(1)
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan,
waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi
(rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka
adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan
ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka,
waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray
wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar
oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa
wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay
ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday
Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan
carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa
dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa
dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog,
taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu
yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan
diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon,
kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw)
wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay,
dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro
boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il
ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow
meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu
magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan
boqorrada Cajam iyo carbeed.
Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi,
waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa.
Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa
iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad
aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka
reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu
weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka
Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu
u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay
Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka.
Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka
soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo
waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa
saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa
ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo
dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday
Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo
ku taalla Ciraaq).
Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo
socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka
socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa
boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka".
Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka
dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku
xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan
ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan
garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi
doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin
marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii
soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu
ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib
wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta.
Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay
Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay
boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad
ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro
boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah
ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay.
Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka
Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la
kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada
Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu
Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka
ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku
siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada
Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in
la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar,
iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii
Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay
Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin".
Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto
kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo,
dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si
geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay
inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo
ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa
muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii
aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay
boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi
ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa".
Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar
wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar
siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay
ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa
gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u
bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa
haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu
ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa
lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay
saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah
maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar
ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way
muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan
Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray
gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu
ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa
wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib.
Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii
Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay
inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii,
Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u
soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa
yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan
naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer
shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku
taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan.
Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.
Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma
doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi
ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri
"Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi,
wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga
Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta.
Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday
madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista
Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc),
ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu
farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa
waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu
Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday
madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa
tusaale looga deydo geesinimo.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Axad April 16, 2000