Yaa
Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
Musannifiinta
Orville Wright
iyo
Wilbur Wright
Sannad walba bisha December maalinta
ay tahay 17, waxaa munaasabad dabbaaldeg ah lagu
qabtaa goobta magaceeda la yiraahdo
Wright Brothers National Memorial
oo ku taalla dalka mareykanka. Dabbaaldeggaas waxaa
lagu sharfaa diyaaraddii ugu horeysay oo matoor
(machine)
leh oo
sameysay duulimaadkii ugu horeeyay ee adduunka ka
dhaca.
Laba nin oo walaalo ahaa oo u dhashay dalka
mareykanka ayay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee
sameeyay dayuurad matoor (machine) leh ee hawada ku
duusha. Labadaas nin waxay kala ahaayeen
Orville Wright iyo
Wilbur Wright.
Sannadkii 1903-dii ayay sameeyeen dayuuraddii ugu
horeysay. Hase ahaatee, tii ugu horeysay ee farsamo
ahaan isku rakiban ama is-raacsan waxay sameeyeen
sannadkii 1905-tii. Inta badan, labadaas nin iyaga
ayaa wax isbaray. Waxayna bilaabeen tusmaynta ama
sameynta nakhshadda diyaarad-samaynta oo ilaa iyo
hadda laga tusaale qaato. Markii dambana waxay
bilaabeen in ay sameeyaan isla markaasna ay iibiyaan
baaskiillada. Lacagtii ay ka heleen ganacsigaas ayay
ku hawl-galeen sannadihii hore tijaabooyinkii ay
sameynayeen ee la xiriiray farsamaynta dayuuradaha.
Wilbur
ayaa markii hore ku horeeyay xiisaha waxa duula,
kadib markii uu akhriyay buug ka sheekeynaya nin
Jarmal ahaa oo magaciisa la oran jiray Otto
Lilienthal (eeg
sawirka bidix) oo isagu ku guuleystay
tijaabooyin duulimaad oo ahaa dayuurad aan matoor
(machine) lahayn, magaceedana uu u bixiyay
Derwitzer Glider.
Diyaaraddaas waxaa loo raacayey kolba dhinaca ay
hawadu u socoto. Nasiib darro,
Mr.
Otto Lilienthal
waxaa la burburtay diyaarad ka mid ah kuwii
uu sameeyay ee aan matoorka lahayn isagoo hawada ku
jira, wuxuuna u dhintay dhaawac kasoo gaaray
burburkaas taariikhdu markay ahayd 10-kii bishii
August, 1896.
Haddaba, taariikhdu markay ahayd 1899, ayaa
Wilbur Wright iyo
walaalkiis Orville
Wright waxay arkeen
sida ay u duulaan shimbiraha loo yaqaanno “Birds
of Prey”. Waxay u fiirsadeen sida ay
shimbiruhu u duulaan oo ay baalashooda kolba si ugu
dhigaan. Waxay ogaadeen in samaynta dayuurad hawada
ku socota ay suurtagal noqon karto haddii la helo
saddexdan arrimood: 1.
Baalal ama garbo kor u qaada (wings
to lift it), 2.
quwad lagu dhaqaajiyo (power to move it through the
air), 3.
iyo aalad lugu hago inta ay hawada ku jirto (a
device to control it during flight).
Dayuuraddii ugu
horeysay oo ay sameeyeen sannadkii 1899 waxaa
baalasheeda lagu weec-weecinayey gacanta oo lagu
qabanayey marka dhinac kale loo jihaynayo (leexinayo).
Haddaba wiilashaas walaalaha ahaa, waxay sii
kordhiyeen hawshii ku saabsanayd diyaarad samaynta,
waxayna sameeyeen diyaaraddii ugu horeysay ee matoor
ku duusha taas oo ay uga mid noqdeen dadka
taariikhda galay ee loo yaqaano musannifiin
(inventors) taariikhdu markay ahayd
17-kii December 1903.
Kicitaankii koobaad ee dayaaraddaasi sameysay waxay
qaadatay 12 ilbiriqsi (seconds), kii ugu dambeeyay
ee ay isla maalintaas sameysayna waxay ku qaadatay
59 ilbiriqsi (seconds), waxayna socotay ilaa 852
fuud (foot). Sannadkii 1905-tii ayaa
Wilbur Wright iyo
walaalkiis Orville
Wright waxay
sameeyeen dayuurad farsamo ahaan isu-dhan oo
leex-leexan karta. Diyaaraddaasi waxay hawada ku
jirtay muddo dhan saacad barkeed ah (½ hour).
Haddaba markii ay wax natiijo ah kasoo bixi waayeen
wada-hadallo ay la yeesheen ciidamadii Mareykanka oo
diiday in ay ku guuleysteen samaynta dayuurad ay
iibin karaan, ayaa iyagoo ka cabsanaya in si
basaasnimo ah looga xado fikradda ay adduunka ku soo
biiriyeen, waxay diideen in ay mid dambe kiciyaan
ilaa inta ay ka helayaan cid aqoontooda ka iibsata
haddii ay noqon lahayd dowlad ama shacab intaba.
Waxayna billaabeen in ay si qarsoodi ah
duulimaadkooda u samaystaan.
Haddaba sannadkii 1909,
Orville Wright wuxuu ku guuleystay in uu
qandaraas (contract) ka helo ciidamadii mareykanka,
wuxuuna u sameeyay dayuuraddii ugu horeysay ee
ciidamadu yeeshaan.
Haddaba wiilashaas Wilbur
iyo walaalkiis
Orville ayaa cilmiga diyaarad-samaynta u
sareeyay Yurub iyo Mareykanba ilaa 1911-kii.
Wilbur wuxuu u
dhintay cudurka tiifowga (typhoid-ka)
sannadkii 1912-kii. Laakiin
Orville wuxuu sii
noolaa ilaa sannadkii 1948-kii, wuxuuna wax weyn
kusii kordhiyay cilmiga diyaarad-samaynta. Waxaa
xusid mudan in labadooduba ay dhinteen iyaga oo aan
guursan. Waxaana la dhihi karaa in jacaylkoodu uu ku
koobnaa ama kusii jeeday samaynta iyo hawlgelinta
dayuuradaha. Waxayna ahaayeen kuwii noo horseeday
(pioneers) adeegsiga dayuuradaha oo iminka qof kasta
oo bani-aadam ah uu waxtarkooda aqoonsanyahay.
Waxaa Diyaariyay
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
-Wassalaamu Calaykum
.Nayjeeriya
oo Hawada u Dirtay Dayaxgacmeed
.Dayaxgacmeed
Cusub oo Loo Diray Hawada
.Cirbixiyeenkii
Shiinaha oo Dhulka ku soo Noqday
|