- Reer Olso waa u
Iid ururka PMV na waa u Oohin - W/Q:
Khadiijo Warsame
Maxaa Ayaan oo
dhan ka dhigaya Ayaan Darran ? - W/Q: Aamina Xusseen
Reer Olso waa u Iid ururka PMV na waa u
Oohin
Salaanta Islaamka ayaan salaamayaa dhamaan
aqristayaasha Soomaaliyeed waxaana mahad gaar u celinayaa web site yada
Soomaaliyeed ee iyagu u guntaday in ay nasoo gaarsiiyaan wararka.
Waa farxad aan la koobi karin in waranka
lala beegsaday dadkii Soomaaliyeed ee sheegtey Ururka Haweenka Soomaaliyeed
ee Oslo ee ka hoos shaqeeya PMV iyo Kanisada Magaalada Oslo.
Waxaan ahay shaqsi ku nool Oslo oo aad uga
xumaa falalka ururkaas oo iyagu mar kastaa ah kuwa tuma Music iyo falal aan
wanaagsanayn waxaan lahaa malin bay fashilmaysaa arintaan taasoo maanta la
gaaray maalintii aan sugayay iyadoo la kashifay ceebo badan waxaana Ilaaha
ka baryaayaa gabarta soo qaadatay warkii wadaada ee sheeko in badan la
sugayay in ay fashilanto ka shaqaysay in ay gaarsiiso bulshadii u baahnayd
inuu Ilaah siiyo cimri dheer una danbi dhaafo.
Ururkana waxaan u sheegayaa in ay Ilaahay
usoo noqdaan kana baxaan facshirka ay dhex taagan yihiin iyagoo dad waawayn
ah Ilaahyan u soo noqdaan irsaaqadana meel kale u doontaan ayna badbaadiyaan
ilmahooda kuna barbaariyaan wanaag iyo diin ee aysan kaliya eegan dhaqaalaha
Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri aduunka waa qurux iyo faan iyo cayaar
cayaar waqtigana waa yar yahay ee ogaada waxaana u sheegaya umada
Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay maanta tahay aalin u ah Ciid reer
Oslo balse oohin u ah ururka PMV.
Khadiijo Warsame
khadiijooslo@yahoo.com
Oslo Norway
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Maxaa Ayaan oo dhan ka dhigaya Ayaan Darran ?
Anigoo la ilmaynaya dhag xumada iyo fool
xumada ay horseeday Ayaan Xersi lana yaaban oo is waydiinayaa maxaa
gabartaan Soomaaliyeed gaarsiiyay heerkaan kana xun xaqiiqdi waxa ay
samaynayso oo Ilaahay mar walba ka tuuga inu towfiqda na waafajiyo ayaa
waxaan aqriyay qoraal ku saabsan urur Soomaaliyeed oo la shaqeeya Kaniisad
ku taal dalka Norway magaaladiisa Oslo waxaan ka yaabay waxa ku kalifay urur
Soomaaliyeed ee hadana xambaarsan magac qaali ah oo ah Ururka Haweenka
Soomaliyeed ee Oslo ayaan is iri maxaa oo ceebeynayaa magaca haweenka
Soomaaliyeed ee sharafta leh, maxa baday kaniisada, ayaa waxaa iigu darnayd
markaan arkay qoraal ay isla fiican tahay gabar la yiraahdo Ayaan oo leh
waxaan nahay dad fiican iyadoon cadayn in ay kaniisad la shaqayso iyo in
kale.
Waxaana isla markiiba markale muraalo
dilaacay markaan arka inuu magaceeda yahay Ayaan anagoo la yaaban Ayaan tii
hore ee Holland ee dunida qastay ayaa misna ay soo baxday Ayaan kaloo
kaniisad la shaqaysa markaasaan intaan gacmaha kor u taagay iri ilaahoow
ceeb astur ee maxaa Ayaan oo dhan ka dhigay Ayaan Darran.
Wabilaahi Toowfiq
Aamina
Xusseen
aaminaxusseen@yahoo.com
Denmark
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
Faafin: SomaliTalk.com | Dec
21, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com

|