BAYAAN AY SOO SAAREEN DADKA LAGA TIRA BADAN
YAHAY
Waxaa Xafiiska Ururka SIMA shir jaraa’id
isugu yimid dhamaan Marti sharaftii ka kala yimid Qowmiyadaha laga tira
badan yahay. Waxay soo saareen Bayaan ay ugu baaqayaan dhamaan Ummada
Soomaaliyeed meel ay joogaanba.
Waxay si wada jir ah u soo saareen
Baaqan:
- In Hogaamo
dhaqameedyada, Kuwa Siyaasadeed, Kuwa Diineed iyo dhamaan Wax Garadka
Soomaaliyeed ay si rasmi ah u sugaan xaqa ka abaajiyey (duugoobay)
dhamaan dadka la dulmo.
- Inaan ku dhaqanka
dhaqan xumidu ka kor marin mabaadii’da Diinta Islaamka.
- In dadkan la
takooray ay iskaashadaan oo isku duubnaadaan.
- In la dhowro
walaaltinimada ku saleysan Diinta, wax wada qabsiga iyo Wada jirka.
- In Aabiga iyo
Aflagaadada lagu bedelo waxqabad dhab ah.
Waxaa soo gudbiyey
C/Rahman Eelaay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE EELAY...
Faafin: SomaliTalk.com |
April 16, 2005
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com