo cuqaashana
  • Dood-wadaag ha loo furo
  • Da'yartiyo Abwaannada
  • Dibadaha ku nooloow
  • Miyeydan dammiir laheyn
  • Dalka yaad ku dhaafteen?

------------------------------

Dhammaad

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD