Nin Diley Caruurtiisii !! - Maxaa ka Qaldan
Soomaalida Qurbaha?
Hordhac
Dhacdooyin aan horey loogu dhex
arag guud ahaan dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba, ayaa beryahan
dame aad ugu soo badanaya dadka soomaaliyeed ee jooga qurbaha.
Dhacdooyinkaas oo ah kuwo aad iyo aad u naxdin badan, qof kasta oo
akhriya ama arkaana uu indhaha ka ilmeynaayo. Arimahaas amakaaga iyo
la yaabka leh, kuwii ugu naxdinta badnaa ayaan halkan hooso ku
sheegi doonaa.Ka dibna waxaan guda geli doonaa waxyaalaha laga yaabo
iney kalifeen dhacdooyinkaas iyo sidii looga hortegi lahaa.
Maxay ku muteysteen dil?
- 6-dii oktoobar-2006-da.
Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid biyaad ayaa 4-caruur
ah oo uu isagu dhalay ku diley magaalada Louisville ee dalka
mareykanka. Ninkaasi waxaa kale oo uu dhaawacay caruurtaas
hooyadood.
- 31-dii agoosto-2006-da.
Gabar soomaaliyeed oo da`deeda lagu sheegay 18-jir ayaa waxaa ay
hooyadeed ku dishey magaalo ku taal dalka Norway. Gabadhaasi
mindi ayey hooyadeed madaxa kaga dhifatay. Isla goobtii ayeyna
hooyadaasi ku geeriyootey.
- 8-dii maarso-2006. Nin
soomaali ah oo 32 jir ah ayaa waxaa uu ku diley xaaskiisii dalka
Finland. Gabadhaas da`deedu waxaa ay ahayd 25 jir. Ninkaasi
waxaa uu adeegsadey toorey. Hooyadaas waxaa lagu hor diley wiil
yar oo ay dhashay oo da`diisu tahay sannad iyo bar jir.
- 25-kii juun-2005-tii.
Nin soomaali ah oo la yiraahdo Jamaal ahmed sheekh ayaa xero
qaxooti oo ku taal dalka yeman ku gowracey xaaskiisii oo la oran
jirey Sahro Xilwo.
- 5-tii Janaayo-2005-tii.
Nin soomaali ah ayaa xaaskiisii oo xaamilo sagaal bilood ah ku
gowracey magaalo ku taal wadanka Norway. Waxaa kale oo
dhacdadaan ka horeysey mid kasii naxdin badan, taas oo ah
kolkii uu nin soomaali ahi bireeyey laba caruur ah oo uu dhalay
iyo hooyadood. Dhacdadaas naxdinta lihi waxaa ay ka dhacday isla
Norway.
Maxaa sababi kara dilka noocaan ah.
Dilku waa mid weligiis ka dhex
dhici jirey bulshada soomaaliyeed. Dilkaasu sida aduunyada kaleba
waxaa uu ku saleysan yahay waxyaalo kala duwan sida: Siyaasad, diin,
xoolo, qabiil iwm. Dilkaasi waxaa uu inta badan ka dhex dhacaa laba
nin ama dhowr nin. Taas waxaan ula jeedaa in la isdilo oo la isku
dilo arimaha aan kor kusoo sheegay waxaa ay ku badan tahay ragga
dhexdooda. Balse kolkii la eego taariikhda soomaalida, waxaa aad u
yareyd in nin ama naag ay disho kuwii jirkeeda/kiisa ka soo goày.
Kuwaas oo ah ilmaha ay labada qof dhaleen. Waxaa kale oo iyana aan
ku badnayn dhaqanka soomaalida inuu nin caafimaad qabaa xaaskiisa
dhegta dhiiga u daro.
Waxaa dhaci jirtey, welina dhacda
in dumarku kolka ay maseyraan isku dayaan iney waxyeelaan ragooda.
Taasna kolkii la weydiiyey ninamka ku takhasusay cilmi nafsiga,
waxaa ay sheegeen in qofka dumarka ah ee lala guursadey ay ayaamaha
hore ku sugan tahay xaalad maskaxeed oo wareersan. Taas oo haddii
ninka naagta qabaa aanu si cilmiyeysan u wajahin, laga yaabo in
waxyeelo timaado. Maanta waxaan aragnaa in isbedel weyn uu ku yimid,
dhaqankii soomaaliyed ee diinta ku saleysnaa. Taas oo ay ka mid
tahay aabe gowracaaya ilmihiisii, ama hooyadii dilaaya iyadoo
ilmihiisii caloosha ku sida.Waxaan kaloo aragnaa Ubadkii lagu soo
rafaaday, caloosha lagu sidey 9 bilood, wax badan loo soo jeedey, la
siiyey cunno iyadoo hooyadii baahan tahay, ay si sahal ah waalidkood
dhegta dhiiga u daraan. War xagee beynu ku soconaa!!!!! Bal wax
yar halkan ku istaag, adigoo fekeraaya. Maxaa qaldamay? Maxaa la
qaban karaa? Maxay arimahakani ugu badan yihiin soomaalida qurbaha.
Waxyaalahaan soo socda ayaan u arkaa iney sababeen isdilka noocaan
ah.
Rajadii uu qofku qurbaha ka
qabey oo meel mari weydey
Dadka soomaalida ah waxaa ay
yimaadeen qurbaha iyagoo rajadoodu ay aad iyo aad u sareyso. Iyagoo
ku haminaaya iney wax badan naftooda u qabtaan. Isla markaasna ay
ehelkoodii caawinaan.Hamigaasi waxaa uu noqon karaa mid dhaqaale ama
mid waxbarasho. Waxaa uu qofku aaminsanaa inuu si sahal ah shaqo ku
helaayo, ama uu si fudud ku gelaayo jaamacdaha wadanka.
Arimahaas badankood waxaa ay
noqdeen kuwo lagu hungoobey. Waxaa dhacday in soomaalidii dhib kala
kulmeen wadamadii ay tageen badankood. Taasoo ay ka mid tahay shaqo
laàan iyo noloshii wadankaas oo ay gebi ahaanba la qabsan waayeen.
Rajadii ay dadku qabeen kolkii ay qurbaha imaanayeen iyo xaqiiqdii
ay la kulmeen ayaa noqotay mid aan isudhigmin. Dad badani waxaa ay
ka mid noqdeen dabaqada ugu hooseysa bulshadan ay u yimaadeen. Waxaa
laga yaabaa in qofkaasi dabaqad sare ku jirey kolkii uu joogey
wadankii soomaaliya. Rajadaas lagu hungoobey waxaa ay dhalisay in
dad badani ay galaan xaalad jahwareer maskaxeed ah ( psychological
vacuum). Xaaladaas oo keenta inaan qofkuba ogeyn waxa uu sameynaayo.
Qofku waxaa uu noqonayaa mid careysan oo doonaaya inuu aargoosto,
balse aan garaneyn ciddii uu ka aargoosan lahaa.Haddii aan xaalada
qofkaasi ku sugan yahay si deg-deg ah wax looga qaban, waxaa iman
karta inuu shakhsigaasi waxyeelo geysto. Waxyeeladaasina sida ay
sheegeen aqoonyahanada cilmi nafsigu waxaa ay ku dhacdaa dadka qofka
ugu dhow. Kuwaas oo badanaaba ah xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Qaab nololeed ka duwan kii
soomaaliya.
Qaabka nolosha ee kolkii la joogo
dalka soomaaliya ayaa aad uga duwan, tusaale ahaan kan ka jira
wadamada reer galbeedka. Kolkii soomaaliya la joogo qoysku waxaa uu
leeyahay hab- nololeed qof walbaa yaqaan kaalinta uu ku leeyahay.
Xaasku kaalinteeda hooyanimo ayeey taqaan, aabuhu kaalintiisa
aabanimo ayuu yaqaan, caruurtu kaalintooda caruureed ayey yaqaanaan.
Wax isku dhex yaac ahi haba yaraadee ma jiraan. Qofkii reerka ka mid
ah ee kaalintiisa ka leexdana waxaa jira qaab loola dhaqmo. Waxaa
kaloo iyana muuqata kaalinta bulshada, hayàdaha dowlada, iskoolada,
caafimaadka, qaraabada iwm. Waxaa kolkii qurbaha, gaar ahaan
wadamada reergalbeedka lasoo galay, gebi ahaanba burburay qaab
nololeedkii reerka soomaaliga ah.Aabayaashii waxaa intooda badan ku
dhacday shaqo la àan. Doorkii aabaha ee ahaa madaxa reerka ugu
sarreeya ayaa meesha ka baxay. Qoysaska intooda badan waxaa biila
haàdaha cayrta bixiya. Kaalintii aabaha ee ahayd inuu reerkiisa
masruufto ayaa iyaduna ka baxday meesha. Doorkii hooyada ayaa iyana
mugdi gashay. Waxaad arkeysaa qoysas badan oo ninkii iyo xaaskii si
aad ah ugu tartamayaan ciddii reerka madax u noqon lahayd.
Tartankaas labada qof ee isqabaa waxaa uu marar badan isu bedelaa
mid cadowtinimo xambaarsan, iyadoo qofba uu doonaayo inuu ka adkaado
kan kale.
Arimahaasi waxaa ay ugu dameynta
keenaan in reerkii burburo. Taasoo dhalisa in ciyaalkii laysku
qabsado, xaaladuna ay gaarto heer gacan ka hadal ah. Doorkii
caruurta ayaa isna isbedeley kolkii qurbaha lasoo galay. Caruurtu
waxaa ay tacliin badan iyo hogaamin ka helaan bulshada tirada badan
ee lala noolyahay. Waxyaalahaas ay curuurtu bulshadaas qalaad kasoo
bartaan ayaa badanaaba ka hor yimaada dhaqankii iyo habnololeedkii
reerka. Halkaasna waxaa ka bilaama isfaham Laàan iyo dagaal dhexmara
waalidkii iyo caruurtii. Waxaa iyana dhacda in labada waalid midkood
caruurta la safto isagoo ku raacaaya dhaqankii xumaa.Waalidkaas oo
bilaaba inuu u cudurdaaro caruurta isagoo leh” waa dhalinyaro, waa
fiicnaan doonaan iwm.
Maxaa xal ah?
Qof kasta oo soomaali ah, gaar
ahaan dadka ku nool qurbaha waxaa arinkan ka saaran masuuliyad weyn.
Masuuliyadu ma aha mid harta, xitaa haddii qofku isku dayo inuu ka
dhuunto. Qaybahaan soo socda ee bulshada waa in mid weliba doorkiisa
ciyaaraa:
- Dadka u soo haajirey qurbaha:
Waa in ugu horeyn aan fahamnaa farqiqa u dhexeeya qaabkii aan u
nooleyn soomaaliya iyo qaabka wadamada reergalbeedka. Waa inaan
fahamnaa doorarka isbedeley ee dhinac walba taabanaaya. Waa
ineynu yaqiinsanaa in aan soo galay bulsho wax walba aan ku kala
duwannahay. Waxaa kala duwan qaabkii nolosha gebi ahaanba, waxaa
kala duwan doorka ninka, xaaska, waalidka, caruurta, macalinka ,
daqtarka iwm. Waa in aan helaa qaab aan ugu noolaan karno
wadamadaan reer galbeedka. Inagoon ka tegeynin waxyaalihii
fiicnaa ee dhaqankeena, isla markaasna ka qaadaneyna
dhaqamaadaan cusub waxyaalaha fiican. Waa in la badiyaa
wadatashiga lala gelaayo dadka culimada iyo aqoonhanada
soomaaliyeed ee wadamadaan jooga.
- Culimada diinta: Waa iney
dhibaatadaan isdilka ah aad uga hadlaan. Waa iney dadka u
bayaamiyaan cawaaqib xumada ay leedahay in ehelkaaga la
gumaado.Waa iney muxaadarooyin arinkan ku saabsan qabtaan. Waa
arinkani noqdaa mid ku jira ajandayaasha shir sanadeedyada
culimadu qabtaan. Waxaan marar badan ka qayb galay shirar lagu
casumey culimo waaweyn oo soomaali ah. Balse habayaraatee aan
lagu soo qaadan dhibaatooyinkaan isdilka ee aan kor kaga soo
hadalay. Waxaad arkeysaa shiikh ka hadlaaya arimaha Falastiin,
jejniya, ciraaq, dowladii cusmaaniyiinta, afganistaan, itoobiya
iwm balse balse aan marna xuseyn shicibkan uu ku dhexnool yahay
ee caruurta saqiirada ah qaarkood gowracayaan. Waa in wax laga
bedelaa shirarka islaamiga ah oo ay noqdaan kuwo ka hadla dhibta
haysata dadka ku nool qurbaha iyo sidii looga bixi lahaa.
- Aqoonyahanadu waa iney iyaguna
doorkooda ka soo baxaan. Waa iney badiyaan wacyi gelinta. Waa
iney kulano iyo seminaaro qabtaan. Waa iney qoraalo sameeyaan.
Waayadaan dame waa laga yaaban yahay waxa ku dhacay
aqoonyahankii soomaaliyeed. Meel walba waa ka maqan yihiin.
Nasiibdaro in badan oo ka mid ahi shahaadooyinkii intey
armaajooyinka ku xirteen ayey ka doodaan meelaha fadhi kudirirka.
- Haweenka: Waa iney ku jiraan
kaalintoodii sharafta lahayd ee reerka. Waa tii mar hore la yiri
hooyadu waa saldhiga reerka. Waa in markasta hooyadu miisaanto
nolosheenii hore ee soomaaliya iyo tan taal reergalbeedka. Waa
in talaabo kasta oo la qaadayo la eegaa: Maxaa u dan ah caruurta:
Waa in hooyada wax fahamtey ay isku daydaa iney wacyi geliso
hooyooyinka kale. Waa inaan baranaa inaan ka shaqeyno dhinaca
wanaaga. Waa in reerku xoogooda iyo xeeladooda isugu geeyaan
sidii loo soo saari lahaa ubad anfaca, waalidkiis, diintiisa,
dadkiisa iyo dalkiisa. Ubadka noocaas ah, waalid dagaal iskula
jiraa masoo saari karo.
- Dhalinyarada: Waa in aan
bulshada kaga dayanaa waxyaalaha wanaagsan sida waxbarashada iyo
qofku inuu meel iska soo saaro. Waa in dhalintu sameystaan ururo
dhalinyaro oo isku xiran. Waa in la xoojiyaa isku xirnaanta
dhalinyarada iyo aqoonyahanada.
- Ururada qurbaha ka jira:
Nasiib daro ururada qurbuhu kuma saleysna fikir balse waxaa ay
ku saleysan yihiin qaab qabiil. Kaas oo ah qaab urureedka keliya
ee dadka soomaalida ahi fahmaan. Waxaa cad in urur qabiiladu
xitaa aaney qabiilka uu sheegaayo inuu matalo aanu waxba u qaban.
Maxaa yeelay dadka iswada diley oo caruurtoodii iyo xaasaskoodii
diley qabiil bey ka dhasheen. Halkaas waxaa ka cad in urur
qabiil aanu waxba tareynin ee waa in la helaa ururo soomaaliyeed
oo cilmi iyo fikir ku saleysan, bulshadana wacyi geliya.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen- Eskilstuna-
Sweden
Title: Fil.Mag. in economics
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006