Maanta waxaan
xusaynaa gabyaagii weynaa ee la odhan jirey
ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed, oo
door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii
daraawiishtu ay la dagaalamaysey gumeystihii
ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay
deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle
1882,gabyaagani ayaa lagu xusey gayadiisa iyo
taariikhdasaba waxaa sanadkii 2002 bishii 3aad
gabayadiisa lagusoo qaatey jaamacada khartoum
qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo kamid ah
manjahka tacliimiiga kuliyada suugaanta ama
adabka.
Hadaba inkastoo
aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan ku soo
koobi Karin misana misena waxaynu dad waynaha
ugu talagalnay in aanu xasuusino suugaanta
soomaaliyed ee ay la dhaceen dad yow aan
soomaali ahayn hada gabayga ay aad ka ulayaabeen
suugaanta ardada jaamacada khartoum ee dadka
sudan wuxuu ahaa gabaygan,oo layiraahdo guuguule
profeser ka tirsan jaamacadaas baa igu yiri
weligey ma arag ninkan nin ka aftaahnsan maraka
hada dhowaan ayey jaamacadaas carabi kuturju mi
doontaa dhamaan gabayada abwaan al-mujaahid
ismaaciil mire,hadaba yaa nan idinku dheereenine
maanta ayenu qaadano labadana gabay ee ugu
horeeya isbuucaan waxay noqon doonaan labadan
gabay ee hoos kuxusan waxayna kala yihiin
1-Ha Furfurin
Dermada
2-Kaadsada
...........................................................................................
Sheekooyinka
wadaniga ee ah lama-dhaafaanka ah.waxaa rag
daraawiish iweriyeen in Sayid Maxamed ciidan uu
Ismaaciil Hogaaminayoku yidhi in aysan degmada
ku leexleexan si aysan uga baaqan hawsha loo
santay goor galab ah ayey degmooyinkii ku soo
beegmeen dabadeedna Daraawiishtii baa mudo yar
caruurtoodii iyo dumarkoodana kula soo balamaan
loo sheegay, muddadii oon aan dhamaan ayey
faradaha fuuleen. Ismaaciil mire oo maalintaas 7
bilood ka maqnaa afadiisa Faaduma
tegiddaas haatana oo hadana degdega ah aad bay
uga xumaatay, waxayna jeclayd in uu maalmo la
sii joogo Gabyaagu dad kale ka garasho dheer ,
kolkii uu astaamahaas oo dhan gaaridisii ka
dareemay ayuu isagoo kadallooba gabaygan caanka
noqday ku Yidhi :-
Faadumoy
falaadkaygaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba adaan qaadan baad feedho hadashaaye
Fillan naag taqaan waa ibleys furuq-alluu-keenye
Fidmadeeda
xaajada adaa faraya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii farow ugaadheede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka
iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaalaysan iyo Faarac labankeeda
Fujaamadan la soo sidiyo Foonka malabaysan
Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshane' e
Inaan adiga
kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha Furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii
Astaadkaan ku helay faydo iyo Khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye
Kaadsada
...............................................................
Nin La odhan jirey Maxamed faarax . laguna
naanayso <<Jaawali>>Ismaaciil Mirena Ilmaadeer
ahayeen ayaa beri damcay inuu u safro oo Burco
geeyo Xool iyo badeeco kale, kuna soo badasho
lacag iyo qalab magaalo Ismaaciil oo isagu ahaa
reer miyi aan car isku rogin ayaa <<Jaawali>> u
yeedhay si uu socdaalka uga baajiyo, Gabaygu ha
la maro ama kas ha u yeelo ee waxuu maagay
Salaan carabey oo gabya ahaa
<<Hadii safar
magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay Salaan baan
Caato iyo Weyd la dalanbaabiyeen>> ayuu
Ismaaciil gabayga ku soo gabagabeeyey . Waxuu
Yidhi
Magaalada raggow kacahayow kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kalay
Kalmaddeyda lama quudhsadee maqal kalaamkayga
Kaddib iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e
Kaftan looma
yidhi xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwa miyiga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay
Kulayl
kagama hadhin ceebna waa kay u go'ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana aqalkaaga dhigo koran ma doonaane
Haduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsho
Ama lagu
kashbacayoo qaxwuhu badhida keenaayo
Ama soor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
diyaariye