Waxay ahayd goor ay magaalladii Rasuulka (scw) ee Madiina aynan weli
hilmaamin murugadii uga timid geeridii khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar
Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd xilli ay wufuuddii ka kala
imaanayay jihooyinkii kala duwanaa, si ay u doortaan Cumar Binu Khadaab,
iyagoo ballan kula galaya inay siiyaan maqal iyo aqbalitaan waqti kasta oo
lagu jiro.
Haddaba, goor subax ay tahay ayaa waxaa Amiiral-mu’iniinkii cusbaa u soo
galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxaa wafdigaas la socday kooxo kale oo iyagana
la socday wafdiga. Allaha ka raalli noqdee, Cumar Binu Khadaab wuxuu si xiiso
ay ku jirto u dhageysanayay hadalladii iyo dardaaramadii ay u soo jeedinayeen
wufuuddaas, bal si uu uga helo talooyin iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga
anfacda.
Cumar oo ay saamaysay
waanadii Al-Rabiic
Wuxuu Cumar Binu Khadaab hadalka u fasaxay wufuuddii, hase ahaatee
hadalladoodii ma uusan ka helin hadal naftiisa sidaas u sii saamaysay,
wuxuuna markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka fishay, ninkii ayuu u baaqay
inuu hadlo, wuxuuna ku yiri “bal adigana soo daa waxaad hayso”. Ninkii wuxuu
ku mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay, dabadeedna wuxuu yiri:- “adiga
amiiral-mu’miniinoow waxaad ogaataa inaanan ummadda madax lagaaga dhigin aan
ka ahayn inay tahay imtixaan uu Alle kugu imtixaanayo, ee Alle uga cabso
wixii madax lagaaga dhigay, waxaadna ogaataa in haddii hareeraha webiga
Furaat ay ku lunto neef ari ah in xaggeeda lagaa weydiin doono maalinta
qiyaamaha”.
Cumar Binu Khadaab waxaa si weyn u saamaysay hadalkii uu yiri ninkaas,
markaasuu ooyay, wuxuuna yiri “ma jiro qof laga soo billaabo markii aan
khaliifka noqday iigu run sheegay sidaad adiga runta iigu sheegtay, ee kumaad
tahay adiga?”. Wuxuu yiri “Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi”. Cumar ayaa
haddana weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay Haajir Binu Ziyaad?”. Wuxuu yiri
“haa”.
Markii ay dadkii ka kala dareereen fadhigii uu fadhiyay Amiiral
mu'miniinka Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yiri Abuu Musa Al-Ashcari
“waxaad noo soo ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan, hadday daacad ka tahay
hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan wato, isla markaasna uu
noo noqon karo kaalmo weyn”. Kama soo wareegan waqtigaas wax yar, jeer
maalintii danbe uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay ciidankii furanayay
magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-Ahwaz, isagoo markaas fulinayay
amarkii uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar Binu Khadaab. Wuxuu Abuu
Muusa ku daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu Ziyaad iyo walaalkiis
Haajir Binu Ziyaad.
Furashadii Manaadir
Ciidankii uu hoggaaminayay Abuu Muusa waxay go’doomiyeen magaalladii
Manaadir, waxayna gaalladii degganayd halkaas la galeen dagaal aad u weynaa
oo si daran labada dhinac loogu hoobtay. Ciidankii gaallada waxay soo
bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa, taasoo sababtay in ciidamadii
muslimiinta laga laayo tiro aad u fara badan.
Iyagoo sooman ayeey
dagaalamayeen
Maalintaas ay muslimiinta dagaalka galayaan waxay ahayd bil Ramadaan,
sidaa darteed waxay muslimiinta dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu
Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-Rabiic Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii
muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado
raalli ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu markaas naftiisa jidka Alle dartii u
qaddimo. Sidaa darteed wuxuu is mariyay barafuunka ama cadarka la mariyo
meydka, wuuna is kafnay, isagoo u dardaarmayna walaalkiis.
Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee wuxuu jeclaystay
in walaalkiis iyo ciidamada muslimiintaba ay afuraan, wuxuuna u tagay Abuu
Muusa Al-Ashcariyi oo hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna ku yiri “ninkii
Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe
(sw) weliba isagoo sooman, muslimiintiina waxaa isugu darsamay dagaalkii
qaraaraa iyo iyagoo sooman, taasoo tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen
inay afuraan ee wixii kula quman bal sameey”.
Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay isagoo u dhawaaqaya ciidanka,
wuxuuna ku yiri: “muslimiinoow waxaan goostay oo go’aansaday in qof kasta oo
sooman uu afuro, ama uu isaga haro dagaalka”, wuxuuna soo qaatay ibriiq/kirli
biyo ku jiray, sidiina ayuu biyihii ku cabbay, si dadkana ay u raacaan oo ay
iyagana afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda ay waajib tahay inay hadalkiisa
aqbalaan. Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yiri Abuu Muusa ayaa wuxuu
biyihii kabaday hal jeer, wuxuuna yiri “ wallaahi uma cabbin oon i hayay
dartii, hase ahaatee waxaan meel marinayay dhaartii uu dhaartay amiirkayga”.
Waana tarbiyad ay ka barteen macalinkoodii weynaa ee Rasuulka (scw), oo wuxuu
xaddiis macnihiisa ahaa ku yiri isagoo arrintan ka hadlayaya "qofkii aqbala
amiirkayga waa qof i adeecay".
Madaxii Muhaajir oo la
gooyay, lagana soo laalaadiyay meel sare
Intaa kadib, wuxuu Muhaajir seeftiisa kala soo baxay galkeedii, sidiina
ayuu ku galay dagaalkii. Wuxuu seeftiisii ku kala beeray safafkii dagaalka,
wuxuuna billaabay inuu si geesinimo leh oo aan cabsi ku jirin uu dhulka u
dhigo gaalladii uu la dagaalamayay. Inkastoo uu Muhaajir muujiyay
wacdarradaas weyn, haddana waxaa markii danbe korkiisa dhinac weliba ka
haleeshay seefihii iyo warmihii ay soo tuurayeen gaallada, ilaa markii danbe
uu dhulka ku dhaco isagoo dangiigan oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay gaalladii
si aan naxariis lahayn u soo goosteen madaxii Muhaajir, waxayna ka soo
laa-laadiyeen meel sare oo goobta dagaalka ka mid ahayd.
Al-Rabiic: waan ku aargudi
doonaa
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa
yiri "alla ayaan
badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu
wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada. |
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa eegay walaalkiis Muhaajir oo madaxiisa ka soo
laalaada meel sare, markaasuu si ay sugnaansho iimaaneed ku jirto u yiri "alla
ayaan badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu
wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada. Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic
ballan ku galay inuu u aargudi doono walaalkiis, wuxuuna yiri "wallaahi ayaan
ku dhaaranayaa inaan kuu aargudi doono adiga iyo muslimiinta la laayay-ba
inshaalah".
Wuxuu la wareegay
hoggaaminta ciidanka
Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray
geerida sida saxariirta leh ugu timid walaalkiis, ayaa waxaa la qumanaatay
inuu hoggaaminta ciidanka uu uga tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic ula
wareegay hoggaaminta ciidanka, waxayna aadeen magaallada Suus si ay u furtaan.
Ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii hufadii oo
kale hal mar u galeen goobihii ay degganaayeen gaallada. Dagaal ba'an oo dhex
maray ciidamadii muslimiinta iyo gaallada kadib, wuxuu Eebbe (sw) sabab uga
dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad inuu furto magaalladii la oran jiray Manaadir.
Waxay muslimiintii laayeen dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo
qafaasheen ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay qaniimaystay (qaniimada
waa hantida laga soo helo jihaadka).
Xiddigii Al-Rabiic oo soo
birqay
Dagaalkii Manaadir kadib waxaa birqay xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad,
wuxuuna magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud ahaan muslimiintii waqtigaas.
Wuxuu ka mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad madaxda sare loo eego, kuwaasoo
iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu qadhaadhaato. Muslimiintii markay
goosteen inay furtaan gobolka Sijistaan waxay ballan adag ku galeen inuu
Rabiic la wareego hoggaaminta dagaalkaas, iyagoo ka rajo qabay inuu u soo
hoyan doono guulo waaweyn.
Ciidamadii uu hoggaaminayay Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen
dhulka Sijistaan iyagoo jidka Alle ku duulaya. Wuxuu Al-Rabiic mariyay
ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u dheer aadna khatar u ah. Socod dheer
kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la kulmay waxay ahayd magaallada loo
yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladaan oo xad la leh magaallada Sijistaan,
waxayna ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq magaallo aad u cammiran, lehna daaro
aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo saar badan. Waxaa magaallada ku
hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn.
Halyeeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu intuusan magaallada
gelin diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay u soo indha-indheeyaan
xaaladda magaallada.., waxayna ilaaladii soo ogaadeen inay dadka deggan
magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan xaflad ay leeyihiin. Wuxuu Al-Rabiic la
beegsaday qabashada magaallada habeenkii ay dhiganayeen xafladda, sidiina
ayuu si kedo ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku mashquulsan xafladdooda.
Guddoomiyihii oo isna la
qafaashay
Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu soo
qafaashayna kuwo kale oo gaarayay ilaa 20 000 qof, waxaana ku jiray kuwaas la
soo qafaashay guddoomiyihii magaalladaas.
Sidoo kale, waxaa kaloo dadkii la qafaashay ku jiray addoon u shaqayn
jiray guddoomiyaha degmada, wuxuuna haystay markaas lacag gaaraysa 300 000 oo
dirham, (lacag aad iyo aad u fara badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic
ayaa ku yiri ninkii "inteed ka keentay lacagtan faraha badan?!". Wuxuu yiri "waxay
ka timid mid ka mid ah tuulooyinka uu xukumo sayidkayga". Al-Rabiic ayaa ku
yiri "ma tuullo kasta waxay bixisaa lacagtaan oo kale sannad kasta". Wuxuu
yiri "haa". Al-Rabiic ayaa yiri "siday ku dhacday?!". Wuxuu yiri "lacagtaan
waxaan ka soo saarnaa faasasyadeena iyo dhididkeena" oo uu ula jeeday
lacagtaas waa waxaan soo shaqaysanay oo aan ku soo tacabnay.
Muslimiintii oo helay hanti
fara badan
Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa
hoggaamiyaha ciidanka u yimid guddoomiyihii degmada, isagoo doonaya inuu
bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku yiri "waan ku sii deenayaa haddaad
muslimiinta u badiso lacagta furashada". Guddoomiyihii degmada "imisaad
doonaysaa?". Al-Rabiic Binu Ziyaad "waxaan dhulka ku qotominayaa warankan,
dabadeedna waxaad korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada
ama qalinka ilaa aad ka qariso qarin". Guddoomiyhii degmada wuxuu yiri "waan
oggolahay", wuxuuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa,
isagoo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay jeer dahabkii ay
qariyaan waranka.
Furashadii Sijistaan
Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee
waxay ciidankiisii guuleystay guda galeen markale sidii ay u furan lahaayeen
gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxaa is fur-furay dhufeysyadii ku
hareersanaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo tuulooyinka waxay
billaabeen inay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyagoo A-l-Rabiic
ka dalbanaya nabadgelyo kahor intuusan ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe
ka gaaro magaallada Zaranj oo ahayd xarunta gobolka Sijistaan.
Waxyar kadib maba la joogin, jeer ciidamadii gaallada ay u diyaar
garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga
yeerteen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga ahayd,
arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex martay
dagaal si ba'an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba ay ka
dhinteen dad aad u badan.
Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo muuqatay guushii dagaalka ayaa
guddoomiyihii gaallada ee la oran jiray Barweez guda galay siduu ula heshiin
lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u
dhaama dhimmashada kaga imaanaysa dagaalka.
Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu
u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad, wuuna
ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa
inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka
dalbay in hareeraha goobta kulanka lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer
Furus ee dagaalka lagu laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo
waddada labadeeda dhinac ee uu soo mari doono Barweez.
Wuu cabsanayay qofkii arkaa
Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin,
aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic. Barweez
markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad u weyn,
cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu arkay
meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma uusan ku dhiiran
Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka cabsaday in
la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic,
isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil oo dhalinyaro ah, uuna
mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic Binu
Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez.
Maalin aad u weyn ayeey
ahayd
Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo
dadkii degganaa magaallada-na ay garab socdaan tahliishii (Laa ilaaha
Illallaah) iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay qaadayeen muslimiinta. Waxay
ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd maalmaha Eebbe (sw), sidiina ayuu A-Rabiic
Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu furto magaalooyin fara badan oo ka mid ahaa
dhulkii ay degganaayeen reer Furus.
Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay
muslimiinta u kaalmaystaan ka hortagga cadoowga Alle ilaa markii danbe
dowladdii islaamka ay gacanta u gasho qoys la yiraahdo reer Banii Ummaya. Run
ahaantii waxay ahayd nasiib darradii ugu weynayd ee islaamka soo waajaha,
kadib markii dowladdii islaamka ee loo wada dhammaa ay la wareegeen qoyskaas
reer Banii Ummaya.
Al-Rabiic oo madax looga
dhigay Khuraasaan
Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic
Binu Ziyaad kadib markii uu u magacaabay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan.
Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo
wuxuu jeclaa inuusan madax noqon, weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu warqad
ka helay ninka la yiraahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka mid ahaa madaxdii
waaweynaa ee reer Banii Ummaya, dhinaca kalena ka mid ahaa raggii dilay
Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii loo soo
diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa hadalladan “amiiral mu’miniinka
Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad dahabka kiisa huruudka ah iyo kiisa cad (qalinka)
kana mid ah qaniimooyinka jihaadka aad u dhigtid bankiga dhexe ee muslimiinta,
wixii intaas ka soo harana aad u qaybisid mujaahidiinta”, taasina waa mid si
toos uga hor imaanaysa qodobbada ku cad nusuusta qur’aanka. Waxaan ognahay
inuu Eebbe (sw) qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida laga soo helo
jihaadka, iyadoo shan qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka, halka inta soo
hartayna loo qaybinayo mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana amiirka jihaadka.
Noloshii waan ka noogay
Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi dalabkaas si daran ayuu ugu gacan sayray,
wuxuuna warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yiri "waxaan kitaabka
Alle ka helay amar ka duwan kii aad igu soo amartay magaca
amiiral-mu'miniinka", dabadeedna dadkii ayuu isugu yeeray isagoo u
dhawaaqayana wuxuu ku yiri "ku soo kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya qaata",
wuxuuna maalkii qaniimada shan meelood meel u diray bankiga dhexe ee
muslimiinta ee Dimishiq.
Maalintii jumcada ee xigtay markay timid, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad u
soo baxay salaaddii jumcada isagoo xiran dhar cadcad. Dadkii ayuu u jeediyay
khudbaddii jumcada, dabadeedna wuxuu yiri "dadoow waan ka noogay noloshan ee
waan duceenayaaye ee aamiin ii dhaha ducadayda" kadibna wuxuu ku duceystay "Ilaahayow
haddaad kheyr ila doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso si degdeg ah oo
aan dib dhigid lahayn", dadkiina ducadiisa ayeey aamiin u yiraahdeen.
Maalintaas qoraxdeeda ma dhicin jeer uu ka dhinto saxaabigii geesigii ahaa ee
dunidan dhow ka doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha ka raalli noqdo,
hana u naxariisto saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.