SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Range Resources Xiriirka ay La Leedahay Shirkadda "Opes Prime"ee Burburka Dhaqaale ku dhacay

Fadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 7, 2008 | Kudarid qormo cusub: April 11, 2008

Opes PrimeShirkadda "Opes Prime" oo ahayd dallaalka saamiyada suuqa ganacsiga, ahaydna shirkad aan aad loo aqoon ayaa beryahan Australia ka noqotay midda loogu hadal haynta badan yahay, kaddib markii ay shirkaddaasi hal-mar afka ciidda gashatay, agaasimahii shirkaddaas waxaa laga qaaday baasaboorkii, laguna amray in uusan ka bixi karin dalka Australia, baaritaanna uu shirkaddaas ku socdo, iyo in ugu yaraan 1200 oo macaamiishii shirkaddaasi ay soo food saartay khasaare gaaraya ugu yaraan $1 billion ilaa 1.5 billion.. Burburka iyo cayrnimada ka dhacday Opes Prime waxaa lagu macneeyey fadeexad xoog leh.

Shirkadda Range Resources oo heshiiska macdan iyo batrool qodista kula jirta Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka mid ah shirkadaha ay saamaynta ku yeelatay khasaaraha soo gaarey Opes Prime - Arrintaas oo raad ku yeelan karta mashruuca batrool baarista ee ay sheegtay in Range ka hir gelineyso Puntland.

Waxaa kale oo soo shaac baxay in Range Resources ay ku lug leedahay shirkado tijaabiya daawooyinka, xiriirna la leh dad Ruush ah iyo sidoo kale nin ka soo jeeda dalka Lubnaan oo magaciisa la yiraahdo Leo Khouri, ninkaas oo la sheegay in uu booqday Puntland isagoo ka tirsnaa waftigii Range.

Waxaa kale oo si cad u soo shaac baxay in agaasimaha Range Resources, Peter Landau, uu sidoo kale agaasime u yahay laba shirkadood oo qarsoodi ka ahaa maamulka Puntland - Shirkad tijaabisa daawooyinka iyo shirkad baadi-goobta dhagaxa Platinum.

Qormadan ayaad kaga bogan doontaa xiriirka Range Resources iyo shirkadaha saamigu ugu jirey "Opes Prime" - waxa kale oo qormadani daah-furi doontaa magacyada shirkadaha xiriirka la leh RANGE iyo waxa ay qabtaan iyo sida khasaaraha shirkadahaas soo gaaray uu saamaynta ugu yeelanayo mashruuca loogu magac daray 'Batrool Qodista Puntland'.

Arrin isku cakiran...

Marka si qoto dheer loo baaro burburkii (iyo khasaarihii) la soo dersey Opes Prime, arrintu waxay noqoneysaa mid cakiran, sidaas waxaa April 3, 2008 qoraal ku bilowday jariidadda The Age ee ka soo baxda Australia.

Tiro gaareysa 22 shirkadood oo badankood ah kuwo yaryar ayaa hakad geliyey iibkii saamiyadooda kaddib markii ay afka ciidda la gashay shirkadii dallaalka u ahayd oo ah Opes Prime.

Boqollaal qoys ayaa xilligaan Jiilaalka ah jeebkoodu yaraan doonaa kaddib markii bangiga ANZ Bank uu xannibay saamiyadii shirkadahaas deynta ka qaatay Opes Prime.

Shirkadaha uu saamaynta ku yeeshay burburka Opes Prime waxaa ka mid ah shirkad xarunteedu tahay Melbourne oo magaceeda la yiraahdo Solagran, oo sheegata in ay si mucjiso ah wax u daweyso.

Shirkadda Solagran waxay March 31, 2008 hakad ganacsi (trading halt) gelisey saamiyadeeda Suuqa Ganacsiga Australia iyada oo tiri waxa shirkaddu qorshayneysaa in ay sheegto war ku saabsan ganacsiga shirkadaas  Solagran oo ah war ka imanaya dalka Russia. Waxayna markale dib u dhigtay furitaanka saamiyadeeda ilaa Jimcadii (April 4, 2008) - Gadaal ayaan ka arki doonaa khasaarihii ku dhacay saamiyadeeda.

Su'aal: Maxaa shirkaddaas ka khuseeya Puntland - Jawaab: Waxaa shirkaddaas ku xiriirsan Range Resources sida aad qormada hoose ku arki doontaan.

Yaa wax ku leh Shirkadda Solagran?...

Shirkadda Solagran waxaa wax ku leh ninka la yiraahdo Leo Khouri, oo suuqa wax lagu kala dallaalo ee saamiyada lagu kala gato looga yaqaan "Bastooladda" - waxaadna arki doonaa xiriirka ninkaas iyo Puntland.

Shirkadda kale oo wax ku leh waa Range Resources, oo xarunteedu tahay Perth, Australia oo macadan iyo batrool baaris sheegtay in ay ka waddo Soomaaliya (Puntland). Shirkaddaas RANGE waxaa xoghaye iyo agaasime ka ah Peter Landau.

Landau qoraal uu 2-dii April 2008 u diray Suuqa Ganacsiga Australia waxa uu ku sheegay in agaasimayaasha Range aysan koonto deyn-qaadasho kulahayn Opes Prime. LAAKIIN waxa uu qiray in qaar ka mid ah kuwa maalgashiga badan ku samaystay Range Resources ay koonto deyn-qaadasho ku lahaayeen Opes Prime.

Kuwa maalgashiga ku samaystay Range, isla markaasna koontooyinka deyn-qaadasho ku leh Opes, waxaa ka mid ah, waa garateen ayaan qiyaaseynaa, waa ninka kaxaysta gaariga nooca GT Ford oo suuqa ka ganacsada, waa Leo Khouri —  oo sida ay ilo wargal ah sheegeen bishii Maarso [2008] booqday [Puntland] Soomaaliya ka hor intii uusan aadin magaalada Perth.

Burburkii ku dhacay shirkaddii Opes Prime iyo baaritaankii ay warbaahinta Australia ku samaysay waxaa ka soo shaac baxay in Landau (agaasimaha RANGE) uu sidoo kale agaasime ka yahay laba shirkadood oo kale - oo ah shirkado yaryar oo mid ka mid ahi qaabilsan tahay daawooyinka oo magaceedu yahay BioProspect.

Xiriirka Range Resources iyo BioProspect...

  • BioProspect waxay saamiyadeedii khasaartay boqolkiiba 25.6%

BusinessDay, oo ah Qaybta Ganacsiga ee Jariidadda The Age, waxay dabagal ku samaysay agaasimayaasha shirkado ay ka mid yihiin: kuwa urursada gawaarida loo yaqaan GT Ford, kuwo leh meelaha habeenkii qoob-ka-ciyaarka, kuwo jaalayaasha la ah Truth Media iyo koox isku qiimeeya in ay yihiin "dad wanaagsan", sidaas waxaa markale April 5, 2008 qoraal ku bilowday jariidadda The Age.

Barnaamijka jariidadda ee Daah-furka-Rasmiga ah waxaa baaritaankiisa ubuc u ahaa ninka magaciisa la yiraahdo Leo Khouri, oo ah ganacsade (dallaal) naanaysta loo yaqaan ay tahay "Bastooladdii" [ama "The Gun"] kaas oo xiriir la leh koox shirkado ah oo yaryar.

Sida laga soo xigtey ilo wargal ah, shirkadaha saamigoodu ku jiro Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxaa ka mid ah Range Resources, Solagran, BioProspect iyo Boss Energy oo dhammaantood magaalada (Melbourne) looga yaqaan "Shirkadihii Khouri" marka la eego baaxadda saamiyada ee uu shirkadahaas ku leeyahay iyo saamaynta sida muuqata uu ku leeyahay maamulka sare ee shirkadahaas.


Leo Khouri (bidix) iyo jaalihiis Steve Dellidis — Boqorka urursada gawaarida "muruqa leh" ee Ford.
Isha sawirka:
http://theage.com.au

Xaqiiqadii, waxaa dad aad u badan fikirkooda ku dheeraaday (ama la yaabeen) sida Khouri iyo shirkadahaasi aysan uga muuqan farriimaha (ama dhambaallada la gaarsiiyey saamileyda) Range Resources, Solagran iyo BioProspect.

Nin dallaal ah oo deggan magaalada Melbourne ayaa BusinessDay waxa uu u sheegay in haddii ay diiwaanka saamigooda ku arkaan magaca ninkaasi (Leo Khouri) marka ugu horeysa ee saamiyada loo soo bandhigo suuq-geyn si loo iibiyo (IPO = 'initial public offering'] waxa ay ku faraxsan yihiin in ay ninkaas lacagtiisa qaataan, "Laakiin dadku kuma faraxsana in ninkaasi waqti dheer kusii negaado ama kusii jiro diiwaanka saamiyadooda."

Jariidaddu waxay sheegtay in Khouri uu sheegay in lacag dhan $12 million oo isagu lahaa ay ku jirtey saamiyadii la xannibay ee ku jirey Opes Prime. Waxa kale oo uu sheegay in $38 million oo ay leeyihiin dadka ay jaalka ku yihiin ganacsiga in ay ku dhex jirtey lacagtii cakirantey ama khasaartay.

Jariidaddu waxay sheegtay in Khouri uu waqti badan ku bixiyey sidii uu u heli lahaa qareen aqbala in maxkamad la geeyo bangiga ANZ, oo ah Bangiga la wareegey saamiyada. Waxa uu u tegey Clayton Utz oo uu hore ugu shaqayn jirey in ay dacwada la wadaan, laakiin wey ka diideen.

  • April 8, 2008 jariidada The Australian waxay werisey in nin lagu magacaabo Mr. Gatto, oo ahaan jirey gaangiister (Ex-gang boss) in uu sheegay in uu lacagaha dalka Australia bannaankiisa la dhigay uu u soo dhicin doono dadkii ku khasaaray Opes Prime. Waxa uu sheegay in uu safri doono si uu u daba galo lacagaha bannaanka la dhigtay. Mr. Gatto waxa uu April 2004 toogasho ku diley nin lasheegay in uu ka tirsanaan jirey gaangiistarada oo magaciisa loogu yeeri jirey ahaa "Benji", arrintaas oo ka dhacday magaalada Melbourne. Maxkamad ayaana sii deysey Mr. Gatto kaddib markii uu ku dooday in uu is difaacayey markii uu ninka toogtey.

In kasta oo Khouri khasaaraha soo gaarey uu u dhutin doono, haddana in badan oo jaalayaashiisa ka mid ah waxay sheegeen in ay taasi gebi ahaanba legdi doonin. Website-ka Suuqa Ganacsiga ee hotcopper.com.au, qaar ayaa "Bastoolad" ku sheegay in uu xariif ku yahay saami isku beddelidda (trading).

Xaqiiqadii guulaha Khouri waxaa ka mid ah in isaga iyo saaxiibkiisa ku dhow oo jaalka la ah, Steve Dellidis [eeg sawirka], ay leeyihiin 16 gaari oo ah qadiim-gabaabsi ah, ahna nooca GT Ford iyo GTHO Falcon kuwaas oo aad looga yaqaan dalka (Australia), ayey tiri jariidaddu.

Baarayaasha Deloitte [oo uu xilsaartay bangiga ANZ, sida aad faahfaahinta hoos ku arki doontaan] waxay si xeel dheer u baarayaan waraaqaha saamiyadii burburay ee Opes Prime. Sidoo kale waxaa jira qaar kale oo baaritaan ku wada xiriirka ka dhexeeya Khouri iyo ninka reer Perth ee Peter Landau.

Landau, oo hadda (April 6, 2008) u muuqda in uu jiro London, waa agaasimaha iyo xoghayaha shirkadda Range Resources, oo xarunteedu tahay Perth, Australia oo (sheegtay in ay) batrool ka qodeyso Puntland, Soomaaliya.

Khouri waxa uu saami ku leeyahay Range, isla markaasna waa la taliyaha shirkaddaas, waxana uu safar ku tegey Puntland isagoo ka mid ahaa waftiga Range Resources.

Shirkadda Range Resources waxay sawir farxad muujinayey ka qaaday agaasimayaasheeda oo 'saraakiisha dawladda" maxalliga ah u dhiibaya jeeg ah $US250,000. Hadalka jira waxaa weeye in Puntland tahay meel kelmeddaha "Saraakiisha Dawladda" iyo "Qabqablaha Dagaalku" ay yihiin kuwo la isku bedeli karo (ama isku mid ah), ayey tiri jariidadda The Age.


Sawirka qaar isimada Puntland oo loo dhiibayo Jeeg $US250,000,
sawirkaas waxaa July 25, 2006 lagu daabacay shabakada ASX Akhri ...
Garoowe: Video- Jeegga oo loo dhiibayo isimada ka
daawo halkan

BIOPROSPECT LIMITED logoMr. Landau, oo markii hore ahaa reer Melbourne, waxa kale oo uu agaasime ka yahay shirkad yar oo qaabilsan daawooyinka (farsamada Bayolojiga), isla markaana ah "shirkad uu leeyahay Khouri" [ama wax ku leeyahay Khouri] oo magaceedu yahay BioProspect.

  • Marka la eego shabakadaha wax ka qora shirkadaha Australia, sida bourseinvestor.com.au, brr.com.au iyo shabakadda Suuqa Ganacsiga Australia [ASX] ee asx.com.au waxaa ku cad in shirkadda BioProspect waxyaabaha ganacsigeedu yahay ama ay qaabilsan tahay uu yahay daawooyinka farmashiyaasha, aaladda dawooyinka iyo waxa loogu yeeray sayniska nolosha [Pharmaceuticals, Biotechnology & Life Sciences].

Website-ka ASX waxaa si cad uga muuqda Mr. Peter Landau (oo ah agaasimaha Range Resources ee sheegtay in ay Batroolka ka baareyso Puntland) in uu sidoo kale ka mid yahay agaasimayaasha shirkadda daawooyinka ee BioProspect. [Eeg: BIOPROSPECT LIMITED (BPO)]

Solagran LogoLandau waxaa 5-tii Maarso 2008 lagu abaal mariyey saamiyo marka la qiimeeyo gaaraya lacag dhan $340,000 oo laga siiyey BioProspect [Taas oo ah 10 million (share) oo saami oo midkiiba yahay $0.034 centi]. Saamiyadaas waxaa lagu macneeyey in loo siiyey 'hawlihii la talinta' kaddib markii heshiis ganacsi dhex maray BioProspect iyo Solagran - oo ah shirkad kale oo "uu wax ku leeyahay Khouri".

Heshiiska lagu abaal mariyey Landau waxa uu dhacay 16-kii April 2007, waxaana kala saxiixday shirkadda BioProspect iyo Solagran. Heshiiskaasi waxa uu shirkadda uu agaasimaha ka yahay Landau ee BioProspect u ogolaanayey in ay hesho xuquuqda shatiga ah in ay si caalami ah u suuq geyn karto farsamada loo yaqaaan Bioeffectives ee ay leedahay shirkadda Solagran, farsamadaas oo ah nafaqada Xayawaanka, caafimaadka cayawaanka iyo beeraha. Waxaa qoraalka BioProspect ay xilligaas u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia ku cad in farsamada Bioeffectives ay tahay hab maadooyin looga soo dhiraan dhirinayo geedaha, sida geedaha leh Quullaha (ee loo yaqaan Conifer).

  • Sidoo kale shabakadaha Ganacsiga Australia waxaa ku cad in Solagran waxyaabaha ganacsigeedu yahay ama ay qaabilsan tahay ay yihiin daawooyinka farmashiyaasha, aaladda dawooyinka iyo wax loogu yeeray sayniska nolosha. [Eeg: SOLAGRAN LIMITED (SLA)]

Shirkadda Solagran waa shirkad dadka mulkiilayaasha ka ah ay u baadan yihiin Ruush, waxaana la asaasay sannadkii 1995 taas oo ujeedadeedu tahay ganacsi geynta daawooyinka laga sameeyey maadooyinka bayolojiga [biotechnology] oo lagu suuq geynayo magaca Bioeffectives®. Sannadkii 2003 ayaa shirkadda Solagran lagu daray saamiyada suuqyada Australia iyo Jarmalka (Germany). Qaar madaxda sare ee shirkadaasi waxay ka soo jeedaan dalka Ruushka, Isla markaasna waxay shirkaddaasi xiriir la leeyihiin Machadka Ruushka ee Qabilsan Kaymaha ee St Petersburg Forest Academy, Russia.

Daawada ay samayso shirkaddaasi waxaa ka mid ah Ropren, taas oo ay shirkadda Solagran sheegtay in ay daawayn karto khamri-yacabnimada, cudurrada beerka, xayrta cayilka iyo lanleemada.

Shirkadda Solagran waxay xitaa sheegataa in ay daawo u hayso boog-calooleedka iyadoo isticmaaleysa qaar ka mid ah dhirta (ka baxda dhulka dhoodida oo kale ah) - Shirkaddaasi waxay daawadeeda ku tijaabisaa dalka Ruushka, halkaas oo dadka qaar ay sheegaan in qaybta xukuummada (Ruushka) u qaabisan maaraynta iyo xeer u dejinta iyo la socodka (tijaabada daawooyinku) ay yihiin nidaam debecsan marka loo barbardhigo dalalka Australia ama Germany, oo shirkadaasi ay kaga-jirto suuq-yadooda.

Qormo kale ayaa sheegtay in Shirkadda Solagran ay ku andacootay in daawadeeda Ropren lagu daawayn karo cudurrada beerka, cudurrada la xiriira neerfayaasha, buufiska (isku-buuqa), iyo lanleemada iyo in ay xoojiso habka is-difaaca jirka.

Laakiin jariidadda Biotech Daily, oo wax ka qorta macluumaadka la xiriira bayolojiga iyo shirkadaha ku jira ASX, tifatiraheeda David Langsam, waxa uu yiri: waxaa jira qaar ka mid ah dadka indhaha ku haya Suuqa oo aan ku qanacsanayn arrintaas ay ku andacootey shirkadda Solagran ee la xiriirta daawadeeda (in ay daweyso cudurro badan).

  • BioProspect waxay saamiyadeedii khasaartay boqolkiiba 25.6%, waxaa sidaas shaaca ka qaadaay bangiga ANZ April 7, 2008. Waxayna ka mid tahay 90-ka shirkadood ee khasaaraha ugu ba'ani ka soo gaarey burburkii dhaqaale ee sida degdeg ah ugu yimid shirkaddii dallaalka ahayd ee Opes Prime.

Halkaas waxaa ka soo shaac baxay xiriir toos ah ee ka dhaxeeya Range Resources (macadan & batroolka) iyo Solagran (Daawooyinka), maadaama agaasimaha RANGE uu sidoo kale agaasime ka yahay BioProspect - taas oo hoos timaada Solagran iyo in dhammaan shirkadahaas uu wax ku leeyahay Khouri. Haddaba aan eegno inta ay leegtahay khasaarada shirkadda Solagran ka soo gaarey burburka Opes Prime.

Khasaaraha Soo Gaarey Solagran...

  • Solagran waxay saamiyadeedii khasaartay boqolkiiba 42.6%

Qoraal kale oo ay jariidadda The Age faafisay April 5, 2008 ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey sida ay u khasaartay shirkadda daawooyinka ee Solagran oo saamiyadeeda suuqa ganacsiga ee Australia ay Jimcadii (April 4, 2008) hoos u dhaceen ilaa 33% kaddib markii uu saamayn xoog leh ku yeeshay burburkii Opes Prime.

Toddobaad gudihiisa laba jeer ayaa shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda ganacsiga ee suuqa ASX.

Warqad uu xoghayaha shirkadda Solagran, Peter Stedwell, u diray suuqa ganacsiga Australia (ASX) ayuu ku xusay in "ay jiraan saddex shirkadood oo xiriir iyaga la leh oo uu saamayn ku yeeshay Opes Prime."

Waxa uu yiri saamiyada Solagran ee sida rasmiga ah ay u saamaysay Opes Prime lama oga, laakiin waa ugu yaraan boqolkiiba 42.6% saamiyadii ay bixisay shirkaddaasi oo gaaraya ilaa 41.8 million oo saami iyo 4.9 million  saami oo dheraad ah. [Solagran waxay ka mid tahay 90-ka shirkadood ee khasaarada ugu weyni ka soo gaartey burburkii Opes Prime, sidaas waxaa caddeeyey Bangiga ANZ, sida qortay jariidada The Australian April 07, 2008]

Saamiyadaasi waxay ku jireen shirkadda Solamind Pty Ltd, taas oo ay wadaagaan dad tiradoodu tahay 16 qof, oo 11 ka mid ah ay yihiin Ruush, badankoodu-na yihiin kuwa furaha u ah shirkadda Solagran iyo qaar ka mid ah agaasimayaasheeda.

Madaxa shirkadda Solagran oo magaciisu yahay Dr. Vagif Soultanov oo warqad u diray dadka saamiyada ku leh shirkadda waxa uu yiri: "Waxaan idiin xaqiijinayaa anigoo ah madaxa sare shirkadda Solagran iyo agaasimaha shirkadda Solarmind, siday aniga ila tahay ayuu yiri, shirkadda Solamind wax khalad ah ma samayn. Weligeyna si gaar ah arrintaas inta la igala soo xiriiray wax gaar ah la igama weydiin. Arrintu waa in shirkaddaasi ay ku dhacday burburkii Opes Prime, sida shirkado badan ay ugu dhacday."

  • Waxaa xusid mudan in shirkadda Boss Energy oo ka mid ah shirkadaha loo yaqaan Mr. Khouri in ay ka mid tahay 90-ka shirkadood ee khasaraha ugu baadani soo gaarey, waxaa shirkadaasi khasaartay saamiyadeedii boqolkiiba 26%. Shirkadaasi waxay sheegataa in ay sahamin ka samayso jasiirada Tasmania ee Australia.

Xiriirka Range iyo Boss Energy

Qoraal ay jariidadda The AGE faafisay April 11, 2008 ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda Boss Energy dadka ku leh 20-ka saami ee ugu sarreeya ay ka mid yihiin xubno hore u galay dembiyo. Waxayna jariidaddu sheegtay in dadkaas ay ka mid yihiin Amad Malkoun, oo hore loogu xukumay in uu safrinayey daroogada loo yaqaan "heroin", kaas oo sannadihii 1980-naadkii xabsi dheer galay iyo Adrian Pamplin oo sannadkii 2005 ay maxkamad ku taal NSW (Gobolka New South Wales ee Koonfur-Bari Australia) ku sheegtay in uu yahay xubin dembiile ah.

Madaxa sare ee shirkadda Boss Energy, Robert Grover, waxa uu sheegay in uusan war u ahayn kuwa ay yihiin 20-ka leh saamiyada ugu badan shirkaddiisa. LAAKIIN waxaa soo shaac baxay, ayey tiri jariidaddu, in mid ka mid ah labada xubnood ee ugu sareeya agaasimayaasha shirkaddaasi uu muddo dheer hore u ahaan jirey sarkaal ka tirsanaan jirey Booliska Victoria (Australia), waxaana magaciisu yahay Joseph Obeid. Obeid waxaa jagadaas agaasimaha shirkadda Boss Energy loo magacaabay kaddib markii uu ka soo shaqeeyey shirkadda Range Resources, isagoo hawsha uu Range u soo qabtay ahayd soo qiimaynta halista ["risk assessment"].

Agaasimaha shirkadda Range Resources, Michael Povey waxa uu xaqiijiyey in Obeid uu Range ugu soo shaqeeyey Qandaraas ahaan. Povey waxa uu xusuustay in Obeid iyo laba kale oo ka tirsanaan jirey booliska Gobolka Victoria (Australia) ay aadeen safar dalka bannaankiisa ah si ay u soo  qiimeeyaan halista iyagoo u shaqaynayey shirkadda Range Resources. Obeid waxa uu ka tegey shaqada booliska Victoria dabayaaqadii 1990-naadkii, waxana uu kaddib ku lug yeeshay hawlaha baararka iyo makhaayadaha, ayey tiri jariidaddu.

Shirkadda kale oo ka mid ah liiska shirkadaha saamiga ku leh Boss Energy waxaa ka mid ah Green Frog Nominees, oo ah shirkad hoos tagta Opes Prime.

Dhanka kale, Shabakadda Business Spectator waxay taxday liis magacyada shirkadaha ay saamayn ku yeelatay burburkii Opes Prime, kuwaas oo hantidii ay ku lahayeen saamiyada aan ka helayn wax ka badan boqolkiiba 50% ama kala bar hantidoodii ugu jirtey Opes Prime - laakiin waxaa April 8, 2008 soo shaac baxay in aysan helayn wax ka badan 30% saamiyadoodii, waaba haddii wax ka soo baxaan marka uu bangigu helo wixii uu deynta ku bixiyey. Shirkadahaas waxaa ka mid ah: Range Resources, BioProspect, Solagran iyo Solamind.

Shirkadaha kale oo xiriirka la leh Range Resources, ee ku lug yeeshay saamiyada Opes Prime ee la xannibay,  waxaa kamid ah shirkad kale oo uu agaasime ka yahay Mr. Landau oo magaceeda la yiraahdo Nkwe Platinum.

Xiriirka Range Resources iyo Nkwe Platinum...

Cilmi baaris ay samaysay jariidadda Herald oo ay April 4, 2008 faafisay The Age ayaa shaaca ka qaaday in shirkad lagu magacaabo Green Frog ay ka mid tahay shirkadaha ay saamayntu ku yeelatay burburkii Opes Prime. Maadaama shirkadaha saamiyada ku leh shirkadda Green Frog ay yihiin shirkado saamiyadooda lagu kala iibsado 10-centi, badankoodana wax ka yar $1 (hal) doolar. Waana shirkado loo tixgeliyey in ganacsigoodu yahay ODOROS, oo NUGUL ama khatar qarka u saaran iyo malayn.

Green Frog waxay saamiga ugu weyn kuleedahay shirkadda Jameson Resources [JAL], taas oo shantii beri ee ugu dambeysey [April 3, 2008] qiimeheeda lumisay boqolkiiba 69%. [Shirkadda "Jameson Resources" waxaa suuqa ganacsiga ee Australia lagu daray 14-kii December 2007 sida ku cad warqadda rasmiga ah ee ASX.]

Green Frog waxaa kale oo maal gashaday shirkadda Nkwe Platinum iyo BioProspect, oo labadaba uu agaasime ka yahay Qareenka reer Perth, Peter Landau, kana mid ah guddiga sare iyo agaasimayaasha shirkadda Range Resources. Shirkadda Nkwe Platinum waxay ka diiwaan gashan tahay Bermuda oo ah jasiirad ku taal dhanka Waqooyi ee Badweynta Atlantic Ocean. [Waxaa xusid mudan in shirkadda CONSORT ay ka diiwaan gashan tahay jasiiradda Maldives - waa  shirkaddii ay Puntland siisay xuquuqda baaritaanka gebi ahaan khayraadka dabiiciga ah ee Puntland ka hor intii aan shirkaddaasi Consort saamiyada ka sii iibsan Range Resources.]

  • Sida ku cad shabakadda Suuqa Ganacsiga ASX, Peter Landau waxa uu ka mid yahay agaasimayaasha shirkadda Nkwe Platinum [NKP]. Sidookale waxaa website-ka  Nkwe ku qoran in Peter Landau yahay qareen shirkadeed iyo la taliye ka tirsan Grange Consulting Group Pty Ltd, horena uga soo shaqeeyey Clayton Utz, kana mid ah ahaa la talinta Co-operative Bulk Handling. Mr. Landau waxa uu mas'uul ka yahay sidii uu lacag ugu ururin lahaa shirkadda Nkwe una siin lahaa talooyin. Mr. Landau waa agaasme iyo xoghaye dhawr shirkadood oo ka diiwaan gashan Suuqa Ganacsiga Australia oo ku saabsan macdan, batrool iyo gaas sahaminta Australia iyo Africa - [Eeg nkweplatinum.com]. Shirkaddan Nkwe waxay u muuqata mid raadisa macdanta loo yaqaan Platinum, kana raadisa gobolka Bushveld ee Woqooyi Galbeed ee Koonfur Afrika. Waxa kale oo ay sheegtay in ay jaal la tahay shirkadda Anglo Platinum.

Leo Khouri oo ay saamaynta weyn ku yeelatay burburkii Opes, waxa kale oo qoraallo badani muujiyeen in uu saami ku leeyahay Range (sida aan kor kusoo aragnay).

Mid ka mid dadka jaalka kula ah ganacsiga waxa uu jariidada The Age u sheegay in Mr. Khouri uu qorshaynayo in uu si degdeg ah u aado dalka Lebanon (Lubnaan) oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Burburka Opes waxa kale oo uu u muuqdaa in uu lugta la galay shirkadda dallaalka ah reer Sydney ee Findlay & Co. Shirkadda Findlay ku leg leh ee Captain Starlight waxay saami ku leedahay Nkwe, oo ka diiwaan Bermuda. Shirkadaha Findlay iyo Captain Starlight - oo ay la jirto shirkadda Green Frog - waxay sidoo kale saami ku leeyihiin CircleCOM oo qaabilsan adeegyada Isgaarsiinta "Telecommunication" [Qiimaha Saamiga CircleCOM ka joogey Suuqa ASX Jimcadii April 4, 2008 waxa uu ahaa $0.002 dhururuq.]

Waxaa xusid mudan in Findlay & Co. ay tahay la taliyaha Range Resources, sida ka muuqata qormadii ay kaga warbixineysey Range ee ay qortay Findlay & Co Maarso 2006.

Halkaas waxaa ka muuqda xiriirka ka dhaxeeya shirkadda sheegtay in ay batrool ka baareyso Puntland ee RANGE iyo shirkadaha kale (inta ilaa hadda soo shaac baxay) ee qaarkood qaabilsan yihiin tijaabinta daawooyinka. Waxa kale oo qormadan ku cad khasaarada soo food saareya shirkadda Range Resources maadaama ay shirkadaha saamiga ku leh ay dhibaato dhaqaale lumid kala soo gudboonaatey burburkii shirkadda Opes Prime.

Sidee Ku Bilaabatay Fadeexadda Opes Prime...

Qoraal ay Maarso 28, 2008 faafisay shabakadda Business Spectator ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu asaasay dallaaliinta Badeecadda ee "Opes Prime" iyo sida degdeg ah ee ay afka ciidda u dartay.

Khamiistii ku beegnayd 20-kii Maarso 2008, ayaa agaasimayaal ka tirsan Opes Prime Stockbroking waxa ay daah-fureen ama ogaadeen in wax la is dhaafiyey qaar kamid ah ganacsiga ama saamiyada - Taas oo loo yaqaan khasnadda (akoonka) oo meel ka daloosha.

Agaasimayaashii waxay arrintaas la socodsiiyeen Bangiga ANZ [Australia & New Zealand Banking] oo ah kan deynta siin jirey "Opes Prime", waxaana markaas Bangigu ka ogolaaday in uu siiyo deynta qadar lacag ah ilaa ay arrinta dhibaatada keentay xallinayaan.

Waxaa markaas shaqadii laga fariisey dhawr ka mid ah shaqaalaha Opes Prime, oo uu ku jiro Laurie Emini [oo aad arki doontid in markii dambe baasaboorkii laga qaaday] oo ah maamulaha sare iyo agaasimaha Opes Prime, isla-markaana saami ku leh shirkaddaas.

Markii la soo gaarey Talaada 25-kii Maarso 2008, oo laga soo laabtay fasax maalin ah oo ay ku jireen reer Australia, waxaa sii kordhay walaacii Bangiga ANZ. Markaas ayaa Bangigu waxa uu weydiistey Chris Campbell oo ka tirsan Deloitte qaybteeda dib-u-habaynta shirkadaha, in uu soo eego xaaladda Opes Prime.

Ninkii la diray waxaa layaab ku noqotay in daloolkii khasnadda Opes Prime uu aad sii weynaadey. Isla markaasna markii la soo gaarey galabnimadii Khamiistii 27-dii Maarso 2008 in arrintu ay noqotay rajo la'aan, taas oo keentay in shirkadda dallaaliinta ee "Opes Prime" ay magacaabaan qof sii wada maamulka shirkadda, taasi waxay durbadiiba keentay in Bangiga ANZ uu ninkii uu dirsaday ee Campbell u magacaabay in uu noqdo qofka bangiga uga wakiil ah saamiyada shirkaddaas (oo markiiba la xannibay) - maadaama ay shirkadda "Opes Prime" afka ciidda la gashay - saamiyada oo dhan markaas waxay ku wareegayaan bangiga oo mulkiyadooda yeelanaya si uu u soo ceshado deyntii uu hore u siiyey shirkadda Opes Prime iyo shirkada iyada macaamiisha u ahaa.

Waxaa la sheegay in shirkadda Opes Prime deynta ku maqan ay ahayd: ANZ oo ku leh $650 million iyo Merrill Lynch oo ku leh $400 million. Labaduba waxay sheegeen in lacagahooda ka maqan ay ka helayaan saamiyada shirkadaas oo ay markiiba la wareegeen, isla markaasna bilaabeen in ay ka iibiyaan Suuqa (si ay markiiba uga helaan maalka ka maqan) - Bangigu waxa uu xaraashayaa saamiyada uu xannibay ee Opes Prime.

Taasi waa arrinta koowaad ee soo wajahdey Opes Prime oo hantideedii lala wareegey. Waayo waxaa taas sii dheer in dawladda Australia, gaar ahaan ASIC [Australian Securities Investments Commission], ay Opes Prime ku wado baaritaan la xiriira in lagu xad gudbey xeerka ama Qanuunka Gaaanacsiga, isla markaana Maxkamadda Federaalka Australia dacwad la geeyey (sida aad hoos ku arki doontid). Sidoo kale Suuqa Ganacsiga ee Australia waxa uu ka hadlayaa "Si khaldan in loo isticmaalay", sidaas daraadeedna shatigii ganacsiga ee Opes Prime laga dhigay waxba kama jiraan ama laga xannibay.

Chris Campbell, oo ah ninka uu bangiga ANZ u xilsaaray hantidii laga xannibay Opes Prime waxaa March 28, 2008 laga soo xigtey in uu yiri “Waxaan weli ka laba-labaynayaa in aan iraahdo hantidaas waa la xaday. Taasi weli ma cadda xilligan."

  • Bangiga ANZ waxa kale oo uu deyn siin jirey shirkadda Tricom oo ay dhibaatada dhaqaale soo food saartay bishii Janaayo 29, 2008, tan iyo xilligaasna uu Bangigu hoos u dhigayey qiimaha ay shirkadaasi joogto.

Arrinta burburka dhaqaale ee Opes Prime ka dhigaysa mid aad u weyn, oo sii carqaladaysan, waa in qiyaastii 1200 oo ah macaamiil tafaariiq bixiyayaal ah uu xanuun xoog leh ka soo gaarayo sida degdegga ah ee "Opes" ay afka ciidda ula gashay, iyagoo aan haba yaraatee fileyn in ay hal-mar hantidoodu ka lumi doonto - oo isku darka hantidaas luntay lagu qiyaasay $1 billion iyo ka badan.

Su'aashu waxay tahay maaxaa sababay in dhammaan saamiyada Opes Prime uu bangigu la wareego. Taas waxaa laga fahmi doonaa qaabka ganacsi ee ay ku shaqaysan jirtey Opes Prime.

Qaabkee u Shayn Jirtay "Opes Prime"?...

Opes Prime qaabka ganacsigoodu u shaqayn jirey waxa uu ahaa in ay si dallaal-nimo ay lacag deyn ah oo macaash dul-saaran yahay ka soo qaataan bangiga ANZ iyo Merrill Lynch. Kaddibna ay lacagtaas sii amaahiyaan maalgashadaal kale oo si degdeg ah lacag u raba, iyadoo "Opes" halkaas ka helaya lacag macaash ah.

Waxaase xusid mudan in bangiga ANZ marka uu lacagta deynta ah siinayo "Opes Prime" in heshiisku ahaa in rahaamad ahaan ama curaar [collateral] ay yihiin mulkiyadda lacaagtaasi meesha ay marto (iyo saamiyada lagu sii iibiyo) oo dhan iyo saamigii asalka ahaa ee shirkaddaas oo dhan iyo raasamaalkii hore ee shirkaddaas oo dhan saamiyadeedii uu yeelanyo bangiga ANZ - Caymiska oo dhan waxaa iska leh ANZ.

Sidaas daraadeed markii Bangiga ANZ uu arkay in ay Opes Prime sii dabayshatay ayuu gebi ahaanba la wareegey saamiyadii rahaamadda loo dhigay iyo dhammaan saamiyadii shirkadihii iyo dadkii deynta ka qaatay Opes Prime. Saamiyadaas oo la sii iibinayo, qaarna laga soo celiyey dadkii sii amaahday.

Si aan halkaas u cadayno: Dhammaan saamiyadii Opes Prime ee deynka ahaa ee macaamiisheedu u malaynayeen in ay iyagu leeyihiin, iyo kuwii ay lahaayeen ka hor intii aysan la macaamilin Opes Prime, dhammaantood hadda waxaa leh Bangiga ANZ - sida ay doonaan deyntaasi ha u yaraadeen ama intii ay doonaan ha lee-kaadeen'e.

  • Halkaas ma fahamteen: Marka deyn loo doonto Opes Prime waxay iyaduna deyntii ka soo qaadeysaa bangiga ANZ waxaana markaas heshiisku yahay lacagtaas bangiga laga soo qaaday iyo wixii lagu daro in  rahaamadooda uu leeyahay banagigu. HAA, sidaas ayaa heshiisku ahaa. Ka soo qaad waxaad haysataa $1,000, waxaadna rabtaa in aad fulisid mashruuc ku kacaya $1,500. Sidaas daraadeed waxaad  $500 oo deyn ah ka raadsatey Opes Prime taas oo lacagta oo macaash saaran yahay kaaga soo qaaday bangiga ANZ. Markaas waxaad haysataa $1,500 ee aad u baahnayd in aad mashruuca ku fulisid oo kuugu jirta saami. Haddii wax dhacaan lacagtaas oo dhan ($1,500) waxaa leh bangiga ANZ - lacagta oo dhan tii deynta ahayd ($500) iyo tii aad hore u haysatey ($1,000) - sidaas daraadeed mashruuc aad fulisaa ha joogee waxaad khasaartay $1,000 - Waa khatar loo bareeray, waana meesha ay ka imanayaan kelmedaha 'odoros' iyo 'halis ganacsi', iyo 'dallaal' ama 'dullaal', iwm....

Tusaale xaqiiqo ah waxaa werisey jariidadda Business Spectator oo xustay nin maal gashaday saamiyo qiimahoodu dhan yihiin $1 million isagoo sii marayey ama adeegsadey Opes Prime, lacagtaas oo $250,000 kamid ah la deynsadey. Hadda dhammaan laacagtaas oo dhan $1 million waa luntay, maalgashadihiina waxa uu ku dhacay dabinka aan amaanka ahayn ee Opes Prime.

Sidaas daraadeed qofkaasi waxaa uu khasaaray $750,000 oo ah raasamaalkiisii, sababtoo ah khaladka keliya oo uu sameeyey waxa uu ahaa in uu dallaal ahaan iyo deyn-bixiye u adeegsadey Opes Prime.

Goorma Ayaa La Asaasay 'Opes Prime'...

Opes Prime waxaa sannadkii 2003 asaasay Laurie Emini iyo Julian Smith, waxayna ahayd, sida aan kor kusoo aragnay, amaah bixiyayaal iyo dallaaliin deynta soo qaada si ay usii amaahiyaan qof kale ama shirkad kale.

Mr. Emini waxa uu muddo dheer ka mid ahaa maamulka bangiga ANZ Bank, waxana uu markii dambe u dalacay agaasimaha guud ee qaybta ANZ Nominees. Dhawr shaqo ayuu bangiga ka qabtay ka hor 1990 intii uusan u tallaabin dallalida-badeecadda [stockbroker] ee ANZ McCaughan Securities sannadkii 1992. Sannadihii 1990-naadkii waxa uu ka shaqeeyey qaybo deyn bixinta.

Julian Smith waxa uu ahaa maalgashade bangi ee Morgan Stanley ee London kaas oo ku biiray Boston Safe Deposit & Trust Co sannadkii 1986 oo ahaa deyn bixiye. Sanandkii 1993 ayuu u soo guurey Australia si uu hoggaamiye ugu noqdo qaybta deyn bixinta ee Ord Minnett.

Julian Smith iyo Laurie Emini waxay si gaar ah u kulmeen 2001, waxayna 2003 asaaseen Opes Prime si ay u noqoto shirkad deyn-bixin, waxaana kula jirey Anthony Blumberg, oo ah dallaal-badeecadeed. Sannadkii 2007 waxaa kusoo biiray Peter Gillooly, oo hore agaasime guud ka haan jirey Tattersall, ayaa ka mid ah qormadii The AGE.

Xaaladda shirkadda Opes Prime hadda halkaas ayey martay oo saamigeedii waa lala wareegey, Laurie Emini waxaa laga fariisiyey shaqadii, ASX waxay xannibtay shatigii ganacsiga ee shirkaddaas, wakiil ka socda Deloitte ayaa hadda la wareegey ganacsigii, macaamiishii Opes Prime dhammaantood waxay luminayaan lacagtoodii.

Labada amaah-bixiye  – ANZ iyo Merrill Lynch – waxay u muuqdaan in aan lacagtoodii waxba ka lumayn, maadaama ay iibsanayaan saamiyadii ay xannibeen oo kala wareegeen Opes Prime. Lama oga marka ay lacagtooda oo dhan helaan in wax luf-luf ah usoo hari doono dadkii iyo shirkadihii amaahda qaatay ee saamiyadooda lala wareegey maadaama ay dallaal ahaan u adeegsadeen Opes Prime.

Baasabooradii oo Laga Qaaday Agaasimayaashii 'Opes Prime'...

Qoraal ay Jimcadii April 4, 2008 baahisey ASIC waxay ku cadaysay in ay maxkamad geeyeen dacwad ka dhan ah Opes Prime, isla markaana ay xannibaad saareen madaxdii shirkaddaas in aysan ka bixi karin dalka Australia. Qoraalka ka soo baxay ASIC waxa uu u qoraa sidan:

"ASIC waxay maanta [April 4, 2008] ku guulaysatey in ay xannibaad ku samayso saddex agaasime ee "Opes Prime Stockbroking Limited" si aysan dalka (Australia) uga bixin."

Federal Magistrates Court of Australia logo"ASIC waxay Maxkamadda Federaalka ee Melbourne maanta (April 4, 2008) ka heshay amar xannibaad saaraya Lirim (Laurie) Emini si uusan uga bixin dalka Australia. Waxa kale oo maxkamaddu amartay in Mr. Emini uu muddo 48-saacadood ka hor ah soo ogeysiiyo ASIC marka uu rabo in uu dib u helo baasaboorkiisa uu isagu u dhiibey ASIC.

"Waxaa intaas dheer in Anthony Blumberg iyo Julian Smith ay ASIC ka aqbaleen in ay baasabooradooda ku wareejiyaan qareenadooda sharciga, isla markaasna toddoba beri ka hor soo sheegaan marka ay damcaan in ay safar galaan."

"Amarkaasi waxa uu jirayaa ilaa laga gaarayo 3-da October 2008."

"ASIC waxa ay maxkamadda geysey dacwad cadayneysa in ay is-daba-maryayn ganacsi ka dhacday Opes Prime dhexdeeda, dacwaddaas oo laga helay waraysiyo lala yeeshay dad markhaanti ah oo goob-joogayaal ah. ASIC waxay maxkamadda weydiisatey in maxkamaddu xafiddo qaar ka mid ah akhaabrtaas si aan curyaamin ugu iman baaritaanka socda. Waxaana Maxkamaddu amartay in la xafido magacyada dhammaan dadka lagu xusay dacwadda oo markhaantiga ah." ayaa qoraalka ASIC sheegay.

Qoraal ay April 7, 2008 faafisay The Age ayaa tibaaxay sababta Mr. Emini looga xanibay baasaboorka in ay tahay in la ogaadey in shirkadda 'Leveraged Capital', oo xiriir la leh Opes Prime in ay Mr. Emini deymisey lacag dhan $3.3 million. Waxaana loo malaynayaa in uu lacag dhigtey meel dalka ka baxsan sidaas daraadeedna looga xannibay in uu dhoofo.

Waxaa kale oo soo shaac baxay in gaar ah loo baarayo khasnadaha shirkadda Hawkswood Investments oo jaal la ah 'Leveraged Capital'.

  • Wararka soo shaac baxay April 8, 2008, kaddib markii baaritaan lagu sameeyey halka ay martay lacagta ku luntay Opes Prime waxaa la ogaadey in khaanadaha daloola ee loo malaynayo in lacagta loo leexiyey ay ka mid tahay shirkad lagu magacaabo Riqueza taas oo ka diiwaan gashan British Virgin Island - oo ah jasiirad uu Ingriisku maamulo oo ku taal Caribbean-ka, una dhow Puerto Rico. Waxaa shirkadaas hoggaamiya hal agaasime oo deggan dalka Singapore. Shirkaddaas Riqueza waxay xiriir la leedahay shirkadaha Leveraged Capital iyo Hawkswood - Waxaa wararku tibaaxeen in shirkadda Leveraged Capital ay Riqueza ku leedahay lacag dhan $43 million, halka shirkadda Hawkswood ay Riqueza ku leedahay $142 million.

Halkaas waxaa ku cad in ay dacwad ku socoto shirkadda Opes Prime iyo in saamiyadeedii uu la wareegey Bangi iyo in arrintaas dhaqaale burburka ee shirkaddaas la soo deristey ay saamayn weyn ku yeelensyo shirkadaha ay ka mid yihiin: Range Resources, BioProspect, Solagran, Solamind iyo Nkwe Platinum oo sida muuqata uu shirkadahaas ku lug leeyahay ninka lagu magacaabo Khouri. Haddaba su'aashu waxay tahay waa maxay xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo ninkaas lagu naanayso "Bastooladda". Jawaabta waxaad ka heli kartaa booqashadiisii Puntland.

leoLeo Khouri Goorma ayuu Tegey Puntland....

July 16, 2006 waxaa Garoowe tegey Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxana uu xilligaas halkaas kula kulmay wafti ka socdey Range Resources, waxaa la sheegay waftigaas in uu ka mid ahaa ninka reer Lubnaan ee Leo Khouri. Xilligaas madaxweynaha DFKMG waxa uu diidey in uu shirkadda RANGE u saxiixo heshiiskii ay la gashay Puntland.

Dad xog-ogaal ah waxay sheegeen in C/laahi Yuusuf uu raggii ka socdey RANGE weydiiyey su'aal ahayd "idinku shidaalka miyaad qoddaan." Waxay ku jawaabeen ma qodno ee waxaan raadineynaa shirkado qoda. Waxa uu markaas C/laahi Yuusuf ku yiri "annaguba waa raadsan karaa dallaaliin", sidaasna waxa uu ugu diidey in uu u saxiixo heshiiskii Puntland dooneysey in ay ka sharciyayso madaxweynaha DFKMG.

Waxaa jira Video ay RANGE ugu talo-gashay suuq-geyn mashruucooda [Puntland], waxaa Video-ga ka dhex muuqda Leo Khouri oo ka degaya diyaarad taagan Garoonka CONOCO.. Eeg Video, qaybta 1aad, daqiiqada 1:24 - waa kaas Leo Khouri oo diyaadda ka soo degaya, sidaas waxaa yiri dad waji garanaya- [EEG VIDEO-ga].

Sawirka hoose, oo ah Video-ga qaybta 1aad, daqiiqadda 8:24, waxa kale oo uu muujinayaa Peter Landau (sawirka soo dhow) oo uu dhinac fadhiyo Leo Khouri - goobtu waa Garoowe meel ay fadhiyaan C/laahi Yuusuf iyo Gen. Cadde Muuse, halkaas oo RANGE kusoo bandhigeysey mashruuceeda Puntland ee ay ku sheegtay Batrool qodista.


Eeg Video-ga: Qaybta 1aad. Daqiiqadda 8:24

Range iyo Mashruuceeda Puntland...

Qormadani waxaa ku cad in shirkadda RANGE RESOURCES [RRS], oo heshiiska kula jirta Puntland uu saamayn ku yeelanayo khasaarahii soo gaaray shirkaddii 'Opes Prime'. Waxaa kale oo soo shaac baxay in ay jiraan shirkado aan hore loo ogeyn oo ku hoos gabanaya Range Resources; sida shirkado tijaabiya daawooyinka iyo kuwo baadi gooba dhagxaan gaar ah - Puntlandna loogu waramay in batrool loo soo dillaacinayo.

Ma cadda waxa ay arrimahaasi soo shaac baxay ka bedeli doonaan xiriirka DGPL iyo RANGE. Sidoo kale ma cadda arrintaasi waxa ay ka dhehi karaan [ama ka dhehi doonaan] Golaha Wakiillada Puntland marka ay kulmaan [June 2008], maadaama Xeerkii Khayraadka Dabiiciga si jajuub ah loo marsiiyey [ee loo bixiyey xeerkii 21-21]. Waxaase muuqata in ay shacabka reer Puntland hadda u caddahay qaabka ay shirkadahani ku shaqaystaan in ay yihiin nidaamka looyaqaan ODOROS-ka iyo in ay xiriir la leedahay shirkaddo qarsoodi markii hore ka ahaa shacabka.

Saamiyadda Range oo Hoos u dhacay


Isha: http://finance.google.com/finance?q=ASX:RRS

  • Haddii loo fiirsado shaxanka sare [oo ah garaafka saamiyada ay muujisay shabakadda Finance/Google], waxaad arkeysaa in Saamiga RANGE uu aad kor ugu kacay May 2007, ilaa uu gaarey meeshii ugu sareysey May 28, 2007 oo ahayd hal ($1) doolar iyo sentiyo - Waxaa akhristuhu isweydiin karaa maxaa taas keenay. Waxa keenay in ay RANGE shaaca ka qaaday May 24, 2007 in ay la soo wareegtey 100% saamiyadii CONSORT, sida ku cad warqadii ay xilligaas RANGE u diratay ASX. [Inkasta oo markii dambe ay soo shaac baaxday in shirkaddii CONSORT ay weli saami ku leedahay RANGE] Markii ay Range warkaas la wareegidda saamiyadii Consort suuqa gaarsiisey waxaa bishaas [May 2007] kor u kacay saamiyadeedii. Laakiin taasi ma sii waarin oo shirkadda Range muddo hal sano ah (intii u dhaxaysay April 10, 2007 - April 4, 2008) waxaa saamiyadeedu hoos u dhaceen boqolkiiba 51%.

Sidoo kale, sida ka muuqada shaxanka hoose, waxaa xiriir saami [kor iyo hoos u dhac] ka dhexeeyaa Range iyo shirkadaha hadda soo shaac baxay ee xiriirka la leh.

Is-barbar dhig Saamiyada Shirkadaha: RRS, NKP, BPO iyo SLA


Saamiyada Range (RRS) May 2007- April 2008

Saamiyada Nkwe (NKP) May 2007- April 2008

Saamiyada Solagran (SLA) May 2007- April 2008

Saamiyada Bioprospect (BPO) May 2007- April 2008

  • Marka la eego shaxda sare (oo ah garaafka saamiya ee ay muujisay shabakadda BigCharts) waxaad arkeysaa in ay isku khad raacayaan ama isku qaab isu bedelayaan samiyadaasi, oo marka mid hoos u dhaco kuwa kalena hoos u dhacayaan. Saamiyadaasi waxaa leh shirkadaha Range (RRS), Nkwe (NKP) iyo Bioprospect (BPO) oo saddexdaba uu agaasmiye ka yahay Mr. Peter Landau, iyo sidoo kale shirkadda Solagran (SLA) oo ah midda xiriirka tooska ah la leh Bioprospect.

Arrinta halkaas ka soo shaac baxday ayaa ah qaab u muuqda nidaamka loo yaqaan IL-DAYASHADA - kaas oo ah in saamiyada ay RANGE ka faa'iido saxiixa madaxda Puntland iyo sawirkooda in ay ku maal gashato shirkado ka qarsoonaa Puntland.

Shirkadda Range Resources marka ay ka hadleyso arrimaha Puntland, waxa ugu badan oo ay u dirto ama lagu daabaco shabakadaha Suuqyada Australia waxaa ka mid sawirro isimada Puntland oo lacag loo dhiibayo, baarlamaanka Puntland oo gacmaha kor u taagaya iyagoo heshiis u ansixinaya Range, iyo madaxda Puntland oo qoraal u saxiixaya ama xeer u ansixinaya, sida sawirka hoose oo muujinaya Gen. Cadde Muuse oo heshiis u saxiixaya oo ay Range faafisay 27-kii October 2006.

Gen Cadde Muuse
Gen. Cadde Muuse oo waraaqo u saxiixaya Range Resources - Isha sawika: Range

Gabagabo:

Shirkadda Range Resources oo sheegtay in ay Puntland ka soo saareyso batrool waxaa agaasime ka ah Peter Landau. Waxa kale oo Landau uu agaasime ka yahay shirkadda BioProspect oo qaabilsan tijaabinta daawooyinka iyo Nkwe Platinum oo qaabilsan baadi goobka dhagaxa loo yaqaan Platinum.

Haddaba, ma la dhehi karaa Puntland shidaal laga baari maayo ee waxaa laga baadi goobayaa dhagax gaar ah - waxa kale oo dhammina waa HOOSIIS. Waxaa taas ka daran in la dheho [ama loo maleeyo] malaha Puntland waxaa lagu tijaabinayaa daawada Ruush-ka ee aan la ogeyn raadka iyo cawaaqibka ay reebi karto.

Waxa kale oo su'aal weyni geli kartaa shirkado aan weli la ogeyn oo RANGE sheegtay in ay heshiis kula geli doonto in ay Batrool ka baaraan Badda ku xeeran Puntland - Marka haddii la ogaan waayey waxa ay qabtaan shirkadaha heshiiska kula galay dhulka berriga ah, arrintu waa haba sheegin kuwa badda imanaya waxay qaban doonaan.

Black Gold of PuntlandMarka laga soo tago arrimahaas waqtigu sheegi doono, waxaa kale oo muuqata in xagga dhaqaalaha ay dhibaato ka soo food saari karo burburkii Opes Prime maadaama ay Range Resources xiriir la leedahay shirkadaha Nkwe, Solagran iyo Bioprospect oo khasaare kasoo gaarey dhaqaale-burburkii Opes Prime. Waxaa kale oo RANGE xiriir la leh ninka reer Lubnaan ee Khouri oo khasaare xoog lehi ka soo gaarey shirkadihii deynka ka qaatay Opes Prime.

La soco wixii kusoo kordha dawcadda ku socota Opes Prime ee saamiyadeeda la xaraashayo.

Akhri: Warbixintii laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL

Isha/Xigasho: http://business.theage.com.au/http://business.smh.com.au, http://www.opesprime.com.au/ , http://www.asx.com.au/, http://www.theaustralian.news.com.au/ , http://www.bourseinvestor.com.au/ , http://www.businessspectator.com.au/

Tarujadii iyo Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2008 | Qormo cusub: April 8, 2008

BAARID | SEARCH


Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka... Akhri

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: