SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

MARXUUM: CALI WARSAME CALI OO KUGEERIYOODEY MINNESOTA

Wararka ka imanaya Minnesota ayaa sheegaya in Marxuum: Cali Warsame oo ahaa oday Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 66jir ayaa waxaa Arbaca 24, 2001 Octobar shaaca lagaqaaday in uu ku geeriyoodey Minneapolis.

Marxuumka waxaa markey taariikhdu ahayd 14 Octoobar 2001 laga helay meel baska laga raaco uu kutaal ama u dhow agagaarka isgoyska E. 17th St. iyo Chicago Av. S. isaga oo lagaraacay, ama wajiga waxlooga dhiftay, waxaana markaas dhaawacaas awgeed ladhigay cisbitaalka lagumagcaabo Hennepin County Medical Center.

Somalis call man's death a hate crime
Friends describe Ali Ali as a gentle man who enjoyed helping other Somalis with their English.
He was 66 and lived with his wife and grown children in Minneapolis.
He was proud of becoming a new American citizen just last month.
He was waiting for a bus on a Sunday afternoon when he was attacked and beaten unconscious 11 days ago.
...His friends, family and many in the Twin Cities Somali community say Ali was attacked because he was a Somali
pioneerplanet [01-10-25]

Waxaa lagu soo waramay in cisbitaalku uusan weli caddayn sababta geerida Marxuumka. Waxaase dadka u dhow marxuumka ay sheegeen in uu u geeriyoodey dhaawacii lasoo gaarsiiyey kadib markii la garacay.

Marxuumka waxaa salaada Jinaasada Lagu tukanayaa Khamiista (maanta Oct 25, 2001), iyadoo sida lagu wado isla maanta la aasi doono.

2001-10-25

SOURCE: Wargal Jooga Minneapolis, MN

StarTribune oo Qortay in Marxuum Cali Warsame Ladiley

Sida uu maanta, Jan 9, 2002 qoray wargeyska StarTribune, marxuum Cali Warsame waxa uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerar loogeystey awgeed.

Sida uu wargeysku qoray, Talaadadii ayaa madax kasocda cisbitaalka "Hennepin County" waxa uu sheegay in weerar loogeystey [marxuumka] ay ahay sababta uguweyn ee uu u dhintay marxuumku, waxana uu caddeeyey in arintaasi ay tahay dil [a homicide].

Xafiiskaasi markii hore waxa uu sheegay in Marxuumku, [Cali Warsame Cali], dhimashadiisii October 23keedii 2001 ay ahayd dhimasho caadi ah [natural causes]. Garry Peterson, oo kasocda baarayaasha caafimaad ee cisbitaalkaas waxa uu sheegay in Marxuumka dhimashadiisii ay ahayd mid cakiran, laakiin ayuu yiri "markaan dhammaan arimaha isu geyney waxaan garwaaqsanay in ay jirto caddayn waadax ah oo toos isugu xiriirineysa dhaawacii marxuumka iyo dhimashadiisii". waa sida wargeysku hadalka u dhigaye.

Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata waxa uu qoray in Garry Peterson "dadku ma garwaaqsana in qof weyn oo madaxa lagu dhifto isagoo taagan ay ahaan karto dhaawac dhimasho keena".

Soomaalida Minnesota iyo ehelka marxuumku waxay rumaysanyihiin in cadaawad kadhalay qoraal uu qoray Wargeyska StarTribune ay sabab u ahayd dhimashadii marxuumka.

Qoraalkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose:
Somali man's death ruled a homicide
David Chanen, Startribune, Jan 9, 2002


Qoyska Marxuum Cali Warsame Cali oo Kufaraxsan Baaritaanka FBI ay Dib u Baareyso Dhimashadii Marxuumka

Qoraalkii AMY MAYRON | Pioneer Press | Minneapolis, MN, USA
Tarjumadii SomaliTalk | Nov 17, 2001 | Ramadan 2, 1422

English Version - Read here

Warar aan kasoo xiganey wargeyska Pioneer Press ee kasoo baxa Minnesota ayaa tibaxay in qoyska Soomaaliyeed ee uu kageeriyoodey Marxuum Cali Warsame Cali ay weli rumaysanyihiin in geeridii marxuumka ay sababay dembi kadhashay nacayb ayna hadda ku faraxsanyihiin in FBI ay baareyso sidii uu marxuumku u geeriyoodey.

Marxuumka oo da'diisu ahayd 66 jir waxa uu  dhintay 22kii Octobar, 2001, hal toddobaad kabacdi markii galab Axad ah lagahelay meel basaska lagaraaco ee Magaalada Minneapolis. Qoyskiisa iyo jaaliyadda Soomaalida ee labada magaalo ee mataanaha ah [Minneapolis/St.Paul] waxa ay rumaysanyihiin in nin caddaan ah uu sooweeraray marxuumka, tan oo ku xiriirsan nacabka kadhashay Sept. 11 xaalada shakiqabka ah ee kuwajahan Muslimiinta.

Booliska Minneapolis mahelin wax muujinaaya in Cali laweeraray, sidaas waxaa yiri afhayeenka booliska, laakiin ay siiwadayaan baaritaanka. Qof arintaan arkayey ayaa toddobaadkan sheegay in uu arkay in nin ballaaran oo caddaan ah uu Cali wajiga kafeeray. Qofkaan cusub ee goobjooga arinta u ahaa [arkayey] ayaa sababay in FBI-du xaaladda dib u eegaan.

Qoyska Cali siweyn ayey uga calool xumaadeen baaritaankii [dhimasha marxuumka], waxana ay yiraahdeen boolisku waxa ay iska dhegatireen dadkii goobjooga u ahaa arinta kuwaas oo bilowgiiba u sheegay in ay arkeen weerarka, waxa kale oo qoysku ka xumaadeen in aanba booliska gebi ahaanba iyaga [waa qoyska'e] laba soo xiriirin.

"Waxaan ku faraxsanahay baaritaanka FBI-da" sidaas waxaa yiri Cabdi Warsame oo ah wiil uu dhalay marxuum Cali. "Waxaan aaminsanahay waxa goobjoogu sheegay. Waxaan aaminsanahay in dembi-nacaybeed ay ahayd sabatii uu u dhintay aabahay" ayuu ku daray Cabdi hadalkiisii.

Baaritaankii[yahanadii] daawada, kuwaas oo weli sugaaya jawaabtii baaritaanada lagusameeyey marxuum Cali, waxa ay [Cabdi] Warsame u sheegeen in aabihiin u dhintay dhimasho caadi ah, lagayaabee wadnaha oo istaagey, ayey yiraahdeen. Warsame wuxuu intaas ku daray in uu arkay nabar [dhaawac] wajiga aabihiis kuyaal iyo in ay dhakhaatiirtu u sheegeen in aabihiis uu sidoo kale lafta madaxa ay lahayd jabniin.

Qof kasocda FBI ayaa subaxdii Khamiista waraysi su'aalo weydiin ah la yeeshay Rev. Larry Wesley oo shaqo [part-time] ugu shaqeeya Catholic Charities, tan oo kutaal kasoo horjeedka meesha basasku istaagaan ee Cali taagnaa. Wesley waxa uu yiri in uu arkay nin wajiga kudhiftay Cali taas oo Cali uu dhulka kudhacay, xoogaas uu dhulka ugu dhacay oo sababay in jirka Cali kor ugasoo boodey dhulka.

Wesley wuxuu arkay ninkii oo cararay iyo laba qof oo goobjoogayaal ah oo isku deyaya in ay cayrsadaan ninka. Wesley wuxuu ku orday in uu caawino Cali, kaas oo markaas merganayey [margasho] oo mantagaayey [hunqaacid], iyo in [Cali] uusan kalagaranayn waxa dhacay.

Wesley wuxuu yiri wixii aan arkay waxaan u sheegay sarkaal Booliis ah, waxaana siiyey tilman qiyaas ah (mugdikujiro) ee ninkii [cararay] iyo in uu sarkaalka u sheegay sida uu ulasoo xiriiri karo. Sarkaalkiina wuxuu Wesley usheegay in uu lasoo xiriiri doono haduu waxkale uga baahdo.

Wesley, oo yiri ma daawado Televisionka ama ma akhriyo wargeysyada, ma ogeyn in Cali dhintay ama ay arintani heerkaas gaartey. Jaaliyadda Soomaalidu waxay qabteen bannaanbax laba maalmood ka bacdi dhimashadii Cali, taas oo 400 oo jaaliyadda ay  kabannaanbaxeen dembiyada-kadhasha-nacaybka [hate crimes].

Qof kashaqeeya Catholic Charities ayaa Wesley tusay qoraal kuqoraa wargeys oo kusaabsanaa dhimashadii Cali, nin Soomaali ah oo agjoogey ayaa maqlay Wesley oo maarkaas dhehaya waan arkayey weerarkaas. Qof ayaa lasoo xiriiray goob wararka, kadib markii sheekadii Wesley labaahiyey ayaa FBI laxiriirtay isaga [Wesley].

Paul McCabe oo u hadlayey FBI ayaa sheegay in qareenka guud uu FBI-du in ay arintaan baarto u timaamay, si ay u baaraan in arintaan ay la xiriirto nacayb kadhashay maxsulkii Sept 11. FBI waxay arintaan kalashaqaynayaan Booliska Minneapolis.

"Waxaan dib u eegeynaa xaqiiqada sabatoo ah macluumaadka cusub" ayuu yiri [Paul], wuxuuna kusiidaray "Anaga waxaa waajib nagu ah in aan sida saxda samayno. Waxaan dareenay in ay mas'uuliyadana tahay in aan arintaan [baaritaanka] kaqaybqaadano."

 -Dhammaad-

Qoraalkaan waxaan kasoo xiganey wargeyska  pioneer pless Wargeyskaas ayaana leh xuquuqda qoraalka.

Qoraalkan oo Af-Ingiiisi ah ka akhri cinwaanka:
MINNEAPOLIS Family glad FBI is investigating Somali's death

SOURCE: pioneerplanet.com | November 17, 2001


Wararkii hore Marxuum Cali Warsame Cali
Marxuumka oo kudhintay Cisbitaal kuyaal magaalada Minneapolis  | Hoos ka akhri [[Minnesota ] Oct 25  
Somalis, Muslims denounce Star Tribune story
Watch the Video - From WCCOTV
"Somali and Muslim leaders on Monday denounced as inaccurate and irresponsible a Star Tribune story saying federal investigators believe that some Twin Cities-area Somalis sent money to a group linked to Osama bin Laden." StarTribune [Minnesota]
>> Somalis say news story is behind attacks on them
>> Somali and Muslim leaders dispute a newspaper report
>> Meeting to address reports of attacks on Somalis
>> Somalis and Muslims Dispute Report of Local
>> Local Leaders Deny Fund-Raising Link
>> Area donors may have given to Somali terror group

Somalis are Americans
BY: Mohamed Jibrell - When we turned on the radio Monday morning, the first thing we heard was about local Somali contributions made to organizations that may or may not be associated with Osama bin Laden. There is clearly some serious anti-Somali sentiment being generated by the Oct. 14 article, "Terror group may have received local funds," and we cannot understand why
Shirkii-Jaraa'id ee Soomaalida Minnesota oo Qabsoomay
somaliusa 


October 25, 2001- Shirkii jaraa'id ee ay Soomaalida Minnesota ku qabteen magaalada Minneapolis (Oct 24, 2001) ayaa lasheegay in looga soo qayb galay si baaxad leh, waxaana lagu soo waramay in shirkaas ay kasoo qayb galeen dad buuxiyey golihii shirka loo qoondeeyey, taas oo lagu qiyaasay ilaa 600 qof. GUJI HALKAN ama Akhri halkan Updated:

Janaayo 9, 2002


ALLAH HA U NAXARIISTO MARXUUM CALI WARSAME CALI (GABAN)

Anagoo ah dadka magacyadoodu hoos ku qoranyihiin, waxay tacsi gaarsiineynayaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeryoodey marxuum Cali Warsame Cali (GABAN) oo ku geeryoodey magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ,octoober 23. Waxaana tacsidaas lagaarsiinayaa ehalka marxuumka oo kala jooga mareykanka, europe, isutagga emaaraadka arabta(uae), somalia , khaas ahaan XINGALOOL, GOBOLKA SANAAG.

Waxaan eebe uga baryeynaa in ALLe uu marxuumka janadii ka waraabiyo, qoyskii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Waxaa tacsidaan diraya:

1. injineer nur yussuf isse
2.Abshir yussuf isse.
3.abdirizak yussuf isse.
4.lul yussuf isse
5.Ahmed farah artgos
6.jama omer ismail.
7.Ali salad ciiro.
8.said jama warsame.
9.jama abdulkadir daadey.
10.Abdulkadir haji mohamed.
11 .ahmed mohamed hassan.
12.mohamed said kukay.
13.sharmaarke said kukay.
14.Abdulkadir mohamoud rabah.
15.abdi ahmed moalim .
Dhammaan dadkan oo jooga dalka mareykan.

mahadsanidin.

injineer yousuf nur
yousufnur@hotmail.com
seattle washington USA.

October 26, 2001

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


Shirkii-Jaraa'id ee Soomaalida Minnesota oo Qabsoomay

Wararka Soomaalida: Minnesota, USA
 

October 25, 2001

Shirkii jaraa'id ee ay Soomaalida Minnesota ku qabteen magaalada Minneapolis (Oct 24, 2001) ayaa lasheegay in looga soo qayb galay si baaxad leh, waxaana lagu soo waramay in shirkaas ay kasoo qayb galeen dad buuxiyey golihii shirka loo qoondeeyey, taas oo lagu qiyaasay ilaa 600 qof.

Shirkaan Jaraa'id oo horay loosiiqorsheeyey, ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan qaybaha ay ka koobantahay Jaaliyadda Soomaalida ee deggan labada magaalo ee mataanaha ah, Minneapolis, St.Paul iyo nawaaxigooda.

Waxaa kale oo lagu soo waramay in ay shirkaas kasoo qaybgaleen mas'uliyiin katirsan Gobolka Minnesota iyo dawlada dhexeba. Waxaana mas'uuliyiintaas kamid ahaa:

Qoraalkii StarTribune kaqoray Shirkii Soomaalida [2001-10-25]
Somalis in Minneapolis discuss freedom and fear
QUOTES
....Somali students held signs that read "We are part of what makes America!" and "We send money to our parents."

...."We have no history of terrorism," Asha Ali said . "Our hearts fell with the twin towers. Our hearts bleed with the families" of the victims, she said while holding two American flags and one Somali flag.

.... Zabat Awed, who read a statement from the Minnesota Somali community, said: "One elder is already dead, beaten by hate mongers, many women have been harassed, children were taunted and rumors of death threats have spread through the community like wildfire. Stares from passersby in the streets have us wondering who is a friend or a foe."

... "We want to make sure you have a safe and happy home here in Minnesota," Inspector Sharon Lubinski, a Minneapolis Police Department said. "We take your safety seriously."

.... "It is against the law, immoral, unethical and un-American to target people because of their race, where they are from, or their religion," U.S. Attorney Tom Heffelfinger said.

... "I hate terrorism," Halima Farah said. "I came from war and we came here looking for peace. We don't need any more war."

.... the meeting's second purpose was to empower the community by giving them an opportunity to express their fear. Many, for instance, are apprehensive about riding the bus, Saeed Fahia said.

Qoraalkii wargeyska

  • Xeer ilaaliyaha Guud ee Minnesota
  • Sarkaal kasocda waaxda Caddaalada ee dawlda dhexe (federal Government)
  • Xil-dhibaan (Senator) iyo Qof kasocda Xildhibaan (representative)
  • Ururka "African American Community"
  • Xubno kasocda qabaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaalida Minnesota.
  • Warbaahinta/Saxaafada Gobolka Minnesota

Waxaa warku intaas kudaray in duqa magaalada ay safar dibada uga maqnayd Gobolka. Waxaase lasheegay in ay fariin dhaaftay.

Madaxdii halkaas ka hadlay waxay dhammaantood xuseen, sida warku sheegay, in ay lashaqaynayaan Jaaliyada Soomaalida, kana shaqaynayaan ammaankooda.

Waxaa shirkaas jaraa'id laga xusay maqaalkii uu qoray wargeyska StarTribune cinwaaka uga dhigay [Area donors may have given to Somali terror group], taas oo Soomaalidu yiraahdeen manihin argagixiso, lamana xiriiro argagixiso, waana khalad in sawir xun laga bixiyo Jaaliyad kamida Jaaliyadaha wadanka kuwa ugu nabadgelyada badan, uguna dhawrista badan qawaaniinta iyo xeerarka wadanka [USA].

Shirkaan jaraa'id oo sida lashegay ujeedada ugu muhiimsanayd ee lagalahaa ay ahayd in Jaaliyada Soomaalida Minnesota ay cod midaysan lahaadaan, muujiyaana sida ay u dhawrayaan qawaaniinta dalka, isla mar ahaantaana ay si xor ah u muujinayaan waxa ay xaqa u leeyihiin, aana lagu sifayn wax aysan ahayn.

Inkasta oo aan lahayn qiyaas rasmi ah ee Soomaalida kudhaqan Minnesota, hadana waxaa tiradooda lagu qiyaasay 50,000 qof.

Wararka kale ee kaimanaya Minnesota ayaa sheegaya in Cali Warsame oo ahaa Soomaaligii bishan Oct 15keedii lagu dhaawac Minnesota uu geeriyoodey.

Wargal Jooga Minneapolis, USA

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM

2001-10-25


Soomaalida Minnesota oo Maanta Qabanaya Shir Jaraa'id
 
XAGEE: Brian Coile Center, MPLS
GOORMA: Maanta, Arbaca 24/10/2001
WAQTIGA: 6:00 pm (Central Time)
 

Wararka Soomaalida Minnesota
 

October 24, 2001

Warar aan ka helay ilo war gal ah ayaa sheegaya in Shirka Jaraa'id ee Maanta (Arbaca 24/10/2001) ay Soomaalidu ku qabanayaan Minnesota uu kadhici doono ama lagu qabandoono xarunta lagu magcaabo Brian Coile Center oo Kutaal xaafada Cedar, Minneapolis. Waxaana shirkaas jaraa'id qabsoomid doonaa saacadu marka ay tahay 6:00PM waqtiga Minnesota.

Warku wuxuu intaas ku daray in Soomaalida Minnesota ay markii ugu horeysey ku midoobeen hal mowqif oo kadhexeeya Soomaalida ku dhaqan gobolkaas, tan oo ay hal mowqif iskataageen arimaha ay ka mid yihiin:

  • Horumarinta bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobolka iyo isu soo dhoweynta Jaaliyadda dhexdeeda.
  • Wanaajinta xiriirka Jaaliyada iyo Jaaliyadaha kale Maraykanka ah ee kudhaqan Gobolka iyo dhammaan dalka Maraykanka.
  • Horumarinta aqoonta bulsha-weynta Soomaaliyeed iyo kala warqabka Jaaliyada dhexdeeda.
  • Kubaraarujinta Jaaliyada dhawrida xeerka iyo qawaaniinta dalka [USA] iyo ogaanshaha waxa ay xaqa u leeyihiin.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in shirkaan jaraa'id u furanyahay dhammaan warbaahinta iyo Jaaliyadahuba in ay kasoo qaybgalaan.

SOURCE: wargal Jooga Minneapolis, MN.

2001-10-24

DISTRIBUTER VIA SOMALITALK.COM

Qoraal laxiriira shirka jaraa'id ka akhri hoos:

 


Soomaalida Kunool Minnesota oo Shir-Jaraa'id oo aad u Wayn Qabandoona Arbacada (Oct 24)
 
Minnesota Minneapolis

Wararka Soomaalida: Minnesota, USA
 

October 21, 2001

Soomaalida ku nool Minnesota USA ayaa la sheegay inay cabsi soo food saartay ka dib markii uu joornaalka afka dheer ee ka soo baxa magaalada Minneapolis oo la yiraahdo Startribune uu quray dhambaal dheer oo uu kaga hadlayo in Soomaalida joogto Minnesota ay suurto gal tahay in ay lacag ama dahab u direen urur la yiraahdo Al-Itixaad oo la sheegay inuu aasaasay nin la yiraahdo Maxamed Caata oo gacan yare u ah Osama Bin Ladin.

Ururkaas oo la sheegay inuu argagixiso yahay oo uu saraakiil sar sare ka dilay dalka itoobiya miinooyinna ku qarxiyay Addis ababa iyo meelo kaleba.

Isla maalin ka dib ayaa la sheegay in oday Soomaaliyeed oo waayeel ah la garaacay, labo haweenna aflagaado iyo hanjabaad loo gaystay oo mid ka midah oo xijaab xirnay lagu yiri waxaabad tahay xaaskii Usama.

Waxaa sii badanaya cabsida iyo xaggaa wax lagu dilay iyo xaggaa wax loogu hanjabay inkastoo aanan badankood la xaqiijinin.

mplscedar Xaafadda Cedar, Minneapolis
Dadwaynaha Soomaaliyeed oo isku duuban ayaa shirar isdaba joog ah isugu yimid, maanta oo ay bisha tahay 20 Octoobar ayaa waxaa dhacay shirkii ugu waynaa oo lagu qabtay agagaarka Cedar oo ah meel ay Soomaalida ku badan tahay. waxaa shirkaas lagu magacaabay gudiyo kala ah:
  • Gudiga la xiriirka wargaysyada
  • Gudiga Nabadgelyada
  • Guddiga arimaha haweenka
  • Guddiga xaafadda Cedar-riverside

Waxaana lagu ballamay in Arbacada (Octobar 24, 2001) la qabto shir-jaa'id oo aad u wayn ay ka soo qayb galaan dhammaan dadwaynaha Soomaaliyeed oo maalintaas iman kara oo dhan.

Waxaana la casuumi doonaa marti sharaf badan oo ay ka mid noqon doonaan mas'uuliyiin sar-sare ee Magaalada ama gobolka Minnesota, waxaa shirkaas shaaca looga qaadi doonaa in ay dadka Soomaalida ee ku nool Minnesoota aanay wax lacag ah u dirin argagixiso iyo in aanay xiriir la lahayn wax argagixiso ah,

...Waxaa suurto gal ah in Soomaalida ku nool Minnesota ay dacweeyaan joornaalka StarTribune ama ay qaaddacaan gadashadiisaba...
iyadoo weliba ay suurto gal tahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota inay dacweeyaan joornaalkaas ama ay qaaddacaan gadashadiisaba.

Soomaalida deggan Rochester, Minnesota ayaa shalay dhigay bannaan bax wayn oo ay ku diidan yihiin wixii joornaalka lagu qoray.

Dadka Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayaa arrintan aad uga midoobay waxaana la saadaaliyay hadday sidaas isugu sii duubtaan inay guulwayn gaari karaan.

Mahamoud Wardere
Minneapolis MN USA
Wardere1@aol.com

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM

2001-10-21


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD