W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi
CUDURKA AIDS-KA
Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa,
maxaana looga hortagi karaa?
Cudarka Aids-ka waxa uu fara ba’an ku hayaa
malaayiin qof oo dunida guudkeeda ku nool, waxaana u nafwaaya dad aan yareyn
maalin walba. Cudarkan oo mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga
sayniska ku takhasusay sidii ay xal ugu heli lahaayeen, dowlado badan iyo
hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo lacag ah sidii loo
xakameyn lahaa cudarkan dilaaga ah. Hadaba waxaa lama-huraan ah inuu qof
waliba fikrad ka haysto waxa uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro
bukaanka cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee
la isugu gudbiyo feyruska keena Cudurkan.
Cudurkan waxaa keena nooc ka mid fayraska
oo loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency Virus), feyraska noocani waxa uu
toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas kadib
hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) waxa uu toos ula midoobaa hidda-sidaha
qofka bukaanka (DNA of the host), waxaana dhacda in ay mideysnaadaan muddo
aan yareyn inta badana lagu qiyaaso 5-10 sanadood, xilligaas oo qofka
bukaanka ahi uusan muujin wax calaamado cudur ah (Assymptomatic period).
Muddadan kadib waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo tarmado
hidda-sidayaashii mideysnaa, dabadeedna weeraro unugyada kale ee jirka, gaar
ahaan unugyada difaaca ee loo yaqaan 'T4 cells' oo ah qeyb ka mid ah
unugyaada cad-cad ee dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada
unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo qofka
caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida Hargabka, Qaaxada, dhaawacyada, iwm,
kuwan oo inta badan sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba.
CALAAMAADAHA LAGU GARTO BUKAHA CUDARKA
AIDSKA
Calaamadaha lagu arko bukaha cudurka
Aids-ka qaba waxaa loo kala saaraa saddex marxaladood oo kala duwan.
Calaamadaha la arko xiliga bilowga qaadida
Feyraska HIV-ga (Period of Acute Infection).
Muddo ku siman toddobaadyo ama ugu badnaan
sanad, taasoo ka billaabaneysa xilliga u horreysa ee uu bukuhu qaado
feyraska HIV-ga ayaa ah xilliga u horreeya ee qofku muujiyo calaamado cudur,
waana xilliga ugu horreeya ee baaris cudurkan ku saabsan la sameyn karo, si
kastaba ha ahaatee caalamadaha uu muujiyo bukuhu marka uu marxaladan joogo
waxaa ka mid ah:
1. Qandho (fever)
2. Madax xanuun (headache)
3. Barar iyo xanuun ku yimaada qanjirada difaaca (lyphadenopathy)
4. Caabuq ku yimaada gudaha dhuunta (pharyngitis)
5. Murqo xanuun (myalgia)
6. Daal (fatigue)
7. Xanuun ku yimaada kala-goysyada (arthratgia)
8. Finan yar-yar oo jirka ka soo yaaca (Macular rash).
Xilliga calaamad la’aanta (Assymptomatic
period) Calaamadahaas aan soo sheegnay waxa ay bukaha ka muuqdaan muddo aan
badneyn oo ku siman maalmo ama toddobaadyo, kadibna bukuhu waxa uu u muuqdaa
qof ladan oo caafimaad qaba xataa waxaa adkaata in baaris lagu ogaado inuu
qabo cudurkan iyo in kale in la isticmaalo qalab horumarsan mooyee, taasna
waxaa ugu wacan hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) iyo midda bukaha ayaa
midooba, taas oo keenta inuusan feyrasku muujin taran ah, taas oo macnaheedu
yahay inuusan jirin wax feyras (HIV) ah oo weerar ku haya unugyada difaaca
jirka. Sidaa darteed ayuusan bukuhu muujin wax calaamado cudur ah.
Maraxaladdan calaamad la’aanta ah ayaa inta badan lagu qiyaasaa in ay ku
sinnaan karto 5-10 sanadood, balse ogow qofkani waxa uu awood u leeyahay
inuu cudurkan gudbiyo.
Calaamadaha la arko xiliga u danbeya ee
cudarka (crisis stage or Aids) Muddadaa dheer ee uusan bukuhu muujineyn wax
calaamado cudur ah kadib, ayuu feyraska (HIV)-gu bilaabaa inuu tarmo
(replication), uuna weerero unugyada difaaca jirka, gaar ahaan kuwa loo
yaqaan "T4 cells", kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad ee dhiigga (WBCs),
taas oo ugu dambeynta keenta inuu difaaca jirka hoos u dhaco amaba howl gabo
gebi ahaanba. Marxaladan marka uu gaaro bukuhu waxaa dhib ugu filan cudur
yar oo ku dhaca sida hargab, iwm, kaas oo keeni kara dhimashada bukuha,
calaamadaha inta badan lagu arko dhibbanaha cudurkan qaba ayaa waxaa ka mid
ah.
1. Barbaro cad-cad (finan) ka soo yaaca
carabka, cirridka iyo gudaha dhabanada (oral hairy leukoplakia)
2. Miisanka qofka oo si joogta ah isu dhima (weight loss)
3. Daal badan (fatigue)
4. Dhidid habeenkii ah (Night sweats)
5. Shuban joogta ah.
6. Nabarro maqaarka sare ka soo baxa (koposis sarcoma)
Inta badan qofku marka uu marxaladan joogo
waxa uu nuglaanaadaa cudarrada ay keenaan Bagteeriyada , fungaska, iyo
qeybaha kale ee feyras-ka, kuwaas oo inta badan soo dedejiya dhimashada
bukaha.
SIYAABAHA LA ISUGU GUDBIYO FEYRASKA
(HIV) EE SABABA CUDURKA AIDS-KA
Feyraska HIV-ga waxaa la isugu gudbin karaa
siyaabo fara badan sida:
1. Galmo lala sameeyo qof qaba cudurka
Aids-ka.
2. Hooyo cudurka qabtaana waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay uurkiisa yeelato,
kaas oo ku dhasha cudurkan laayaanka ah.
3. Dhiigga laga soo qaaday qof cudurka qaba oo lagu shubo qof kale ama la
taabsiiyo nabar ama dhaawac jirkiisa ka mid ah.
4. Makiinad, qalabka qalliinka, iyo qalabka loo adeegsado ilkaha oo loogu
adeegay qof cudurka Aids-ka qaba, qalabkaas oo loo adeegsado qof aan qabin
fayruska.
5. Waxaa kale oo cudurkan la isugu gudbin karaa feyraska HIV-ga, caanaha,
candhuufta, iyo dheecaanada kale ee jirka qofka Aids-ka qaba.
KA-HORTAGGA, XAKAMEYNTA IYO DAAWEYNTA
CUDURKA AIDS-KA.
Ka hortagga iyo xakameynta faafidda
cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii aragti islaami ah lagu fiirsho, noqon
kartana mid aan sahlanayn haddii dhaqanka reer galbeedka loo fiiriyo,
sababtuna waxay tahay faafidda cudurka AIDS-ka ayaa ah mid ku salaysan
gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) inta badan, dadka uu ku dhaco
ayaa intooda badani yihiin ragga-ragga u taga (khaniisiin) iyo dumarka iyo
ragga gogol-dhaafka sameeya. Ka-hortagga cudurkan ayaa qoloba si u aragtaa,
tusaale ahaan Reer Galbeedka ayaa aaminsan ku-barbaarinta iyo baridda
carruurta qaababka galmada (Sexual education) iyo isticmaalka cinjirada
(condoms) inay tahay qaabka ugu wanaagsan ee cudurkaan looga hortegi karo,
balse waxaa la oran karaa waxay ka taliyeen oo kaliya faafiddiisa, waayo
fayraska (HIV)ayaa ah mid laysugu gudbin karo candhuufta iyo dhunkashada .
Si kastaba xaaladdu ha ahaatee siyaabaha
ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortegi karo ayaa ah
1) Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha
ah.
2) Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay cudurkani.
3) Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka kale lagu shubin.
4) Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin.
Dhanka kale, haddii aan ka eegno ma jirto
illaa hadda wax tallaal ah oo cudurka AIDS-ka looga hortegi karo, taasna
waxaa ugu wacan borotiinada loo yaqaan (antigens) ee ku dahaaran fayraska
HIV-ga ee uu ku weeraro unugyada difaaca jirka ayaa ah kuwa isbeddelid badan,
waxaana la arkaa qof kaliya in laga helo boqollaal fayraska HIV-ga ah oo leh
borotiinadaas oo kala duwan. Wuxuu qofku is weydiin kara maxay tahay
xiriirka ka dhexeyn kara tallaalka (vaccine) iyo borotiinadaan (antigens)?
Tallaalka ayaa ah jeermis (Bacteria ama Virus) la dilay ama awooddiisii
cudur-keenid la wiiqay amaba borotiinada (antigens) ku dheehan jeermiska mid
ka mid ah, kadibna lagu duro ama afka laga siiyo qof caafimaad qaba si uu
unugyada difaaca jirkiisa uu cariyo si ay isaga difaaci lahaayeen weerar
kaga yimaada jeermiska tallaalkan laga samayay. Mar haddii uu fayraska HIV-da
uu yahay mid is beddelid badan waxaan suuragal ahayn in loo helo tallaal
rasmi ah.
Waxaa iyana dhibaata badani ka taagan tahay
sidii daawo loogu heli lahaa bukaha cudurkan qaba, maxaa yeelay daawooyinka
illaa hadda la soo saaray ayaa noqday kuwa aan waxtar badan lahayn, balse
dhibaataba u geysta hidda-sidayaasha dhibbanaha (genome of the patient).
Si kastaba ha ahaatee, cudurka AIDS-ka ayaa
caalamku heegan ugu jireeen illaa iyo siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli
lahaayeen, illaa iyo haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa iyo ka-hortaggiisa
midnaba. Qoraalkaygan ayaan waxaan doorbiday inaan ku soo gabagabeeyo sida
uu islaamku u arko cudurkan AIDS-ka .
ISLAAMKA IYO CUDURKA AIDS-ka
Diinta islaamka ayaa si wanaagsan uga
hadashay dhinacyada nolosha aadanaha oo dhan, iyada ayaana ah dastuurka
casri walbaba la jaan-qaadi karta. Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (SCW)
ayaa macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD HADDII AY KU
FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD HORAY U AQOON).
Xadiiskan ayaa ah mid ka turjumaaya xaaladda aynu maantay joogno. Haddaba
cudurka AIDS-ku miyuusan ahayn mid ka yimi gogol-dhaaf (sino) iyo
anshax-xumo (fuxshi) la sameeyay? Miyeysan dalal badan oo dunida ka mid ahi
u ololaynayn inay raggu ragga guursan karaan, dumarkuna dumarka guursan
karaan?
Saynis ahaan iyo islaaami ahaan markaanu ku
fiirinnay cudurkan AIDS-ka ah waxaa inoo caddaatay ibtilo uu Ilaahay
aadanaha ku ibtileeyay kadib markii ay marin-habaabeen, daawadiisa rasmiga
ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay (Quraanka iyo Sunnaha) oo sida uu
yahay loogu dhaqmo.
W.Q. Faarax Axmed Muuse,
colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi
Feb 3, 2003
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com