MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW
Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii
saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu
dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana
ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.
Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW).
(Suuratu-Shucaraa:214).
Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay
buurta Safa wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa wareey)",
markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo
meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo
dirsaday oo ku yiri: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii
la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan
idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo
maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa been kuguma
aannaan baran", markaasuu yiri Rasuulka SCW "waxaan
idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo
kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka
mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer
ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo
ahayd oo uu ku yiri "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka
badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle
waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in
markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si
khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka
badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya
naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka
caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa
la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa
dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "halaag
ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye ma waxaan baad noo
soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey
Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo
xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo
dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo
dejiyey aayadan.
Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana
jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)
Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo
xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay
meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka
ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney
Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.
Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo
diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii
iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole
qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen,
baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen.
Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka
mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna
dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay
ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey,
waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona
wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa,
adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan
tihiin makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib wuxuu ugu
jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.
Rasuulku SCW isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq
uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan
Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma jirto meel walbuuna xaqii
kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in
tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen uuna soo
dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale
waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah
Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan
ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid
ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii
Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal
arrin isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka
kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay
hadday qaarkiin dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa
waalan yahay dadku way idin fahmayaan", markaasey dheheen
adigu noo go'aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri:
"bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii
ayaa warkii bilaabey oo yiri: "waa wax sheege (kaahin)",
Waliid wuxuu yir: "Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin,
waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda", waxay dheheen
aan dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri "ma waalna, waana
naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen aan
dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma aha saaxir, waana
naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan
dhahno waa gabyaa" wuxuu yiri "maaha gabyaa, waana naqaanna
gabayga qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen "maxaan marka
dhahnaa", wuxuu yiri "hadalkiisu waa macaan yahay, wax
kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin
ee bal muddo i siiya waan k a soo fekerayaaye', muddadii ka
dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri "saaxir baa ugu whow",
taas ayaa markaas la go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas
fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga
bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.
Ka dib markii go'aankii Waliid la isku raacey waxay
bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku
qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo
soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku
sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen meelihii ay
dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga
qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw
adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW
daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa
gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa "ha u rumeynina
waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee", qureyshna jidadkii
Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira
waa saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin arrintoodaasi waxay
noqotay dacwo oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW
dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga
cusub oo soo baxay.
Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga
SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo
jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira.
Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo
bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada
qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka
tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sameynayeen iney Rasuulka SCW
rag u soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto
madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu
ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad
jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka
caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu
quruxda badan ayaannu ku siineynaa" hase yeeshee arrimahaas
oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi
Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn,
shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey
waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa
yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin oo
Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u
qeybsanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa:
1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku
oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah isagoo
tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana
ka mid ah:
((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU
WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)
Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay
muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:
((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII
XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN,
MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA)
KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA
BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA)
ILAALIYAAN))
2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii
ay Rasuulka iyo qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan "waa
been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray" arrintaasna
Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:
3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur'aanka
iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney
dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii
ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir
binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii
boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna
ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo
dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni
jirey sheekooyinkaas dhihina jirey "Maxammed igama sheeko
qurxoona".
Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad
iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada
hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW
oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag
yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la
isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah
subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW
tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan
xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu
marna tanaasul oggoleyn.
Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA
CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA
AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA
CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA
DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u
soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in
qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo
jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad
la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii
loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.
Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO
OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)
Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi
waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey,
dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen,
ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa
odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab,
waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo
asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii
waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola
tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka
bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo
asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee
qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay
sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW
isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey
adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad
weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula
tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa
ku dhacayey.
Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa
adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey
Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu sugnaadee ma waxan
baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu
Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa
waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay
kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo
sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu
amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan,
iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in
markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu
Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna
yiri: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa
abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli
jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida
la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu
Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa
Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW.
Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib
badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada
iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo
qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo
kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW
ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay
Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen
markaas ayey ku tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula
fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa
dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma harine
waxay tirisay gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan
caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney".
mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu
dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka
caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga
dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo
nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.
Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka
mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh,
Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW
ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah
ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey
Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka
islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.
Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud
in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay
kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya.
Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer
hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya", waxaa
si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh,
mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW
ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu
garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii
markey arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW
sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud
wuxuu yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma
dhaqaajin karin", sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW
gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday.
Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay
baryey oo yiri saddex jeer "Allow qureysh qabo", dabadeedna
mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: "Allow
qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii
Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu
abii Muceydh", markaasey naxeen maxaa yeelay waxay
rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay.
Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen toddoba,
waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo
lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada", Cuqba
ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu
qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa
Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri "weli ma
dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa"
markaasey dheheen "haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan ku
dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya
inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u
booreynayaa". Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo
kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu go'aankiisii u
fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal
gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: "maxaa
kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah ayaa dhexdayada ka
samaysmay". Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu
yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin
xubin u kala dafi lahayd".
Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu
qur'aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU)
WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO,
RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA
ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU
SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA
WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA
JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq:
6-14)
Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku
yiri: "ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa
Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu
Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid
iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna
qur'aankiisa ku yir:
((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN
FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS)
GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA'IKTA SABAANIYA,
ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA
DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).
Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula
colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay
in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: "Allahayow iigu kaalmee in
toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo
kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa
baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii
haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo
hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga
ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u
yimid oo ku yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo
in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka
Alle u bar". Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka
qaado (abaarta) ay mu'miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW
Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa
ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey
sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo
arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:
((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA
DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA
FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN,
WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY
KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan:
10-14).