UMMU SALAMA
(3)
Ummu Salama magaceedu waxaa
la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed
wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu
ahaa mid aad u deeqsi badan.
Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo
ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba
isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa
u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu
Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana
islaamtay.
Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa
gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay
bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase
ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse,
waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw).
Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay,
ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan
dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu
horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama,
waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo
wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato
jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta aakhiro.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo
magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo
Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen,
haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd
meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw)
saldhiga u ahayd.
Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo
gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen,
sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu
ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go’aan
ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn
ugu qabay magaalada Makka.
Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku
soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa
waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse
dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii
waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen
dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas
qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan,
iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.
Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u
hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan
dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii
hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad u dhib
badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama go’aan ku
gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu
iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii Salama oo nala
socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu
kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka
hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah
qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen,
iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adiga naga baxsatay, sideey
nooga baxsanaysaa gabadha kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu
ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato".
Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga
soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tiri, markii nimankii ay
iga soo wateen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman
reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad ayeey uga
caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen raggii kale
ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa
wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan qaadanno" Sidaa dabadeed waxay labadii
kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama
ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti
gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama.
Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la
cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi
isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i
kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.
Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu
Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u
caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo la kala
geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa
arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi
meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala
geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal
sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi
nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo
dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda,
dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri "War maad
iska sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda
iyo ninkeeda. Nasiib wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.
Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is
weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu
Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii
darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer Banii
Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war hayey
dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka
dibna waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan
wiilkeeda Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu
Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii
wiilkayga Salama la ii soo celiyay.
Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada Madiina, iyadoo
mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa waxaa la kulmay nin la yiraahdo
Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto,
waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto.
Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga
Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan
ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama iyo
wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la kulmeen
Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday
la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka billowdaan
dagaaladii Badar iyo Uxud.
Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad,
nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu
wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama
wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah
ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka (scw) ka
tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama waxay
Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama,
laakiin waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka
kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo
waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw).
Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw).
Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo
xaasaka Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin May 1, 2000