SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO
Ummadyahay Dallagan.

Maansadaan waxaa tiriyay abwaan Mahad Ahmed Dhoore(qaransuge) oo ku nool magaalada Gaalkayco, Maansadan “Ummadayahay dallag” waxaan ugu tala galay inaan kaga qayb qaato silsilada doodwanaag oo ah silsilad abwaanada Soomaaliyeed ay ku waaninayan waxna ugu sheegayaan ummadooda waana maansadii koowaad ee aan silsiladaan ugu tala galay inaan kaga qayb qaato. Maansadaan waxay soo baxday 10/11/2007 Maansadaan waa maanso wadiniyad ku dheehantahay kana hadlaysa Soomaalida iyo sida ay dalkoodii u burburiyeen ayasana diyaar ugu ahayn inay dib u dhisaan waa canaan marna waa waano, ugu danbaynta waa duco eebe uu abwaanku kaga baryayo in dalku islaaxo. 

Hadaba waa tan Maansadii:- 

  1. Dadaalkii abwaankoo
  2. Doodwanaag la baxayoow
  3. Dantii aad ka hadasheen
  4. Doorbaad u leediin
  5. Anna deelka maansada
  6. Markaan dookha saarana
  7. Danbaan kaga hadlaa iyo
  8. Waxii dowga qabatima
  9. Maanso dabidhacyaysiyo
  10. Ma aqaano deelqaaf
  11. Maantana dantaydiyo
  12. Doorkaygu Waxuu yahay
  13. Ummad kala dayawdaan
  14. Isku soo dumahayaa
  15. Dulli iyo dhibaataan
  16. Kaga digahayaa abid
  17. Dadnimadii ka dhimataan
  18. Dib u xasuusinahayaa. 
     
  19. Umadyahay dalaganee
  20. Damaciyo dadnimadii
  21. Ay ka duushay waa hore
  22. Umadyahay darxumadiyo
  23. Dayaciyo halaagiyo
  24. Dulliga quruxda moodaa 
     
  25. Ummadyahay dalkoodii
  26. Dundunshee iskaga tagay
  27. Dadnimadiyo dadaalkii
  28. Umadyahay ka durugtee
  29. Ku hungowday damacii 
     
  30. Ummadyahay dalkoodii
  31. Uu dhexjiifo dahabkii
  32. Dabka intay ku daareen
  33. Dawarsiga shisheeyaha
  34. Danta guud u moodaa 
     
  35. Ummadyahay dadkeedii
  36. Daminada u qooshaa
  37. Umadyahay diktoorkiyo
  38. Dagan hooyadood iyo
  39. Ducaysane wadaadkii
  40. Ayaadaha daldali jiray
  41. Aan u diirnaxayneey
  42. Ummadyahay dulxaajada
  43. Iyo aan saqiir dayn. 
     
  44. Ummadyahay dalkoodoo
  45. khayraadku daahiray
  46. Dawarsiga ka aadaay
  47. Ummadyahay dalaganee
  48. Dadnimada ka dhimataay
  49. Durugtaye, Durugtaye, Durugtaye isdaba qabo!!! 
     
  50. Hormadaas da’leeydii
  51. Dadka aan ku dumay dhaha
  52. Misna doorka gabaygiyo
  53. Doodwanaag kamaan bixin
  54. Anoo wali damqanayana
  55. Hal-kalaan u daba dhigay 
     
  56. Dadkaygow dadkaygow
  57. Inaad kala dudaanoo
  58. Uu qabiil nakala dilo
  59. Ma danbaa ma doorbaa??
  60. Ma dadnimo wanaagbaa??
  61. Ma dookhiina oon cidina
  62. Idinku dirqinaynbaa??
  63. Mise qabqablaha dagaalkoo
  64. Idinkala dumaayaad
  65. Daacad iyo run moodaan?? 
     
  66. Allaylahe dalagantee
  67. Dagdag uga xumaadoo
  68. Diida damaca waalida
  69. Dadkaygow is dabaqabo
  70. Waxaad tihiin ul iyo diir
  71. Danta guud wadaagoo
  72. Diin iyo af iyo dhaqan
  73. Aan ku kala dahsoonayn
  74. Dalkiinuna waa Qani
  75. Deeqdiisuna ku wada filan
  76. Dhamaan diirka Soomaal
  77. Midkalana duqaydiyo
  78. Diktoorkiyo culimadiyo
  79. Da’yartaan ku leeyahay
  80. Maahmaah doora baa tiri
  81. Daartii la dhasiyiyo salkaa la unkaa weel
  82. haldoorkii, dalkeenow
  83. Idinkaa dadaal iyo
  84. muujin kara wanaagoo
  85. Danta toosin kara guud
  86. Balse waxaan dareemaa
  87. Inaad kala dalaafteen
  88. Oo qabiil na kala dilay
  89. Midna uu danteenii
  90. Shilimaad ku doorsaday
  91. Midna dagaal oogayaashaas
  92. Dukumentiga u daabaco
  93. Midna uu dadkeenii
  94. Dowladaha shisheeyiyo
  95. Gaalada ka iibsado
  96. Midna uu dagaankiyo
  97. Dabar gooyo xoolaha
  98. Midna duubkii loo xiray
  99. Dadkiisii ku dabar jaro
  100. Midna damac shisheeyaad
  101. Uu dalkeena keeno
  102. Ku dikheeyo xeebaha
  103. Midna uu dayacanyoo
  104. Darbi jiif ku noolyahay
  105. Allaylahe dacdaradiyo
  106. Duligiyo dhibaatada
  107. Dalkeenii dhexjoogana
  108. Dushiinaan ka magi laa
  109. Hadii maanta la I diro
  110. Ka kacoo damqada oo
  111. Dalkeenii u wada kaca
  112. Iska saara dixrigii qabiilku
  113. Idinku door dhalay. 
     
  114. Halkalana dantaydiyo
  115. Duco eebe weeyaan
  116. Daa’imow allahayow
  117. Dadka kii abuurtow
  118. Deeq ma waayihiiyow
  119. Dunida kii cilmiga baray
  120. Oo u diray rasuulow(CS)
  121. Daakirow allahayow
  122. Daartaan dusheenaa
  123. Kii ku daday aduunkow
  124. Danbi dhaaf waxii dhacay
  125. Kaaga doonay eebow
  126. Qalbiyo isku dumano
  127. Isku doc u jeedaan
  128. Kaa doonay eebow
  129. Dalkeenoo hagaagoo
  130. Dib usoo wacnaadaay
  131. Kaa doonay eebow
  132. Dadkayagoo dulqaadiyo
  133. Samir wada dugsanayaan
  134. Kaa doonay eebow
  135. Qabiilkoo la duugoo
  136. La iska wada dulmarayaan
  137. Kaa doonay eebow
  138. Dowlad shacabku doortoo
  139. Danaha guud oogtaan
  140. Kaa doonay eebow
  141. Duub iyo aqoonyahay
  142. Daacadnimo ku waaroo
  143. Danaha wada qumaayaan
  144. Kaa doona eebow
  145. Dhallinyaro digtoonoo
  146. Dacartiyo qabiilkiyo
  147. Aan ku dagdagin xumaantaan
  148. Kaa doonay eebow
  149. Muqdisho daruuraha
  150. Iyo dablin sare u dhaaftaan
  151. Kaa doonay eebow
  152. Dadka kii wanaagiyo
  153. Dalkiisiiba jecelow
  154. Aamiinta daba qabo
  155. Adna daa’im allahayow
  156. Doorka maanta ha I qadin. 

Aamiin ……..Aamiin…..Aamiin. 

Mahad Ahmed Dhoore(qaransuge)

Galkayo, puntland Somali

Email: jjmahad@gmail.com

      jjmahad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Nov 15, 2007

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
FEEDBACK | SEARCH
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD