SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardeygii soomaaliyeed ee  lagu dilay malaysia oo manta la aasay

janaayo 24, 2009: Waxaa manta magalada kuala lumpur  ee caasimada dalka Malaysia lagu aasay marxuud C/khadar C/qadir  Saciid oo kamid ahaa ardeyda Soomaaliyeed ee tacliinta u joogta dalkaan, kaas oo maalintii shalay aheed ugeeriyooday dhawac aad u halis ahaa oo ey ugeesteen  qolyo naxariis lawayaal ah oo kamid hindida madowga ee u dhalatay dalkaan Malaysia   oo sida la sheegay ey is gaareen.

Kadib baaritaan ey  ku sameeyeen police ka marxuumka,  ey ku daba galayeen cida ka dambeysay dilka gardarada ee marxuum C/khadar oo eyna wali shaacin waxii ka soo baxay , ayaa marxuum ka meydkiisa  looso qaaday jamacadda  Islamic University  Malaysia, halkaas oo ey kula dukadeen salaadii janaasada boqolaal  kabid ardeyda  ey marxuum c/khaddar  tacliinta  isla baran jireen, kuawa ka yimid jamacado fog fog , iyo qaar kamid ah   somalida kunool dalkaan kuwaas kakala yimid xaafadaha kaladuwan  kuala lumpur 

Aaska marxuud c/khaddar ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay hormuud ka jamacadda INSANIYA  oo ah jamacada uu dhigan jiran  marxuum ka , hormuudka jamacada  Islamic University  Malaysia oo aheed halka mar xuum  salaada janaasada lagula tukaday, xubno ka socday police ka, jaliyada Somalayed ee Malaysia iyo madaxa ururka ardeyda soomaaliyeed, kuwaas oo dhamaan tood wajiyadooda hareysay murugo iyo diirayo ku aadan dilka gardarada ah oo ey qolyo naxariis lawayaal ah kula kaceen ardey dalkiisii hooya uga soo hayaamay taliin kororsi darteed.

Falka dhaawaca oo marxuumka ugeeriyooda oo ahaa mid aad iyo aad u darnaa kaas oo markii horeba dhaqaatiirta cisbitaalka ka deyriyeen ayaa kooxdaan arxan laawayaasha  u adeegsadeen faasas,baan gado iyo waliba ayaga oo la dhacay koofiyadaha  la gashto marka  la kaxeynayo mootooyinka ee looyaqaano helmad ka.

Marxuud c/khadar c/khadir Saciid Allaha unaxariistee waxa uu ka mid ahaa ardeyda somaliyeed ee faraha badan ee dalkaan u jooga tacliinta  kuwa ugu  firfir coon  waxa uuna dhigan jiray  jamacadda  INSANIYA  oo ku taala gobol kafog casimada taas oo markii shilkaan qabsanayay marxuumka uu fasax ku joogay magalada kuala lumpur. 

Dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee jamacadda kala gadisan kadhigta dalkaan malaysia ayaa waxa dareen naxdin aad ah ka muujiyey geerida ardeygaan ey tacliinta  wadaagi jireen oo ey dishay  gacan ka gardaran,  waxa eyna u sameyeen unaasabado tacsi ah oo ey ugu duceeyeen marxuud in uu ilaah ugu bishaareeyo janadiisa  fardowsa.  

Mahan markii ugu horeysan ee ardey ajanabi ah dil gardaro ah loo geesto sida marxuud C/khaddar , balse waxa ey aheed dabayaaqadii sanadii aan ka soo gudubnay markii ey kooxa gangis malaysian ah dil toorey ah ugeesteen ardey u dhashay dalka Chad  isla xafada dilka loogu geestay Allaha una xariistee  marxuum C/khadar C/qadir Saciid

Ugu dambeytii dhamaan ardeyda somaliyeed ee malaysia   gaar ahaan ardeyda puntland waxa ey halkaan  u marinayaa tacsi tiiraayo ah eheladii iyo qarabadii uu marxuum ka kabaxay waxa eyna leeyihiin sabar iyo iimaan Ilaah  idinka iyo anagaba . 
 

Wariye : Saciid Xuseen  Cabdi (Macruuf)
Macruuf09@hotmail.com 
Malaysia  

TACSI: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Pakistan

Hadaanu nahay Jaaliyadda Somaliyeed ee wadanka Pakistaan waxaanu aad iyo aad uga xunahay geerida naxdita leh ee kutimiday Khadar C/qadir siciid oo ahaa arday somaliyeed ee wax ka baranayey dadlka Malaysia oo ay budhcad aan naxidin layni six un u dileen.. waxaanu dhamaan uga tacsiyenaynaa geridaas ku timid ardayga somaliyeed eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo dhamaan bahda wax bararashada.

Talo
Hadaan nahay jaaliyadda somaliyeed ee wadanka Pakistan.
Waxaan kula talinaynaa Jaliyadda somaliyeed wadanka malaysiya in ay noqdon dad isku duuban oo arinkan naxdinta leh halmeel uga soo wada jeestaan siday ku ogaan lahayeen cidii kadanbaysay falkan amaba ku kacday si aanuu usoo noqnoqon arinkan mid lamida waa in aan dhexdiina laga faa iidasan oo laydinka dhigin in arinkan cidgaara lagala xaajoodo , waa in laydiin arkaa in aad tihiin dad isu xidhan
Sidaas uun ayaa lagu gaadhikaraa xalka ugu danbeeya ee lagu ogankaro falkan cidii samayay.

by Abdirizak Abdurahman Said (Surad)
Community Organizer
Pakistan Islamabad
surad2500@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 24, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS