SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan

MUSAAFIRKA SOONKIISA

Qaybta: 6aad ee Taxanaha Ramadaanka

Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka musaafirka ah inuu iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas la siiyey qof kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku rafaadaya oo aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka kulaylaha ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha, maraakiibta, baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.

Xigmad wayn ayaana ku jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn, haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga yaabaa in qofku meel uusan aqoon u safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka gato uu waayo, amaba inuusan af-garanayn dadka ku nool meesha uu u safray, wuxuuna Rasuulku SCW ku tilmaamay safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra (a.k.n) ka soo wariyey Rasuulka SCW inuu yiri “Safarku waa cad ama qayb cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa, cuntadiisa iyo cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u deg-dego reerkiisii iyo ciddiisii.” Waxaa wariyey Sh. Bukhaari.

QOFKII MAR WALBA AMA BADANAABA SAFAR KU JIRAA MA AFURI KARAA?

Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda looma bannayn qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof kasta oo safar ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka diyaaradaha, tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira, marna ku soo jira.

 kulaabo Qaybta 5aad | Akhri Qaybta 7aad.... Guji

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

-------Asalaamu caleykum--------

Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro  

Nov 8, 2002 | Oct 18, 2003


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD