SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan

Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa
Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo labixiyo soonka markii la furo 

Qaybta: 8aad ee Taxanaha Ramadaanka

Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah

Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la'aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)

Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto

Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4)

Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo

Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.

Yaa la siinayaa

Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.

See loo bixinayaa

Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)

1 ehelkiisa.

2 dariskiisa.

3 qofkasta oo muslima ah.

###

Fure:

  • (1)Abuu Daawuud 1371. Can Ibnu Cabaas.
  • (2)Ibnu Qudaama fii Almuqnii Kitaabka 2 fasal waqtu wujuub zakaat alfitir.
  • (3)Albukhaari Can Naafic Can Ibnu Cumer.
  • (4)Almajmuuc LiANnawawii Kitaabka 6.
  • (5)Bukhaari 1414.
  • (6)Iclaam Almuwaqiciin Li Ibnu Qayim Kitaabka 2.
  • (7)Alum li Alshaaficii baab daycatu Zakaatu Alfitir qabla qasmihaa.
  • (8)Muwata’a Maalik Kitaabka 1 Baab fii ikhraaj almusaafir zakaat alfitir.
  • (9)Almukhtasar Li Alshaaficii walmajmuuc Li ANnawawii Kitaabka 6.

 kulaabo Qaybta 7aad | Akhri Qaybta 9aad.... Guji

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

-------Asalaamu caleykum--------

Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro  

Dec 1, 2002 | Oct 18, 2003


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD