Waxaa ugu horeeyay ee qaxootinimo ku soo gaaray yemen waxay ahaayeen rag ka tirsanaa dowladii hore iyo xaasaskoodii oo ka soo galay
jabuuti. Waxaana xeradii ugu horeeyay loogu dhisay isla gudaha magaalada Caden xeradaasi oo loogu magac
daray Xuqaat, dadkaasi qoxootiga waxaa si diiraan loogu soo dhaweeyay dalka yemen kan dowlad iyo shacbi ahaan, waxaana mas'uuliyadooda dusha u dhigtay isla shacabka yemen, nolosha dadkaasi qoxoootiga ahaa wax laga sheegi karey haba yaraatee ma aysan
jirin. Sannadkii 1991 ayaa si isdaba joog ah dad soomaaliyeed oo qaxootinimo
dalbanaya soo gaareen dekedaha dalka
yemen, dadkaasi oo si buuxdhaaf ah isugu soo guri jiray maraakiib iyo doonyo yar yar ayagoo ka soo
cararaayay dhibaatooyinka sii kordhaayay iyo dagaaladii dagaaladii
sokeeye.
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee xusuusta mudnaa waxa kamida Markabkii la oran jiray
(Goob Weyn). Markabkaasi waxaa saarnaa in ka badan (2000) laba kun oo qaxooti soomaali ah kana yimid
soomaaliya, markuu soo gaaray xeebaha dalka yemen markabkaasi (goob weyn) ayaa loo diiday in uu ku soo xirto
dekedda ka dib markii dowlada yemen ay soo gaareen warar sheegaya in markabkaasi wado dad burcad ah oo hub
sita, wararkaasi waxay ahaayeen warar runta ka fog markabku wuxuu siday dad faro badan oo aad
u jilicsanaa oo hadana muddo ku soo dhex jiray badda, ka dib markii dadkaasi loo diiday iney ku soo
xirtaan dekedaha dalka yemen, waqtiga safarkana uu ku dheeraaday, sahaydiina ay ka dhamaatay ayay dadkii qaar
badda isku
tuureen, qaar kalana iyaga oo macluushan loogu tegay markabka dushiisa.
Ka dib markii
dowladda yemen ay u cadaatay xaqiiqda ayey dadkii u ogolaatay iney ku soo xirtaan
dekedda dalka yemen.
1991-93 ayaa qaxooti xad dhaaf ah ku soo qul quleen
yemen, hay'ada qaxootiga iyo dowladda yemen oo iskaashanaya waxay xero qaxooti oo
weyn ka sameeyeen duleedka magaalada Cadan, xeredaas oo lagu soo ururiyay dhamaan qaxootiga soomaaliyeed ee soo gaaray dalka
yemen. Xeradaasi waxay (18km) sideed iyo toban km u jirtay Cadan, waxaana la oran jiray
(Madiinatu-Shacab).
XERADII MADIINATU-SHACAB
Halkaasi waxaa ka bilowday nolosha qaxootinimo iyadoo ay maamulka isla wadeen hey'ada (UNHCR)
iyo hayado kheyri ah oo yamaniyiin ah.
Nolosha qaxootiga sanadihii hore waxay ahayd mid heer saro ah,
dadkana waxay si nabad ah ugu soo degi jireen cadan, mukalla iyo mokha.
Ruuxa qaxootiga marka uu soo gaaro xerada waxa uu xaq u yeelan jiray adeegyada good sida tendho, buste, firaash, iyo maacuun (kitchen set) iyo waliba raashiin soo dhaween ah,
maalmo ka dibna kaar (ration card ) oo bil walba raashiin u qorsheysan ku qaato.
Adeega caafimaadkana wuxuu ahaa mid dhameystiran, oo xataa qofkii dawo qaliin ah loogu waayo yemen dibadaha ayaa loo diri jiray isaga iyo qoyskiisa, xaga waxbararashada waxey aheyd mid dhexe oo kaliya ku kooban iyoadoo mararka qaarna dadka haysta shahaadada dugsiga sare loo diri jiray jaamacad.
Intaa dabadeed markii culeykii qaxootigu ku soo saa'iday yemen labo sano kadib ayaa waxaa qaxootiga loo sheegay in loo rari doono xero kale oo cusub oo ka baxsan magaalada cadan (30km) sodan km.
Xeradaasi oo si weyn loogu shaqeeyay si wanaagsan loo habeeyay,
Xerada waxaa la oran jiray (AL-KOWD).
XERADII AL-KOWD
Sanad ka dib markii qaxootigii loo soo rarey xerada cusub ee Al-Kowd, Maamulku xerada ay ku keli ahaatay (UNHCR), ayaa nasiib xuma waxaa dadkii walaalaha yemen ka dhex qarxay dagaal sokeeye, dagaalkaasi wuxuu waxyeelo balaaran u geystay qax (in laga qaxo xeradaas). Sababtoo ah xeradii ayaa noqotay bartilmaameed, qolo waliba waxay u heysataa xeero ciidan, dad badan oo qaxooti soomaaliyeed ayaa ku naf waayay, kowo kalena waa ay ku dhaawac meen, hanti badana waa kudhumay, qaxootigii waa kaga burburay oo hay'ada UNHCR way iskaga carareen xeradii oo fursad uma ay helin in ay adeegii qaxootiga sii wadaan ayna ka samato-bixiyaan goobtaa dagaalka.
Qaxootigii iskood ayey isaga carareen oo qaxootinimadoodi hore ayey qax ku si darsadeen, ruux waliba meeshii uu nabad ka heli karaayey ayuu doon doonay, iyagoon dad iyo duunyaba garaneynin waxayna u kala qaxeen tuulooyinkii u dha-dhowaa xerada meelihii ay qaxootigu u kala qaxeen waxaa ka mid ahaa: Degmada Al-kowd, Abyan, sanjibar,iyo jacaar halkaasi oo qaxootigu kala kulmeen soo dhaweeyn heer sare ah, ka dib markii ay dagaaladii xoogaa yaraadeen ayaa qaxootigii waxa lagu wargeliyey iney isasoo urursadaan si xero ku meel gaar loogu sii haayo, qaxootigii waxaa si meel gaar ah laisugu keenay meel (140km) boqol iyo afartan km bari ka xigta magaalada cadan. Xeradaasi oo magaceeda la yiraahdo (AL-JAHIIIM).
XERADII AL-JAXIIN
Al-Jaxiim waa xerada ilaa iyo mardhow ay qaxootigu u deganaayeen si ku meel gaar.
Juquraafiga Al-jaxiin: xerada waxay ku taalaa dhul buuraley ah oo afarta jiho waxaa kaga abaaran buuran buuro aad u dhaa-dheer, waana dhul aad u sareeyo, cimlada xiliga qabowga ah, dadka badiyaa waxay ka cowdaan cudurka dhaxanta, xiliyada kuleelkana aad ayey u kulushahay, mararka qaarna waxaa ku dhifta dabeeylo xoog leh.
Muqaalkii xerada: xerada waxay ka kooban tahay sagaal hangar ama hoolal, oo ay qaxootigu si is dulsaar ah u wada degan yihiin, hangar waliba waxaa dhex degan yihiin, 100-130qoys, waxaa kale oo jirta qaxooti kale oo degan teendhooyin ama taanbuugyo ka baxsan hangarada oo gaaraya ilaa iyo (850) sideed boqol iyo konton teendho, teendhooyinkaasi oo ah kuwo aad u duug ah oo markii horeyba ku soo raagey baqaarada (UNHCR). Dadka hangarada degan waxaa guryo u ah baco-balaastic ah maryo iyo jawaano leysku toltolay.
Biyaha xerada: waxaa loo helaa si aan nadiif aheyn. Qaxootigu waxay ka dhaan-sadaan booyado ama haaman xaafadaha dhex yaala, oo ay baabuuro booyado waaweyn ahi ay maalin walba labo jeer soo dhaamiyaan.
Qaxootiguna waxay kaga soo dhaan-sadaan caagado yar yar oo ay dabadeed guryahooda ku keedsadaan.
Musqulaha xerada: waa kuwa aan habeysneen, xaalada caafimaadna sii xumeynkara, hongar walibana waxaa ku horyaal ilaa iyo (8) sidees musqul ama suuli oo laga sameeyay baco, rag iyo dumarba way ka dhexeeyaan mustuquluhu.
Raashiinka iyo alaabooyinka kale ee qaxootiga helaan bil waliba waa sidaan (hoos kuqoran) halkii qof oo qaxootiga ka tirsan waxaa u qorsheesan:
- 13.5kg sadex iyo tobonkiilo iyo bar oo bur ah ama daqiiq
- 500g nus kiila digir ah
- 400g in ka yar nus kiilo sokor ah
- 700g in ka yar liitar saliid ah
- 4.ltr afar liitar oo gaas ah
Waxaa kale oo sanadkiiba mar la qeybiyaa alaabooyin ay ka mid yihiin, buste sadexdii qofba labo buste, firaash ama joodari labadii qofba hal firaash, wax kale qaxootiga intaa u dheer ma jiraan.
Xagga caafimaadka xerada waxaa ku yaala xarun caafimaad (clinic) oo ay maamusho hay'ad qandaraas ka qaadatay UNHCR oo la yiraahdo (PAD). Xaruntaa caafimaad waxay ka kooban tahay qeybo badan, balse aanu u shaqeynin sidii loogu tala galay dadku waxay saq dhex habeenkii safar dhaadheer u galaan nambarro laga bixiyo xarunta, isla habeenimadii ayay nambaraadu go'aan aroortiina marka ay shaqaalaha caafimaadka soo shaqo tagaan bukaanka badankooda lama siiyo daawooyin. Cudurada aadka ugu baahsan xereda waa TB balse daawooyinka aad wax taru leh cudurada TB ayaa la keenaa cusbitaalka, midda kale ee dhalisa dhibaatooyinka caafimaad waxaa ka mid ah dadka marka ay xerada soo galaan lama soo mariyo baaris (control) caafimaad, sidaa ayeyna qaxootigu isku qaadsiyaan cuduro badan.
Xaga waxbarashada runtii caruurta qaxootiga uma ay helin fursad waxbarasho oo sii dhaafsiisan dugsi dhexe, xereda dhexdeeda waxaa ku yeela labo dugsi hoose/dhexe oo kala ah dugsi qaxootiga soomaliyeed (Radda Barner) oo ay maamusho Hay'ad Iswiidhish ah, waxayna ardada siisaa Qalabka waxbarashada sida dharka iskoolka, buugagta iyo wixii soo raaca. Dugsiga kale ee xerada waxaa maamusha Jimciyad la yiraahdo AL-ISLAX, AL-KHEYRIY.
Tirada dadka (population-ka) xerada waxaa ku nool in ka badan (8,000) sideed kun qaxooti. Qaxootiga badankiisu waxay ku firirsan ama baahsan yihiin magaalooyinka xerada ku dhow show iyagoo halkaasi ka soo dawarsada si noloshooda u kaabaan sababtoo ah rashiinka qaxootiga oo aan ku filneyn.
Maamulka xerada, xereda waxaa maamula hay'ada UNHCR waxaase ka soo sokeeya labo hay'adood oo qandaraas ka sii qaatay UNHCR waxaana la kala yiraahdaa PAD oo yamanis ah iyo triangle oo faransiis ah.
Dhibaatooyinka haysta qaxootiga waxaa ugu weeyn xaga safarka oo ruuxa qaxootiga marka uu doonayo in uu ka soo daneysto magaalooyinka waaweyn in uusan si fudud ku helin (Travel Document).
Dhanka qaxootiga waxaa maamulka u dhisan yahay nidaamka loo yaqaano gudiga xereda (ELDERS) oo isku xira qaxootiga iyo maamulka hay'ada.
Ugu danbeyntii waxaa xusid mudan dhibaato aad u weyn oo ka dhacday isla xerada, taas oo ah dab weyn oo qabsaday hangar ka mid ah xerada, dabkaasi wuxuu sababay dhimasho in ka badan todobo qof iyo dhaawac faro badan, waxaase nasiib daro ah in dadkaasi aysan helin wax taageero ah haba yaraatee.
AL-KHARAZ
Ugu danbeyntii hay'ada UNHCR waxay qaxootiga ku wargelsay in loo rari doono xero cusub AL-KHARAZ, xeradaa cusub AL-KHARAZ waxay ku taalaa meel geeri go'on ah oo xitaa gawaarida qaar ma ay awoodaan in ay galaan xerada, xerada cusub waxaa laga soo soo sheegay kuleel daran oo aan ku habooneen nolasha ciyaalka, dumarka iyo dadka waa weyn balse qaxootigo waxey ku gacan seereen in loo raro xeradaa cusub, waxeyna ka door bideen in ay wadankooda did ay ugu noqodaan.
Qaxootiga Magaalooyinka Sanca, Aden, Ticis
Arinta kale ee la xiriirta qaxootiga magaalooyinka sida Sanca, Aden, Ticis iyo magaalooyinka kale ee dalka yemen, dalka yaman waxaa ku nool in ku-shan-jibaaran qaxootiga xerada, qaxootigaasi waxaa loo yaqaana (URBAN).
Magaalada Cadan waa magaalo ugu badan oo ay joogaan qaxootiga, wax daryeel ah kuma ay laha hay'ada oo aan ka aheyn caafimaadka. Qaxootiga magaalada waxey badiyaa ka shaqeystaan baabuur masixida, maqaayadaha iyo kirish-booynimo. Haweenka waxay ku sheqeystaan jaariyadnimo.
Qaxootiga kale ee ugu badan dalka yemen waxay joogaan magaalo madaxda Sanac iyaguna waa la mid kuwa hore xagga xuquuqda iyo xagga shaqada.
Waxaa kaloo qaxootiga ka shaqeystaan harqaanada ama dawaarlayaasha.
Guud ahaan qaxootiga yemen rajooyinka ugu waa weyn ee sugaan waa waxaa looyaqaano (lottery visa) ama baqtiyaa nasiibka lagu galo Ameerika oo si aad ah looga helo dalka yemen, waxaa kale oo qaxootiga aad u rajeynaayaan iney dib ugu noqdaan wadankooda hooyo.
Intaas ayaan ku soo gaba gabeenayaa qoraalkeygii gaabnaa.
Walaal akhristow haddii ay jiraan waxaad u aragtid in ey qalad yihiin xaga qoraalka ama soo diyaarinta maqaalka fadlan ila soo socodsii si aan isula eegno. Waxaana ruux waliba oo soomaali ah ka codsanayaa in uu wixii talo ah ka geysan karo, aad ayaan ugu mahadiniyaa ruux waliba oo soomaali ah oo wax ka aqrista maqaalkaan
XUSUUS: Kaddib markii qoraagu uu qoraalkaan soo gaarsiiyey SomaliTalk, waxaa qaxootigii xerada Al-Jaxiin loo raray xero cusub, sida uu qoraagu soo sheegay hadda, gadaal ayuuna kasoo tebindoonaa arintan cusub, ee lasoco, insha Allah.
W.Q: CabdiRaxmaan Abokar Cabdi
Email: bibaye@yahoo.com
Posted: May 15, 2001
Updated: June 20, 2001