SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


Warbixin Xeryaha Qaxootiga Kenya

NOLOSHA QAXOOTIGA
Waxaa soodiyaariyey:
Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
May 2, 2000

(Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatuhu:
Bismilaahi Raxmaani Raxiim)

Laga bilaabo sanadku warkuu ahaa (1991) Umadda somaliyeed waxaa soo foodsaaray dhibaato Adduun oo wadata qaxar, rafaad, gaajo, cuduro oo dhammaan kuwada habsaday Shaqsi kastaa oo Somali ah, arrinku sikastaba ha'ahaadee markii laga soo baxay wadanka Soomaaliya oo loosoo qaxay wadamada dariska la'ah somaliya, si markaa dadka ay u'helaan Nabadiyo, xasilooni, iyo si'ay u'abuuraan Nolol hor leh oo ay kaga kabtaan dhibtaas ku habsatay. Marka aannu mid mid ukala qaadno dabaqadihii aysoo-mareen Umaddaan soomaliyeed iyo Arrimihii ay kalasoo darseen, waxaan ka cudur daaranaynaa in aanan wax xog dhab ah kahaynin dalalka Ethopia iyo Jabuuti.

KENYA:
LINKS::::
Somali Refugees in Kenya
Utange Selfhelp projects

Walalayaal Dowladda Kenya waa Dowladdii ay umadda somaliyeed intooda badan kusoo qaxday markii uu dagalka sokeeye ka qarxay dalka soomaliya oo idil, tiro caddadan ama lahubo oo dowladda kenya ay kasoo sartay majiraan dadkii somaliyeed oo kusoo qaxay, hasayeeshee dadka wax indha-indheeya waxay sheegayaan in dadka somaliyeed ee soogaray wadanka kenya ay dhamayeen illaa (500,000) Qof.

Dadkaas qaxootiga ahaa waxay kala kulmeen dalka kenya marxalado farabadan oo isagu jira Dhibaato, qasaaro, rafaad, iyo faa'iido.

DHIBKA SOOMAALIDU KALA KULMEEN KENYA

Marka haddii aynu ku bilawno Dhibta somalida ay kala kulantey kenya waa sidan:

Utange Refugee Camp:

Xeradan Utange waa xeradii ugu waynayd xeryaha qaxootiga kenya, waana xeradii ay u badnayeen umadda soomaliyeed, Xeradan dhibta kasoo gaartay dadka soomalida ah waxa ay ahayd Anigoo sookoobaya sidan.

  • Xeradan markii lafuray sanadku markuu ahaa (1991) waxa kunoolaa dad tiradoodu ay aad uyarayd oo garaya illaa (2000) qof, dadkaan markii hore waxaa loosoo dhaweeyay si wanagsan, waxayna ahayeen dad laxiisaynayo oo dowladdu ay danaynaysay, waxaana lasiin jiray cunto aad usaraysa oo qaali ah sida (Baasto, Bariis, Caano-Boore, Saliid, Timir, Subag, iyo Waxyaalo kale oo wanagsan). Waxaa intaas dheerayd dadku way ladnayeen oo eheladooda banaanka jirta ayaa danaynayay.

  • Xerada waxa ay lahayd Dugsiyo wax lagu barto, waxana ka shaqaynayay dhalin yaro somali ah oo Diinta dadka bari jiray, xagga iskuulkana waxaa maamuli jiray Shaqaale katirsan Kenya Red Cross, Xerada biyaheeda iyo Musqulaheeda way koobnayeen waxana xagga biyaha maamuli jiray Guddi somali ah oo hoos taga hay'adda layiraahdo I.F.R.C.marka waqtigaa dadku wayniyad samaayeen si'aad ah,.

  • Markii lagaaray sanadku markuu ahaa 1992-dii waxaa xeradaas soogaray qaxooti farabadan oo kakala yimid xeryaha qaxootiga ee IFO, DHADHAB, XAGARDHERE ayaa soo garay Xeradaa UTANGE dabadeedna Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee looyaqaan U.N.H.C.R ayaa Xeradii dadkii Ubalaarisay Deegankiina u waynaysay.

  • Markii Intaas lagaaray oo wali samaantii hay'adaha lagu dhexjiro ayaa waxay - Hay'adda U.N.H.C.R-tu Bilowday inay dadka usamayso wax ay ugu Yeertay ELDERS Kuwaas oo ay uugu magac dartay Guddiga nabadgalyada PEACE COMMITTEE.

  • Guddigaan waxaa loosoo dhisay qaab ku dhisan Qabiil, si dadkoo idil loogu qanciyo. Markaas lama eegaynin yaa Uqalma Hawshaan IWM, Xeradii deganayd waxaa ku bilawmay qalqal iyo qalaanqal, dadkii oo nidaamkii safka marka raashinaka laqadanayo Isku laynaya, habaynkii oo Fowda inta badan Noqonaya, Xishoodkii oo laga tagay, markii uugu horaysay oo la'aasaaso Guddigaas kor aan idinku soo sheegay, waxaa Guddigaas garab socday qorsho dib udajineed ee dadka dhibataysan UNHCR-tu ku qabilaysay qorshahaas waxaa loogu talagalay sharci ahaan in lasiiyo dadka ay diiftu kamuuqato sida Haweenka lakufsaday, Dhaawaca, Qof sikale uxanuunsan oo Buro madaxa kagataal, qof xabad kujirto IWM.

  • Marka meeshii laga rabay in dadkaasi wax lataro ayaa guddigii Elders-ka ahaa bilabeen in ninwalbaa tiisa raacdo oo Gaalada karaadsado wax loogu yeero Ressetlement, isagoo soo qoranaya intaas oo qof oo caa'iladiis ah, meeshaas waxa kabaxay kalsoonidii Shacabka qaxootiga ah iyo Elders-kii ay UNHCR-tu soodooratay.

  • Waxaa xeradii kafaruurmay Buuq, dagaaljoogto ah, Maamulxumo IWM Muddo markii lagu jiray buuqaas iyo qalaan-qalkaas ayaa waxaa dadkii nasiib wanag ubilaabmay inay qoysaskooda ku maqan North-America sida Canada+Usa ay kaheleen Sponsor. Arikaas dad cadad fiican ah ayaa kabaxay Xerada sanadku markuu ahaa 1992-dii dabayaaqadiisa +1993+1994tii aad ayay soomalidu u'aaday wadamadaas.

  • Markii intaas oo dhib dhexmartay dadkii ay UN soodooratay iyo qaxootigii ayaa waxaa dadkii loogu hanjabay in loocelin doono soomaliya iyadoo warqado iyo Ogaysiinba lasameeynayey, markaas oo soomaliya ay aad u qasnayd. Dadkii waa iska dhagatireen Arrinkaas aan soo sheegnay, Dowladdii kenya ayaa ku hanjabtey in dadka laqaadayo oo laga rarayo Utange iyo agagaarka magaalada xeebta ah ee Mombasa, magaladan waa magaalada ugu wayn kenya xagga dalxiiska waana caasimadda 2aad.

  • UNHCR-tu waxay isticmaalaysay nin katirsan xafiiska madaxtooyada Kenya, kana tirsanaa wasaradda Arrimaha gudaha, markii dadkii larari waayay ayaa waxaa xeradii laga bilaabay jawi qaab daran oo kusalaysan Nacasnimo, qadiyad la'aan IWM. Waxaa dadkii soo dhexgalay somali qaab dadban oola shaqaynaysa UNHCR-ta iyo hay'adaha kale waxaa maalin cad si dadban loosiiyay qaar kamid ah dadka qaxootiga ah dhul uu leeyahay Xabsi Dowladda kenya ay u isticmaasho tuugada iyo Gangs-ka Xabsigaas waxaa layiraahdaa Shimelatao, dadkii iyo dawladii way isku dhaceen illaa markii danbe qolyahii la'adeeg sanayay kana tirsanaa qaxootiga ay boobeen maxaabiistii, Askartii xabsigana ay isticmaashay rasaas, markii rasaastii bilaabatayna dadkii ay usoo yaaceen dhinaca Xerada wayn., maxaa-biistii ayaa lafasaxay, dabadeedna Guryihii qaxootiga ayaa dab laqabadsiiyay, dadkii ayaa lalaayay, dhib aad uxun ayaa meeshaas kadhacday, qasaaro leh maal iyo mood ayaa halkaas kulumay.

  • Waa sidii larabaye dadkii waxaa gashay cabsi, habaynkii tuuga u dhalatay kenya ayaa xerada soo galaysa oo hore aan loo'aqoon, waxa markale halkaas ka dhacaya buuq ,

  • Dowladdii idaacadda iyo jornalka ayay waxay kusoo qoraysaa Saldhiga Booliska ayaa ladhacay oo maxaabiistii ayaa fakaday waxana sabab u'ahaa Xerada Utange, dadkii wadanka udhashay baa kunacay, melkasta huruuf baad ka'arkaysaa, baabuurtii kirishbooyadii iyo kaariyaalkii (Coductors+City Touts)kii ayaa kucaya ama hortaada gabar somaliyeed gacan kusaraya, waxaas oo jaa'ifo waxaa mas'uul ka'ahaa nimankii ay gaalada mas'uulka ka dhigtay,

  • Dhinaca UNHCR-tu waxay u danaynaysay arrimahan waxay ahayeen, marka xerada lagubayo ama lararayo dadka (Repatriation)ka waxa laga helaa Budget.qiimo lacageed oo hor leh, xafiiska qaramada midoobay ee qaxootiga waxa uumarkas soo dirayaa Lacag badan oo gargaar ah , lacagtii ayaa waxa loo qaybinayaa saraakiisha Kenya oo Howshan Udub dhexaad u'ah iyo Shaqaalihii hay'adda UNHCR oo ah Kuwa qadka Xiray, Odayadii Guddiga ahaa waxaa loo balan qaaday Ressetlemant Canada, Newzealand, Australia, 3dexdan wadan ayaa looqadayaa .

  • Aaqirkii 25th-10.1994 ayaa waxa dadkii lagu Daabulay Maraakiib kusocota Kismaayo, Diyaarado kakala dagaya Gaalkacyo+Berbere +Bosaso, isla sanadkaan 25-02.94 markii xaalmeeshas marayo ayaa haddana waxa bilaabmay mudaaharaadyo ay qaxootiga samaynayeen iyagoo ku dhawaaqaya heesihii wadaniga ahaa Sida hestii ahayd Soomaliyeey Toosooy -Toosooy Isku Tiirsadayee!

  • Markii dadkii iyo UNHCR-tii halkaas kala marayaan, oo xataa qaar kamid ah gudiyadii aan kor kusoo sheegay ay heleen Ressetlemaent-gii, qaarkoodna baxeen oo aadeen NewZealand iyo Austaralia ayaa dadkii waxaa kor yimid Dowladda kenya dabadeedna si qasab ah ayaa Umaddii loogu raray Dhadhaab+Ifo, waxaa xataa loodiiday dadkii inay uqaxaan xero kutiil meel ujirta illaa (800) oo talaabo, xeradaa waxaa la'oran jiray Banaadiri Refugee Camp.

  • Xeradii Utange ee aannu kasoo sheekaynay waxaa laxiray taariikhdu markay ahayd 15.03.1995 waxana xafladdaas kasoo qayb galay dad gaaraya illaa (50)qof oo somali ah iyo hay'addii UNHCR-ta ahayd sidaasbaana dadkii ku dayoobeen.
SomBeautyNB: Walaalayaal waxan ka cudur daaranayaa haddii wax khalad ahi dhaco in la'iga raali noqdo dadaal iima yaree, haddii afsomaligayaga lagaran waayo fadlan Afsomaliga inta lagu hadlo ayaan ka'aqaane iyadana waan kacudur daaranayaa. Haddii rabbi idmo Marxaladihii soomaray qaxootiga soomalida way isku xigi doonaan.
Hadda waxaan kabaxnay Utange. Sidan hoose ayana kuwadi doonaa:

Banadiri - Ifo
Barawe - KKuma
Jomvu - xagardhere.


Waxaan (qoraaladan) uhibeeyay page-ka Somalitalk.com
Waxaa diyaarshay:
Maxamed cabdi farax Botan -Shiike.
Waxii jawab ah kusoo hagaaji
Email: faaraxbotan@yahoo.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD