SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika, kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, hab-dhiska qashin saarka iyo dheefshiidka.

Soomaalida ku dhaqan dalka South Africa waxay cabsi badan ka qabaan cusbitaalada dalkan. Kadib markii ay arkaan bili-laqeysi joogta ah oo lagu sameynayo meydadka Soomaalida ee dalkan. Dhamaan raga iyo dumar Soomaalida ku dhimatay dalkan ayaa waxaa cusbitaalada loogala baxaa xubnaha qaaliga ah ee jirka sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, xitaa hab-dhiska qashin saarka iyo dheefshiid-ka. 

Ka bixinta xubnahaasi ma jirto cid lagala tashado iyo cid wax iska weydiisan Toona. Dadka qaar waxay muujinayaan tuhun ku aadan in cusbitaalada dadka lagu dhameystiro. Si loogala baxo xubanaha qaaliga ah ee jirkiisa.  

Waxaad sawirada warbixintan la socdo aad ka dheehan kartaa will Soomaaliyeed oo lagala baxay dhamaan xubnaha qaaliga ah ee jirkiisa, sdia aad arki karto waxaa sakiin laga mariyey fuqa sare ee madaxa ilaa iyo kaadi heysta. Wadadaasi ayey mareen dhamaan Soomalida ku geeriyootay dalkan, si waliba ee ku dhimato qaab-ka shilka ah. Haddii ay ahaan laheyd xabad ama shil baabuur.



 sawirada meydka nin Soomaali ah

Taa waxaa sii dheer dhamaan meydad-ka Soomaalida ee halkan ku dhintay waxaa cusbitaalda looga soo saaraa lacago laaluush ah, si loo aaso. 

Dalkan ayaa ah dalkii seddaxeed dalalka Brazil iyo India oo caan ku ah ka ganacsiga iyo bili-qeysiga xubnaha aadanaha. 

Xuseen Maxamed Geedi (xeynuuf)
Cape town - South Africa

Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com
MuqdishoSomalia
002521576666/002521653623


Dhibaatada Soomaalida ku haysata Wadanka Koofur Afrika oo sii kordheysa.

Sept 23, 2006

 
Dalka koofur Afrika waxaa ku nool Soomaali gaareysa 15,000(shan iyo toban kun) oo ah qaxooti ku nool waxa ay shaqeystaan,kuma lahan safaarad kumana lahan xaquuq waxa ay ku nool yihiin cabsi xooggan oo kaga imaanaysa dhac loo geysto goobo ganacsi oo ay leeyihiin bishii aan soo dhaafnay waxaa la dilay illaa 34(sodon iyo afar) soomaali ah laguna dhex diley goobahoodi ganacsi.
 
Yusuf Bahar Abdullahi Sheekow oo ahaa ganacsade dukaan ku lahaa magaalada bartankeeda ayaa lagu dhexdilay  xaruntiisa ganacsi oo ku tiiley xaafada Delf kadib markii isniinti (18.09.06)kooxo dabley ah ay weerar ku qaadeen waana qofka ugu dambeeyey ee la diiwaan galiyey waxaanay uu boolisku wadaan baaritaano lagu baadigoobayo kuwii falkan geystay sida ay ku warantay Gabar Afhayeen u ah booliiska oo lagu magacaabo Novela Patelwa.
Safiyo Xaaji oo ka muregeysan seygeedi oo lagu dilay koofur Afrika.
Photo: Leon Lestrade.
 
Safiyo Xaaji oo ah Xaaska Yusuf Baxaar Heysatana Shan Caruur ah Ayaa u sheegtey Wariye la kulmay in ay ka walwal san tahay sii joogintaankooda wadanka mar haddii Aabihii laga diley ayna qasab ku tahay in ay ku laabato wadanka Soomaaliya Hadaladii ay siisey Warbaahinta ayaa waxaa ka mid ahaa"Waxaan heley Telefon igu leh wuu geeriyoodey Saygaadi,Waxay igu noqotay Facajisoc iyo filan waa,Xaaladeena waxa ay ku jirtaa Qatar,Kuma lahin Calan,Mana Lihi Wadan,Xuquuqna kuma lahi Maxaan Sameeyaa"Xaqiiqo ahaan dadkaasi waa dhibanayaal aan la ogeyn oo aysan jirin cid uga dooda dambiga lagu Hayo.
 
Cabaas Yusuf oo ah Gudoomiyaha Jaalid ay soomaalida ku leeyihiin koofur afrika oo lagu magacaaboo Somali Association of South Africa (Ururka Soomaaliyeed ee Koofur Afrika)loona soo gaabiyo (SASA)  ayaa yiri"xaqiiqo ahaan soomaalida halkan waxaa ku heysata cabsi xooggan waayo waxaa dhiigeena lagu daadiyaa Mar walba ciidda waddankan,ma jirto sabab aan halkan u sii joogno"
 
Loren Landau oo madax u ah ururka Midawga Danaha Qaxootiga ayaa Yiri"Wadanka waxaa ku nool Ajaanin kala duwan oo ka jeeda waxaana gooni ahaan loo ugaarsadaa Soomaalida,Taasna waxa ay la xiriirtaa in ay yihin dad kaga duwan muuqaalka dadka kale oo hanti leh ganacsi firfircoona leh markaan si qota dheer uga hadalnana ma jirto cid u dooda"Soomaali waxa ay Ganaciyo Kala duwan ka sameeyeen Meelo badan oo ah wadanka gaar ahaan miyiga iyo magaalooyinka waaweyn.
 
Jacob van Garderen oo ah loyar u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Yiri"Wadanka SA waxaa ka jirta Shisheeye Nacayb lagu takooro dadka ajnabiga ah iyo weeraro joogto ah oo lagula kaco"sidoo kale Dosso Ndessomin oo madax u ah Dalad ay ku mideysan yihiin 14 jaaliyadood oo ah dadka Qaxootiga ah Koofur Afrika ayaa sheegay in si gaar ah ay Soomaalida looga takooro shucuubta kale ee ku nool wadanka marka loo fiiriyo taasna xadgudub in ay tahay ayuu ku tlmaamay.
 
Mas'uuliyiintan ayaa ka hadleyey kulan ay La yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee ku nool Koofur Afrika mar laga doodayey Dhibaatada Dilka iyo Dhaca ah ee Soo food saartay Soomaalida ku Ganacsata Wadankaas.
 
Muddo Laga Joogo Laba Todobaad ayaan kula kulmay gobolka W/bari Bari oo ay Soomaalida Dagaan Kenya Qoys laba wiil oo walaalo ah looga diley Wadanka Koofur Afrika xili ay ku jireen Dukaan ay wada lahaayeen oo ku yaaley Bartamaha Magaalada.
 
Dad Badan ayaa hadda ku tala jira in ay ka soo laabanayaan wadankaas halka kuwo badana ay ku adkaysanayaan in ay sii  joogayaan maadaama aysan jirin sida ay tilmaameen shaqo ay ugu laabtaan Wadankooda ee Soomaaliya.

Anab Mumtaz Mohamud
canabmumtaz@hotmail.com

Qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo lagu dilo bil Gudaheed Dalka Koofur Afrika..

Sept 2, 2006: Wararka naga soo gaaraya Dalka K/Afrika waxay sheegayan in habeen hore Magaalada Kapetown lagu dilay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Saalax Jaamac oo Ganacsade ahaa waxana dilkiisa loo adeegsaday Toorey, kaddib markii ay soo weerareen Afar nin isagoo xiligaas ku sugnaa goob ganacsi oo uu lahaa.

Waa qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo bil gudaheed lagu dilo Dalka K/Afrika, waxaana labo todobaad ka hor dalkaasi lagu dilay Dhowr qof oo Soomaali ah, markii xarumahoodii ganacsiga lagu soo weerary, ilaa iyo haddana Dowladda Wadanka K/Afrika cidna uma qaban dhibaatooyinka loo gaysanayo dadka Soomaaliyeed, oo iyagu ganacsi furufuran ka bilaabay Wadanka K/Afrika.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD