Akhristow
waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga ah ee ka mid ahaa asxaabtii
Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma ummadda Islaamka ayaa waxaa ku jira ruux
aanan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku waxay ugu yeeri jireen xilligii Jaahiliga
(Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku maamuusay
diinta Islaamka, ee uu soo islaamay, kuna sharfay la kulankii Nebiga (scw)
ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu yiri magacygu waa
”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa lagu yiraahdaa
Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri, haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan, aabahay iyo
hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka danbeeyay
wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiisna Sakhr. Waxay dadka ugu kunyooni
jireen Abuu Hureyra, sababta loogu baxshayna waxay ahayd, markii uu yaraa
ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taasoo uu jeclaan jiray inuu la cayaaro.
Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu
yeeri jiray ”Abuu Hureyra”, kunyadaas (abuu hureyra) ayuu markii danbe ku
caan baxay.
Islaamiddii
Abuu Hureyra
Abuu Hureyra Allaha
ka raalli noqdee wuxuu ku soo islaamay gacantii Dhufeyl Binu Camar Al-dowsi,
isagoo intaa wixii ka danbeeyay dhex joogay tolkiisa reer Daws jeer laga soo
gaaro sannadkii lixaad hijriyada kadib, halkaasoo uu u soo wafdiyay Rasuulka
(scw) oo joogay magaallada Madiina, wuxuuna la socday qaar ka mid ah tolkiisa
oo iyaguna soo islaamay. Abuu Hureyra wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo u
go’ay u-adeegidda iyo la-jirka Rasuulka (scw). Fadhigiisa iyo deggaankiisu
wuxuu ahaa masjidka, Nebigana (scw) wuxuu ka dhigtay bare iyo hoggaamiye, mana
uusan lahayn xilligaas reer ama caruur.
Sidii uu ugu
baari fali jiray hooyadiis oo gaal ahayd
Abuu Hureyra wuxuu la
noolaa hooyadiis oo waayeel ahayd, taasoo ku adkeysatay shirkiga iyo
gaalnimada. Inkasta oo ay gaal ahayd, haddana Abuu Hureyra ma uusan ka noogi
jirin inuu u duceeyo, wuu u cabsan jiray, wuuna u baari fali jiray markasta,
hase ahaatee iyadu way ka carari jirtay. Way ka tagi jirtay, iyadoo
walbahaarka Abuu Hureyra uu ka walbahaarayo hooyadiis ay buuxinayso laabtiisa.
Abuu Hureyra wuxuu yiri, maalin maalmaha ka mid ah ayaan hooyaday ugu yeeray
diinta islaamka, markaasay waxay Nebiga (scw) ku sheegtay hadal aan dhibsaday,
ina dhaawacay. Wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo oonaya. Rasuulka (scw) ayaa
ku yiri: ”maxaa kaa oohinaya!?”. Wuxuu yiri, waxaan ahaa mid aan ka noogin
yeerista aan hooyaday ugu yeerayo islaamka, halka iyaduna ay diidi jirtay
inay soo islaamto. Hase ahaatee, maanta ayaa waxaan ugu yeeray inay soo
islaamto, dabadeedna waxaan xaggaaga ka maqlay wax aan dhibsado, ee Rasuulkii
Alloow waxaad Ilaah uga baridaa inuu laabteeda islaamka soo aaddiyo. Nebiga (scw)
ayaa u duceeyay Abuu Hureyra hooyadiis. Wuxuu yiri Abuu Hureyra: ”waxaan ku
dhaqaajiyay guriga, markii aan u soo dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay
dhawaaq sida biyo daadanaya oo kale, markii aan damcay inaan gurigii galana
waxay hooyaday igu tiri: joogso meeshaada, dabadeedna waxay xiratay
dharkeedii ka dibna waxay tiri soo gal, markii aan gudaha guriga soo galayna
waxay hooyaday tiri: waxaan qirayaa jiritaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo
qirayaa inuu Muxammad yahay addoonkii iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay
Rasuulka (scw), annigoo farxad awgeed la oonaya sidii saacad ka horeba aan
murugo darteed ula ooyay, annigoo markaas ku leh Rasuulka: bishaarayso
Rasuulkii Alloow…., Ilaah wuu aqbalay ducadaadii oo wuxuu Alle (sw)
hanuuniyay Abuu Hureyra hooyadiis.
Jeceylkii
Abuu Hureyra ee Nebiga (scw)
Abuu Hureyra Ilaah ha
ka raalli noqdee wuxuu aad u jeclaan jiray Rasuulka (scw) jaceyl weliba
saameeyay hilibkiisa iyo dhiigiisaba. Wuxuu Abuu Hureyra ahaa kii aan ka
dhergin aragtida iyo eegista Nebiga (scw), wuxuuna oran jiray: ma aanan arag
wax ka qurxoon kana iftiin badan Rasuulka (scw) jeer la maleeyo in ileyska
iyo iftiinka qoraxda la dul yeelay wejiga xabiibka Nebiga (scw). Abuu Hureyra
Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu ku mahadin jiray Allihii ku galladaystay
inuu noqdo saaxiibka Nebiga (scw) iyo inuu qaato diintiisa iyo hanuunkiisa,
wuxuuna oran jiray:
Waxaa mahad
iska leh Allihii Abuu Hureyra ku hanuuniyay Islaamka.
Waxaa mahad
iska leh Allihii Abuu Hureyra baray qur’aanka.
Waxaa mahad
iska leh Allihii Abuu hureyra ku manneystay inuu noqdo saaxiibkii Nebiga (scw).
Sidii uu Abuu Hureyra
u jeclaa Nebiga (scw), ayuu misna uu u jeclaa cilmiga, wuxuuna cilmiga iyo
aqoontu u ahayd hadaf iyo yool uu tiigsado markasta. Cilmiga ayaa u caado
ahayd Abuu Hureyra Illaah ha raalli noqdee.
Nebiga (scw)
ayaa ugu duceeyay cilmiga
Waxaa sheekeeyay Zeyd
Binu Thaabit Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuuna yiri: goor aan anniga iyo
Abuu Hureyra iyo nin aynu saaxiibo ahayn aan joogno masjidka welibana aynu
Alle baryayno, xusaynana Alle ayaa waxaa nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw)
ilaa uu dhexdeena fariisto, dabadeedna waynu aamusnay. Nebiga (scw) ayaa nagu
yiri, hadalkii aad wadateen u noqda . Anniga iyo saaxiibkay ayaa waxaynu
barinay Alle (sw) -kahor Abu Hureyra intuusan baryin– markaas iyada ahna uu
Rasuulka noo aamiinsanayo (leeyahay aamiin). Haddana, waxaa Alle baryay Abuu
Hureyra isagoo leh: Allahayoow waxaan ku weydiisanayaa waxa ay ku weydiisteen
labadayda saaxiib.. Waxaan ku weydiisanayaa cilmi aan la hilmaamin… Nebiga (scw)
ayaa yiri: aamiin. Annagana waxaynu markale niri: Ilaahayow annagana waxaan
ku weydiisanaynaa cilmi aan la hilmaamin. Nebiga (scw) ayaa ku yiri: waxaa
idinkaga hormaray wiilkii reer Daws ahaa (Abuu Hureyra).
Siduu Abuu Hureyra uu
naftiisa ula jeclaa barashada cilmiga, ayuu misna ula jeclaa dadka inay
weyneeyaan cilmiga. Taasina waxaan ku arki doonaa dhacdadan soo socota. Abuu
Hureyra ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo maray suuqa magaallada Madiina,
wuxuu arkay inay dadkii ku shuqloomeen adduunyo, wuxuu arkay inay ku
mashquuleen bicsharada iibka, gadista, siinta iyo qaadashada. In yar ayuu
dadkii is dul istaagay, dabadeedna wuxuu dadkii ku yiri: Yaa idinka tabar
daran haddaad tihiin reer Madiinoow!!. Waxay yiraahdeen, ma waxaad aragtay
kuwanaga tabarta daran Abuu Hureyrow. Wuxuu yiri, waxaa la qaybsanayaa
dhaxalkii Nebiga (scw), idinkana waxaad fadhidaan halkan..! War miyeydaan
tagaynin oo soo qaadanaynin qaybtiinii!! Waxay yiraahdeen waa halkee?!. Wuxuu
yiri: “masjidka”. Dadkii ayaa u deg-deggay masjidka, Abuu Hureyrana iyaga
ayuu sugay ilaa ay ka soo laabteen. Markii ay u yimaadeen, ayaa waxay ku
yiraahdeen: Abuu Hureyra, waxaynu aadnay masjidkii mana aanan arag wax lagu
qaybsanayay masjidka. Wuxuu ku yiri, miyeydan masjidka ku arag wax dad ah?!.
Waxay yiraahdeen: haa.., waa run oo waxaynu aragnay dad tukanayay, dad
aqrisanayay qur’aanka iyo kuwo kale oo baranayay cilmiga la xidhiidha
xalaasha iyo xaaraanta. Wuxuu yiri, haddaba taas ayaa ah dhaxalkii Nebiga (scw).
Faqrigii iyo
gaajadii uu la kulmay Abuu hureyra
Dhibaatooyin fara
badan ayuu Abuu Hureyra kala kulmay barashada cilmiga diinta iyo u go’idda
fadhiyada Rasuulka (scw), taasoo aynan jirin qof sidiisoo kale ah. Abuu
Hureyra oo arrintan ka sheekeenaya wuxuu yiri: waxaa dhici jirtay inay
gaajada i haysa igu adkaato jeer aan ka noqdo mid asxaabta ka weydiiyo aayad
qur’aan ah -markaasna aan ogahay macnaha aayadda- waxa aan u weydiinayo waa
inuu ii wado gurigiisa oo uu i soo siiyo cunto. Maalin maalmaha ka mid ah
ayaa gaajadii i haysay igu adkaatay, markaas ayaa waxaan caloosha ku xiray
dhagax, waxaana fariistay waddada dhexdeeda. Waxaa waddadii soo maray
Abuubakar (rc) waxaana weydiiyay aayad qur’aan ah, sababta aan u weydiinayana
waa inuu gurigiisa ii kaxeeyo, mana ii kaxeynin. Intaa ka dib, waxaa haddana
waddada soo maray Cumar Binu Al-khaddaab (rc), waxaan weydiiyay aayad qur’aan
ah, isna iima yeerin jeer uu markii danbe ka soo maro Rasuulka (scw), wuxuu
gartay gaajada i haysa wuxuuna yiri: ”Ma Abuu Hureyraa?!”. Waxaan iri, haa,
waana ku ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan raacay, waxaana annigoo la
socdo galnay gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka helay weel caano ku
jireen, markaas ayuu reerkiisa ku yiri: ”intee ayuu nooga yimid kani”. Waxay
yiraahdeen, waxaa kuu soo diray hebel. Wuxuu yiri, Abuu Hureyroow waxaad u
yeertaa jamaacadii la oran jiray Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad masaakiin ah,
kuwaasoo aan lahayn reer iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan jirayn
masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay inaan Ahlu-Sufa ugu yeero weelkan yar ee
caanaha ku jira, waxaana naftayda ku iri: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa
weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal mar dhamo caanahan si aan ugu
xoogeysto, deedna aan iyaga u aado. Waxaan u imid Ahlu-Sufa, waxaana aan ugu
yeeray weelkii caanaha ku jireen. Hal mar ayeey yimaadeen, markii ay soo ag
fariisteen Rasuulka ayaa wuxuu igu yiri: ”intaad qaadid u gee iyaga”. Waxaan
bilaabay inaan mid mid u siiyo caanihii ilaa ay dhammaantood caanihii ka
dhamaan, weelkiina waxaan u celiyay Rasuulka (scw). Nebiga (scw) ayaa
madaxiisa kor u qaaday isagoo muusoonaya, wuxuuna yiri: ”waxaa haray anniga
iyo adiga”. Waxaan iri, run baad sheegtay Rasuulkii Alloow. Wuxuu yiri,
haddaba, cab caanaha, waana cabay. Markale ayuu igu yiri, cab, haddana waan
cabay. Rasuulka (scw) kama uusan suulin kii yiraahda cab, anniguna aan
cabbayo caanihii ilaa markii danbe aan ka iraahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray
waxaan kuu dhaaranayaa inaanan awoodin inaan sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii,
dabadeedna wuxuu cabbay suubbanaha Nebiga (scw) caanihii soo haray.
Waqti dheer kama
aynan soo wareegan xilligaas, jeer kheyraatkii iyo barwaaqooyinkii ay dhex
shubmaan muslimiinta, waxaana korkooda ku soo shubmay qaniimooyinkii ay ka
heleen furashada. Abuu Hureyra wuxuu yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba.
Hase ahaatee waxaasoo kheyraat iyo nimco ah-ba ma aynan beddelin naftiisii
sharafta badnayd, dhinaca kalena ma aynan hilmaansiinin maalmihii uu faqiirka
ahaa, wuxuuna inta badan oran jiray:
”waxaan ku barbaaray
agoonimo, waxaan guuray oo hijrooday annigoo miskiin ah, waxaan shaqaale ka
ahaa beer ay lahayd ina Qazwan annigoo ugu shaqeyn jiray si calooshii ugu
shaqeystinimo ah, waxaan ahaa kii u adeega reerka markay soo deggaan, ratiga
ayaan u kaxeyn jiray, Ilaahayna wuxuu ii sahlay inaan ka guursado shaqadii
beertaas. Waxaa mahad iska leh Allaha diinta islaamka nidaam nooga dhigay,
Abuu Hureyrana ka dhigay hoggaamiye. Abuu Hureyra wuxuu madax ka noqday
magaallada Madiina, isagoo ka socda dowladdii Mucaawiye Binu Abii Sufwaan (rc)
wax ka badan hal jeer, madaxtinimadaas uu noqday Abuu Hureyra ma aynan
beddelin dabeecaddiisii.
Wuxuu ku
tilmaanaa tilmaamo suubban
Illaah ha ka raalli
noqdee wuxuu Abuu Hureyra kulansaday cilmi xeel dheer, cafis iyo saamixitaan
badan, Alle ka cabsi iyo xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii sooma maalintii,
halka habeenkii qayb uu ka tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu salaadda u
toosin jiray reerkiisa habeenka saqda dhexe, habeenka intiisa danbena wuxuu
salaadda u toosin jiray gabadhiisa. Guriga Abuu Hureyra wuxuu ahaa kii aan
laga-kala-goyn cibaadada habeenkii oo dhan. Abuu Hureyra waxaa u shaqeyn
jirtay gabar madoow ah, gabadhii ayaa waxay u gaftay maalin Abuu Hureyra,
dabadeedna wuu istaagay, wuxuuna soo qaatay jeedal si uu markaa ugu garaaco
gabadha. Haddana wuu is qabtay isagoo gabadhii ku leh: “haddii aynan jirin
qisaas maalinta qiyaame waan ku xanuujin lahaa sida aad noo dhaawacdayba,
hase ahaatee waxaan kaa iibinayaa qof i siiya qiimahaaga, waqtigaasna aan aad
ugu baahanahay … Iska tag, Alle dartii ayaan kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra
cabsidiisa Alle ayaa waxaa wehelisay adduunyo naceyb, wuxuu sida badan ku
dadaali jiray u-camal -falka maalinta aakhiro, sidaa darteed wuxuu markasta
ka wel-weli jiray cadaabta iyo xanuunka ay wadato naarta. Maalin ayaa
gabadhiisii waxay ku tiri, aabe gabdhaha saaxiibadayda ah way i caayaan,
waxayna igu yiraahdaan: muxuu aabahaa kuugu gadi waayey dahab?!. Wuxuu ku
yiri, gabadhaydiiyey, waxaad ku tiraahdaa: aabahay wuxuu iiga cabsanayaa
kulka naarta Jahannamo. Diidmada uu Abuu Hureyra gabadhiisa dahabka ugu
diidayay kama ahayn bakheylnimo awgeed, maxaa yeelay wuxuu Abuu hureyra ku
tilmaanaa deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar ahaan xilliga jidka Alle loo
duulayo. Marwaan Binu Al-Xakam ayaa wuxuu Abuu Hureyra u soo diray boqol
diinaar oo dahab ah, maalintii kale markii la gaaray ayaa wuxuu u qoray
warqad uu ku leeyahay sidatan: khaadimkaygii wuu qaldamay oo wuxuu ku siiyay
lacago diinaar ah, annigana kulama aanan doonin, ee waxaan u doonayay qof
aanan adiga ahayn. Abuu Hureyra arrintii wuu ka qoomameeyay, wuxuuna yiri:
waxaan lacagta u bixiyay si jidka Alle ah, markuu mushaarkayga yimaado ka
qaado lacagta. Hase ahaatee, waxay Marwaan ka ahayd oo keliya inuu imtixaano
Abu Hureyra, markii uu arrinkii u fiirsadayna wuxuu oggaaday inuu sax yahay
hadalkiisii.
Hal meel ma
wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya:
Abuu Hureyra wuxuu
weligiis baarri u ahaa hooyadiis, mar alla markuu guriga ka baxayana intuu
istaago iridka aqalka ayaa wuxuu oran jiray: “salaan iyo nabad gelyo korkaada
ha ahaato hooyo” Iyaduna waxay ugu jawaabaysay: “adigana sidoo kale dushaada
ha ahaato naxariistii iyo barakaatkii Alle”. Wuxuu haddana ku yiri: “Allaha
kuugu naxariisto sidii aad annigoo yar igu soo barbaarisay”. Waxay haddana ku
tiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo weyn iigu baarri-fashay”.
Markuu guriga ku soo laabtana wuxuu oran jiray hadalladaas oo kale.
Wuxuu Abuu Hureyra ku
dadaali jiray inuu dadka ugu yeero sidii ay ugu baari-fali lahaayeen
waalidiintooda, iyo xiriirinta qaraabadooda. Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa
hadalkan: "hal meel ma wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya".
Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah arkay labo nin oo wada socda, oo kala da’
weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay waxa uu kan kale u yahay, wuxuuna ku yiri:
“waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu Hureyra ninkii ku yiri: “magaciisa ha ugu
yeerin, hortiisana ha socon, hana fariisan hortiisa.
Safar dheer
iyo sahay yar
Markii uu Abuu
Hureyra xanuunsaday bukaankii dhimashadiisa ayaa uu ooyay, waxaana lagu yiri
maxaad la ooyaysaa?. Wuxuu yiri, lama oynayo cabsida aan ka qabo dunidan tan
ah, hase ahaatee waxaan la ooyay safarka dheer ee i sugayo, iyo saadka iyo
sahayda yari ee aan wato. Waxaan istaagay dhammeystirka waddo, taasoo ii sii
kaxeynaysa Janno ama Naar, mana ogi labadaas meelood meesha aan ku danbeyn
doono. Waxaa Abuu Hureyra soo booqday Marwaan Binu Al-Xakam, isagoo ku leh:
Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo. Wuxuu Abuu Hureyra ku Alla baryay ducadan,
wuxuuna yiri: “Illaahayow waxaan jeclahay la-kulankaaga ee waxaad adiga
jecaataa la kulankayga, iina soo deddeji inaan kula kulmo". Maba uusan Marwan
ka bixin gurigii jeer uu ka geeriyoodo Abuu Hureyra. Illaah ha u naxariisto
Abu Hureyra raxmad waasic ah, wuxuu ummadda muslimiinta u xafiday wax ka
badan kun iyo lix boqol iyo sagaal xaddiis kana mid ah axaadiista Rasuulka (scw),
Ilaahay Islaamka iyo Muslimiinta ha uga jazeeyo kheyr, aamiin